SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


 SOMALITALK OO AY KA TAN BADISAY CADAAWADA AY U HAYSO SHACABKA PUNTLAND???

 
dabcan waxa ay dad badani is waydiinayaan macnaha cinwaanka maqaalkayga, marka ay arkaan, akhristoow si kale maahee, tan iyo intii uu burburku ka dhacay Somalia ku dhowaad 20 sano, waxa dhegaha shacabka somaliyeed ku soo dhacayay waagii baryaba Dagaal, dil qax burbur, gaajo, rafaad, dhimasho iyo wax la halmaalla.
 
Shacabku waxa uu u jeelanaa inuu mar uun maqlo wax dhegihiisu ku farxaan, sida, waa la heshiiyay dawlad baa dhalatay, dib u dhis ayaa bilaabmay, guryaa la dhisay wadooyin beero wax soosaar iyo wax lagu farxo.
 
dadka waxa laga waanin jiray mudooyinkii la soo dhaafay in la iska daayo dagaalka  oo la heshiiyo, lagana Baxo rafaadka iyo dhibaatadan lagu jiro tan iyo intii umada Somaliyeed ay jirtayba? hadaba hadii ay Goboladii Somalida qaar ka mid ahi ka bilaabantay ifafaalo muujinaya in laga faa'iidayso Khayradka dhex ceegaaga ee ALleh ku manaystay. ayaa waxa la yaab noqotay, in dad badani ay bilaabaan Olole ay ku majo xaabinayaan ishaas umada u bidhaantay. waxaa kow ka ah qolooyinkaas u tafo xaytay, nidaamkam cusub, websiteka SOMALITALK.COM.
 
waxaan wax la is waydiiyo ah SOMALITALK  qoraaladda uu soo qorayo sida ay uga muuqato cadaawadda ay qabaan, iyadoo aan la garanayn waxa ay tahay cadawadaas ay u hayaan shacabka dega Goboladaas, waxaad arkaysaa Been, isku dir, munaafaqnimo iyo cadaaawad abuur iyo tashwiish la kala dhex dhigayo Shacabkaas iyo Maamulkooda, ama Madaxdooda.
 
Taariikhdu markay ahayd 30/08/2005 waxa Dubai ku kala saxeexday Heshiis, Maamulka Puntland iyo Shirkadda Austrelian ah oo fadhigeedu yahay Dubai lana Yidhaado Concort, sida ay Shaaciyeen Shabakaddaha wararka ee Somalidu.
 
dhowr website oo ay ka mid yihiin (Eeg halkan) iyo Kuwao kale oo Fara Badan ayaa ka hadlay oo ay ku jirto SOMALITALK, waxaan la yaabay markaan arkay sida ay websityadaasi uga hadleen arinta heshiiska iyo qoraalkii ay SOMALITALK  qortay oo aad u kala fog, markaad akhrisanaa markiiba ay kuu soo baxayso aragtiada ah in Cadaawadi ku jirto qoraalkaas SOMALITALK qortay. bal ila eega walaalayaal oo mid kasta mar akhriya.
 
marka miyaaan odhan karnaa SOMALITALK  ayaa sax ah oo qoraalkeedu run yahay, iyadoo tiradda kale ee website-yadaasina ay been sheegayaan, waxay ila tahay jawaabtaasi inay dadka caqliga u saliimka ah u taalo.
 
waxa kale oo jirta in Heshiiska markii la saxeexaayay ay goob joog ahaayeen ku dhowaad 40 ganacsatadda ugu caansan degaankaas Puntland, ma odhan karnaa marka Maamulka Puntland oo uu u horeeyo Madaxweynahoodu, iyo dhamaan umadaas heshiiska joogtay waxa ay xadayaan khayraadkii ay lahayd Puntland, waxayna si sharci daro ah u guranayaan khayraadkaas. dhanka kalena  waxa kahyraadka ilaalinaya oo run sheegaya waa wiilasha yaryarka ah ee SOMALITALK  ee bartay sida loo design, iyo edit gareeyo webka, oo waliba iyagu aan goob joog ahayne dibad wareeg ah.
 
Dhismihii Jaamacada EAU::: 2001
Degarday
Asaaskii Jaamacada Boosaaso... GUJI

 
SOMALITALK:: XORRRIYADII ZAMZAM
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |
WERSHEDAHA BOOSAASO:::


Wershedo yaryar oo Laga Furay Boosaaso
 


BOSASO: Wararkii Boosaaso: Guji


caruurgabdho2001::: Iyo Mucaawino u Raadintii Carruurta Puntland::: Qoraaladii Sannadkii 2001...

marka macnaha ay arintaasi inoo samaynaysaa sow maaha in SOMALITALK iyo dadka la qabaa fikradaas cadawtanimada ahi ay raali ka yihin in dadku rafaadkaas hada lagu jiro iyo gaajada ku sii nagaadaan oo aanay waligoood talaabo horumar leh samaynin.
 
mar hadiiba maanta umadu ay taagan tahay war aynu ka faa'iidaysano khayraadkeena, oo ay timidba in laga hadlo horumar iyo sidii wax loola soo bixi lahaa muxuu yahay dawrka arintaasi u baahan tahay xaga shacabka iyo Somali oo idilba,  sow in lagu garab galo oo lagu taagero maahe, miyayse meeshaba taal maanta in lagu furo Tashwiish iyo warxumo tashiil.
 
waxaad arkaysaa SOMALITALK oo soo qorayso Dhulkii Puntland oo la iibsaday sida ay ku mujiyeen khariidada ku daabacan site-kooda, waxaad arkaysaa mudo hada ah dhowr bilood iyaga oo isku mashquulinayo qof shakhsi ah, waxaa hubaal ah hadii SOMALITALK la waydiiyo oo la yidhaahdo keena daliil cad in Heshiiska Madaxweyhana iyo shacabka reer Puntland ay la galeen Shirkadas inuuu yahay mid tuugo ah oo reer Puntland ay ku xadayaan dhulka, inay indha meer merinayaan, waxa kaliya ee ay la soo boodayaan waxay tahay, nin Terry la yidhaahdo oo Dilaal ah ayaa jooga halkaas.
 
marka waxan leenahay Somalitalk war waxaasi ma noqoto cadayn, hebelbaa sidaas ah iyo waxaasaa la lahaa maaha maanta wax dhegahayga ku cusub waa wixii hore noo soo daashaday cid dheg jalaq idiin siinaysaana ma jirto. waxa la idiinka fadhiyaa cadayn iyo raali galin inaad bixisaan ilayn umad dhan oo ilaah meel ku abuuray oo ganacsatadoodii iyo maamulkodiiba isla Gartay inay ka baxaan dhibka, ayaad burush la daba gasheene.
 
mid iyadu hadal kama taagna inay u baahan tahay in xal loo helo, waana muranka arinatan ka aloosmay ee dhexyaala Puntland iyo DFKMG ah, arintaasi technically waxay u baahan tahay inay tafaahum ka sameeyaan.
 
lakin idinka SOMALITALK ah waxa la idiinka fadhiyaa sidaa isu dhaqi lahaydeen.
 
sidaasoo kale shacak Somaliyeed ee Somaliland, Goboladda Dhexe, Banaadir iyo Labada Shabeelle, bay iyo Bakool iyo Jubooyinka iyo gado iyagana waxaa la gudbon inay ku baraarugaan oo ku tashadaan sidoo looga bixi lahaa gaajada iyo rafaadka, lga qatan yahay khayraadka Alleh inagu manaystay.
 
 
Sida caadadda u ah Somalida marka ay arintu khusayso website-kooda ma soo qoraal maqaalkaas, marka hada Maqaalkan Waxaan u diray dhowr website oo ay ku jirto SOMALITALK, hadii marka aad soo daabici waydaan Somalitk-geey ogaada in dhinacyo kale laga helayo maqaalkan.
 
wabilaahi tawfiiq
 

Faysal Siciid Warsame

Bosaso, Puntland, Somalia
JAAMACADA BARIGA AFRIKA

Safaradii waftiga waxbarasha Buntland ay kutageen Australia sannadkii hore.. Guji


daljir_7@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan Kor

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 1, 2005


QORAALADII HORE EE SOMALITALK.COM EE JAAMACADA BOOSAASO:::

Jaamacada Bariga Afrika waxay kutaal magaalada Boosaaso, October 2000 ayaa waxaa bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo bilaabmay Sebteembar 1, 2001.

Bishii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka socdey African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia. [eeg warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]

Bishii Janaayo ee sannadkan 2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso, waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda higsaneyso [Eeg warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].

1dii Bishii Febraayo ee 2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario.[Eeg warbixintii Toronto].

26kii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta, Georgia [eeg warbixintii Atlanta, USA]

Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso, waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey CabdiRisaaq Sh. Axmed  oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si ay wax u baraan ardadaas.
Halkan ka akhri warbixintii hore ee waftiga... GUJI


Qoraaladii hore ee  Faysal Warsame:

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD