SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Madaxweynaha Soomaaliya: "Khayraadka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda waxaa iska leh Dawlada Dhexe."

Slideshow image
C/Lahi Yusuf Axmed, MDFKMG

(September 9, 2005): Madaxweynaha Dawlada Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya (DFKMG), Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo ay waraysi Jimcadii Sept 9 la yeelatay Idaacada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation, ayaa wax laga weydiiyey arimaha ku saabsan shidaalka laga baarayo Puntland ee DGPL ay tiri anagaa xaq u leh in aan saxiixano heshiis caalami ah, halka Cali Maxamed Geedi oo ah Ra'iisul wasaaraha DFKMG uu heshiiska Puntland iyo shirkadaha Australia uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, waxa uu Cabdullahi Yusuuf ku jawaabey: "Fikradayda haddaad dooneyso waxa weeye sida sharciga, nidaamka iyo dastuurku qorayaan baan aaminsanahay anigu."

Waxana uu intaas ku daray: "Puntland madax baan u ahaan jirey, madaxweyneheedii ayaan ahaa, lix sano ayaan madax u ahaa, haatana madaweynihii qaranka ayaan ahay. Puntland waxay ku khaldan tahay anigu ku raaci mayo, Puntland waxa laga doonaa, oo qolo kasta oo kale oo Soomaali ah laga doonayaa, oo dawlad goboleedii dhisantaba laga doonayaa waxaa loo baahan yahay in ay ogadaan in Wixii Khayraadka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda waxaa iska leh Dawlada Dhexe."

Cabdullaahi Yuusuf oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis."

August 28keedii 2005 ayey ahayd markii Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlayey heshiiska Puntland iyo shirkada Australia uu yiri:  "Ilaa ay dawladda (FKMG) soo agaasinto sharci ku saabsan maaraynta khayradka dabiiciga ah, sida sharciga Haydariij-Kaarboonka (hydrocarbon law), haba-yaraatee suurta gal ma noqon karto in la galo wada xaajood (Heshiis xagga khayraadka dabiciga ah). Sharcigaas oo uu sheegay in diyaarintiisa iyo dhaqan gelintiisu ay qaadan karto dhawr bilood.".

August 29, 2005 Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen golalaha Dawlad Gobleedka Puntland oo lagu qabtay madaxtooyada Boosaaso ayaa looga dooday sidii looga jawaabi lahaa hadalkii ra'iisul wasaaraha DFKMG uu (Aug 28) ka soo saaray magaalada Nairobi.  Waxaana Puntland soo saartay War saxaafadeed oranaya "Dawlad G/Puntland ay caalamka u caddayneyso in aysan cidna marti ugu ahayn horumarinta dadkeeda iyo dalkeeda." iyo in "DGPL ay ka dalbayso wasiirka koowaad ee DFKMG ee Soomaaliya in uu si deg-deg ah raalli gelin uga bixiyo eedayntii meel ka dhicii warsaxaafadeedkii aan ka fiirsiga lahayn".

August 31, 2005 Warar SomaliTalk.com kasoo gaarey magaalada Dubai ayaa sheegay in halkaas ay dawlada Goboleedka Puntland heshiis ugu saxiixday ninka reer Australia ee Puntland looga yaqaan Terry. Heshiiskaas oo ku saabsan arrimihii maalmahan laga hadal hayey Soomaaliya ee la xiriira baaritaanka khayradka dabiiciga ah ee Puntland gebi ahaanteeda in lagu wareejiyo ninkaas reer Australia.

Waxaa muuqata in DGPL ay raali gelin ka sugeysey ra'iisul wasaaraha DFKMG, laakiin uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya shaaca ka qaaday in "Wixii Khayradka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda waxaa iska leh Dawlada Dhexe."

Arimahan oo dhami waxa ay bilowdeen June 10, 2005 markii la arkay madaxweynaha DGPL oo uu safar caalami ah u raacay nin reer Australia ah (Terry) oo markii hore Puntland ku yimid  hay'ad samofal oo uu yiri waxay caawineysaa carruurta Soomaaliyeed, laakiin muddo gaaban la arkay ninkii oo ka tirsan waftiga dawlada, sheegtayna in uu yaha ganacsade dalka keenaya shirkado baaraya macdanta iyo shiidaalka, laakiin ilaa hadda aysan DGPL shaaca ka qaadin shatiga shirkadaasi kaga diiwaan gashan thay Australia si loo ogaado jiritaanka shirkada uu sheeganayo ninkaasi iyo raasamaalkeeda.

Waxaa hadda Boosaaso jooga wakiilo ka socda Terry oo doonaya in ay ganacsadaata iyo isimada Puntland ku qanciyaan in ay saamiyo ku darsadaan shirkadiisa.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2005


 Wakiilo kasocda Terry oo Yimid Boosaaso
Si ay Ganacsatada Puntland ugu Qanciyaan in ay Saamiyo ku Darsadaan Shirkada la sheegay in.. Guji... Sept 9


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD