SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ATLANTA

Waftigii Jaamacadda Bariga Afrika oo Booqday Atlanta, Geargia

C/Weli C/raxmaan Geyre oo ka hadlay xafladaas

[qaybtani waa hordhac sidii uu shirkii u dhacay faahfaahinta waxaan ka sugeynaa Mahdi Warsame oo kamid ah qabanqaabiyayaashii xafladda Atlanta]

Xaflad aad u ballaran oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Atlanta ee gobolka Geargia ayaa galabnimadii sabtida [Jan 25] lagu qabtay halkaas, taas oo ay kasoo qaybgaleen wafti kasocda Jaamacada Bariga Afrika oo maalmahaan booqashada ku joogey Mareykanka.

Bahda SomaliTalk oo la xiriiray qabanqaabiyayaasha xafladii galabtay, gaar ahan mahdi Warsame, ayaa sheegay in ugu horayn xaflada lagu furay quraan iyo wacdi uu soo jeediyey Maxamed Aadan Nuur.

Xiriiriyaha xafladda galabtay waxaa ahaa CabdiKhadar. waxaana xafladaas ka hadlay aqoonyahanada iyo odayaasha Soomaaliyeed ee magaaladaas ku dhaqan.

C/isaaq Maxamuud Dareewal oo wax ka dhiga Jaamacad kutaal gobolka Georgia, kana mid ah xubnaha ugu firfircoon Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaas, ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka, waxana uu hadaladiisii siweyn ugu soo dhoweeyey Jaamacada Bariga Bariga Afrika.

C/Weli C/raxmaan Geyre oo ah hormuudka kuliyada ganacsiga ee Jaamacada Boosaaso oo ah hormuudka waftiga Jaamacada ee waqtigaan booqanaya Maraykanka oo 24kii bishan ka dhoofay Minneapolis ayaa asaguna xafladaas Atlanta ka hadlay asagoo Soomaalidii halkaas isugu timid usoo bandhigay sababta safarkiisa, halkaasna ugu soo bandhigay warbixin la xiriirta Jaamacadda.

Dr. Xasan Cali Mire oo ahaa wasiirkii waxbarashada ee ugu horeeyey dawladii Siyaad Barre ayaa asaguna xafladaas kasoo jeediyey hadal dheer oo kusaabsan taariikhdii tacliintii Soomaaliyeed iyo fikradihii uu ka aaaminsanaa dhismayaashii Jaamacadaha Soomaaliya. Tusaale waxa uu Dr. Xasan u soo qatay gobolka Georgia oo ay kuyaalaan dhawr iyo soddon goobood oo tacliin sare (jaamacado iyo machadyo). Waxana uu muujiyey sida ay aqoontu wax u hogaamiso. Siweyn ayuuna u dhiiri geliyey in la taageero Jamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso.

Shir gaar ah ayaa markale  Jaaliyaddu u balameen, kaas oo ku saabsan sidii ay usii wadi lahaayeen taageeridda Jaamacadda Boosaaso.

Sidii uu shirku u dhacay oo faahfaahsan waxaa inoo soo tebin doona Mahdi Warsame, insha Allah, ee lasoco SomaliTalk.

C/Weli C/raxmaan Geyre intii uusan u dhoofin Atlanta waxa uu SomaliTalk u sheegay in Jaamacaddu ay casumaad ka heshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Geargia, uuna ku faraxsanyahay in uu booqdo. C/Weli waxa u qorshaysan in uu kusoo laabto Minnesota, kaddiba u dhoofo gobolka Michigan, kaddiban dib ugu laabto Boosaaso iyo Jaamacadii uu waftiga u ahaa ee Bariga Afrika.

WQ. Maxamed Cali
SomaliTalk.com
Minneapolis, MN, USA

 Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

FAAHFAAHINTA WARKA ATLANTA LASOCO.....

  Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso
MINNESOTA: shirweyne uu ka hadlay hormuud kasocda Jaamacada Boosaaso iyo aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed, sidii uu u dhacay  KA.AKHRI.HALKAN 

I  I  D  H  E  H

  

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD