SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Terry ma u Suurta Geli doontaa in Xera Gashado Ganacsada Soomaaliyeed...

  • Terry oo Raba in ganacsata Soomaaliyeed ay Maal gashadaan qodista macdanta iyo shiidaalka Puntland, lacagta saamiyada ahna isaga loo dhiibo....

SomaliTalk.com | Sept 2,2005

Inta aynaan u gudbin arrinta cinwaanku ku saabsan yahay ayaan akhristayaasha SomaliTalk.com la socodsiineynaa wax ku soo kordhay su'aashii hore ee ahayd "Waa kuma Terry"?

Waxaa ugu horeeya oo kusoo kordhay waa in la soo ogaadey magaca rasmiga ah ee Terry oo ah "Terry Donnelly". Waxaa magacaas shaaca ka qaaday qoraa reer Australia ah oo Teery taariikhdiisa hore wax ka og, isla mar ahaan taasna maqlay in uu sawir la galay madax ka tirsan Puntland.

Qoraagaasi waxa uu akhristayashiisa wargeyskiisa u sheegay hadal u qornaa sidan:

"Maalmahan xaalada suuqa ganacsiga ee Perth, Australia waa deganayd, laakiin waxaan dareenay dhaqdhaqaaq ka jira xagaa iyo goobta dagaal ee Soomaaliya."

"Waxaan shaki ku jirin in akhristaashu xusuustaan arrintii sannadkan horraantii dhacday" ayuu yiri qoraagu sida uu ku qoran wargeyskiisa markey taariikhdu ahayd July 13, 2005. Waxana uu xusay magacyo dhawr ganacsade (Australian) oo arin muran ah dhex martay iyo dacwad, kaddibna website mid ka mid ah uu inta uu la wareegey wixii ku qornaa ka masaxay, kun aqortay wax kale.

Qoraaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri: "Laakiin waxaan ogaaney websitekii (inta uu xusay websiteka) oo la geliyey sawiro dad u eg qabiilooyin reer Afrika ah. Waxana uu qoraagu yiri waxaa websiteka lagu qoray in "Websiteka laga iibiyey ganacsade deggan Soomaaliya, kaas oo ka hawl gala hay'addo samafal ah oo loogu talo galay carruurta tabaalaysan ee Afrika."

Kaddib qoraagii waxa uu raadiyey cidda uu website-kaasi u diiwaan gashan yahay. Waxana uu ogaadey in uu u diwaan gashan yahay qof deeggan Muqdisho oo magaciisa lagu sheegay Eli Matelosa kaas oo laakiin loo diiwaan geliyey Telefoonka Gacanta oo Australia laga leeyahay.

Qoraagii baaritaanka samaynayey waxa uu yiri "Waxa aan wacnay Telefoonkii. Waxaana ka jawaabey Terry Donnelly", kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay ninkii muranka weyni oo dacwada ah ay dhex martay asaga iyo shirkad uu qoraagu xusay.

Waxana uu qoraagu yiri; "Hadda Terry Donnelly waxa uu hawl wadeen ka yahay hay'ad samofal ah oo loogu talo galay carruurta Soomaaliyeed, waxana uu waqti badan joogaa dawlad goboleedka is magacawday ee Puntland." Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxana uu qoraagu yiri: "Markii aan la hadlay Terry waxa uu ii sheegay in uusan waxba ka ogeyn arrimaha websiteka muranku ka tagnaa. Waxana uu Terry sheegay in uu degdeg u dalban doono in websiteka looga masaxo telefoonkiisa iyo emailka hay'addiisa samafalka ah." Waxana uu qoraagu sheegay arrintaas la fuliyey markii qofka websiteka u diiwaan gashan lagu bedeley qof deggan Athens (Dalka Giriigga) oo magaciisa lagu sheegay Abdulahi Bashir.

Qoraagu wuxuu yiri: "Waxaan isku daynay inaan la axiriirno Abdulahi Bashir, laakiin ma ahan qof leh tixraac iyo meel loogu hagaago." Waxana uu qoraagu qoray: in website Soomaaliyeed uu Terry wax kaqoray, kana qoray laba qoraal oo dhaadheer, oo la isku weydiinayo su'aash ah "Waa kuma Terry" oo ku qoran Afsoomaali.

Haddaba su'aashaas "Waa kuma Terry" oo aan DGPL wax jawaab ah shacabka reer Puntland ka siin ayaa magaalada Dubai oo ah dal saddexaad waxa uu madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ugu saxiixay Terry Donnelly heshiis. Heshiiskaas oo aan ilaa hadda shacabka Puntland loo soo bandhigin waxa ku qoran iyo waxa ay reer Puntland ka faa'iidayaan.

Taas waxaa ka horeeya sida ay muhiim u tahay in lagu baraarugsanaado in ay jiraan dad iyo shirkado ku khamaara waxa ay haystaan si ay wax badan uga kasbadaan wadamada dadkoodu uu ku jiro dagaalka ahlig ah, oo inta ay ayagu is fiirsanayaan, is laynayaan, dalkoodana burburiyaan inta loo yimaado dalka wixii la doono looga fushado. Aad ayey muhiim u tahay in shacabku uu taas ku baraarugsanaado, maadaama ay arrintaas mid lamid ah hadda ka taagan tahay qayb kamid ah Soomaaliya. Waxaa tusaale fudud kuugu filan sida dalka loogu aasay sunta - suntaas oo hadda durbadiiba la arko cawaaqibka / halista ay reebtay, arrinta sunta lagu duugey Soomaaliya badankeeda waxaa la fuliyey intii dagaalka qabiilku ugu xoogga weynaa - inkasta oo ay jiraan qaybo sun ah oo la aasay ka hor burburkii dawladii hore, sida qayb lagu soo qariyey qalabkii lagu dhisay wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso, oo qaar fuustooyin ah oo lagu sheegay daamuur dhacday balse sun ah lagu aasay aagga wadadaas (Bosaaso - Qardho - Garoowe). {Dabcan waxaa shacabka la gudboon in dadkii wadadaas wax ka dhisay ama shaqaalaha ahaa ay xusuustaan, calaaamdiyaan, sheegaana meelaha ay og yihiin ama qiyaasayaan in lagu aasay sun, gaar ahaan fuustooyin daamuur loogu sheegay) - Taas waxaan akhristaha u xusuusinay cawaaqibka/raadka ay yeelan karto marka shacabku aysan wax su'aalo ah weydiin kuwa markaas xukunka haysta.

Haddaba nidaamka lagu sheegay baaritaanka saliida/macdanta ee hadda ka socda Puntland waa qaab noocee ah:?

  1. Ugu horayn waxaa dalka yimid nin sheegtay in uu ka socdo hay'ad samafal oo carruurta ah - waa  Terry.
  2. Waxaa durbadiiba la arkay ninkii oo safarada u racaya madaxda dawlada halkii laga filayey in uu u dhaqmo sida hay'daha samafalka ah ee dalka jooga.
  3. Waxaa xilligaas hoos ka socdey wada hadal qarsoodi ah oo ninkani uu la galay dhawr ka tirsan madaxda ugu saraysa DGPL, sida madaxweynaha oo uu aad ugu dhowaa.
  4. Muddo kaddib, waxaa lala tashaday qareeno, waxayna ku jawaabeen ragga mashruuca wataa maleh raasamaal, sidaas darteed heshiis lalama geli karo.
  5. Madaxdii dawlada ee dhawrka ahaa arrintii waxay soo hor dhigeen golaha wasiirada, golihiina waxay yiraahdeen arrintaas dad aqoon u leh haloo diro....
  6. Arrintii looma ban dhigin golaha baarlamaanka iyo xeer beegta Puntland, laakiin madaxdii sare waxay mar kale u safreen Dubai...
  7. Dubai Hoteel ku yaal ayaa la isugu yeeray qaar kamid ah ganacsadata iyo qaar ka mid ah Xawaaladaha Soomaaliyeed si ay meesha u joogaan heshiiska lagu gelayo.

Qodobkaas toddobaad weeye meesha aan qormadan uga soo soconey:

Ganacsada ujeedada ugu weyn ee meesha loo keenay ayaa ahayd: in  la tuso in Terry Donnelly uu haysto lacag, si taas loo tusona waxa uu Terry iyo dulaaliintii lasocotey ay goobtii ku bixiyey lacag lagu qiyaasay $350,000 ilaa $500,000, lacagtaas oo lagu sheegay horu maris, habka lacagtaas lagu keenayna uu ahaa nidaamka aan kor kusoo xusnay ee ah in dad/ganacsato/shirkado gaar ah ay qaar lacagtooda kamid ah u biimeeyaan si ay waxay rabaan uga fushadaan dalalka dadkoodu dagaalka ku jiro ama dhowaan dagaal kasoo baxay.

Tallaabada xigta waxay u muuqataa in ay tahay in Terry Donnelly uu magacaabo shirkad cusub oo uu yiraahdo ama u radiyo dad saami ku darsada - dabcan saxiixa ujeedadiisa kale ayaa ahayd in uu raadiyo ganacsado shisheeye oo uu ku yiraahdo waxaan hayaa heshiis la ii saxiixay ee saami ku darsada - balse arrinta hadda muuqata ayaa ah sababta ganacsada  (Soomaaliyeed) oo keliya loogu xushay in ay goob joog ka ahaadaan heshiis aan baarlamaankii ogeyn in ay tahay in ayaga lagu soo xera geliyo si looga iibiyo saami shirkad aan la aqoon. Ayana ku dhici karta sida ka dhacda dalaka dagaalka ka soo baxay ee sida fudud lo dhaco maalkooda iyo khayraadkooda ayagana musalif la soo taago.

Haddaba waxaa la gudboon ganacsada in ay dulaaliinta ninkaas weydiiyaan in ay keenaan ama tusaan shatiga shirkadda fulineysa mashruuca ballaaran ee baaritaanka shiidaalka iyo macdanta gebi ahaan Puntland oo ah sida lagula heshiiyey shirkadaas aan la aqoon - Waxaan ahaboon in la helo shirkadaas shatigeeda, raasamaalkeeda, taariikhda shirkada ugu yaraan 14kii sano ee la soo dhaafay, waxaana haboon shirkad saami lagu darsanayo in ay noqoto mid la asaasay ka hor intii aan Soomaaliya dagaalku kadhicin, waayo markaas waxaa cad in ay tahay shirkad miisaan leh oo la hubo asalkeeda.

Waxaa xusid mudan in lacagta kor ku xusan ee Terry bixiyey in lagu sii bixiyey lacago markii horeba deyn loogu lahaa qaar kamid ah madaxda DGPL, sidaasna aysan wax lacagtaas kamid ahi ugu xeroon khasnada Dawlad Goboleedka Puntland ama aysan gaarin shacabka Puntland guud ahaan iyo gaar ahaan 200,000 ee carruurta ah ee ku waxbarsha la' Puntland.


Terry & Cadde Muuse

Waxaa xusid mudan in hay'adaha Qaramada midoobey u qaabilsan samafalka carruurta ee loo yaqaan UNICEF ay August 31, 2005 soo saartay warbixin ay kaga warameyso in qaar kamid ah Puntland ay kadiiwaan gelisey 57,000 oo carruur ah oo aan iskuul dhigan kuwaas oo da'doodu u dhexeyso 6-14 -jir (oo ah carruurtii dhalatay kaddib dagaalkii sokeeye ee bilowday 1991).

Waxaa hay'addu qorsheyneysaa inay diiwaan gelin kasamayso magaalooyinka iyo Tuulooyinka: Boossaaso, Qardho, Galkacyo, Garoowe, Buurtinle, Goldogob, Waaciye, Dangorayo, Xaafun, Baargaal, Bursaalax iyo Ballidhidin.

Waxaana hay'addu sheegtay in ilaa hadda diiwan gelinta laga hir geliyey: Boossaaso, Qardho, Garoowe, Galkacyo, Xaafun iyo Dangorayo, kuwaas oo ardayda laga diiwan geliyey ay tiradoodu yihiin 57,000 oo aan wax iskuul ah dhigan (kuwaas oo boqolkiiba 53.5% ay yihiin wiilal iyo boqolkiiba 43.5% ay yihiin gabdho). Waxaa hay'addu qiyaastay in ugu yaraan 450 meelood oo laga degan yahay Puntland in carruurta aan iskuulka dhigan ay tahay inta u dhexaysa 150,000 ilaa 200,000.

Muhiimada qoraalkani waxay tahay in la is weydiiyo dhawr su'aalood:

  1. Heshiis lala gelayo hay'ad/shirkad dalka horu marineysa ma qarsoodi baa? miyeysan ahayn in si saraaxo ah loo soo ban dhigo, si loo ogaado faa'iidada iyo khasaarada ka iman karta si miisaan loo saaro...
  2. Shirkad aan miisaaniyadeeda iyo rasamaalkeeda la aqoon, la garanayn meel ay ka diiwaan gashan tahay saami ma lagu darsan karaa, heshiise malala saxiixan karaa?
  3. Shacabku xaq ma u leeyihiin in dawladoodu qanciso haddii arrin mugdi soo galona ay si waadax ah Dawladu u cadayso si arrintu u kala caddaato..?

Jawaabta su'aalahaas waxaan u deyney dawlada in ay shacabkeeda xaqiiqada u soo bandhigto. Ganacsadana in shirkad aan la aqoon ay saamigooda ku darsanayaan waa mid la arki doono.

SomaliTalk.com | Sept 2, 2005:

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD