SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


Kalfadhigii 16 ee Golaha Baarlamaanka Puntland oo Garoowe si rasmi ah uga furmay,...
...Qodobada looga doodayo waxaa ka mid ah Khayraadka dabiiciga Puntland... 

kalfadhigii golaha baarlamaanka puntland ayaa sabti June 17, 2006 si rasmi ah  uga furmay caasimada dawlad gobaleedka puntland ee Garoowe, kalfadhigaan ayaa waxaa si rasmi ah u furay madaxwayne ku xigeenka ahna sii hayaha  xilka madaxwaynaha puntland Xasan Daahir Afqurac,  u jeedada furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah ansixinta heshiisyo badan oo ay horay dawladu ula gashay shirkado shisheeye iyo kuwa wadani ahba.

Heshiisyada la rajaynayo in si wayn looga doodo ayaa waxaa ka mid ah xisaab xirka dawladda Puntland ee sannadka 2006, xeerka caasimadda DGPL, xeerka xadaynta degmooyinka & gobollada Puntland, wasiirrada aan ansaxsanayn, lacagaha la soo daabacay ee cusub, khayraadka dabiiciga ah ee Puntland iyo xeerka xisbiyada badan.

Si kastabaha ha ahaatee kalfadhigan ayaa la rajayanayaa in uu si wayn uga doodo qodobadaas waxaana ugu danbaynta qalinka lagu duugi doonaa inta uu baarlamaanku isla ogolaado iyada oo sidoo kalena la tuuri doono inta uusan baarlamaanku ansixin lagana yaabeee in dib loo saxo.

Xeerka caasimada Puntland ee Garowe ayaa ah mid in badan laga dhursugayay tan iyo markii la asaasay Puntland, 1998 ayaa lagu cadeeyay kulankii lagu dhisay puntland in caasimada puntland ee Garowe ay yeelan doonto xeer u gaar ah taasi oo ka gaar ah dalka intiisa kale hase ahaatee wali xeerkaas lama soo hordhigin golaha baarlamaanka. Kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada puntland ayaa lagu ansixiyay xeerka caasimada puntland in kasta oo aan golaha wakiilada wali la soo hordhigin xeerka ayaa ah mid ahmiyad gaar ah siinaya caasimada puntland maadaama ay caasimadu tahay halka ay dawladu ka hawgasho ayna tahay isha muraayada dawalada caasimada puntland ayaan iyadu lahayn garoon diyaaradeed kadib markii uu si wayn u burburay garoonkii hore ee casimada puntland ee garowe walina looma hawlgalin mid cusub isku dayo badan loo lagu hawlgalin lahaa garoon cusub ayaa ku dhamaaday fashil.

Madaxwayne ku xigeenka puntland xasan daahir afqurac oo ka hadlayay kalfadhiga baarlamaanka ayaa ku nuux nuuxsaday ansixinta sharciyadan cusub sidoo kalena waxa uu madaxwayne ku xigeenku sheegay in arrimaha ka socota muqdisho aan loo hanqaltaagin cidii isku daydana in ay puntland ka abuurto qalalaanso lala tiigsan doono sharciga waxa uu madaxwane ku xigeenku sheegay in iminka puntland ay ka jirto dawlad ay shacbigu soo doorteen isla markaana  aan loo baahnayn in la xidho shaatiga ay xidheen kuwa xamar joooga waxa uu intaas ku daray in aysan waxba ka duwanayn  qolyahan iminka sheeganaya kooxihii horay xamar uga jiri jiray oo ay isku meel marayaan.

Maruu ka hadlayaya amaanka puntland xasan daahir afqurac waxa  uu sheegay in amaanka puntland uu marayo meel aad u saraysa si wayna ay dawaldu gacan bir ah ugu qabatay waxana uu cadeeyay in aan la ogolaandoonin fawdo kasta lagana hortagi doono.

kalfadhigan waa kii 16 ee golaha baarlamaanka puntland u furmay tan iyo markii la asaasay waxana uga duwan yahay kuwii hore ayaa waxaa ka mid ah heshiisyada lalagalay shirkadaha shisheeye iyo sidii looga doodi lahaa ansixintooda ama diidistooda. 

c/rizak  koronto
Garowe puntland
koronto_65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD