SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Qadiyad Puntland!? 

Qore: C/fitaax Maxamed Sugulle
AMST University, Business Administration
Email: cabdisugulle@hotmail.com
Khartoum- Sudan

Ummad walba oo  ku nool adduunka waxay leedahay Qadiyado kale duwan , bulsho walibna qadiyadeeda ayaa u ah asaasi muhiim ah.

Qadiyad waa: wax ay ku wada midaysan yihiin shacab meel ku nool oo kala aaminsan afkaaro kala duwan ayna qadiyadu u tahay asaasi lama taabtaan ah. 

Tusaale ahaan dalka Falastiin qadiyadoodu waa soo celinta dhulkooda ay ka haysato Israa’iil, sidoo kale Dalka la magac baxay soomaaliland qadiyadoodu waa ka go’ida soomaliya ama in ay noqdaan dowlad madaxbanaan.

Marka cid kastoo ka hor istaagta dalalka aan kor ku soo sheegnay qadiyadooda waxay kala kulmiyaan dagaal iyo cadaawad aan dhamaad lahayn. 

Hadaba Majirtaa in ay Dowlad Gobaleedka Puntland iyo shacabka puntland ay leeyihiin Qadiyda ay kwada midaysan yihiin? 

Puntland markii la yagleelayay waxaa loo asaasiya ujeedooyin fara badan waxaan ugu muhiim sanaa

1-     sugidda amniga Gobalada ay Puntland ka koobantahay.

2-     horumarinta shacabka iyo dhulka puntland.

3-     iyo sidee ay qayb wayn uga qaadan lahayd dhisada dawlada soomaaliyeed oo aan danaheeda ka hor imaanayn. 

Waxaa la oran karaa waxbadan baa laga qabtay ujeedooyinka loo asaasay Puntland hadaan fiirino dhinacyada amniga waxaad  dareemaysaa in ay ku jirto goobaha ugu amaan badan soomaaliya, sidoo kale dhanka dhaqaalahana waxaa la oran karaa horumar lataaban karo bay ka gaartay.

DGPL waxay sidoo kale kaalin wayn ka ciyaartay dhisada dawlad soomaaliyeed taas bilaabtay ilaa intii shirka Kenya socday walina siida oo dakhliga puntland soo gala in badan la siiyo Dawlada Soomaaliya ee Baydhabo xarun ka dhigtay.  

Haddii aan dib ugu soo laabto dhanka horumarka waxaa waayadaan laga maqlayay saxaafada in DGPL ay soo saarayso khayraadkeeda dabiiciga ah taasoo ay doonayso inay ku horumariso dhaqaalaheeda , run ahaantiina waa ubaahan yahay dhaqaalaha puntland in lahorumariyo maxaa yeelay markastoo dhaqaaluhu horumaro markastoo dadka kunool puntland ay ku sii waaran amni iyo barwaaqo. 

Hadaba waxaa muuqata in maamulka puntland ay soo saarida shidaalka ama khayraadka dabiicaga ka dhigteen asaas ama qadiyad lama taabtaan ah cida kastoo ka hortimaadana ay kalakulmayso cawaaqib xumo aad u daran,  sidii ka dhacday deegaanka Majiiyahan halkaas ay Dowlado ladagaalamtay qolyo is hortaagay baarintaan lagu sameen lahaa goobtaas  taasoo sabatay dhimasho iyo dhaawac badan.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha DFKS Cali Maxamed Geeddi ayaa  DGPL kala laabtay kal soonidii Xafiiskiisa kadib markii uu  is ka horsitaagay DGPL in ay sii wadaan Barnaamijkeeda Baarida iyo soosaarida shidaalka isagoo  soo qoray warqad ay ku qoran tahay in la joojiyo hawlaha baaritaanka iyo soosaarida shidaalka Puntland.

Hadaba ma la oran karaa in ay puntland ay yeelatay qadiyad ay ka wada midaysan yihiin shacabka iyo dawlada Puntland, taasoo ah soo saarida shidaalka  iyo khayraadka dabiiciga ah, cid kastoo diidan ama ka hortimada mawqif cad oo laga wadamidaysan yahay laga gaaro. 

Madaxwayna Dowlad gobaleedka Puntland Genaral Cadde Muuse oo ah nin aqoon yahan ah ayaa moodaa in uu ku guulaystay in shacabka Puntland u sameeyo qadiyad ay kawada midaysan yihiin shiikh iyo shariifba arintaas oo run ahaantii ahayd mid ka maqan shacabka reer puntland, dadkuna markay leeyihiin qadiyado midaysan waxaa fududaanaysa in ay midnimadoodu adkaato isfahamkooduan bato, badanaana qadiyado madhamaato xitaa hadii isbadal ku dhaco maamulka oo la doorto hogaan cusub ee meesheedii baa laga siimiisaa.  

Ugu danbayntii waxaan u soojeedinayaa shacab waynaha Puntland in ay kumitidaan qadiyaddooda tasoo ah runtii ah waxa ay dad qadiyada ka dhigtaan maxaa yeelay hadii shidaal ama khayraadka dabiiciga ah ee dhulkeena ku aasan la soo saaro waan hodmaynaa waxaana ku biiraynaa dalalka barwaaqoobay, sidoo kale waxaan gacan iyo hiilba u fidinaynaa shacabka soomaaliyeed meel kastay joogaan. 

Mahadsanid...

Qore: C/fitaax Maxamed Sugulle
AMST University, Business Administration
Email: cabdisugulle@hotmail.com
Khartoum- Sudan 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.....

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2006


MADAXWAYNE CADDE MUUSE OO SIDII MOORYAANTA U HADLAY!!! 
.....Waxaase Somaalida Amakaagg iyo Af-qabsi ku riday Gen. Cadde muuse oo isaguna qaaday waddadii Maxamed Dheere. Markii uu 19 kii bishaan ku dhawaaqay in uu kalsoonidii kala noqday Ra’iisul-wasaaraha DF. Md. Dr. C.M. Geeddi ama haddan sii caddeeyo D,F. ee KMG oo dhan.... Guji...

 


Ma Ogtahay::::

Ma ogtahay in Puntland ay kusoo badanayan carruurta aan haysan wax daryeela, mase ogtahay in DGPL aysan u samayn wax mashaariic ah oo lagu daryeelayo, mase ogthay in aan Saxaafadda Puntland gudeheeda ka jirta arrimaha Pulshada ka hadli karin maadaam ay saxaafadaas maamulan wasiiro ka tirsan dowladda.

Caruurta oo Qashinka ka doonanaysa waxay Cunaan, Booasaaso, Soomaaliya

....Xeebtii ayaa u muuqata, haddii malaha loo samayn lahaa laash ama huuri ama sixiimad loogu kalluumeeyo!!!!!!



Garaafka oo weyn ka eeg halkan... Guji...

Taariikh

 Saami (Share)

 Isbedel%

19 May 2006 0.037 -5.13%
12 Apr 2006 0.038 -5%
Isbedelka Saamiyada April 12-May 19, 2006 ka eeg halkan.

SAAMIYADA RANGE RESOURCES EE SUUQA ASX::::

TAARIIKH  SAAMI ISBEDEL
25 May 2006 0.036 -2.7%
19 May 2006 0.037 -5.13%
18 May 2006 0.039 2.63%
17 May 2006 0.038 -2.56%
16 May 2006 0.039 -2.5%

Warqadii uu qoray ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo ku taariikhaysnayd May 18, 2006, markii ay gaartey dalka Australia waxaa durbadiiba dhulka galay saamiyadii shirkadda Range Resources. 19 May 2006 Waxa ay saamiyada Range Resources hoos u dhaceen -5.13%, taas oo kadhigtay saamiyadeeda in lagu kala iibsado sentiyaal (0.037) lacagta Australia. Arrintaasi markii ay dhacday ayaa isla markiiba (May 19, 2006) shirkada Range Resources waxay warqad u direen suuqa Ganacsiga ee Australia, warqadaas oo ay ku weydiisanayaan in gebi ahaanba la hakiyo kala iibsiga saamiyada shirkaddaasi, (TRADING HALT ama eeg halkan...), ilaa ay qoraal ka soo saarayaan ama Talaada May 23, 2006 - Xilligaas markii la garey oo aan jawaab laga helin shirkada ayaa suuqa ASX waxa uu si rasmi ah liiska uga saaray kala iibsiga saamiyada shirkadaas eeg May 22, 2006. May 25, 2006 ayey Range Resources warqad u qortay ASX ay ku muujineyso in DGPL ay taageersan tahay shirkadan, sidaasna markale loogu ogaaladay in saylada lagu kala iibsan karo saamiyadooda.).
Suuqa ganacsiga Australia waxaa lagala xiriiri karaa: Halkan....

Waxaa xusid mudan: Markii ay soo shaac bexeen iska hor imaadyada Puntland ka jirey ee la xiriirey macdanta, ayaa waxaa bishii April 12, 2006 ay saamiyada Range Resources hoos u dheceen -5%, taas ka dhigtay in lagu kala iibsado 0.038, maalintaas ayey shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda (EEG HALKAN), waxana ay sheegeen in ay qoraal soo saari doonaan . Qoraalkaas waxa ay soo saareen April 19, 2006 (EEG HALKAN...) , waxana ay ku sheegeen in DGPL ay taageero dheeraad ah siiday ayaga. Waxa kale isla maalmahaas soo baxay qoraal lagu soo daabacay warbaahinta Australia ooay Range Resources ku sheegtay in aan "Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland", waxa markaas kor u kacay saamiyadii shirkadaas waxana ay gaareen 0.050. Waxana ay markaas Range Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000 doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa... (EEG HALKAN... ).

Dadka arrimaha dhaqaalaha odorosa waxa ay nidaamkaas ku macneeyaan waxa afka Australia lagu yiraahdo "Market Manipulation"... (Akhir qeexidda uu arrintaas ka bixiyey suuqa Ganacsiga Australia... Akhri... ENGLISH....)


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD