SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Range Resources oo u Hanjabtey Websiteyada Ka Hadla Danaha Soomaaliyeed

Tarjumadii SomaliTalk.com iyo warbixin kooban | June 1, 2006

  • Shirkad u Dhaaraneysa dadkii Dalka lahaa dan ma u haysaa dalkaas...

  • Habkii Jirri-nimada ee uu ku Tilmaamay Cadde Muuse oo......

Waxaa arrin layaab leh noqotay in maanta (June 1, 2006) ay shirkadda Range Resources warqad ay u dirtay suuqa ganacsiga ee Australia (ASX) ay ugu hanjabtey websiteyo ay ku tilmaantay inay ka faafiyeen war been ah oo ay tiri waxaa warkaas loo aaneeyey ama lagu xiriiriyey Laanta Afka Soomaaliga ee British Broadcasting Corporation. Taas oo ay ku tilmaantay in ay bateen daabacaada wararka lagaga soo hor jeedo.

Range Resources waxa ay ku hanjabtey in ay dabagal ku samayneysa shirkadaha marti geliya websiteyaas.

Range Resources warqadda ay suuqa ganacsiga u dirtay kuma xusin  hadalkii Madaxweynaha DGPL ee uu ka sheegay British Broadcasting Corportion ee ahaa in shirkadaha uu heshiiska la galay uu ku tilmaamay in ay yihiin shirkad yar oo ah "JIRRI" ah, ayna garbaha ku sitaan hub. (Hadalkii Cadde Muuse ka dhegeyso halkan.... ).

Range Resources waxa keliya oo ay qoraalkooda ku xuseen shan qodob oo ka mid ah lixdii qodob ee ku qornaa heshiiskii ay May 30, 2006 kala saxiixdeen Cadde Muuse iyo Shariif Xasan.

Qoraalka Range Resources qaybta ay ku hanjabayaan ayaa ku bilowday sidan:

Qoraal lagu qoray Internetka:

Shirkaddu (Range Resources) waxa ay muddo ku baraarugsanayd qoraalo been ah oo lagu soo bandhigay Website-yo, iyo akhaar majara-habaabin ah oo ku saabsan shirkadda, iyo hawlaha ay shirkaddu ka wado Puntland iyo ficillada dowladda Puntland. Qoraaladaas la daabacay iyo warbixinnadaas beenta ah taageero kama haystaan dadka reer Puntland badankiisa, xaqiiqadiina, kama soo bilaaban gudaha dalka, laakiin waxa ay ka yimaadeen xoogaa yar oo dibada dalka ka joogta. Qoraaladaas la daabacay dhowaantan ayey siyaadeen ayagoo ay kobcisey warbixino been ah oo loo aaneeyey laanta Afka Soomaaliga ee British Broadcasting Corporation. Keliya shirkaddu British Broadcasting Corportaion uma sheegin warbixinta beenta ah ee ayaga lagu xiriiriyey, balse sidoo kale waxa ay xulatay (qabsatay) qayb qaabilsan latalinta (Information Security Consultant) si ay u daba gasho shirkadaha marti geliya websiteyadaa si ay u eegaan si loo bilaabo in laga qaado arrimo la xiriirta sharciga.

Range oo hadalkeedii sii wadata waxa ay tiri: Shirkaddu waxa ay rumaysan tahay in kororka warbixinada beenta ah ee majara habaabinta ah ay ka dhasheen horumarka iyo sumcadda Range ee ah in ay bilaabayaan qodista Puntland iyo soo bandhigidda ay muujiyeen in ay macdan iyo shidaal badan uu ku jiro gobolka. Arrimahaas waxaa lagu carqaladaynayaa heshiiska hadda jira iyagoo shakhsiyadkaasi rajaynayaan in ay iyagu ka faa'iidaan qaybaha kale ee doonaya in ay helaan fursado ay ku baaraan Puntland.

Qodobka 2aad ee heshiikii May 30, 2006:
In meeshiisa laga wado barnaamijka baarista, soo saarista macaadinta iyo shidaalka Puntland, lana xurmeeyo wixii heshiisyo ahaa ee labada dhinac horay u wada gaareen kuna saabsan arrintan,
iyadoo aan arrintaasi cidna loo xirayn lagana dhigayo qaab Blocks ah

Haddii aan dib u jalleecno qoraalka shirkadaas, waxaa ugu horayn kaaga soo baxaya in ay ku baraarugeen in heshiiska ay la galeen Puntland lagula tartamayo mar dhow, maadaama qodob ka mid ah heshiiska ay saxiixeen Cadde Muuse iyo Shariif Xasan uu xusayo qaabka loo yaqaan "BLOCKS" oo aan cidn aloo xirayn, qaabkaas oo ah in cid kale loo ogolaan karo in ay tartan ku gasho soo saaridda khayraadka Soomaaliya, arrintaas oo laga hoos bixiyey madaxda Puntland. Waxaana sidaas ku suurta geliya hadalkii uu Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi, ku qoray warqaddiisii May 18, 2006, ee ahaa in tixgelin lasiin doono kuwii ay dowladii hore ee Soomaaliya la gashay heshiisyada ama qandaraasyada shidaal baarista. Waxaana adduunka markasta tix-gelin la siiyaa in la ictiraafo heshiisyadii, amaahdii, deyntii, iwm, ay gashay dowladdii ka horeysey dowladda markaas jirta.

Waxaa taas dheer in Shariif Xasan uu sheegay in sharci loo samaynayo Khayraadka Soomaaliya, taas oo soo saaridda shidaalka Soomaaliya gacanta u gelineysa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sida uu qabo dastuurka Federaalka Soomaaliya. (Warbixino dheeraad ah ka Eeg Lifaqa Hoose).

Markii ay arrimhaas indhaha ku kala qaadeen ayey Range Resources bilaabeen hanjabaad ay u hanjabayan warbaahinta ka hadasha arrimaaha Soomaaliya.

Isku soo duub oo waxaa cajaa'ib badan dad dhulkooda loogu hanjabayo. Dowalda loo hanjabayo, waayo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha DFKMG labaduba waxa ay ka hor yimaadeen heshiiska ay DGPL la gashay shirkado ajnabi ah ayadoo aan la soo marin Dowladda Dhexe.

Waxaa taas dheer in ay muuqato in ay shirkadaasi rabto in aan Dowladda Puntland lagula xisaabtamin meesha ay marto $200,000 ee ay sheegtay in ay bil kasta siiyaan Puntland. Halkan dhegeyso...

Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka soo hor jeestay heshiiskii dhex maray Cadde Muuse iyo Shariif Xasan...

Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka KMG oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa si weyn uga soo hor-jeestay heshiiskii dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse, waxaana heshiisku uu dhigayaa in maamul Gobaleedku ay u madax banaan yihiin ay macaadin kala soo baxaan dhulka maamul Gobaleedka Puntland, iyadoo Dowladda Federaalkana ay kor kala socon doonto.

Siciid Xasan Shire oo ah Wasiir ku xigeenka Horumarinta Reer Miyiga ee Dowladda Federaalka ayaa heshiiska dhex maray labada dhinac ku tilmaamay mid sharci daro ah.

“Waxa la doonayaa in kheyraadkii maamul Gobaleed-ka Puntland loo xalaaleeyo shirkado maafiyo ah” ayuu yir Wasiir ku xigeenka oo u soo jeediyay dadweynaha ku nool Maamul Goabaleedka Puntland in ay ka hor tagaan ama ay iska diidan heshiiskaasi, waxaa la weydiiyay maxaad hor taagan tahay in Puntland ay soo saarato kheyraadkeeda?.

Waxa uuna ku jawaabay Wasiir ku xigeenku “anigu ma diidani in shacabka Puntland ay soo saartaan kheraadkooda, balse waxaan ka soo horjeedaa wixii sharci daro ah”.

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2006

LIFAAQ: WARBIXIN KOOBAN:::


Pro. Cali Maxamed Geeddi, Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya.

Slideshow image
C/Lahi Yusuf

Shariif Xasan

Cadde Muuse

Heshiiska ay kala saxiixdeen Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG iyo Madaxweynaha DGPL: Qodobka labaad waxa uu ku bilaabmayaa sidan:  (2) In meeshiisa laga wado barnaamijka baarista, soo saarista macaadinta iyo shidaalka Puntland...... Halka qodobka  saddexaad uu ku bilaabanayo sidan: (3) In labada dhinac ay bilaabaan wadahadal ku saabsan sed qaybsiga inta aan la gaarin wax soo saarka macaadinta iyo shidaalka Puntland laga helo.

Waxaa heshiiskaas dhinac socda in Shariif Xasan Sh. Aadan, Guddoomiyaha baarlamaanda DFKMG, intii uu joogey magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee Soomaaliya in uu sheegay in dhowaan sharci loo samaynayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, arrintaas oo uu ku waafaqay hadalkii ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi ee sharci u samaynta khayraadka dabiiciga ah ee dalka. (Hadalkii Shariif Xassan ka dhegeyso halkan...) (Hadalkaas waxa uu yiri May 29, 2006 asagoo joogey Boosaaso). Isla waqtigaas Madaxweynaha Puntland, Gen. Cadde Muuse waxa uu shirkdaha ay heshiiska la saxiixdeen ku tilmaamay JIRRI. (Halkan ka dhegeyso hadalkii Cadde Muuse).

Isla maalintii uu Madaxweynaha Puntland hadalkaas yiri ("Waa run weeye, JIRRI* weeye, annagaana dooranay, shariikad weyn waxba noo qaban meyso, boqol sano ayey waxna noo qaban waayeen.") waxaa hoos u dhacay saamiyadii shirkadda Range Resources ee suuqa ganacsiga Australia, waxana ay hoos u dhaceen -5.56%, ayagoo noqday in lagu kla iibsado 0.034 (oo ah centiyaad ah lacagta Australia.).

Markaas ayaa shirkadaasi mar kale waxa ay xanibeen ama joojiyeen in la iibsado saamiyadooda (Trading Halt) ayagoo sheegay in ay sidaas u yeeleen in ay qoraal u diri doonaan suuqa ganacsiga ee Australia. Maanta (June 1, 2006) ayey qoraalkaas u direen suuqa ganacsiga sida aan kor kusoo xusnay. (Eeg halkan)

Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo bishii September 2005 ayaa wax laga weydiiyey arimaha ku saabsan shidaalka laga baarayo Puntland ee DGPL ay tiri anagaa xaq u leh in aan saxiixano heshiis caalami ah, halka Cali Maxamed Geedi oo ah Ra'iisul wasaaraha DFKMG uu heshiiska Puntland iyo shirkadaha Australia uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxa uu Cabdullahi Yusuuf ku jawaabey: "Fikradayda haddaad dooneyso waxa weeye sida sharciga, nidaamka iyo dastuurku qorayaan baan aaminsanahay anigu." ... "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." (Eeg halkan..).

Gudoomiyaha Hay’adda INXA ee Gobolada Puntland Cabdi Faarax oo welina ku jira Xabsiga Bosaaso.

Boosaso-June 1, 2006: Waxaa weli maalintii sadexaad ku jira Saldhiga Magaalada Bosaaso Guddoomiyaha Bulshada Rayidka Ururka INXA Xafiiska Gobolada Puntland Cabdi Faarax, kadib markii uu isku dayey si nabad ah inuu ku dhigo banaanbax lagu muujinayo sida bulshada uga xuntahay Dagaalada Macnodarada ah ee Muqdisho ugu dhimanayaan Shacabka Soomaaliyeed. Akhri halkan...

May 31, 2006: Shariif Xasan oo Safar Dhulka ah ku soo maray Qardho, Garoowe iyo Galkacyo:

Waftiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa subaxnimadii Arbacada May 31, 2006 ka soo ambabaxay magaalada Dekeda ah ee Boosaaso  oo uu guddoomiyuhu heshiis kula soo saxiixay madaxweynaha DGPL, waxana ay waftiga guddoomiyuhu soo qaaday jidka dheer ee isku xira Boosaaso ilaa Muqdisho. Waxaana Waftigu ay soo mareen magaalooyinka Qardho, Garowe iyo Galkacyo oo ay soo gaareen abaarihii shantii galabnimo waqtiga Geeska Afrika.

Heshiis ay Wada Saxiixeen Shariif Xasan iyo Cadde Muuse

Kulankii heshiiska lagu saxiixayey oo ka dhacay Boosaaso May 30, 2006, waxaa qodobadii heshiiska ka akhriyey Caydaruus Cismaan Yuusuf oo ah agaasimaha madaxtooyada maamul Goboleedka Puntland. Caydaruus oo akhrinaya qodobada heshiiska Halkan ka dhegeyso ama akhri hoos:

Caydaruus waxa uu yiri: Memorandum of Understanding (Qoraal rasmi ah oo is afgarad) oo ay wada saxiixi doonaan haddii Allah idmo, kusimaha madaxweynaha Dowladda Federaalka ahna guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah iyo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, mudane Maxamuud Muuse Xirsi, waxana uu u qoran yahay sidatan:

Heshiis is afgarad:


Xarunata Madaxtooyada Puntland, Boosaaso, G/Bari | Sawirka: plpost.

Maanta oo ah Talaada May 30, 2006, waxaa xafiiska madaxtooyada Puntland ee Boosaaso heshiis is-afgarad ku kala saxiixday wafti ka socda Baarlamaanka Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka, Shariif Xasan Shiikh Aadan, ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya, iyo masuuliyiinta Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Maxamuud Muuse Xirsi.

Labada dhinac waxay isku afgarteen:

  1. In Dowlad Goboleedka Puntland ay ka laabato kalsoonidii ay kala noqotay Ra'iisal wasaaraha dowladda Federaalka Cali Maxamed Geeddi.
     
  2. In meeshiisa laga wado barnaamijka baarista, soo saarista macaadinta iyo shidaalka Puntland, lana xurmeeyo wixii heshiisyo ahaa ee labada dhinac horay u wada gaareen kuna saabsan arrintan, iyadoo aan arrintaasi cidna loo xirayn lagana dhigayo qaab Blocks ah (ama qayb-qayb).
     
  3. In labada dhinac ay bilaabaan wadahadal ku saabsan sed qaybsiga inta aan la gaarin wax soo saarka macaadinta iyo shidaalka Puntland laga helo.
     
  4. In la sameeyo shuruucda habaynaya baarista, soo saarka, maamulka iyo sed qaybsiga kheyraadka ku jira dhulka iyo badda hoostooda sida macdanta, shidaalka, IWM - samaynta sharcigaasi wuxuu noqonayaa mid si wadajir ah looga wada tashanayo.
     
  5. In ay labada dhinac abuuraan jawi Iskaashi iyo wadatashi iyadoo wixii xiriir iyo farriimo ah loo marayo oo keliya nidaamka rasmiga ah.
     
  6. In labada dhinac ay kawada shaqeeyaan ka hortagga wixii xiriirkooda wax u dhimaya layskana dhowraa wixii xasaasiyad keeni kara.
Shariif Xasan Sh. Aadan,
Sii haya xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Kumeelgaarka, ahna guddoomiha Baarlamaanka
Maxamuud Muuse Xirsi,
Madaxweynaha Dowladda Puntland

May 30, 2006

Cadde Muuse oo Markii ugu horeysey Qiray Shirkadda uu Heshiiska Lagalay in ay Tahay Jirri hubaysan....
Sidaas waxa uu shaaca ka qaaday mar su'aal laga weydiiyey arrinta shirkadaha  uu.... Guji......  

Faafin: SomaliTalk.com |  June 1, 2006


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD