SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo Xilkii Laga Qaaday....


Akhri Dastuurka Puntland

(dastuurka oo ku qoran PDF)

Garoowe: June 21, 2006 - Kulankii Golaha Wakiilada Puntland ee lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa maanta (Arbaca June 21) xilkii looga qaaday guddomihii golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland, Cismaan Dalmar Yuusuf, kaddib markii cod bixin loo qaaday.

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxay magaalada Garoowe ayaa tibaaxay in xubnihii maanta soo xaadiray baarlamaanka ay 32 xildhibaan u codeeyeen in guddoomiha xilka laga qaado, halka 8 xubnood ay si diidmo ah kulanka uga baxeen, 4 xubnoodna ay ka aamuseen, sidaasna guddoomihii baarlamaanka Punland xilkii looga xayuubiyey. (Tirada xubnaha barlamaank aka baxay ayaa markii dambe la xaqiijiyey in ay ahayeen 16 xubnood).

Maalmaha soo socda ayaa la qorshaynayaa in la soo doorto guddoomiye cusub oo uu yeesho baarlamaanka Puntland, kaddibna laga doodo arrimaha hor yaal baarlamaanka Puntland oo ah sidii loola xisaab tami lahaa Dowlada maadaama arrimaaha xilka looga qaaday guddoomiyii hore ay ka mid ahaayeen isaga oo ku milmay Dowlada ii aan la xisaabtamin dowlada, dowladuna ay iska fushato qorshayaal aan la hor keenin hay'adda sharci dejinta Puntland. (Hoos ka akhri sababaha keenay xil ka qaadista guddoomiyihii golaha wakiilada PL.)

Puntland oo ka laabatay Qodob ka mid ah Heshiiskii ay la galeen "Range Resources"...

Wararaka ka imanaya magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta ayaa tibaaxay in DGPL ay shirkadda Range Resources  la ogolaysiiyey in ay Puntland ka laabato qodobkii ahaa in shirkadaas oo keliya ay lahaato xuquuqda gebi ahaanba shidaal iyo macdanbaarista Puntland. Waxana hadda shirkaas la ogolaysiiyey in Puntland ay imaan karaan shirkado kale oo ku tartami kara baaritaanka Khayraadka Dabiiciga.

Maalmahan waxaa magaalada Dubai ku sugnaa madaxda sarsare ee DGPL ee hore heshiiska ula galay "Consort ltd", shirkadaas oo markii dambe saamiyada intooda badan ku wareejisey "Range Resoureses". Arrintaas oo ay Puntland hir gelisey ayadoo aan la hor keenin Baarlamaanka.

Waxaana beryahan magaalada Dubai ay dood uga socotey Madaxweynaha Puntland, Gen. Cadde Muuse oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Wasiirka Maaliyadda PL iyo wakiilada Range Resources, waxaana laga doodayey sidii ay Puntland uga laabanlahayd qodob ka mid ah heshiiskii hore loola galay shirkadaas. Madaxweynaha ayaana sidaas ku taliyey, waxaana markii hore diidanaa dhinaca kale.

Qodobka hadda laga laabtay ayaa ah kii shirkadda Consort Private ltd (ee lagu soo dhisay, kana diiwaan gashan Maldives) siinayey lahaanshada gebi ahaan xuquuqda baaritaanka iyo qodista dhammaan khayraadka Puntland (macdan & shidaal). Waxaana heshiiskaas hore bishii Agoosto ee 2005 Hotelka Hilton ee Dubai ay Puntland ugu saxiixaday Terry oo madax ka ahaa Consort. Bishii October ee 2005 ayaa shirkadda "Consort ltd" waxa ay "Range Resources ltd" ka iibisey saamiga boqolkiiba 50.1% kaas oo "Range" xuquuq u siinayay gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee dhul baaxadiisu dhan tahay 212,000km2. Qodobkaas weeye kan hadda uu Madaxweynaha Puntland soo jeediyey in laga laabto.


7 Xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland oo soo hor dhigay Baarlamanka in xilka laga Xayuubiyo Guddoomiyaha Baarlamanaka PL.

7 xubnood oo ka tirsan baarlamanaka DGPL ayaa kulankii Isniintii (June 19, 2006) uga soconayay golaha wakiilada DGPL soo hor dhigay mooshin xilka looga qaadayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland  Cismaan Dalmar Yuusuf, mooshinkaan ayaa waxaa ku biiray 21 xubnood  oo ka tirsan golaha baarlamaanka kuna taageeray 7-da xubnood oo soojeedisay in xilka laga qaado gudoomiyaha golaha wakiilada DGPL iyaga oo sabab uga dhigay xil ka qaadista  lagu sameeyo gudoomiyaha baarlamaanka Cismaan Dalmar Yuusuf in uu ku tagri falay shaqadii guddoomiya-nimada baarlamaanka isla markaana uu ku dhex milmay dawladda, buriyayna qodobo doora oo sharci ah oo uu  ku tagri falay guddomiyaha, waxaa kale oo ay sabab uga dhigayaan in uu lug wayn ku leeyahay hawsha macdan baarista khayraadka deegaanada Puntland oo ay dawladdu heshiisyo kula gashay shirkado shisheeye iyo waliba isaga oo aan  dawlada cadaadis ku saarin sharciyo wali laalan soo hordhigistooda golaha wakiilada dawlad gobaleedka Puntland.


Cismaan Dalmar Yuusuf

Dhegeyso warkii degdega ahaa ee Radio Daljir

Isha sawirka: Radio Sanaag

Xeerka Golaha , ayaa qaba in 6 Xildhibaan oo kaliya ay Mooshin soo hordhigi karto Golaha isla markaasna cod loo qaado , haddii 3-meelood-00-2-meelood Golahu uu isku raaco mooshinka uu dhaqan galayo.

Safar Guddoomiyha Baarlamaanka DGPL uu dhawaan ku tagay dalka Sweden ayaa inta badan Golaha ka caraysiisay, kaddib markii ay sheegeen in uu ka dhuuntay, waa siday hadalka u dhigeene, uuna kaxaystay dhowr xildhibaan oo isaga jeebkiisa ah isla markaana uu ka fakatay halxildhibaan oo aan lagaranayan halka uu jaan iyo cirib dhigay. (Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xildhibaanka fakaday waxaad ku arki doontaa LIFAAQA warkan ka dambeeya.)

Si kastaba ha ahaatee maalinta Talaadada (June 20, 2006) ah haddii Eebe idmo ayaa Xildhibaanada soo diyaariyay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha ay ka hor akhrin doonaan Golaha hortiisa qodobada ay doonayaan in xilka looga qaado , waxaana loo qaadi doonaa cod , kaa soo uu ku waayi doono Guddoomiyenimadiisa ama uu ku sii haysan doono. 

Dhanaka kalena kalfadhigii Isniintii ayaa si dag dag ah uu gudomiya golaha wakiilada puntland u xidhay. 

Gudoomiyaha baarlamaanka puntland Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf ayaa si dag dag ah u xidhay kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo Sabti June 17, 2006 uga furmay hoolka  baarlamaanka Puntland ee Garoowe lamana garanayo ujeedada rasmiga ah ee loo xidhay kalfadhigan oo looga fadhiyay in loo qaado codka aqlabiyada guddoomiyaha baarlamaanka DGPL Cismaan Dalmar.

Soo xiridda kalfadhiga 16-aad ee golaha baarlamanka Puntland ayaa timid kadib markii fadhigii Isniinta ee xildhibaannada ay haraysay arrinta ku saabsan cod u qaadista in xasaanadda lagala noqdo guddoomiyaha baarlamanka, arrintaas oo maalintii shalay ay soo jeediyeen qaar kamid ah xildhibaannada dawlad goboleedka Puntland.

Mudanayaasha qaarkood ayaa Isniintii soo jeediyey in cod loo qaado lagana doodo xasaanad ka qaadidda guddoomiyaha baarlamanka arrintaas oo markii dambe dhalisay buuq sabab u noqday in guddoomiyaha baarlamanku uu xiro kalfadhiga.

Qaar ka mid ah madaxda sar sare ayaa la xaqiijinayaa in ay lug wayn ku leeyihiin soo xidhida golaha baarlamaanaka lamana xaqiijin xubnahaas kuwa ay yihiin, kuwaasi oo ka biyo diidsan xilka qaadis lagu sameeyo gudoomiyaha golaha baarlamaanka DGPL Cismaan Dalmar xaaji Yuusuf  taasina waxay xaqiijinaysaa tuhunkii ahaa in gudoomyuhu uu si wayn ugu dhex milmay dawlada.

c/rizak  koronto
Garowe puntland
koronto_65@hotmail.com

###

LIFAAQ 1::: WARBIXIN SOO GAARTEY SOMALITALK.COM SWEDEN:::::

Ilo wargal ah oo jooga Sweden ayaa qormadan soo gaarsiiyey SomaliTalk.com:::

Warka sheegaya fakadashada xildhibaanka ka tirsanaa DGPL: Xildhibaankaasi waxa la xaqiijiyey in uu la socdey wafti uu hoggaaminayey guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Cismaan Dalmar, waxaana dhacday in markii ay Sweden yimaadeen  ee ay dadweynaha u khudbadeynayeen in liiskii dadka ka khudbadeyn lahaa uu magaciisa uu ku jiray xildhibaankasi, balse aanu soo xaadirin. Waxaana la aamin sanyahay in markii uu Sweden yimid uu hore ka fakaday waftiga kaddibna uu aadey dalka Ingriiska.

Arrinta yaabka leh ayaa waxey tahay in warkaan Sweden la qarinaayey oo dowlada Sweden daboolka saartay iyadoo ka baqeysay iney ku ceebowdo, kaddib markii la sheegay wefdigaasi dukumintiga ay ku soo galeen Sweden uu ahaa baasaboorka laashabaasaara la yiraahdo, waxeyna u socdeen sida  dadka wadankan u dhashay. Taas ayaana keentay in dowlada ay qariso iyadoo ka baqeysay iney saxaafada Sweden ogaato laguna qabsado waaxda arrimaha dibada arrimaha arrimaha la xiriira sida uu xildhibaankaasi dalka kusoo galay iyo meesha uu kudambeeyey ama sababta keentay in uu fakado.

Sidoo kale, arrintaas markii ay dhacday, guddoomiyaha Baarlamanka Puntland markii uu ku laabtay Garoowe, sida wax u dhaceen lama uu socodsiin golaha wakiilada ee Puntland, dowladuna kama hadlin.

Arrintaasi waxa ay ka caraysiisay xubnaha ka tirsan golaha Baarlamaanka Puntland, waxana ay qodob ka tahay arrimaha keenay in laga doodo xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka maadaama uu xildhibaanka fakaday isaga la socdey markii uu safarka ugu baxay Sweden, la rabeyna in uu sida arrintu u dhacday la socodsiiyo baarlamaanka iyo shacabka reer Puntland.

LIFAAQ 2::: Heshiisyada Dowladu la gasho Shirkado Shisheeye oo aan weli baarlamaanku ansixin...

Arrimaha kale ee keenay in baarlamaanka Puntland uu ka doodo xil ka qaadisya guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxaa ka mid ah in ilaa intii ay socdeen murankii ka dhashay heshiisyada ay Puntland la gashay shirkado shisheeye in aan marna baarlamaanku ansixin heshiisyadaas, isla mar ahaantaasna aan la hor geyn baarlamaanka waxa ku qoran heshiisyadaas, sidaas daraadeedna ay dowladdu ansaxisay heshiisyo aan sharci gooyayaashii ogolaan.

Arrintaas waxa ay keentay in uu baarlamaanku hadda is weydiiyo waxa arrintaas keenay, waxana ay taas ku eedeeyeen in uu lug ku leeyahay guddoomiyaha baarlamaanka ee DGPL, oo ay yiraahdeen waxa uu aad ugu milmay dowladdii ay ahayd in uu la xisaabtamo si wadanku u hor maro.

Dhanka kale miisaaniyadda dowlad GPL oo lagu qiyaasi $35 million oo doolar sannadkii ayaan dowlada cid kula xisaabtanta jirin, taas oo siyaasiyiin badan ay u arkaan in taas ay dowladu ku qarineyso heshiisyo ay la gashay shirkado si aanba loogula xisaabtamin hantida hadda soo gasha dowladda.

Markii la furan kulankii 16-aad ee Baarlamaanka DGPL (Sabti June 17, 2006), Heshiisyada la rajaynayey in si wayn looga doodo ayaa waxaa ka mid ah: xisaab xirka dawladda Puntland ee sannadka 2006, xeerka caasimadda DGPL, xeerka xadaynta degmooyinka & gobollada Puntland, wasiirrada aan ansaxsanayn, lacagaha la soo daabacay ee cusub, khayraadka dabiiciga ah ee Puntland iyo xeerka xisbiyada badan.

Arrintaas waxa ay xubnaha Baarlamaanku ka hor mariyeen in marka hore laga doodo xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, taas oo aysan dowladu ku qanacsanayn in arrimuhu sidaas u dhacaan, sidaas darteedna uu guddoomiyaha baarlamaanku inta uu miiska garaacay uu xiray kulankii baarlamaanka.

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD