SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Maxaabiistii u Xirnaa Qadiyadda Majayahan oo laga si daayey Xabsiga Boosaaso...

Boosaaso, June 6, 2006: Waxaa maanta xabsiga magaalada Boosaaso laga sii daayey dhammaan dadkii loo xiray arrimaha la xiriira qaddiyada macdanta ee magaalada Majayahan.

Sii deynta maxaabiixta ayaa si weyn looga soo dhoweeyey gobolada Puntland ee dalka Soomaaliya.

Magacyada dadka xabisga laga sii daayey waa:

  1. Axmed Maxamed Aadan
  2. Cali Cabdi Saalax "Beerdhige"
  3. Maxamuud Cawed Cali
  4. Cali Saalax Samatar
  5. Cabdi Maxamuud Siciid
  6. Shiine Dawaar Gurxan
  7. Maxamed Faarax Cismaan
  8. Ibraahim Cali Maxamed

Horraantii toddobaadkan ayey ahayd markii baaq ka soo baxay shirkii magaalada Badhan oo ay ku saxiixnaayeen in ka badan 160 ka tirsan isimada iyo waxgarad ayaa lagu xusay in si shuruud la'aan ah lagu sii daayo dadkii loo xirxiray arrimaha Majayahan.

Siideyntii maxaabiista waxaa goob joog ka ahaa madaxweyne xigeenka DGPL, taliyaha ciidanka Booliska PL iyo madax kale oo ka tirsan DGPuntland.

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD