SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADHAN


Shirwaynaha Wada Tashiga Beesha Warsangeli Iyo Khudbadii uu ku Furay Shirka Suldaanka Guud ee Beeshu Suldan Siciid Suldan 14 May 2006
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH
















Ilaahay ayaa mahadle, inoo suurta geliyey
inaynu maanta halkan isugu nimaadno.




Waxan u mahad celinayaa dhammaan : Isimo Beeleedyada , Cuqaasha, Siyaasiyiinta,Aqoonyahanka, iyo Guurtida aan casumaadda shirka u diray oo soo ajiibey.

Ujeeddooyinka aan shirka u wacay ayaa waxay ahaayeen :


1.In La raadiyo midnimo dhab ah oo Warsangeli , lagana doodo sidii dadka iyo dhulkaba horumar loo gaadhsiin lahaa.

2.In La ilaaliyo lana adkeeyo nabad gelyada , wax alla wixii carqalad ku ah nabadgelyadaasna meel looga soo wada jeensado.

3.In xal loo helo colaadda ka aloosantay degaanka Majayahan, si qoto dheerna loo lafo guro arimaha khilaafka keenay.

4. In si dhab ah wax la isaga weydiiyo dhul daaqsimeedka ninba intuu doono iska ootay, xaalufinta iyo jiriifka ka socda Baddeenna, iyo dhuxusha sida aan caqli galka ahayn loo shidayo.

5. In la is weydiiyo kaalintii aqoon yahanka beeshu ku lahaayeen wax ka qabadka horumarinta degaanka iyo bulshadaba halka ay ku maqan tahay.

Qodobo dhawr ah ayaan jeclahay inaan wax ka idhaahdo ugana faa’iideysto fursaddan qaaliga ah , arimahaas oo ah :

1. Isimo Beeleedyada:- Beeluhu isimada ay samaysteen anigu waxba kama qabo, waana soo dhoweynayaa, waxase muhiim ah in isimada soo kordhay ay si fiican ula socdaan wakhtiga adag ee guud ahaan wadanku ku jiro, kuna talo galaan shaqo adag, tixgeliyaanna midnimada Warsangeli.

2. Waxbarashada iyo Caafimaadka;- Waxan shaki ku jirin in bulshada mandaqaddu , gudaha iyo dibadaba ay ku ammaanan yihiin sida ay iyagu isugu tashadeen, waxna uga dhaqaajiyeen waxbarashada iyo caafimaadka, iyagoo aan wax gacan ah ka helin hay’adaha caalamiga ah iyo maamuladaba.

Waxan ognahay in aduunku dhaqaale badan ku bixiyo waxbarashada iyo caafimaadka Soomaaliya, dadka mandaqadda ayaa looga baahan yahay iney raadiyaan halka qaybtoodii ku maqan tahay .

3- Waxan hay’adaha Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee deeqda bixiyaba ugu baaqayaa in degaankani u baahan yahay in la soo gaadhsiiyo deeqihii caalamku ugu talo galay . iyadoo tan iyo bur-burkii dawladda dhexena aan wixii ay saamiga u lahaayeen la soo gaadhsiin, waxayna ka mid tahay meelaha ugu saboolsan Somalia.

Degaankani waa nabad , waana xasillloon yahay , ,xilliganna waxa ka jira dhibaatooyin aadaminimo , dhibaatooyin caafimaad, Biyo la’aan, iyo baahiyo badan oo xagga arimaha bulshadaba ah , arimahaas oo dhan waxan hay’adaha ugu baaqayaa iney wax ka qabtaan , degaankanna yimaadaan.

4- Siyaasiyiinta Beesha:Siyaasiyiinta beeshu waa ka yar yihiin intii laga filayey , arintaa dhaliisheedana waxa iska leh dadkii aqoontaas lahaa oo aan xil iska saarayn, gudaha iyo dibadaba iney iska kaashadaan oo muujiyaan tayo ahaan iyo tiro ahaanba..

5-Geba-Gebo:Waxan ugu baaqayaa dhammaan Isimo Beeleedyada ,Cuqaasha, Guurtida , Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Dadweyanaha kale ee jooga wadanka gudihiisa iyo dibadiisabain lagu waayo arko dib u dhaca aynnu ka dhaxallay midnimo la’aanta , haddana la isa saamaxo , loona jeensado sidii iyadoo la midaysan yahay dadka iyo degaankaba horumar loo gaadhsiin lahaa .

Waxan markale u mahad celinayaa dhammaan dadweynaha madashan isugu yimid rag iyo dumar, cirroole iyo caruurba.

Intaas waxa ku dhan Khudbadii uu ka jeediyay Suldaanka Guud ee Beesha warsangeli Suldan Siciid Suldan C/Salan Shirka ka furmay maanta magaalada Badhan.

Waxaan idiin soo gudbinaynaa Dhakhso Sawiradii aanu ka qaadnay Shirkaas isaga ah.

Warbixin Ku Saabsan Shirkii Beesha Warsangeli uga Socday Magaalada Badhan Ee Gobolka Sanaag. 15 May 2006

Waxaa si toosa uga furmay magaalada Badhan 14/05/06 maalinino Axada shirkii aayo ka talinta beesha Warsangeli shirkaas oo ay ka soo qayb galeen ergooyin kala duwan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshadaiyo dhamaan Gobolada Beeshu Degto.

Shirkan oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay arday raxan raxan u soconaysa haween aad u farabadan guurti iyo ciidamo iyagu halkaa ku soo bandhigay gaada kacayaar.

Shirkan waxa furay Suldaan Siciid Suldaan C/salaam oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey waxa kale oo ka hadlay Ismada Suldaan C/laahi Cartan Ugaas Ibaraahim Cali Shibiin Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo Garaad Cali Aw Yuusuf oo iyana halkaa ka soo jeedieyey khudbado dhaxal gal ah


















Taliyaha Ciidamada Aaga Majiyahan Cornel. Jeenitaag

sidoo kale waxaa iyana kulanka shirka khudbado ka jeediyey aqoon yahano siyaasiyiin iyo qaybaha bulashada rayidka ah

Dr. Yuusuf Xaaji Siciid oo ka mid ahaa siyaasiyiinta nasiibka u yeelatay inay ka soo qayb galaan shirka ayaa ka jeediyey khudbad u dhigan sedan
















Dr. Yuusuf Xaaji Siciid

Yuusuf waxa uu ka hadlay sida loogu baahan yahay midnimo iyo in lala saan qaado caalamka sidoo kale waxuu yusuf aad ugu nuux nuuxsaday jaaliyadaha debeda waxuna yir jaalidaha debedu waa ay ka gaabiyeen wax qabadka dalkooda Yuusuf waxuu sheegay dalka inuu ku horo maray sadex waxyaalood dhaxal laga helay dawladii Soomaaliyeed Hay`adaha caalamiga iyo Jaaliyadaha debeda

waxa uu sheegay inaan dawladii Somaaliyeed degaankan wax dhaxal ah uga tegin hay,ada Caalamkuna aanay door muuqada ka qaadan mdadii bur burka Jaaliyadaha dibaduna ay ka gaabiyeen doorkoodii

















Sahro Jaamac Cali Qoorsheel


Sidoo kale waxaa iyana halkaa ka hadashay Sahra Jaamac Cali Qoorsheel oo ka mid ahayd siyaasiyiinta ka qayb geshay shirka Sahara waxay sheegtay inoo loo baahan yahaym dadku uu wax wada qabsado isla markaana walaaloobo midnimana wax lagu gaari karo sahra waxay ku nuux nuuxsatay ahmiyada uu leeyahay kulan iyo baahida loo qabo inay ka soo baxaan miro dadku in badan gurtaan


















Cusman Bootaan Saalax

Waxaa isna kulankaaa war bixin ka jeediyey Cismaan Bootaan Saalax oo ka hadlay wax barashada iyo tayadeeda isaga oo sheegay inay araday kabadan 5000 oo araday ay wax ka dhigtaan magaalooyinka Badhan Hadaaftimo Dhahar Xingalool Ceelbuh Buraan Yube iwm

Cismaan waxa uu ku nuux nuuxsaday ahmiyada ay leedahay wax barashadu iyo kaalinta ay kaga jirto bulshada isaga oo sheegay in aanay wax taakula ah ka helin hay`adaha caalamiga ah loona baahan yahay sidii mustawe loo gaarsiin lahaa ubadka si ay ula jaan qaadan dhigooda kale

waxaa iyanna ka hadlay Col Siciid Ducaale Cawar C/xakiin Garaad iyo Aadan Xaaji Saalax oo dhamaantood ka socday jaaliyadaha debeda.
















Aadan Xaaji Dhagagax

Sidoo kale waxaa magaca haweenka ku hadlay Faadima Salaad Shiriif.

Waxaa isna Gabay dadka ka qiiraysiiyey ka jeediyey kulankii shalay Abwaan Max`ud Max`ed Aw yuusuf( afdukaanle)


















Dadwaynihii Shirka ka soo qayb galay
















Dadwaynihii Shirka ka soo qayb galay

















Dadwaynihii Shirka ka soo qayb galay

















Askar gaardiyaysa



MMJ kabriito
Mohamud Ciyoon
RadioSanaag + Laasqoray.net
Madasha shirka
 kala xiriir: editor@radiosanaag.com

C/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2006

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD