SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Wakiilo kasocda Terry oo Yimid Boosaaso Si ay Ganacsatada Puntland ugu Qanciyaan in ay Saamiyo ku Darsadaan "Shirkada Terry ee Consort"....

  • Wasiirka Maaliyadda DGPL oo ay la socdaan Qaar kamid ah Raggii Terry oo Soo Gaarey Boosaaso

(Boosaaso | Sept 9, 2005): Wararka ka imanaya magaalada ganacsiga ee dawlad goboleedka Puntland ee Boosaaso ayaa sheegay in Khamiistii ay halkaas soo gaareen Wasiirka Maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) oo ay la socdeen dad lagu sheegay dulaaliin Soomaali ah iyo nin magaciisa lagu sheegay Anthony Black oo kamid ah raggii goob joog ka ahaa, waxna ka saxiixay, heshiiskii uu Terry la galay DGPL, heshiiskaas oo lagu macneeyey in ay shidaal iyo macdan ka baari doonaan dhammaan Puntland.

Waxaa wararku intaas ku dareen in raggaas wakiilka u ah Terry la geeyey guriga madaxtooyada Puntland halkaas oo ay waardiye ka qabteen ciidamo xooggan. Taas oo warar hoose ay sheegeen in ay isla xalay raggaas wakiilka u ah Terry ay radinayeen hub baayacaad ah oo lagu macneeyey in lagu difaaci doono baaritanka macdanta/shidaalka.

Dhanka kale qorshaha ugu weyn ee ay Puntland u yimaadeen ayaa ilo wargal ah waxa ay sheegeen in ay tahay in ganacsatada reer Puntland lagu qanciyo in ay saami ku darsadaan shirkada lagu sheegay "Consort Private Limited" oo ay ku andacoonayaan in ay tahay shirkad Australian ah. Qorshahaas oo ilo wargal ah ay ku sheegeen in maadama aysan shirkadani ahayn mid la yaqaan, aana haysan miisaaniyad, ay rabto in saamiyada (shares) laga ururiyo ganacsadata reer Puntland si ay shirkadaas daneheeda u fushato.

Waxaa warku intaas ku daray in heshiiskii Dubai lagu saxiixay Agoosto 31, 2005 ee Puntland la gashay Terry Donnelly waxa uu ku saabsan yahay aan ilaa iyo hadda loo sharraxin ama la tusin golaha wasiirada iyo golaha Baarlamaanka Puntland (xeer beegta Puntland), shacabka reer Puntlandna aan loo sheegin waxa ay ka fa'iidayaan baaritaanka la sheegay iyo raadka ay ku reebi doonto deegaanka.

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf Gaagab
Dr.Gaagaab


Gen.Cade


Mr. Terry

Warar kale oo ka imanaya Boosaaso ayaa sheegay in Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) uu Boosaaso ku soo laaban doono maalinta Isniinta ee soo socota, lamana oga in uu markaas shacabka reer Puntland u sharxi doono arrintan ilaa hadda ku kooban Terry iyo int aku xeeran.

Qof reer Puntland ah oo akhriyey wararka shirkada reer Australia & Puntland ayaa yiri: "Shacabka reer Puntland waxay xaq u leeyihiin in ay si aan mugdi ku jirin u helaan magaca rasmiga ah ee shirkada reer Australia ee dhulka Puntland macdanta/shidaalka ka soo saareysa, meesha ay shirkadaasi ka diiwaan gashan tahay, shatiga ama sharciga ay shirkaddaasi ku leedahay Australia, nooca heshiiska lala galay, inta sano iyo xeerarka & qawaanuunka caalamig ah ee ay shirkadaasi u hogaansameyso ee loo cuskaday si mustaqbalka loogula xisaabtamo" ayuu yiri. "Dabcan Dawlad Goboleedka Puntland waa waajib saaran in ay u jawaabto muwaadiniinteeda."

Wixii arrintaas ku soo kordha kala soco SomaliTalk.com. Shacabka Soomaaliyeedna waxaan ku soo dhoweyneynaa in ay arrintaas si xor ah fikradooda uga dhiibtaan ayagoo kusoo hagaajinaya emailka laga heli karo halkan: http://www.somalitalk.com/feedback/.

SomaliTalk.com | Sept 9, 2005:


$100 Million oo Reer Yurub u Qorsheeyeen Dib-u Dhiska Soomaaliya...  
oo u Xanibay Heshiis La'aanta Hoggaamiyaasha Soomaaliyeed,
sidaas waxaa caddeeyey...  Guji... Aug 31


Puntland iyo Terry oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Saabsan in uu Baaran karo Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland:::


Dubai, Hilton Hotel

... Baarlamaanka/XeerBeegta Puntland oo aan ka doodin Heshiis lala galo shirkado aan caymis kooda la oqoon... hadana heshiiskaas la galay...

(SomaliTalk.com | DUBAI, UAE, Aug 31, 2005): Warar caawa oo Arbaco soo geleyso SomaliTalk.com kasoo gaarey magaalada Dubai ayaa sheegay in halkaas ay dawlada Goboleedka Puntland heshiis ugu saxiixday ninka reer Australia ee Puntland looga yaqaan Terry. Heshiiskaas oo ku saabsan arrimihii maalmahan laga hadal hayey Soomaaliya ee la xiriira baaritaanka khayradka dabiiciga ah ee Puntland gebi ahaanteeda in lagu wareejiyo ninkaas reer Australia.

Wararka ugu horeeya waxay tilmaameen in Hotel ku yaal Dubai lagu qabtay xaflad loo dhigay heshiiskaas oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse). Waxaana halkaas joogey dilaaliin Soomaali ah oo la socdey ninka Puntland looga yaqaan Terry oo ah kan heshiiska loo saxiixay, ninkaas oo aan la aqoon shirkada uu sheegano meesha ay deggan tahay.

Ilaa hadda (caawa) ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay DGPL oo ku saabsn hiiskaasi waxa ku qoran, mudada loo saxiixay ninkaas in uu qaadan karo khayradka dabiiciga ah (Macdan iwm), immisa boqolkiiba ayuu qaadan doonaa, iwm. Sidoo kale lama oga in arrintan ay DFKMG la socoto iyo in ay DGPL keligeed heshiiska ku dhiiratey. Warka oo dhan.... GUJI...


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD