SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Cadde Muuse oo Markii ugu horeysey Qiray Shirkadda uu Heshiiska Lagalay in ay Tahay Jirri hubaysan....
  • iyo Shariif Xasan oo Taageray Hadalkii Cali Maxamed Geeddi ee ahaa in Sharci loo samaynayo Khayraadka Dalka Soomaaliya...

SomaliTalk.com | May 30, 2006


Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo Booqasho ku tegey Boosaaso ayaa sheegay in sharci loo samayn doono Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka, hadalkaas oo taageray hadalkii Geedi.

Slideshow image
Madaxweynaha Soomaaliya: "Khayraadka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda waxaa iska leh Dawlada Dhexe."... GUJI...
Sept 2005

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL) ayaa markii ugu horeysey qiray in shirkadaha ay dowladiisu heshiiska la gashay ay yihiin jirri, isla mar ahaan taasna ay hubaysan yihiin ayagoo garabka ku sita qoryo. Hadalkaas oo ka yaabiyey shacabka ku dhaqan Puntland guud ahaan dalka Soomaaliya.

Hadalkaas oo ka dambeeyey si kooban oo ay saxaafadu su'aalo u weydiisey madaxweyne Cadde iyo Shariif Xasan oo ku sugan magaalada Boosaaso, halkaas ay booqasho ku joogaan waftiga guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG.

Cadde Muuse waxaa la weydiiyey: "Madaxweyne waxaa la leeyahay shirkaddan aad idinku heshiiska la gasheen ma ahan shirkad jirta oo ayadaa dallaal sii ah, arrimahaas maxaa ka jira."

Madaxweynaha DGPL Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor oo arrintaas qiraya waxa uu ku jawaabey: "Waa run weeye, JIRRI* weeye, annagaana dooranay, shariikad weyn waxba noo qaban meyso, boqol sano ayey waxna noo qaban waayeen."

Madaxweynuhu waxa uu qiray in shuruudaha ay shirkadaas ku doorteen ay ahayd in ay tahay shirkad jirri ah, asagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri: "condition-nada (shuruudaha) aannu ku dooranay shariikadahaa waxaa weeye, niman jirri ah iney yihiin, laakiin annaga dantayadu waxaa weeye in ay Puntland wax nalooka soo saaro. Waxaana hubnaa iyagu in ay noo soo saarayaan, kuwa kale noo soo saarayn.".

Cadde Muuse oo markii ugu horeysey qiraya in shirkada ay DGPL heshiiska la galeen ay huban santahay waxa uu yiri: "Qolooyinka ku doodaya shariikad yar bey qaateen, maad keentaan idinku marka hore, haddaanu wax keenay annagaa keenay jirri qoryana u suran yahay garabka baannu dooranay, waana shariikad yar, laakiin waxaan rabney bey noo soo saari lahayd haddii carqaladda nalaka deyn lahaa."

Shariif Xasan, Guddoomiyaha baarlamaanda DFKMG oo booqanaya Gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhowaan sharci loo samaynayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, arrintaas oo uu ku waafaqay hadalkii ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi ee sharci u samaynt akhayraadka dabiiciga ah ee dalka.

May 18, 2006 ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha DFKMG sheegay in sharci loo samayn doono khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, sharcigasn al ahor geyn doono baarlamaanka. Arrintaas oo keentay in May 20, 2006 uu Cadde Muuse kalsoonidii kala laabtay Ra'iisul wasaaraha DFKMG.

Khamiis May 25, 2006 warqad ay shirkadda Range Resources u dirtay suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX) ayey ku cadaysay in uu guddiga shirkaddaas iska casiley agaasimihii guud, Mr. Jim Marinis. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta keentay is casilaadaas.

May 28, 2006 ayaa magaalada Boosaaso waxa booqasho ku tegey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG. Guddoomiyaha waxa uu Boosaaso kula kulmay Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse. Markaas ka dib ayaa Shariif Xasan waxa uu saxaafada u sheegay in sharci loo samayn doono khayraadka Soomaaliya.

  • QEEXID: Kelmedda JIRRI oo dhowaan kusoo biixtay qaamuuska Soomaaliga waa kelmed loo adeegsado dad ama koox aan cidna u nixin oo laaya cid kasta oo aan wax la dhicin, waxaa kale oo lagu qeexaa ma-naxayaal aan cidna dan u hayn aan ka ahan in ay waxay arkaan burburiyaan, kelmeda afafaka kale ugu dhowaan kartaa waa maafiyo. JIRRI waa kuwa maalin kasa shacabka cabsi gelin ku haya, lama sheegin JIRRI haba yaraatee wax faa'iido ah keentay.

Isbedellada Saamiyada Shirkada Range Resources: ee Suuqa Ganacsiga Australia:

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2006


Cadde Muuse “Shirkado Mooryaan ah ayaanu heshiis la galeynaa”, waayo….”

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Waxaa magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo halkaasi u tagay sidii uu gacan uga gaysan lahaa dhameynta khilaafka u dhexeeya Maamul Gobaleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka gaar ahaan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

Gen, Cadde Muuse ayaa mar uu kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saxaafaddu waxay wax ka weydiisay waxyaabihii ay isla soo qaadeen, waxa uuna sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka si aad ah isugu afgarteen arrimihii ay isla soo qaadeen, mar la weydiiyay Gen, Cadde Muuse in Maamul Gobaleedka Puntland ay Dowladd u ku heysato in ay heshiis la galeen shirkado Maafiyo ama Mooryaan ah, waxa uuna yiri “waa run Mooryaan ah ama Jirri ah ayaanu heshiis la galnay, waayo shirkadihii kale way na diideen kuwaana waxaan ka sugeynaa in ay wax uun noo soo saaraan, waayo Gobalku waxa uu u baahan yahay dhaqaale”.

Gen, Cadde Muuse waxa uu intaa sii raaciyay “Shirkadihii Mooryaanta ahaa ayay dowladdu noo diidan tahay, may noo keenaan kuwo ka wanaagsan si ay noogu soo saaraan kheyraadka dhulkeen, runtii kuwaas ayaanu la macaamileynaa si uu Gobalku u helo dhaqaale wanaagsan”. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Cadde Muuse in wixii sharciyan ah ee ay dowladdu ku leedahay ay fulinayaan balse wixii sharci daro ah ay ka hor- imaan doonaan.

May 30, 2006


Warqadii uu qoray ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo ku taariikhaysnayd May 18, 2006, markii ay gaartey dalka Australia waxaa durbadiiba dhulka galay saamiyadii shirkadda Range Resources. 19 May 2006 Waxa ay saamiyada Range Resources hoos u dhaceen -5.13%, taas oo kadhigtay saamiyadeeda in lagu kala iibsado sentiyaal (0.037) lacagta Australia. Arrintaasi markii ay dhacday ayaa isla markiiba (May 19, 2006) shirkada Range Resources waxay warqad u direen suuqa Ganacsiga ee Australia, warqadaas oo ay ku weydiisanayaan in gebi ahaanba la hakiyo kala iibsiga saamiyada shirkaddaasi, (TRADING HALT ama eeg halkan...), ilaa ay qoraal ka soo saarayaan ama Talaada May 23, 2006 - Xilligaas markii la garey oo aan jawaab laga helin shirkada ayaa suuqa ASX waxa uu si rasmi ah liiska uga saaray kala iibsiga saamiyada shirkadaas eeg May 22, 2006. May 25, 2006 ayey Range Resources warqad u qortay ASX ay ku muujineyso in DGPL ay taageersan tahay shirkadan, sidaasna markale loogu ogaaladay in saylada lagu kala iibsan karo saamiyadooda.).
Suuqa ganacsiga Australia waxaa lagala xiriiri karaa: Halkan....

Waxaa xusid mudan: Markii ay soo shaac bexeen iska hor imaadyada Puntland ka jirey ee la xiriirey macdanta, ayaa waxaa bishii April 12, 2006 ay saamiyada Range Resources hoos u dheceen -5%, taas ka dhigtay in lagu kala iibsado 0.038, maalintaas ayey shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda (EEG HALKAN), waxana ay sheegeen in ay qoraal soo saari doonaan . Qoraalkaas waxa ay soo saareen April 19, 2006 (EEG HALKAN...) , waxana ay ku sheegeen in DGPL ay taageero dheeraad ah siiday ayaga. Waxa kale isla maalmahaas soo baxay qoraal lagu soo daabacay warbaahinta Australia ooay Range Resources ku sheegtay in aan "Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland", waxa markaas kor u kacay saamiyadii shirkadaas waxana ay gaareen 0.050. Waxana ay markaas Range Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000 doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa... (EEG HALKAN... ).

Dadka arrimaha dhaqaalaha odorosa waxa ay nidaamkaas ku macneeyaan waxa afka Australia lagu yiraahdo "Market Manipulation"... (Akhir qeexidda uu arrintaas ka bixiyey suuqa Ganacsiga Australia... Akhri... ENGLISH....)


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD