SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedka Puntland oo Hishiish ku dhexmaray Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ee xurunta Gobolka Bari.

Yusuf Max'ed Ismail (Gaduudow) Boosaaso.puntland.

Maanta (Talaada May 30, 2006) ayaa si rasmi ah waxaa heshiis ugaarey dowlada federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya (DFKMG) iyo Maamul Goboleedka Puntland (DGPL), hishiish kaas oo ka dhacay madaxtooyada DGPL ee  magaalada Boosaaso ee xurunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi

Heshiiskan oo ka kooban lix (6) qodob ayaa dhinaca DFKMG waxaa u saxiixay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan, iyadoo dhinaca Maamulka Puntland uu heshiiskaas u saxiixay Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi. 

Ujeeddada heshiiskan ayaa wuxuu salka ku hayaa kadib markii dhawaan uu soo if baxay khilaaf u dhexeeya Maamulka Goboleedka Puntland iyo Raysal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya mudane Cali Maxamed Geeddi oo ku wajahan macdanta iyo shidaalka ay Maamulka Puntland heshiiska kula galeen shirkado ajnebi ah. 

Qodobadii lagu heshiiyey waxaa goobtii saxiixu ka dhacayey ka akhriyey Caydaruus Cismaan Yuusuf oo ah agaasimaha madaxtooyada maamul Goboleedka Puntland.

Halkan ka dhegeyso Caydaruus oo Qodobada Heshiiska Akhrinaya

Qodobadaas oo qoraal ahna waa kuwan: 

Heshiis is-afgarad: Talaada May 30, 2006

  1. In Dowlad Goboleedka Puntland ay ka laabato kalsoonidii ay kala noqotay Raiisal wasaaraha dowladda Federaalka Cali Maxamed Geeddi.
     
  2.  In meeshiisa laga wado barnaamijka baarista, soo saarista macaadinta iyo shidaalka Puntland, lana xurmeeyo wixii heshiisyo ahaa ee labada dhinac horay u wada gaareen kuna saabsan arrintan, iyadoo aan arrintaasi cidina loo xirayn lagana dhigayo qaab Blocks ah (ama qayb-qayb).
     
  3.  In labada dhinac ay bilaabaan wadahadal ku saabsan sed qaybsiga inta aan la gaarin wax soo saarka macaadinta iyo shidaalka Puntland laga helo.
     
  4.  In la sameeyo shuruucda habaynaya baarista, soo saarka, maamulka iyo sed qaybsiga kheyraadka ku jira dhulka iyo badda hoostooda sida macdanta, shidaalka, IWM - samaynta sharcigaasi wuxuu noqonayaa in si wadajir ah looga wada tashanayo.
     
  5.  In ay labada dhinac abuuraan jawi Iskaashi iyo wadatashi iyadoo wixii xiriir ah iyo farriimo ah loo marayo oo keliya nidaamka rasmiga ah.
     
  6. In labada dhinac ay kawada shaqeeyaan ka hortagga wixii xiriirkooda wax u dhimaya layskana dhowraa wixii xasaasiyad keeni kara.

Waa markii labaad oo  heshiis noocan oo kale ah ay kala saxiixdaan Dowladda Dhexe ee  Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland ayadoo hishiishkii hore noqday mid miro dhali waayay.

Yuusuf Max'ed Ismail (Gaduudow)
Boosaaso.Puntalnd.Soomaaliya
 E-mail: yusufgaduudow@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2006

Cadde Muuse oo Markii ugu horeysey Qiray Shirkadda uu Heshiiska Lagalay in ay Tahay Jirri hubaysan....
Sidaas waxa uu shaaca ka qaaday mar su'aal laga weydiiyey arrinta shirkadaha  uu.... Guji......  


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD