SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Shirka Badhan oo Baaq u diray DGPL iyo Shirkadda Range Resources

Shirkii beryahan ka socdey magaalada Badhan ayaa soo gabagaboobey Sabti June 3, 2006, waxaana shirkaas ka soo baxay baaq loo diray madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland iyo Shirkadda Range Resurces, waxaana baaqaas lagu xusay in beesha baaqaas soo saartay aysan ogolaan doonin macdan qodasho aan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah. Waxa kale oo lagu baaqay in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo dadkii loo xiray arrimaha Majayahan.

Baaqaasi soo baxay June 3, 2006 waxa uu u qornaa sidan:

BAAQ
  • Ku: - Madaxtooyada DGPL, Garoowe
  • Ku: - Shirkadda Range Resources, Australia.
  • Ku: - Dhamaan Saxaafada heer Caalimi, sida Reuters iyo AFP
  • Og: - Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nairobi

Ujeeddo :- Baaq ku Salaysan Batrol-ka iyo Macdanta Degaanka Warsangeli.

Anaga oo ah Isimada, Cuqaasha, Guurtida, Culimada, Haweenka, iyo Dhallinyarada waxannu baaqa ujeeddada sare ku xusan u gudbinaynaa dhammaan madaxda baaqani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socdo si ay u fahmaan uguna dhaqmaan baaqan.

  • Hadaba, markay noo sugnatay in dawladda Federalka KMG ay dhamays tiri weydey qawaniintii khayradka dalka lagu baari lahaa , laguna qaybsan lahaa.
  • Markii aannu aragnay in madaxweynaha DGPL ka talo gelin waayey khayraadka dalka dadka beeshan.
  • Markaan aragnay, heshiis ku sheegii madaxweynaha DGPL lagalay shirkadda Range Resource, kulana galay dalka dibaddiisa.
  • Markii aan aragnay dhibaatadii weerarkii gaadmo ee degaanka Majayahan, dhalisayna dil, dhaawac, xarig loo geystey xitaa dad rayad ah oo aan hubaysnayn , taasoo ay dheer tahay khasaare beero, xoolo, xiji iyo boob macdaneed.
  • Markay noo caddaatay in madaxweynaha DGPL dhibtaa ugu badheedhay heshiis aan laga ansixin golayaasha DGPL.

Arimahaas oo dhan ayaa shirweynaha beesha ee ka dhacay Magaalada Badhan wuxu ka soo saaray baaqan :-

  1. Inaaney beeshani tixgelin siinayn, siinna doonin heshiis ku sheegga macdaneed ee kor ku xusan.
  2. Beeshani ma ogola, mana ogolaan doonto macdan qodasho aan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah.
  3. Ciddii ku dhaqmaysa qodobka 2aad waxa beeshan uga yaalla go’aan ka soo baxay shirkan, oo ku cad xeer dhaqameedka beesha.
  4. Wixii dhib ah oo weerarka kor ku xusani gaarsiiyey dadka ehelka ah waxa masuuliyadeeda qaadaya maamulka Puntland iyo shirkadda Range Resource .
  5. Waa in si shuruud la’aan ah lagu siidaayaa dhallinyarada u xidhan qadiyadda Majayahan.

Dadka Baqaan Sixiixey

  1. N /B : Bashiir Ducaale
  2. N/B : Xasan Cali Xasan
  3. N/B: Xasan Awaare Carraale
  4. N/B : Yaasiin Cali Muuse
  5. N/B : Maxamuud Cabdalle Dabshid
  6. N/B: Xasan Faarax Maxamuud
  7. N/B : Jaamac Maxamuud Maxamed
  8. N/B : Maxamuud Faarax Ducaale
  9. N/B : Maxamuud Xasan Maxamuud
  10. N/B : Maxamed Siciid Cabdi
  11. N/B : Axmed Xasan Cabdi
  12. N/B : Maxamed Xasan Cumar
  13. N/B : Jaamac Warsame Faarax
  14. N/B: Axmed Askar Cali
  15. N/B : Cabdi Saalax Jaamac
  16. N/B : Maxamed Xaaji Axmed
  17. N/B : Maxamed Muuse Nuux
  18. N/B: Diiriye Shire Maxamuud
  19. N/B: Xuseen Gurxan Geeddi
  20. N/B : Bashiir Cali Dhahar
  21. N/B: C/laahi Nuur Maxamed
  22. N/B : Maxamuud Yuusuf Shire
  23. N/B: Axmed Siciid Madexey
  24. N/B: Xuseen Maxamed Qoorsheel
  25. N/B : C/laahi Cabdi Ibraahim
  26. N/B : Maxamuud Axmed Yuusuf
  27. N/B: Maxamed Xaaji Axmed (sh.Leben)
  28. N/B : Farxaan Suudi Ducaale
  29. N/B : Xuseen Xaaji Cismaan
  30. N/B : Xasan Jaamac Dhegood
  31. N/B : Axmed Maxxamuud Samatar
  32. N/B: Saxardiid Cali Cumar
  33. N/B: Maxamed Cali Xaaji
  34. N/B: Maxamed Yuusuf Shire
  35. N/B :C/laahi Nuur Maxamed

Guurti:-

  1. Axmed Cali Salaad
  2. Cawed Suldaan Maxamuud
  3. Maxamuud Maxamed Shire
  4. Maxamuud Warsame Sugulle
  5. Maxamuud Jaamac Aar .
  6. C/laahi Yuusuf Xayle
  7. Adan Xirsi Maxamed
  8. Xaamud Axmed Salaad
  9. Xaaji Warsame Adan Yuusuf
  10. Saalax Cali Ayaan
  11. Aadan Jaamac Yare
  12. Nuur Muuse Aadan
  13. Axmed Cali Fanax
  14. Ciise Dhaaye Jibriil
  15. Xasan Maxamed Cabdi
  16. Ciise Maxamuud Maxamed
  17. Yuusuf Saalax Maxamuud
  18. Ismaaciil Axmed Maxamed
  19. Yuusuf Shire Axmed
  20. C/raxmaan Cabdalle Xayle
  21. Khaliif Ducaale Sugulle
  22. Cali Ducaale Yuusuf
  23. Siciid Cabdi Cadde
  24. Maxamed Xiirey Wacays
  25. C/risaaq Maxamed Cabdi
  26. Axmed Maxamed Faarax
  27. Aadan Cabdi Jaamac
  28. C/qaadir Muuse Bidaare
  29. C/laahi Maxamed Xuseen
  30. Maxamed Cali Ciid
  31. Cabdalle Maxamed Faarax
  32. Yuusuf Jaamac Diiriye
  33. Jaamac Cabdi Siciid…
  34. Faarax Cali Muuse
  35. Faarax Axmed Siciiid
  36. Axmed Cismaan Xirsi
  37. Cali Cabdi Jibriil
  38. Aadan Jaamac Xasan
  39. Faarax Nuur Horaadshe
  40. Xasan Maxamed Samatar
  41. Cali Maxamuud Baajineed
  42. Daahir Cali Cabdi
  43. Cawil Maxamuud Jaamac
  44. Cismaan Yuusuf Cabdi
  45. Siciid Ducaale Jibriil
  46. Khaliif Xuseen Kamiin
  47. Axmed Maxamed Ibraahim
  48. Maxamed Cali Maxamed Gaacir
  49. Cabdalle Maxamuud Cabdi
  50. Maxamed Colaad
  51. Maxamed Cali Cabdi
  52. Aadan Jaamac Nuur
  53. Maxamuud Maxamed Qoorsheel
  54. Cali Maxamuud Aadan
  55. C/laahi Maxamed Yuusuf
  56. Cali Cabdulle Faarax
  57. Axmed Cabdi Saalax
  58. Aadan Faarax
  59. C/qaadir Maxamed Faarax
  60. Maxamuud Gaanni
  61. Cabdi Shire Guuleed
  62. Maxamuud Muuse Shire
  63. Mursal Maxamed Cabdi
  64. Cali Faarax Xasan
  65. Daahir Cali Axmed
  66. Maxamed C/laahi
  67. Siciid Maxamuud Ismaaciil
  68. C/laahi Faarax Cali
  69. C/laahi Maxamuud Saleebaan
  70. Maxamed Siciid Saalax
  71. Maxamed Maxamuud Saalax
  72. Sh/ C/qaadir Axmed Ismaaciil
  73. C/laahi Yuusuf Cali
  74. Cabdi Maxamed Xiirey
  75. Cabdalle Maxamuud Naxar
  76. Cali Jaamac Faarax
  77. Cali Maxamed Aw-yuusuf
  78. Sahal Maxamed Jaamac
  79. Xuseen Axmed Cismaan
  80. Jaamac Cartan Maxamed
  81. Sahal Cabdi Maxamed
  82. Siciid Xasan Xaaji
  83. Ibraahim Xasan Faarax
  84. Amxed Ibraahim Yuusuf
  85. Axmed Siciid Xaaji
  86. Jaamac Cabdi Siciid
  87. Axmed Nuur Dhiillood Samatar
  88. Maxmed Faarax Ciise
  89. Mursal Jaamac Luunge
  90. Khaliif Nuur Saalax
  91. Maxamed Cismaan Maxamed
  92. Caydaruus Ismaaciil Maxamed
  93. Cirro Maan-yare
  94. Axmed Maxamed Saalax
  95. Maxamed Abshir Aadan
  96. Geeddi Xasan Gurxan
  97. Maxamed Cumar Axmed
  98. Cali Ciye
  99. Axmed Jaamac
  100. Cali-Salaad Siciid Xaaji
  101. Cabdi Maxamed cabdi
  102. Faarax Cali Maxamed
  103. Cali Khaalid Cismaan
  104. Axmed Saalax Caynab
  105. Siciid Muuse Axmed
  106. Axmed C/laahi Maxamed
  107. Yuusuf Axmed Khurshe
  108. Maxamed Cismaan Siciid
  109. Ismaaciil Yuusuf C/kariim
  110. Siciid Faarax Xirsi
  111. Casayr Faarax Bile
  112. Ciise Muuse Aadan
  113. C/laahi Maxamed Cumar
  114. Axmed Saalax Aw-yuusuf
  115. Aqoon-yahan : Yuusuf Xaaji Siciid
  116. Sahro Jaamac Cali Qoorsheel
  117. Siciid Ducaale Cawar
  118. Ruqiyo Axmed Jaamac
  119. C/qaadir Bidhiidh
  120. C/raxmaan Siciid Nuur
  121. Axmed Faarax Cali
  122. C/xakiim Garaad Maxamuud
  123. Maxamed Axmed Cismaan
  124. Axmed Ismaaciil Suldaan
  125. C/risaaq Saalax Maxamed
  126. C/rashiid Maxamed Jaamac

Isimo Beeleedyada :-

  • Suldaan C/laahi Cartan
  • W/Ugaas : Iimaan Xuseen Xasan

Suldaanka Guud ee Beesha Warsangeli.

  • Suldaan Siciid Suldaan C/salaam

Magaalada Badhan...


Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
Radio Sanaag

Faafin: SomaliTalk.com |  June 3, 2006


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD