SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


C/Raxmaan Faroole oo u Waramay Idaacada Australia ee SBS

Waraysiga Halkan Ka Dhegeyso...


C/Raxmaan Faroole

Wasiirkii hore ee Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (C/Raxmaan Faroole), oo Arbacadii May 3, 2006 u waramayey idaacada Australia ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska la xiriira shidaalka Puntland uu yahay mid aan waafaqsanayn sharciga.

Dr. C/Raxmaan Faroole waxa uu warbixin dheer ka bixiyey sida uu heshiiskani ku yimid, iyo waxa ka dhalan kara haddii aan hadda wax laga qaban.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday lacago kor u dhaafay 3 million oo la qaatay, lakiin aan ku dhicin khasnadda dowladda, taas oo ay tahay in dowlada Cadde Muuse la weydiiyo meesha ay lacagtaasi ka baxday ama ay geysey.

Dr. Faroole waxa uu sheegay in arrintan uu gaarsiinayo caalamka si wax looga qabto.

Waraysigaas oo uu qaaday Ciise Dhoolawaa oo ka tirsan idaacada Australia ka dhegeyso halkan


Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland, sidaas waxaa ku adkaystay Shirkadda Range Resources...

  • Range Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000 doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa...

  • Agaasimaha Range Resources, Mike Povey, waxa uu sheegay in uusan ogeyn wax dagaal ah oo ka dhacay Puntland.

  • Agaasimaha Range Resources waxa uu sheegay in dhawr qof oo gaaraya 20 qof  oo jooga Puntland ay kasoo hor jeedaan heshiiska Range Resources

  • Akhri Halkan..... Guji...


"Consort ltd" oo uu asaasay Terry oo Puntland markii hore ku yimid barnaamij uu u bixiyey "Kids In Need" kaddibna shirkad waxa uu ka soo diiwaan geliyey Maldives. Markaas ayaa Madaxweynha DGPL, Cadde Muuse, waxa uu shirkaddii Terry u ogolaaday in ay yeelato xuquuqda baaridda gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Wax yar ka dib 'Consort' waxa bishii Oct 2005 Khayraadka Puntland ka iibisey "Shirkada Range Resources", taas oo saami ahaan laga iibiyey ka 50.1% - Xeeladda halkaas ku jirtaa waxa ay tahay in saamiga soo haray oo ah 49.9% ee u soo haray "Consort ltd" aan dib dambe la isu weydiin, markastana la xuso uun shirkadda dambe ee "Range Resources", halkaasna lagu duudsiiyo cashuurtii la siin lahaa dalka ay ka diiwaan gashan tahay ee Maldives, iyo Soomaalida oo markasta lagula xisaabtamayo saamiyada 50.1% keliya iyo in suuqa Australia la majara habaabiyo. Akhri.....


Waa kuwan Carruurta Puntland, oo qashinka cunto ka dhex raadsanaya.

Caruurta oo Qashinka ka doonanaysa waxay Cunaan, Booasaaso, Soomaaliya

....Xeebtii ayaa u muuqata, haddii malaha loo samayn lahaa laash ama huuri ama sixiimad loogu kalluumeeyo!!!!!!

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2006

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD