SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


MUUSUQMAASUQ HANTIYEED: SIDII LOO RABEY IN LOO DHOCO HANTIDDA DABIICIGA OO DHAN EE PUNTLAND

11kii JUNE 2006

QORE: DR. NUUR CILMI GAASHAAN
Email:
nurelmigashaan@hotmail.com

_______________
_______
___

(Taxanahaan oo u qaybsan saddex dhudhumood waa mid ka hadli doona Marka hore sida loo qiimeyo hantidda ay shirkaduhu leeyihiin khaas ahaan kuwa raba in ay baaraan hantidaa dabiiciga ah. Qaybta kowaad, waxaanu fiirin donaa shirkadda layiraahdo Consort Iyo Range. Qabta labaadna, waxaanu fiirin donaa sidaa loo khiyaamayay wadamada saboolka ah ee loyaqaano “aduunka Sadexaad” tan ugu dambaysana waxaanu fiirin donaa sidaa looga Gaashamankaro Masiiboyinkaas, horuumarna loo gaari karo [English Version: Read here http://www.somaliatalk.com/terry/gaashaan.pdf (pdf)])

Muddo laga joogo tobban billood waxaa waddanka Somaaliya (khaas ahaan Puntland) yimid shirkad markeedi hore ku timid in ay suubiso hawlo samafal ah laakiin kaddibna isurogtay in ah tahay shirkad layiraahdo Consort Pty Ltd. Halkaas oo nin layiraahdo Terry uu shirkadaas hor boodayay. 

Terry markaas meesha waxaa geeyay rag Soomaali ah oo Australian ah, laakin muddo kaddib wuxuu la xirtay nin layiraahdo Liiban Muuse oo ay aad isugu dhowyihiin Madaxwayne Cadde Muuse. Raggii kaloo xaqqa kutaagnaana oo rabay waddanka in wax laga soo saarana waa laga xawaarayay oo arintu waji kale ayay yeelatay. 

Waxaa marka iswaydiin leh horta Shirkadahaan yaa weeye? ma waxay u shaqeysaan shirkado ama waddamo kale oo aan rabin in wadanka Soomaaliya wax khayraad ah in lagasoo saarin (akhri: buuga layiraahdo the Confessions of an Economic Hit Man)? Sidaanu uga warqabno shirkadahaan yaryar ee addunka saddexaad rogay haddii ay arintu ku adkaato suuqa ay kabaxaan oo gacmaha ayay laabtaan (bankruptcy declaration) wixii qasiyad ahna waxay uga tagaan wadamadaas oo qaan ay ku noqoto. Arrinta berrito imaankarta waxa weeye arrin qaanuun caalami ah salka ku haysa oo laga yaabo in shirkadihii markii hore lacagta waddanka gashtay aan lala xiriirin, ama lagu tashan in lala xiriiro. 

Markii wadahalkaas uu socday waxaa arrinta loo soo bandhigay Shirkaddo qareemo ah lakiin waxay ku taliyeen waa laga booday oo heshiskaas oo xogaa lacag ah lugu bixinayay ayay hogamiyaasha Puntland doorsadeen. Waziiradii kasoo horjeedsaday arintaasna qaarkood waa la rukhseeyay. 

Shirkadii Consort oo xataa wax hanti ah aan lahayn ayaa heshikii waxay kasii gadeen shirkad yar oo Australian ah oo layiraahdo Range Resources kuwaas oo xataa lahayn wax khibrad ah xagga soosaarka shidaalka iyo xataa macdanta. Iyaguna waxay kasii gadeen Shirkad layiraahdo MEPS oo xataa laftikooda aan haysan wax RIIGAG ah ilaa iyo haatan iyaguna waxay isku dayeen in ay kasii gadaan shirkadoo caalami ah lakiin shirkadahaas way ku gacan sayreen. Isku soo koob oo waxaa la rabaa in wakhtiga Puntland laga dilo oo sumcadeeda Dowladdnimana shaki lagaliyo.

Akhristoow waxaa iswaydiin leh marka ,in aanu fiirino shirkadaan hantideeda oo ku lifaaqsan qoraalkaan oo afka qalaad ku qoran hase yeshee waxaan kusoo koobikarnaa siddatan: 

  1. In aysan wax dakhli ah uusan jirin ilaa iyo 1996 - waa ku dhowaad toban sano
  2. In Shirkaddu aysan waxna gaddin ilaa iyo 1996 oo ku lug leh khayraadka dhulka
  3. In wax shaqaale ah uu lahayn aan ka baxsaneen mulkiilayaasha
  4. In lacag aysan soo galin shirkadaan
  5. In Shirkadaan aysan lahay wax khibrad ku saabsan soo saarka shidaalka
  6. In ay saddex mulkiilayaal yihiiin shirkadda oo dhan
  7. In laga yaabo birito in sharci lalataagsaddo taas oo ka imaankarta waxa loo yaqaano “force Majeure”
  8. In shirkadaan iyo mulkiilayaasheeda loo qabsan doono dadkii ku dhintay MIJIYAHAN
  9. In heshiiska ay consort lagashay uu san marin jidkii habonaa ee barlamaanka Puntland xataa midka golaha waziiradda(xataa midka DFKS)
  10. Shirkadda in marar badan suuqa dhaqaalaha Australia hakad lagaliyay
  11. Mulkilayaal ka tirsan shirkadaan in ay iscasileen dhawaan

Waxaa layaab leh marka in Dowladda Puntland ay heshiis lagasho shirkad xataa an lahay wax khibrad ah xagga khayraadka midda kale dakhliga Puntland waxaa lagu qiyasaa in uu gaaro ilaa 35 Milyan oo doolar marka ay shirkadda Rangena ay leedahay wax ku dhow 1 milyan oo doolar. Marka walaalayaal ma ahan in markii la arko nin duubcad loo maleeyo in ay lacag ka buxaan ama ay dadka kale ka caqli badanyihiin, mida kale maxaanu u isticmaaliwaynay caqliga iyo hantidda ku duugan dadka u dhashay Soomaaliya. Waxaanu soo bandhigi karnaa in ay qaadato ilaa iyo 15 milyan oo doolar in hal ceel ah lagu qoddo iyadoon xataa loo dhaadhicin wax soo saarka iyo sifeeynta kowaad ee shidaalka, dismaha tuubooyinkii qaadilahaa iyo wax lamid ah (crude production, pipeline construction, etc). Marka waxaa is waydiin leh halkee bay Range Iyo MEPS lacagtaas ka keenayaan? 

Waxaan kusoo gabagabayn lahaa in baarlamaanka Puntland uu sharci la tiigsaddo wixii muusuq maasuq ah lana joojiyo in ay Sumcadda Puntland wax soo gaarto oo la hakiyo heshiiskaan mugdigga ku jira ee Range Resources caqli kalana la isticmaalo. Ugu dambayn ma xaqbaa in Maddaxwayne Cadde Muuse uu Madax ka ahaado Puntland marka uu wiilka adeerka ugu aadana uu Mulkiile ka ahaado Range resources? maxaa ku dhacay “QOODHAA IYO XERADDAA?” maxaa ku dhacay kala dambayntii lagu yaqaanay Puntland? Mise boob baa la xalaal laystay?

Company Profile      Last update: 23 May, 2006

ASX Code: RRS     Range Resources Limited

Source: https://www.comsec.com.au/

Company Historicals

PER SHARE STATISTICS

 

 

6/96

6/97

6/98

6/99

6/00

6/01

6/02

6/03

6/04

6/05

Sales($)

--

--

--

--

--

0.01

0.01

--

--

--

Cash Flow(cents)

0.2

--

-0.4

-0.5

-0.6

-1.1

-0.5

-0.4

-0.4

-0.5

Earnings(cents)

0.3

0.5

-1.5

-0.5

-0.8

-0.8

-0.9

-0.6

-0.3

-0.7

Dividends(cents)

--

--

--

--

--

--

--

--

--

--

Franking(%)

--

--

--

--

--

--

--

--

--

--

Capital Spending(cents)

--

--

-0.9

-0.2

--

--

--

-0.1

--

--

Book Value($)

0.04

0.07

0.03

0.03

0.05

0.02

0.01

0.01

0.01

0.01

Shares Outstanding(m)

35

35

37

37

59

67

87

167

299

471

Avge annual PE ratio

--

9.1

--

--

--

--

--

--

--

--

Relative P/E(%)

--

62.5

--

--

--

--

--

--

--

--

Total Return(%)

--

63.6

33.3

-16.7

--

-68.3

72.2

-78.5

7.1

61.0

+/- Market(%)

--

35.9

30.7

-30.8

--

-78.5

76.9

-76.5

-14.3

35.0

+/- ASX sector(%)

--

84.7

56.9

-17.1

--

-91.8

-8.1

--

--

--

HISTORICAL FINANCIALS

 

 

6/96

6/97

6/98

6/99

6/00

6/01

6/02

6/03

6/04

6/05

Revenues ($million)

 

 

 

--

--

0

0

0

 

 

Operating margin(%)

--

--

--

-2,365.4

-7,695.4

-77.0

-122.1

-291.8

--

--

Depreciation ($million)

--

--

--

 

--

--

--

--

--

--

Amortisation ($million)

--

--

--

--

--

--

--

--

--

--

Net profit before abnormals ($million)

0

0

-0

-0

-0

-0

-0

-0

-0

-2

Net profit ($million)

0

1

-1

-0

0

-1

-1

-0

-0

-2

Income tax rate(%)

20.7

2.5

--

--

--

--

--

--

--

--

Net profit margin(%)

--

--

--

-2,050.6

-9,035.7

-115.3

-145.7

-292.5

--

--

Employees (thousands)

--

--

--

--

--

--

--

--

--

--

Long term debt ($million)

 

 

 

 

 

0

 

 

 

 

Shareholders equity ($million)

1

2

1

1

2

1

0

1

4

5

Return on capital(%)

11

10

-48

-20

-14

-23

-116

-44

-12

-50

Return on equity(%)

6.8

7.3

-47.9

-19.7

-13.6

-26.7

-118.4

-44.5

-11.9

-50.2

Payout ratio(%)

--

--

--

--

--

--

--

--

--

--

Balance Sheet

CAPITAL STRUCTURE

($ 000s)

.

 

Total Debt

--

 

 

Long Term Debt

--

 

 

Preferred Stock

 

 

 

Shareholders equity

 

 

 

CURRENT POSITION ($ 000s)

 

 

2003

2004

2005

 

Cash Assets

286

673

1,114

 

Receivables

27

36

77

 

Inventory

--

--

--

 

Others

10

6

10

 

TOTAL CURRENT ASSETS

324

716

1,201

 

 

 

Accounts Payable

10

499

95

 

Debt Due

--

--

--

 

Others

--

--

--

 

CURRENT LIABILITIES

10

499

95

 

 

 

Source: Commonwealth Securities Australia ( https://www.comsec.com.au/)

English Version: http://www.somaliatalk.com/terry/gaashaan.pdf (pdf)

QORE: DR. NUR ELMI GASHAAN
Email:
nurelmigashaan@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD