SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Madaxweynaha Puntland oo Markii Ugu Horeysey Sheegay In Shirkado Kale Imaan Karaan Puntland - Hadalkaas oo Khilaafsan Heshiiskii ay Puntland La Gashay Shirkadda "Consort ltd".


Waraysi uu Radio Dalmar la Yeeshay madaxweyne Cadde Muuse: ka Dhegeyso Halkan ama Halkan
Sawirka: Radio Dalmar.

Sidoo kale: Halkan ka dhegeyso Hadalkii uu Cadde Muuse ka jeediyey kulankii Jaaliyada Holland...



Dr. Ilka-Dahab

Georgi Parvanov
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya iyo ururka ay ku bahoobeen 23-ka dowladood ee la isku yiraahdo Saaxil Wasaxaraa, Dr Maxamed Xuseen Maxamed (Ilka-Dahab), ayaa mar uu booqasho ku tegey dalka Bulgaria (bishii 8aad ee 2002) oo uu la kulmay madaxweynaha Bugaariya, Georgi Parvanov, waxa ay ka wada hadleen in shirkaddii Geomin ee ka shaqayn jirtey mashruucii Majeyahan iyo Dhalan ee baarista macdanta dib loo soo celiyo, lagana dhiso halkaas wershed samaysa crystals-ka(qaruuradaha),iyo in dekadaha, garoomada diyaaradaha, iyo isgaarsiinba ay wax ka qabato; gaar ahaan garoomada iyo dekedaha waaweyn ee dalka sida kuwa Muqdishu, Kismaayo Berbera, Boosaaso..Iwm. Dr. Ilkadahab waxaa lagala xiriiri karaa: ILKADAHAB@HOTMAIL.COM

Jay Park

Thomas Valentine
Jay Park iyo Thomas Valentine waa qareeno reer Canada ah oo ay DFKMG u shaqaalaysiisay in ay kala taliyaan sharci u samaynta khayraadka Soomaaliya. {Eeg halkan...]
  • Heshiiska hore waxa uu dhigayey in Xuquuqda Baaritanka Dhulka Puntland ay leedahay Shirkada "Consort ltd".....

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL), Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Gen. Cadde) ayaa safar gaaban ku tegey dalka Netherlands (magaalada Hague) iyo dalka Belgium (magaalada Brussels), halkaas oo uu kulamo kula yeeshay qaar kamid ah jaaliyadaha reer Puntland ee ku dhaqan labadaas dal.

Gen. Cadde Muuse kulamadaas uu la yeeshay jaaliyadaha waxa uu ugu horayn ka war bixiyey xaaladda guud ee Puntland iyo in nabad gelyo ay ka jirto degaanka Puntland. Kaddib waxa uu ka hadlay arrimo la xiriira macdanta/Khayraadka Puntland. Waxana uu sheegay in "Hayadaha waaweyn ay diideen in ay khayraadka soo saaraan ama maal gashadaan sababtoo ah waxa ay yiraahdeen nabad ma ahan, qaar kalena waxa ay yiraahdeen waxay yiraahdeen waxay qaadaneysaa in aan shidaal soo saarno muddo 70-75 sano ah, markii dambe waxaan helay shirkadan taas oo sheegtay in ay 15 sano ku qaadaneyso in ay soo saari doonto, laakiin taas waa ka diidney waxaana kuniri ku hawl gala sagaashan (90) ilaa 120 maalmood, waxaana markii dambe ku heshiiney in ay macdanta soo saaraan kaddibna aan xisaabtano. Waxana uu sheegay in ay jiraan dalal hor taagan in khayraadka laga soo saaro Soomaaliya in kasta oo uusan dalalkaas magacaabin.

Madaxweyne Cadde Muuse oo weli ka hadlaya arrimaha shirkadaha ayaa waxa uu markii ugu horeysey xaqiijiyey hadal si weyn uga hor imanaya heshiiskii ay hore u wada galeen shirkadda "Consort ltd", hadalkaas oo ah in uu madaxweynuhu sheegay "in aan Khayraadka Puntland la siin hal shirkad oo keliya, balse (Puntland) loo qaybiyey qaab ah Blocs, ama qayb-qayb", waxana uu sheegay in ay shirkado kale imaan karaan.

Hadalkaasi waxa uu si toos ah uga hor imanaya heshiiskii hore u dhex maray madaxda sare ee DGPL iyo shirkadda "Consort ltd", heshiiskaas oo ahaa in ay shirkadaasi leedahay xuquuqda baaritaanka iyo qodista macdanta/shidaalka ee gebi ahaan inta maamusho DGPL.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu waraysi uu siiyey idaacada Radio Dalmar ee Holland uu qiray in dalka lagu dhiqi doono xeerkii macdanta ee dawladii hore ee Soomaaliya "Mineral Code", waxana uu xaqiijiyey in ay Dowladda Federaalku ay kiraysatay Qareeno sharci macdaneed samaynaya. Waxana uu carrabka ku adkeeyey "Sheydaan Ilcad haddii uu yimaado Puntland ninkii wax noo soo saaraya ayaan rabnaa.".

Gen. Cadde Muuse waxa uu ku celceliyey in ay Puntland rabto in macdan laga soo saaro, waxaase dad badan oo taariikhda Soomaaliya yaqaan is weydiiyaan waxa uu madaxweynuhu u xusi waayey in hore Puntland macdan aad u farabadan laga soo saaray sanadihii toddobaataneeyadii iyo horaantii sanadihii siteemaadkii, xilligaas oo shirkad Reer Bulgaria ah ay macdan ka qodi jirtey Majayahay iyo Dhalan. Xilligaas macdantii ay shirkadaasi soo saartay aan looga faa'iidayn dadka degaanka. Magaalada Boosaaso ayaa doonyo looga raray shixnado ah macdantii laga soo saaray Majayhay iyo Dhalan, lacagtii ka soo baxdayna wax horumarin ah laguma samayn dadka deegaanka iyo guud ahaan gobolka Bari.

Waxaa taas u dhiganta in ilaa hadda la sheegay in DGPL arrimaha la xiriira macdan qodista awgeed lagu siiyey lacag dhan 3 million oo doolar, taa soo sida warbixinadu sheegeen aan ku dhicin khasnadda Dowladda, halkaas weeye meesha ay DGPL fahmi la' dahay in ay keentay aamin darrada ay shacabku ka muujiyeen arrimaha baaritanka Macdanta, marka laga soo tago shirkada "Consort ltd' oo ah shirkad macmal ah oo uu Terry iyo qaar ka mid ah wasiirada Puntland kusoo asaaseen jasiiradaha Maldives ee badweynata Hindiya. (Waxaana la xusuustaa in madaxweyne Cadde markii la doortay hadaladii ugu horeeyey ee uu sheegay ay ahaayeen in uu la dagaaladmi doono musuq-maasuqa.)

Waxaa xusid mudan in Shirkadda 'Consort ltd' markii ay heshay xuquuqda macdan iyo shidaal qodista Puntland ay saamiyada badankooda ka sii iibisey "Range Resources" oo reer Australia ah.

Weli wax jawaab ah oo ku saabsan hadalka cusub ee madaxweynaha kama soo bixin shirkadda Range Resources.

Ilaa markii uu ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, warqada u diray Puntland intii ka dambeysey waxaa hoos u dhac ku yimid saamiyada ay shirkada Range Resources ee suuqa Ganacsiga ee dalka Australia (ASX), eeg shaxda hoose oo muujineysa saamiyada shirkadaas ee Bishan June 1 ilaa June 8, 2006.

Dabayaaqadii Bishii April ee sannadkan 2006 ayey ahayd markii ay magaalada Jakarta ay kulan ku yeesheen koox ah lataliyayaal ka socdey madaxweynaah DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo qareen reer Canada ah oo magaciisa la yiraahdo J. Jay Park, kulankaas oo ku saabsanaa sidii sharci loogu samayn lahaa khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya [Eeh Halkan].

Kulan ay magaalada Boosaaso ku yeesheen wafti uu hoggaaminayey guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan, iyo maamulka Puntland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Cadde Muuse ayaa May 30, 2006 lagu kala saxiixday qodobo uu ka mid ahaa: In meeshiisa laga wado barnaamijka baarista, soo saarista macaadinta iyo shidaalka Puntland, lana xurmeeyo wixii heshiisyo ahaa ee labada dhinac horay u wada gaareen kuna saabsan arrintan, iyadoo aan arrintaasi cidna loo xirayn lagana dhigayo qaab Blocks ah (ama qayb-qayb). [Eeg halkan].


MO'OGTAHAY: Ka hor intii aysan dhicin xukuumadii Maxamed Siyaad Barre, 1991, warbaahinta Soomaaliya sida raadiyaha, TV-ga iyo joornaalada waxaa gacanta ku hayey xukuumada. Waxaa dalka ka soo bixi jirey hal joornaal oo lagu magacaabi jirey Xiddigta Oktoobar, joornaalkaas oo ku soo bixi jirey luqadaha Soomaaliga, Igirisiis, Carabi iyo Talyaani, waxana ay toos u hoos imaan jireen wasaaraddii Warfaafinta. Xilligaas dalka Soomaaliya waxaa ka jirey hal hay'ad oo war-faafineed oo lagu magacaabi jirey SONNA (Somali National News Agency) taas oo wixii war ah oo dalka Soomaaliya laga faafinayo u qaybin jirtey wakaaladaha wararka ee adduunka.

Soomaaliya xilligaas waxa ay lahayd laba Raadiye oo kala ahaa Raadiye Muqdisho iyo Hargeysa. Raadiyaha Muqdisho waxa uu laba saacadood soo deyn jirey barnaamijyo ku baxa luqadaha Afar, Amharic, Arabic, English, French, Italian, Oromo, and Swahili.

Telefishankii Muqdisho oo hoos iman jirey wasaaradda Warfaafinta waxaa la furay sannadkii 1983, waxana uu hawada ku jiri jirey laba saacadood maalin kasta, waxana uu gaari jirey magaalada Muqdisho oo keliya.

Mase ogtahay in maamulada hadda ka jira Soomaaliya ay dadaal ugu jiraan soo celinta nidaam u dhigma kii war-baahinta ee xukuumadii Siyaad Barre, si ay u xakameeyaan warka gaaraya shacabka, aana dowladda loola xisaabtamin, waxa ay rabto oo keliyana warbaahintu baahiso.

Faafin: SomaliTalk.com | June 9, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD