SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Shirkad Sheegatay in ay Dowladda Federaalku u ansixisay lahaanshada Xuquuqda Gorgortanka iyo bixinta yeelashada shatiyada (laysanka) ee heshiisyada shiidaalka, baaritaanka iyo qodista ee dalka Soomaaliya...

Warsaxaafadeed kasoobaxay "Northbridge Services Group"...


Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG

Qoraal ay Isniin June 12, 2006 soo saartay "Northbridge Services Group" (NSG) ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG) ay NSG u ansixisay lahaanshaha gebi ahaanba xuquuqda bixinta heshiisyada shidaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka oo arrintaas ka hadlaya waxa uu hadalka u dhigay: DFKMG oo uu wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaalia ayaa waxa ay NSG u ansixisay lahaanshada xuquuqda bixinta shatiyada (laysanka) heshiisyada shiidaalka, baaritaanka iyo qodista ee la siinayo shidkado gaar loo leeyahay (private) ama dowlado.

NSG waxa kale oo ay websitekooda ku soo bandhigeen warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil, taas oo ay ku cadahay in NSG la siiyey awooda ilaalinta xeebaha iyo badda Soomaaliya iyo abaabulidda ciidanka difaaca badda ee DFKMG.

Warkani waxa uu ku soo beegmay xilli DFKMG laga sugayo in ay baarlamaanka hor-keento xeer/qaanuun ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Waxa kale oo dhowaan soo baxay in wafti ka socday madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ay tageen magaalada Jakarta halkaas oo ay kula kulmeen qareen reer Canada ah oo ay DFKMG u xilsaartay in uu kala taliyo sidii sharci loogu samayn lahaa khayradka dabiiciga. Waxa kale oo warkani kusoo beegmay xilli uu madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ka soo debcey meeshii uu ka taagnaa shirkaddaha ay Puntland heshiiska kula gashay macdanta/shidaalka.

Waxaa xusid mudan in bishii December ee 2005 ay ahayd markii ay soo shaac bexeen wararka la xiriirey in DFKMG ay heshiis-badeed la gashay TOPCAT, laakiin heshiiskaas hadal haytiisii laga waayey DFKMG ka dib markii saxaafaddu si xeel dheer uga faalootay arrimaha la xiriirey heshiiskaas. Taas oo ay ka sii horeysey in Febraayo 2005 uu soo shaac baxay heshiiskii saddex geesoodka ah (Puntland/DFKMG/HAFZA) ee Xaafuun muddo 99 sannadood ah lagu siinayey HAFZA, heshiiskaas oo asagana hadal hayntiisii la waayey. Waxa sidoo kale hadal hayntiisa DFKMG laga waayey heshiiskii bishii May ee 2005 magaalada Nairobi ku dhex maray Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo ninka lagu magacaabo mr. Meier oo reer Norway ah oo uu la socdey C/raxmaan Liibaan oo ah Soomaali deggan Norway. C/raxmaan waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna waxaa laga dhigay lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arrimaha soo saarida Shiidaalka.

Weli DFKMG war kama soo saarin warqadaha cusub ee ay faafisay NSG ee ku saabsan heshiiska cusub ee badda iyo shidaalka.

Haddaba, Warsaxaafadeedkii NSG iyo warqaddii DFKMG ee ay faafisay NSG oo ay SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri:


WARSAXAAFADEED:
FAAFIN DEGDEG AH

June 12, 2006

Warka Madaxdiisa: Taageerada Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG)

(Tarjumadii SomaliTalk.com): Dowladda Federaalka kumeelgaarka ee Soomaaliya waxa ay warqad rasmi ah ku magcawoday NSG (Northbridge Services Group , Ltd.) oo ay la jirto AIMR (African Institute for Maritime Research) in ay noqoto tan keliya ee leh mas'uuliyadda ammaanka xeebaha Soomaaliya laga ilaalinayo burcadda/argaggaxisada badweynta. Warqaddu waxa kale oo ay awood u siineysaa NSG/AIMR soo qabashada maraakiibta sharci darrada u kalluumaysanaya, ciribtirka butaacidda sunta halista ah, waxana ay isku dubarideysaa ciidanka difaaca xeebta Soomaaliya.

Waqtiga dhaqan-galka magcaabidaasi waxa ay ahayd May 12, 2006.

Sababtaas awgeed iyo magcabidaas Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) oo uu wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane: Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil, ayaa Northbridge Services Group, Ltd, iyo African Institute for Maritime Research, waxaa loo ansixiyey lahaanshada xuquuqda gorgortanka iyo bixinta yeelashada shatiyada (laysanka) ee heshiisyada shiidaalka, baaritaanka iyo qodista ee la siinayo shirkado gaar loo leeyahay (private) ama dowlado kuwaas oo markaas dhaqaale ku kaabaya maal gelinta hawlagallaada kor ku xusan, iyo caawinta ka qayb qaadashada in dalka laga dhigo mid xasilloon.

Dhammaan dukuumiintiga arrimahaas muujinaya waa kuwo la heli karo marka lana weydiisto.

LTC Robert Kovacic (USA Ret)
Madaxweynaha
Email: info@northbridgeservices.com
Tel: +1 859 351 7334 U.S.A +44 2076 694169 U.K.

English Version: http://www.northbridgeservices.com/somalia release.pdf

Warqaddii ay DFKMG u dirtay NSG ka akhri hoos:



Jamhuuriyadda Soomaaliya
Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda

______________________________

Ujeeddo: Warqadda Magacaabidda

Ku: African Institute of Maritime Research
      Northbridge Services Group

(Tarjumadii SomaliTalk.com): Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya (DFKMG) waxa ay garawsatay in burcaddu ay ku kobcayaan xeebta ku xeeran Soomaaliya kuwaas oo biyaha Soomaaliya ku qabsaday/kadeedey noocyo kala duwan oo ah maraakiib ganacsi.

Arrimahaas (ama xarakaadkaas burcaddu) waxa ay jebinayaan qaanuunka caalamiga ah, waxana ay si weyn u carqaladeeyeen shixnadaha caalamiga ah. Waxaa taas dheer in kalluumaysiga sharci darrada ah ee ay biyaha Soomaaliya ka wadaan kuwo aan diiwaan gashanayn ee koytada ah (ama kayimid dhul shisheeye) kuwaas oo si joogto ah ugu xad gudba xornimada dhulka xeebaha/biyaha Soomaaliya iyo ayagoo si ku dul noolaansho ah u guranaya khayradka Badda.

Sidaas daradeed DFKMG waxaa ka go'an qodobada soo socda:

  • Xeebta iyo biyaha Soomaaliya oo ay ka difaaceyso burcadda/argaggixisada
  • Xaqiijinta ammaanka iyo difaaca dhammaan mucaawinooyinka bini'aadamino gaarsiintooda
  • Raadinta iyo ciribtirka dhammaan nooc kasta oo ah burcad/argaggixiso ee biyaha Soomaaliya, xeebaha ku dhow Soomaaliya iyo berriga (gudaha) Soomaaliya haddii loo baahdo
  • Raadinta iyo ciribtirka nooc kasta oo ah hawlgallaada kalluumaysiga sharci darradada ah ee biyaha Soomaaliya
  • Maalgelin, tababar, qalabayn iyo geyn ciidanka difaaca xeebta, kuwaas oo awood u leh difaaca biyaha Soomaaliya, aagga xeebteeda, oo ay ku jiraan agaasimid taakulayn haddii loo baahdo, difaac iyo ciidan la geeyo gudaha (ama berriga ka durugsan xeebta) haddii loo baahdo
  • Bixin heshiisyo bilaash ah oo ah yeelashada xuquuqda shidaalka ee qodista/soo-saaridda oo la siinayo shirkado khaas loo leeyahay (private) kuwaas oo dhaqaale ku biirinaya ay ku taageerayaan AIMR/SNG si ay u fuliyaan mashruucaan iyo weliba taageeridda barnamaijyada qaranka ee DFKMG
  • DFKMG waxa ay dammaanad qaadayaan xaqiijinta arrintan gacan siineysa AIMR, taas oo ay dhici karto in la tuso ama  lagu kala iibsado hay'ado ganacsi oo caalami

Warqaddan magcaabidda ah waxa uu dhaqan-galkeedu jirayaa muddo saddex (3) bilood ah oo ka bilaabaneysa taariikhda ku cad halkan; dhaqan gelinteeduna waxa ay dhaceysaa waqtiga kor ku xusan, taas oo ay dhici karto in la cusboonaysiiyo waqti dheeraad ka ah saddexda bilood ee kor ku xusani haddii dhinacyadu ay isku raacaan.

GO'AAN

Sidaas daraadeed, DFKMG waxa ay go'aamisey magcaabidda AIMR (African Institute of MAritime research) iyo shirkadda jaalkeeda ah ee NSG (Northbridge Services Group) oo noqonaysa wakiilka keliya ee qaabilsan dhammaan hawlgallada xeebaha Soomaaliya, difaaca, ciidan iyo tababarida dhammaan ciidanka difaaca xeebta ee DFKMG.

Waxaa Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya u saxiixay
Mudane: Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG
Markey Taariikhdu ahayd May 12, 2006

English Version: http://www.northbridgeservices.com/somalia doc.pdf  

ISHA: http://northbridgeservices.com/
###

"NSG" Waa Shirkad Caynkee ah

Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 13, 2006

»»» AKHRI: MAQAALKII MUUSUQMAASUQ HANTIYEED: SIDII LOO RABEY IN LOO DHOCO HANTIDA DABIICIGA OO DHAN EE PUNTLAND

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD