SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


"NSG" Waa Shirkad Caynkee ah
(Northbridge Services Group, Ltd)

Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 14, 2006
_________________
_______

NSG (Northbridge Services Group, Ltd) waa shirkada uu wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya u saxiixay lahaanshaha xuquuqda bixinta shatiyada shidaalka Soomaaliya [Eeg halkan]. Haddaba si aad wax uga ogaatid NSG waxa ay tahay akhri qormada hoose oo aan ka soo tarjumney qoraalo NSG laga qoray.

Shabakada SourceWatch (www.sourcewatch.org) ayaa qoraal ka qortay "Northbridge Services Group, Ltd" ku bilowday sidan:

"Annagu ma nihin calooshood u shaqaystayaal. Northbridge waa shirkad militari oo gaar loo leeyahay (private) taas oo waxa keliya oo ay u shaqaysaa ay yihiin dowaladaha sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ama hay'adaha muctarifka ah." sidaas waxaa yiri Andrew Williams oo ah madaxa Northbridge Services Group.

Guud-mar

Northbridge Services Group, Ltd., waxa ay ka diiwaan gashan tahay dalka Dominican Republic (laakiin laga leeyahay Britain), waxaa asaasay askar shaqada ka fariistay oo ah Britain iyo USA, waxaana lagu xiriiriyaa  EO (Executive Outcomes) oo sanadihii 90-naadkii ka hawl gelijirey Afrika sida Angola, Sierra Leone, Burundi, iyo Congo. Sababaha qolyahaas loogu xiriiriyey waxaa ka mid ah in wakiilka Northbridge ee USA oo magaciisa la yiraahdo Pasquale DiPofi ahna waardiyaha (bodygruard) in shirkadiisii hore ee ku taal Michigan loogu yeeri jirey Executive Outcomes, Inc., iyo sababtoo ah in uu sheegtay deyn dalka Sierra Leone ee ay leedahay EO.

  • EO asalkoodi waxaa xarun u ahayd Konfur Afrika waxana ay ka hawl galeen Angola iyo Sierra Leone. Hawl-galladoodii Dalka Angola, EO waxa ay shaqaalaysiiyeen askar Koonfur Afrika ah waxaana lacagta bixinayey shirkada shiidaalka ee Sonangol oo ah shirkad ay lahayd dowlada Angola, waxa ay Angola ku gacan siinayeen sidii ay dib ugu qabsan lahaayd meesha lagu magacaabo Soyo oo ay ceegaato saliida ceeriin. Waxaana la sheegay in EO la siiyey lacag dhan $40 million si ay hawshaas u fuliyaan. EO waxa ay markii dambe gacan siiyeen dowladda Sierra Leone isku daygeedii in ay ka itaal roonaato mucaaradka. Arrintaas waxaa qoraal cinwaankiisu ahaa "Calooshood u shaqaystayaasha iska hor-imaadka Afrika" ka qortay British Broadcasting Corporation.

Charles Taylor

Hawl-galladii Afrika:

Sannadkii 2003, xilligaas oo dalka Liberia uu ka socdey dagaal ahli ah, isla mar ahaantaasna uu madaxweyne Charles Taylor uu ka dhuumanayey in la qabto, ayaa Northbridge waxa ay isu soo qadimeen in ay soo qabtaan Charles Taylor isla markana ay soo qabashadaas ku rabaan in ay ku qaataan $4 million oo doolar. Dowladda Ingriisku arrintaas ganafka ayey ku dhufatay, arrintaasina ma hirgelin.

Bishii April ee sannadkii 2003 ayaa Baarlamaanka Britain  laga sheegay in walaac aad u weyn laga muujiyey warbixinada sheegayey in Northbridge Services Group, oo ah shirkad laga leeyahay UK, ay abaabuleysey in ay isku dubarido in ay qorato askar hore u ahaan jirey militari oo ay ka qorayanso dalalka Britan, South Africa iyo France si ay uga hawl galaan Cote d'Ivoire (Ivory Coast), arrintaas oo baarlamaanka laga sheegay in ay curyaamin ku tahay isku dayga uu dalka Britain iyo beesha caalamku isku deyayeen nabad kusoo dabaalida Cote d'Ivoire.

  • Rebel soldiers in Ivory CoastQoraal ay April 2, 2003 daabacday shabakadda British Broadcasting Corporation ayaa sheegay in dowladda Ingriisku ay u digtey shirkad reer UK in aysan qoran shaqaale calaashood u shaqaystayaal ah oo hawl ka fulinaya dalka Ivory Cost.  Xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Britain ayaa shirkadahaas ku tilmaamay kuwo curyaaminaya habsami u socodka nabadda. Waxana uu sheegay in uu si aad uweyn uga welwelsan yahay warbixinta ah in Northbridge Service Group ay qoranayaan kuwo hawshaas fulinaya.

May 2003 ayaa laba kooxood oo ka socdey Northbridge waxa ay bilaabeen in ay u duulaan dalka Nigeria, markaas oo dad mudaharaadayey ay madax furasho laba toddobaad dad ugu qabsadeen meesha badda ku taal ee laga qodo shidaalka. Kuwii madaxfurashada wax u haystey waxa ay bilaabeen wada hadal markii ay maqleen waxaa soo socda koox kumaandoos ah oo ah Northbridge.

Qoraal ay jariidada Financial Times daabacday August 7, 2006 ayaa sheegay in Maraykanka iyo Britain ay baaritaan ku wadeen Northbridge in ay ku xad gudubtey iyo in kale cunaqabataynta hubka ee ay soo rogtey hay'adda Qaramada Midoobey, waxaa kale oo baaritaan lagu wadey qorshaha ay Northbridge ku raadineyaan in xukunka laga tuuro madaxweyne Taylor. Waxaana muuqatay in Northbridge aysan ku guulaysan in ay maalgelin ka helaan Sierra Leone si ay usoo qabtaan Taylor, sidaas waxaa yiri qoraalka SourceWatch oo warka inoo soo wadey.

Sababta aysan arrintaas ugu bedelan heshiis macdaneed, waxa uu DiPofi ka yiri "ma rabno taas in aan samayno. Heshiisyada ganacisu waxa ay sameeyeen magac xumo."

September 6, 2004 ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Detroit waxaa laga xiray DiPofi, isagoo markaas ka soo laabtay dalka Ciraaq halkaas oo uu waardiye ahaan ugu shaqaynayey gawaari kolonyo ah oo militari (waxana uu Ciraaq ku maqnaa laab bilood iyo bar). Waxaa lagu soo oogey xadgudub ah in uu ka masuugey bixinta cashuurta iyo dhawr khiyaamo (foojari) iyo cabsi-gelin uu sameeyey. Waxa uu dhiibey baasaboorkiisii waxaana lagu siidaayey damaanad ah.

Markii ay EO (Executive Outcomes) ay kasoo bexeen wadanka uu ka socdey dagalka ahliga ah ee Sierra Leone, waxaa jirtey lacag dhan $23 million oo aan weli la siin (1995-97). Hadaba si ay deynkaas u sheegtaan ayaa shirkada reer Britain, waxa ay bishii Febraayo ee 2002 soo qaabileen shirkad leh isla magacaas ee ku taal Michigan si ay ugu raadiso deynka kaga maqan Sierra Leone. Markaas ayaa DiPofi iyo jaalkiis waxa ay sameeyeen waraaqo macmal ah oo ay dowladda Sierra Leone ku sheeganayaan lacag dhan $23 million ayagoo sii maraya magaca shirkaddii Britain.

Waxaa kale oo DiPofi lagu eedeeyey in ay la xiriireen shirkada kale (EO-Panama) si ay deynka usoo ururiyaan, kaddib DiPofi (oo is qarinaya) ayaa shirkadaas u diray fax-yo, telefoono iyo sawiro cabsi gelin ah. Markii dambe waxaa dabagal la sameeyey lagu ogaadey in Fax-yada laga soo diray xafiiska DiPofi.

SourceWatch waxa ay qoraalka kusoo gabagabeeyey shaqaalaha NSG in ay yihiin: Robert Kovacic (Madaxweynaha), Andrew Williams (Agaasimaha UK), Pasquale DiPofi (Wakiilka US).

June 12, 2006 ayey ahayd markii NSG websitekooda ku soo bandhigeen warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil, taas oo ay ku cadahay in NSG la siiyey awooda ilaalinta xeebaha iyo badda Soomaaliya iyo abaabulidda ciidanka difaaca badda ee DFKMG. [Eeg halkan...]. Ilaa hadda DFKMG war kama soo saarin warqaddauu saxiixay wasiirka arrimaha dibada iyo sida ay u waafaqeyso xeerka cusub ee shidaalka.

June 13, 2006 ayaa magalada dalxiiska loo tago ee Malindi waxaa lagu soo gabagabeeyey kulan lagu soo agaasimay sharci loo sameeyey shidaalka Soomaaliya, sharcigas oo lagu wareejiyey Ra'iisul wasaaraha Soomaliya Cali Maxamed Geeddi si uu u hor geeyo Golaha Wasiirada DFKMG iyo baarlamaanka si loo ansixiyo. Qodob ka mid ah xeerka cusub ayaa dhigaya "Shirkado ku haboon oo leh xirfado waa in lagu casumo baaritaanka, iyo soo saarida shidaalka Soomaaliya." [Eeg halkan...]

Waxaa xusid mudan in bishii December ee 2005 ay ahayd markii ay soo shaac bexeen wararka la xiriirey in DFKMG ay heshiis-badeed la gashay TOPCAT, laakiin heshiiskaas hadal haytiisii laga waayey DFKMG ka dib markii saxaafaddu si xeel dheer uga faalootay arrimaha la xiriirey heshiiskaas. Taas oo ay ka sii horeysey in Febraayo 2005 uu soo shaac baxay heshiiskii saddex geesoodka ah (Puntland/DFKMG/HAFZA) ee Xaafuun muddo 99 sannadood ah lagu siinayey HAFZA, heshiiskaas oo asagana hadal hayntiisii la waayey. Waxa sidoo kale hadal hayntiisa DFKMG laga waayey heshiiskii bishii May ee 2005 magaalada Nairobi ku dhex maray Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo ninka lagu magacaabo mr. Meier oo reer Norway ah oo uu la socdey C/raxmaan Liibaan oo ah Soomaali deggan Norway. C/raxmaan waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna waxaa laga dhigay lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arrimaha soo saarida Shiidaalka. Sidoo kale waxay ahayd bishii Febraayo ee 2005 markiiuu Puntland yimdi Terry oo u socdey samafal carruurta, markii dambena isaga iyo wasiiro reer Puntland ah ayaa shirkad lagu magacaabo "Consort ltd" waxa ay kusoo dhiseen jasiirada Maldives, taas oo markaas la siiyey xuquuqda gebi ahaanba baaritaanka khayraadka dabiiciga ee ku jira Puntland. [Eeg halkan..].

  • Ma rabtaa arrimaha shirkadaas in aad su'aalo ka weydiisid DFKMG, gaar ahaan ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi, waxaad toos ugala xiriiri kartaa email: premiersom@wananchi.com.

AKHRI: Sharcigii loo Sameeyey Shidaal Qodista Soomaaliya oo lagu soo wareejiyey Cali Maxamed Geeddi si uu u horgeeyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka DFKMG....GUJI

AKHRI: Shirkad Sheegatay in ay Dowladda Federaalku u ansixisay lahaanshada Xuquuqda Gorgortanka iyo bixinta yeelashada shatiyada (laysanka) ee heshiisyada shiidaalka, baaritaanka iyo qodista ee dalka Soomaaliya... Guji...

Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 14, 2006

Tixraac:


DFKMG oo Xuquuqda Shidaalka Soomaaliya u Ansixisay 'NSG' oo ah.....
Qoraal uu ku saxiixan yahay wasiirka Arrimaha dibadda ee DFKMG ayaa waxaa ku cad in xuquuqda shidaalka.. GUJI Jun 13

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD