| 
 
 Shirkadda Terry oo ku 
					Guulaysatey Iska Horkeenidda Ra'iisul wasaare Geeddi iyo 
					Madaxweyne Cadde Muuse. 
					SomaliTalk.com | Boosaaso | 
					May 21, 2006 
					Qoraal ka soo baxay Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL) oo uu 
					ku saxiixan yahay madaxweynaha DGPL, Gen. Maxamuud Musse 
					Xirsi "Cadde Musse" ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay 
					kalsoonidii kala labatay ra'iisul wasaaraha Dowladda 
					Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya (DFKMG), Cali 
					Maxamed Geeddi. Cadde 
					Muuse waxa uu qoraalkaas ku caddeeyey in uu si rasmi ah 
					kalsoonidii ugala laabtay ra'iisul wasaaraha DFKMG Cali 
					Maxamed Geeddi arrintaas oo jawaab u ah qoraalkii Prof. 
					Geeddi uu soo saaray May 18, 2006 kaas oo ku saabsanaa in 
					baarlamaanka DFKMG lasoo hor dhigi doono dood ku saabsan 
					sharciga batroolka Soomaaliya, iyo in ay tahay in shirkadaha 
					Heshiiska la galay Puntland ay joojiyaan baritaanka ay ka 
					wadaan dhul mar hore heshiis loogula galay shirkado hore 
					qandaraasyo u haystey. Madaxweynaha DGPL waxa uu 
					qoraalkiisa ku muujiyey sida uu "ula yaabay waxa bedeley 
					fikradda Ra'iisul wasaare Geedi, oo siddeed billood ka hor 
					qoray warqad uu ku taageerayey Heshiiskaas Puntland." Warqadda Cadde Muuse oo ku 
					taariikhaysan May 20, 2006, waxaa loo diray ra'iisul 
					wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, waxaana nuqul loo diray 
					madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha 
					Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, iyo dabcan 
					Range Resources oo ah tan muranku ka taagan yahay (waxana ay 
					warqaddu ku qornayd luqadda Ingriisiga). 
					
					   
					Warqadii uu qoray ra'iisul 
					wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo ku taariikhaysnayd
					May 18, 2006, markii 
					ay gaartey dalka Australia waxaa durbadiiba dhulka galay 
					saamiyadii shirkadda Range Resources. 
					19 May 2006 Waxa 
					ay saamiyada Range Resources hoos u dhaceen -5.13%, taas oo kadhigtay saamiyadeeda in 
					lagu kala iibsado sentiyaal (0.037) lacagta Australia. 
					Arrintaasi markii ay dhacday ayaa isla markiiba (May 19, 
					2006) shirkada 
					Range Resources waxay warqad u direen suuqa Ganacsiga ee Australia, warqadaas oo ay ku 
					weydiisanayaan in gebi ahaanba la hakiyo kala iibsiga 
					saamiyada shirkaddaasi, (TRADING HALT 
					ama eeg halkan...), ilaa ay qoraal 
					ka soo saarayaan ama Talaada May 23, 2006 - taas oo ay u muuqato in ay 
					mar kale ay shirkaddani la suuq tegi doonaan warqaddan cusub ee Cadde 
					Muuse ee soo baxday 
					May 
					20, 2006.
					Suuqa ganacsiga 
					Australia waxaa lagala xiriiri karaa: 
					
					Halkan....
 Waxaa xusid mudan: 
					Markii ay soo shaac bexeen iska hor imaadyada Puntland ka 
					jirey ee la xiriirey macdanta, ayaa waxaa bishii April 
					12, 2006 ay saamiyada Range Resources hoos u dheceen -5%, 
					taas ka dhigtay in lagu kala iibsado 0.038, 
					maalintaas ayey shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda (EEG 
					HALKAN), waxana ay sheegeen in ay qoraal soo saari 
					doonaan . Qoraalkaas waxa ay soo saareen April 19, 2006 
					(EEG HALKAN...) , waxana ay ku 
					sheegeen 
					in DGPL ay taageero dheeraad ah siiday ayaga. Waxa kale isla 
					maalmahaas soo baxay qoraal lagu soo daabacay warbaahinta 
					Australia ooay Range Resources ku sheegtay in aan "Qofna 
					kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland", waxa markaas kor u 
					kacay saamiyadii shirkadaas waxana ay gaareen 
					0.050. Waxana ay 
					markaas 
					Range 
					Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000 
					doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa... 
					
					(EEG 
					HALKAN... 
					). Dadka arrimaha dhaqaalaha 
					odorosa waxa ay nidaamkaas ku macneeyaan waxa afka Australia 
					lagu yiraahdo "Market 
					Manipulation"... (Akhir qeexidda uu arrintaas ka bixiyey 
					suuqa Ganacsiga Australia...
					
					Akhri... ENGLISH....) Laga soo bilaabo markii uu 
					gobolada Puntland yimid Terry oo xilligaas sheegtay in uu ka 
					socdey hay'ad xannaneysa Carruurta markii dambena u xuub 
					siibtay shirkad baarta shidaalka oo laga soo diiwan geliyey 
					jasiiradda Maldives, waxaa bilowday muran ku saabsan 
					macdan ka baarista goboladaas, arrintaas oo murankeeda ugu 
					weyn uu yahay yaa xaq u leh in uu heshiis caalami ah la galo 
					shirkado shisheeya, ma dowlada Dhexe mise Dowlad Goboleedka, 
					yaa maaraynaya miisaaniyadda ka soo baxda, taas oo ah mid 
					ilaa hadda taagan - halkaas oo ay hadda u muuqado in 
					shirkada Terry ay ku guulasatey kala fogeynta madaxda 
					Soomaaliyeed si aan cidna loola xisaabtamin. Isla arrintaas shidaal iyo 
					macdan baaristu waxa ay sababtay in iska hor imaad ka dhaco 
					meelo ka mid ah gobolada Puntland, waxaana gaar ahaan iska 
					hor imaad dad ku dhinteen uu ka dhacay aagga magaalada 
					Majayahan oo u dhow Boosaaso - Majahan iyo Dhalan waa laba 
					magaalo oo ay ku jiraan macdan u badan Tiinka oo ah macdan 
					laga sameeyo biraha. Ilaa xilligii uu Terry 
					yimid Puntland ayaa waxaa soo shaac baxayey warar sheegaya 
					in lacago badan ay soo gasho DGPL, laakiin aysan lacagtaasi 
					ku dhicin khasnadda dowlada ama aysan gaarin shacabka, 
					lacagahaas oo lagu helo magaca khayradka Soomaaliya iyo 
					saxiixii heshiiska Puntland oo dunida loo suuq geeyo si 
					saamiyo loogu helo, suuqgeyntii u dambeyseyna ay ahayd tii 
					Kuuriya. May 3, 2006 ayey ahayd 
					markii uu Wasiirkii 
					hore ee Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL, 
					Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Dr. C/Raxmaan Faroole), uu 
					shaaca ka qaaday in lacago kor u dhaafay 3 million oo 
					lasiiyey DGPL, lakiin aan ku dhicin khasnadda dowladda, taas 
					oo uu sheegay in ay tahay in dowlada Cadde Muuse la weydiiyo 
					meesha ay lacagtaasi ka baxday ama ay geysey. 
							
							 ka 
							dhegeyso halkan. 
					
					   
					Qoraaladii ay is weydaarsadeed Cadde iyo Geeddi 
					oo hal fayl ku qoran ka eeg halkan. GUJI...(PDF)  Dhinaca kale waxaa 
					beryahay soo shaac baxaya in ay kala foganayaan DFKMG iyo 
					Itoobiya, taas oo Itoobiya si aysan uga fara banaanaan 
					Soomaaliya ay soo dhoweyneyso xiriir gaar ah oo ay la 
					yeelato madaxda Puntland, maadaama Puntland ay ku taal marso 
					caalami ah, Itoobiyana aysan lahayn deked. Bishan horaanteedii (May 
					11, 2006) ayey ahayd markii uu madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde 
					Muuse booqashada ku tegey magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya, 
					arrintaas oo dadka siyaasadda odorosa ay ka muujineen walaac 
					hor leh maadaama beryahan ay Itoobiya u muuqatey mid kasii 
					fogaaneysa Dowlada Dhexe ee Soomaaliya in xiriirkan cusub ee 
					Cadde Muuse uu keeni karo kala faquuq madaxda Soomaaliyeed 
					si aan weligeed Soomaaliya nabadi uga dhalan - Nabada 
					Soomaaliya ka dhalata waxay hor seedi doontaa in Itoobiya 
					lagula xisaabtamo dhulka ay Soomaalida ka haysatay ee ku 
					hoos nool gumeysiga qarnigan 21aad oo ah Afrikaan gumeysta 
					Afrikaan kale, taas oo ah midda ay Itoobiya had iyo jeer ka 
					tabaalushaysato, madaxda Soomaaliyeedna ay dabinka mar kasta 
					ugu dhacaan sidii xuub caaro - shalay waxa ay la jirtey 
					Geeddi, maantana Cadde, berina waxaan sugnaa wax taas ka 
					bedelan. Safarka 
					Cadde ee Itoobiya ayaa waxaa aad cajaa'ib u ahaa in loo 
					diray in ay Garoonka Itoobiya kusoo dhoweeyaan rag ay 
					shacabka Soomaaliyeed ee Gumeysiga ku hoos jira ka aaminsan 
					yihiin in ay hor taagan yihiin in gobolada Itoobiya ay ka 
					haysato Soomaaliya ay helaan madaxba'naani, waxaana ragaas 
					ka mid ah: gudoomiyaha baarlamaanka Itoobiya Dr. Maxamed Saraaye, 
					ninka ay Itoobiya u xilsaartay gobolada Soomaalida laga 
					haysto Cabdulaahi 
Xasan, wasiiru dowlaha Itoobiya u qaabilsan arrimaha bulshada Khadar Macallin 
					iyo safiirka Itoobiya u xilsaartay Soomaaliya Cabdicasiis Sheikh Axmed. 
					(Reer Barigu waxay arrintaas u yaqaanaan caydiga ku dab 
					kalluunka). Dib 
					haddii aan u jalleecno arrinta hadda muranku ka taagan yahay 
					ee shidaalka Puntland sidii uu ku bilowday, waxaa ka soo 
					baxaya hab xarfadaysan oo la isag ahor keenayo shacabka 
					Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaaliyeed si khayraadka dadkaan 
					isku sii jeeda loogala hoos baxa. 
							
					 "Consort 
							ltd" oo uu asaasay Terry oo Puntland markii hore ku 
							yimid barnaamij uu u bixiyey "Kids In Need" kaddibna 
							shirkad waxa uu ka soo diiwaan geliyey Maldives. 
							Markaas ayaa Madaxweynha DGPL, Cadde Muuse, waxa uu 
							shirkaddii Terry u ogolaaday in ay yeelato xuquuqda 
							baaridda gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee 
							Puntland. Wax yar ka dib 
							'Consort' waxa bishii Oct 
							2005 Khayraadka Puntland ka iibisey "Shirkada 
							Range Resources", taas oo saami ahaan laga iibiyey 
							ka 50.1% - Xeeladda halkaas ku jirtaa waxa ay tahay 
							in saamiga soo haray oo ah 49.9% ee u soo 
							haray "Consort ltd" aan dib dambe la isu weydiin, 
							markastana la xuso uun shirkadda dambe ee "Range 
							Resources", halkaasna lagu duudsiiyo cashuurtii la 
							siin lahaa dalka ay ka diiwaan gashan tahay ee 
							Maldives, iyo Soomaalida oo markasta lagula 
							xisaabtamayo saamiyada 50.1% keliya iyo in suuqa 
							Australia la majara habaabiyo. [Saamigaas 49.9% 
							in cashuurta ka soo xeroota ay gaarto dalka ay ka 
							diiwan gashan tahay ee Maldives, waxaa su'aal laga 
							weydiin karaa madaxweyne 
								Maumoon Abdul Gayoom, Emailka lagala xiriiri 
								karona waa:
								
								info@presidencymaldives.gov.mv). Terry waxa 
							uu ku gorgortamay saxiixii madaxda Soomaliyeed si 
							iib loogaga helo saamiyada suuqyada ama sayladaha 
							Australia. Lacagta saamiyadaas ka soo baxda ayaa 
							Puntland loo ballan qaaday in bil kasta laga siiyo 
							$200,000 - taas oo sida ay caddeeyeen lasiiyo hadda 
							DGPL. Muddo ka dib shirkada Terry waxa ay bilowday 
					in ay isla saamiyadaas u suuq geeyaan Korea. AKhri:
					Shirkadda Terry oo Puntland 
					u iib Geeysey Kuuriya (Korea). 
						
							|   Maldives 
							(Republic of the Maldives) waa dal ku yaal badweynta Hindiya meel 
							Soomaaya kaga aadan dhanka Bari. Waa dal ay ku 
							dhaqan yihiin dad Sunni Muslim ah oo bishii July 
							2005 tiradooda lagu qiyaasay 349,106 qof. 
							Madaxweynaha dalkaas waa
							
							Maumoon Abdul Gayoom. 
							Isha dhaqaalaha ee dalkaas ugu muhiimsani waa 
							dalxiiska iyo kalluumaysiga
 
  |  Dad badan ayaa is 
					weydiinaya, marka ay yimaadaan dadka macdan baaraya, oo ay 
					yiraahdaan waxaan qaadeynaa dhagax si aan u soo baarno, yaa 
					hubinaya in dhagacani yahay mid qiimo leh si hadhow raggaas 
					loogula xisaabtamo, ileyn haddii dhagaxaas dalka laga saaro 
					waa sida uu uga baxay'e. 
					
					   
					LIFAAQ: FAALLO KOOBAN::: 
					Muranka labada dhinac (DGPL 
					iyo DFKMG) waxaa lagu tilmaami karaa majara habaabin 
					xalaadda rasmiga ah ee dalka. DFKMG waxa ay socod siin 
					la'dahay dawlada laba sano ayaana la sii marayaa ayadoo 
					dhaafi la' Jawhar iyo Baydhabo, keeni la' is faham dhexmara 
					dhexdooda, wasiiradoodii oo ah kuwo aan u hoggaansanayn 
					dawladda, caasimadii dalka oo aan faraha cidna ugu jirin, 
					adduunka oo dhammina uu fiirsanayo nabadda caasimada. Mowqif 
					adag oo aan xukuumada Geedi iyo Cabdullaahi ka yeelan karin 
					arrimaha rasmiga ah ee ka jira dalka, iyagoo aan la tashan 
					shacabka ama danayn fikradaha dadweynaha, hoos aan u eegin 
					arrimaha ijtimaaciga ee sii baaba'aya iyo dhaqan xumida ku 
					fafeysa dalka oo aysan ka hadli karin ama hoos u eegeyn, ku 
					mashquulsan in ay qanciyaan dalalka deriska ah halkii ay ka 
					qancin lahaayeen shacabka ay mamulaan, samaystay teed aan la 
					dhaafi karin haddii lala talin lahaa aysan u dheer ayagoo 
					aan wax akhrin sidaasna ay shacabka uga faquuqmeen.. Dhanka DGPL, intii uu Cadde 
					Muuse madaxweynaha ka noqday waxa ay noqotay meel nabad 
					gelyadeedu ka soo dareyso, shacabka iyo dawladu kala aamin 
					bexeen, aan dowlada lala talin karin waxna loo sheegi karin 
					qofkii fikradiisa ka hadlana ganafka lagu dhifanayo. 
					Cashuurta dadka laga qaado aan cidna lagula xisaabtamin 
					meesha ay ku baxdo, sida cashuurta Dekada, garoomada 
					diyaaradaha iyo cashuurta Jaadka (ama qaadka*), 
					warbaahinta Puntland oo laga dhigay mid ay maalulaan wasiiro 
					si aan looga hadlin xaqiiqada jirta, waa sidii xiddigtii 
					Oktoobar oo Puntland ka bilaabatay mar kale taas oo ah dib u 
					dhac weyn, fisqiga oo sii kor dhaya oo ay dawladu wax ka 
					qaban. Shirkadda Terry ayaa 
					markaas noqotay maqaar saar la isku eedeeyo si loo daboolo 
					xaqiiqa ka jirta Puntland iyo inta uu gaaro xukunka DFKMG. Muranka soo kala dhex galay 
					Ra'iisul wasaare DFKMG Prof. Geedi iyo Madaxweynaha DGPL, 
					Gen. Cadde Muuse waxa uu shacabka Soomaaliyeed soo 
					xusuusinyaa murankii u dhexeyn jirey Ra'iisul wasaarihii 
					hore ee dolwadii KMG ahayd ee C/Qaasim, Pro. Galayr iyo 
					madaxweynihii hore ee DGPL, haddan ah madaxweyanaha DFKMG, 
					Col. Cabdullaahi Yuusuf. Haddaba arrintu haddii ay 
					sidaas tahay waxaa la gudboon DGPL iyo DFKMG?: in ay racaan 
					xeerka ay degsadeen ee dastuurka u ah si ay ugu yaraan 
					mudada loo qabtay xukuumada Kumeel gaarka ah marka ay 
					dhamaato aysan u dhicin in mar kale la soo bilaabo shir lagu 
					qabto Kambala, kuna xisaabtamaan in shirkii Nairobi ee 2004 
					natiijadii ka soo baxday aysan noqon tii shirkii Jabuuti ee 
					2000, si marka la gaaro 2009 uu dalku u ahaado nabad, 
					taariikhduna ay markaas ku xusto wanaag. Shacabkana waxaa la gudboon 
					in ay ku bararugan arrimaha jira si aan waqti looga lumin 
					iyaga iyo ubadkooda ama jiilka soo koraya. 
						Qaadka* waxaan 
						u xusnay, waxaan daba joognaa daraasad dhowaan laga 
						sameeyey Puntland: Gudoomiyaha ururka SKAO ayaa soo 
						bandhigay diraasad ka hadleysa qiimaha maalintii ku baxa 
						qaadka la keeno magaalada Bosaso taas oo u muuqata bur 
						bur dhaqaale, maalintii waxa magaalada Bosaso oo keliya 
						ku qayishaa $52,000 maalinkasta, taas oo gaaraysa 
						sanadkii $19,000,000 (sagaal iyo toban milyan oo 
						Doolarka maraykanka ah). diraasadan ayaa waxaa sameeyay 
						ardey ka qalin jebiyey jaamacadda Bariga Africa ee 
						Bosaso laguna magacaabo Axmed Weli Nux Cismaan. Akhri:
						
						http://www.somalitalk.com/qaad/qaad6.html . 
					
					   
					
						Talo iyo tusaalayn 
						DFKMG, gaar ahaan Prof. Cali Maxamed Geeddi waxaa loogu 
						hagaajin karaa email: 
						
						
						premiersom@wananchi.com
						Warqadda u dambeysey ee Madaxweynaha Puntland, Cadde 
						Muuse, kuma qornayn email ama telefoon ama Fax lagala 
						xiriiri karo DGPL. Faafin: SomaliTalk.com | 
					May 21, 2006 
					
					   
					Avv. C/llaahi Daahir Barre 
	“Sharciyan Ra’isul Wasaaraha ayaa xaq u leh...”
					Xiisaddii u dhexeysay Ra’isul 
					Wasaare Geeddi iyo Maamul Gobaleedka Puntland oo.. 
					Waxaa maalinba maalinta ka 
					dameysa sii xoogeysanaya xiisaadii u dhexeysay Dowladda 
					Federaalka ee uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed 
					Geeddi iyo Maamul Gobaleedka Puntland taasoo la xiriirta 
					shidaal la doonayo in laga baaro maamulada Puntland. 
					Shir ay yeesheen Golaha 
					Wasiirada Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxaa looga hadlay 
					hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geeddi ee ahaa in aan 
					wax shidaal ah laga qodi karin gobaladaasi, waxyana 
					Wasiiradu gebagabadii shirkooda ku sheegeen in ay 
					kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka. 
					“Inta uu Dowladda Ra’isul 
					Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geeddi marnaba lama 
					shaqeyneyo xitaa dowladdiisu kama howlgali doonto maamulka 
					Puntland” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Golaha Wasiirada 
					ee maamul Gobaleedka Puntland. 
					Maamul Gobaleedku waxa uu 
					sheegay in howsha shidaal qodida ay sii wadi doonaan isla 
					markaana aysan dheg jalaq u siin doonin hadaladii ka soo 
					yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, iyagoo ku 
					tilmaamay Ra’isul Wasaaraha nin aan dooneyn in dalka horumar 
					uu gaaro. 
					 
					Waxaa noo 
	suurtagashay in aan wareysi la yeelanayo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka 
	C/llaahi Daahir Barre, waxaana wax ka weydiinay cidda xaqa u leh in ay xilka 
	ka qaado Wasiirada Hubeysan ee maalmahan dagaalka ka wada Magaalada 
	Muqdisho, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “waxaa xaq u leh in uu 
	xilalka ka qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waayo Dowladdiisa ayay 
	ka mid yihiini, xildhibaannimadana waxaa ka qaadi kara Golaha 
	Baarla-maanka”. 
					“Waa arrin 
	qalad ah in Wasiiro ka tirsan Dowladda ay galaan dagaal aysan ogeyn dowladda 
	federaalka” ayuu yiri Avv C/llaahi Daahir Barre oo sheegay in loo baahan 
	yahay in arrimaha noocaana iyana la ogeysiiyo Maxakamadda sare. 
					Ra’isul 
	Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa todobo maalmood u qabtay wasiirada hubeysan 
	ee dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho inay ku soo xaroodaan Magaalada 
	Baydhabo, ilaa iyo haatanna ma jirto wasiir ka hadlay go’aanka Ra’isul 
	Wasaaraha marka laga reebo Muuse Suudi Yalxow oo sheeegay in uusan wax xil 
	ah u hayn dowladda.  
					Amiin Yuusuf | 
					E-Mail:
	amiinkhasaaro@hotmail.com  
					| 
	May 22, 2006
					 
 
 HEERARKII TERRY LA SOOMARAY 
					PUNTLAND  January 
					2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay 
					woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. 
					Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne 
					Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). 
					Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah 
					waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii 
					ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami). 
							 Waxaa 
							dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah 
							oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad 
							samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo 
							"Kids In Need". 
							  June 
							10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu 
							hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, 
							waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi 
							si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg 
							ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas 
							ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika 
							Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg 
							halkan] 
								  Waftigii 
							Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen 
							madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas 
							oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi 
							Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo 
							saxiixo Terry. [Eeg halkan] August 25, 2005: 
							Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose 
							ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay 
							dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, 
							bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u 
							socdey. 
								 August 
							28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu 
							war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag 
							aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu 
							yahay waxba kama jiraan... [Eeg 
							Halkan] 
							 August 
							29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii 
							Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war 
							saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo 
							ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. 
							[Eeg halkan] 
							  August 
							31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga 
							imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan 
							baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday 
							Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha 
							madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. 
							Gaagaab).. [Eeg halkan] 
								 September 
							9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud 
							Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka 
							maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta 
							qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku 
							dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi 
							gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad 
							gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan] 
							
							 September 
							10,2005: 
							Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku 
							qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba 
							ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo 
							sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda 
							bilaabi doonto October 2005.  Hadalkii Wasiirka 
							Maaliyada Puntland uu kaga Warbixinayey Heshiiskii 
							Puntland iyo Shirkada uu ku Sheegay Australian oo 
							Cod iyo Qoraal ah::::[Eeg 
							halkan]  
					 
 
							
							 
							
							   |