SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


Golaha Baarlamaanka Puntland oo Markale Dib Loo Furmay...

SomaliTalk.com Garoowe | Wararkan waxaa ka qayb qaatay: C/rizak koronto, Garowe | June 25, 2006

  • Khilaafkii Golaha Wakiillada DGPL oo soo afjarmay, kaddib markii uu Baarlamaanka u hir galay go'aankii xil ka qaadista guddoomihii hore...
  • Xoghayihii joogtada Baarlamaanka DGPL, Buraale Yuusuf Weris, oo is casiley...

Garoowe, June 25, 2006: Waxaa maanta markale magaalada Garoowe ka furmay kalfadhigii golaha wakiilada (baarlamaanka) DGPL, waxaana kal fadhigan ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha, Xasan Daahir Maxamuud (Afqurac) iyo taliha ciidanka Booliska Puntland, waxaana gudaha baarlamaanka la soo geliyey askar ku lebisan dharka tuutaha.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen 53 xildhibaan oo ka mid ah 66-ka uu ka kooban yahay golaha baarlamaanka ayaa bilaabay dood la xiriirta in mar kale loo codeeyo guddoomihihii ay hore xilka uga xayuubiyeen, Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf. Qorshaha ah in mar kale loo codeeyo ayaa ahaa mid ka yimid xukuumada DGPL oo uu hor kacayey Kusimaha Madaxweynaha/madaxweyne-xigeenka.

Dood dheer ka dib ayaa goluhu waxa ay aqbaleen in mar kale ay u codeeyaan guddoomiyaha, maadaama aqlabiyada baarlmaanku ay ku kalsoonaayeen codkooda in ay markale jagada kaga qaadi doonaan guddoomiha, si xukuumadu ugu qanacdo.

Waxaa markaas bilaabmay in goluhu uu soo bandhigo eedaymaha loo soo jeedinayo guddoomiha ee sababay in xilka laga qaado, waxaana golaha laga hor akhriyey eedaymahaas oo ay ka mid yihiin; maamul xumo, ku tagri fal awoodeed, iyo hanti dhunsasho. Waxaa markaas loo ogolaaday Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf in uu is difaaco, waxana uu aad isaga fogeeyey eedaymahaas loo soo jeediyey.

Markii ay caddaatay in goluhu uu mar labaad codayn doono, mowqifkooduna uu meeshii taagan yahay, ayaa guddoomihii hore xilka looga qaaday ee la rabey in markale loo codeeyo, Cismaan Dalmar Yuusuf, waxa uu sheegay in uu isagu iska casiley guddoomiyihii Golaha Wakiilada Puntland.

Sidaas ayaana murankii iyo khilaafkii ku soo afjarmay madaama Golaha Wakiilada Puntland ay u hir gashay qodobkii ay hore ugu codeeyeen ee ahaa xil ka qaadista guddoomihii hore ee Baarlamaanka DGPL.


Akhri Dastuurka Puntland

(dastuurka oo ku qoran PDF)

Kusimaha Madaxweynaha oo markaas ka dib baarlamaanka ka hadlay waxa uu qiray in hadda arrimtaas la soo afjaray, waxana uu sheegay in baarlamaanku mar kale furan yahay maadaama uu hore u soo saaray wareegto uu baarlamaanka ku xiray muddo 10 casho ah. Waxa kale oo uu Xasan Daahir Maxamuud (Afqurac) muujiyey in ay tahay in saxaafadda laga qariyo khilaafyada soo kala dhex gala baarlamaanka.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu bogaadiyey go'aanka uu qaatay Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf, waxana markaas ku dhawaaqay in xilka guddoomiyaha golaha wakiilada uu si ku meel gaar ah uu u sii qaban doona Salaad Xareed Cali oo ah k/simaha golaha wakiilada DGPL.

Sidaas ayaa baarlamankii markale ku furmay, qodobada ugu horeeya ee hor yaal in laga doodona waxaa ka mid ah sidii dowlada loogula xisaabtami lahaa miisaaniyada soo gasha meesha ay ku baxdo (xisaab xirka dawladda Puntland ee sannadka 2006), lacagaha la soo daabacay ee cusub, khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, xeerka xisbiyada badan, xeerka caasimadda DGPL, xeerka xadaynta degmooyinka & gobollada Puntland, iyo wasiirrada aan ansaxsanayn.

Kalfadhigan oo ah kii 16aad ee Golaha wakiilada DGPL ayaa markii hore furmay Sabti June 17, 2006, laakiin waxaa kal fadhigaas la xiray June 22, 2006 kaddib markii uu wareegto madaxweyne soo saaray Xasan Daahir Maxamuud (Afqurac), taas oo ka dambeysey markii (June 21, 2006) ay 32 xildhibaan u codeeyeen xil ka qaadista guddoomiyihii baarlamaanka. Wareegtadii M/xigeenka waxaa isla markiiba uu baarlamaanku kaga jawaabey in uu kulanku sii socon doono. Waxaase murankaasi soo afjarmay maanta (June 25, 2006).

Warka hoose ka akhri xogyahihii joogtada golaha Baarlamaanka DGPL oo is casiley.

Warkii uguhoreeyey markii shirka la furay:::

Kalfadhigii Golaha Baarlamaanka Puntland oo markale dib loo furay iyo xubin kale oo hor leh oo iscasishay.....

Kalfadhigii golaha wakiilada DGPL uga soconayay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa maanta (June 25, 2006) dib loo furay ka dib markii xilkii laga qaaday gudoomiyihii golaha wakiilada Puntland maalintii ay bishu ahayd (Arbacada June 21, 2006) markaasi oo uu ka baxay gudoomiyihu markii uu waayay jagadiisa isaga oo lagu eedeeyay in uu si wayn ugu dhex-milmay dawladda, isla markaasina lunsaday lacag, xilligaas wixii ka danbeeyayna kalfadhigii baarlamaanka ayaa waxaa xiray madaxwayne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac isaga oo sida baarlamaanku sheegay aan wax sharci ah u haysan, waxaana mudanayaal ka tirsan baarlamaaanka ay ku eedeeyeen in uu yahay nin gacan saar laleh gudoomiyihii baarlamaanka Puntland ee horay xilkiisii looga qaaday.

Bayaano ka soo baxay shacabka iyo waliba xisbiga mucaaradka ah ee Ramaas Political Party (RPP) ayaa looga digay madaxwayne ku xigeenku in uu isku dayo in uu hakiyo kalfadhiga baarlamaanka ee ka soconaya xaruntooda iyaga oo ku tilmaamay tilaabada uu  qaaday Xasan Daahir Afqurac mid aan sharciga waafaqsanayn, sida laga wada warqabana madaxwayne ku xigeenka ayaa xarunta baarlamaanka puntland soo dhoobay ciidamo ka amarqaata madaxtooyada Puntland,  waxana ay xireen kalfadhigii baarlamaanka halkaas uga soconayay isaga oo madaxwayne ku xigeenku sheegay in aan la isku imaanayn  oo uu xiran yahay kalfadhigo ilaa iyo 10 casho taasi oo ay ka biyo diideen shacab badan iyo baarlamaanka puntland.

Si kastaba kalfadhiga baarlamaanka ee maanta dib loo furay xirnaansho 3-sadex maalmood ah ka dib ayaa saaka waxaa ka soo qayb galay badanaa xubnihii baarlamanaaka puntland oo uu ku jiro gudoomiyihii xilka laga qaaday, Cismaan Dalmar xaaji Yuusuf, sidoo kalena waxaa ka soo qayb galay  madaxwayne ku xigeenka puntland Xasan Daahir Afqurac oo isagu markii horeba si baarlamaanku sheegay si sharci daro ah u xiray kalfadhiga baarlamaanka mudo 10 casho ah taasi oo sida muuqatana haadan la xaliyay khilaafkaas soo kal dhexgalay dawlada iyo baarlamaanka ayaa halkaas hadal ka soo jeediyaya waxana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dhamaystirka khilaafkii soo kal dhexglaay labada gole ee dawlada. 

Ugu danbayntii ayaa waxaa la isla gartay in uu sii wado shirka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Salaad Xareed Cali uuna sii wado kalfadhiga isla markaana la guda galo ajandaha baarlamanaaka oo horay loo iclaamiyay.

Waxaa sidoo kale, maanta iska casiley xilkiisii xoghayihii joogtada ahaa ee golaha baarlamanka Puntland Buraale Yuusuf Weris.

C/rizak koronto
Garowe puntland
koronto_65@hotmail.com
Axad, June 25, 2006


Wararkii hore iyo wareegtooyinkii hore ee la xiriira kalfadhigan hoos ka akhri.


Wareegtooyin iyo Bayaano laga soo saaray Xiritaanka Baarlamanka Puntland....

  • Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoonka Golaha Wakiiladda DGPL.

  • Bayaan ka soo Baxay Shacabka Puntland.....

  • Xisbiga Ramaas oo Bayaan kasoo saaray Xiritaankii Baarlamaanka Puntland

  • Wareegto ka soo baxday Xafiiska Kusimaha Madaxweynaha Puntland



Markii ugu horeysey oo Terry ka mid noqday waftiga madaxweynaha Puntland

Kusimaha madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Xasan Daahir Maxamuud, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 118 ku amray "in muddo 10 (toban) maalmood ah oo laga bilaabo 22 Juun 2006 si ku meel gaar ah loo joojiyey hawlihii Golaha Wakiilada."

Xeerkaas waxaa si degdeg ah wareegto jawaab ah uga soo saaray K/simaha Gudoomiyaha G. Wakiiladda & Gudoomiye K/X 2aad Ee G Wakiiladda, Salaad Xareed Cali &  Xuseen Maxed Cigaal, (Ref: 002/GGW/2006 - June 22, 2006), waxana ay k/s madaxweynaha "la socodsiiyeen in goluhu shaqadiisii u wadan doono, sidii caadiga ahayd, maalinta sabtida ee bisha june tahay 24-ka, 2006." Waxana ay intaas ku dareen "in aanay dhicin wax xanibaad ah oo shaqada hakad geliya maadaama aysan cidna maslaxadi ugu jirin."

Waxa kale oo arrintaas bayaan kan soo saaray xisbiga keliya ee mucaaradka ah ee ka jira Puntland, Ramaas (RPP/21/06 - 23/06/006) waxana uu xisbigaasi sheegay in "ciidan ka amarqaata madaxtooyada in k/s madaxweynuhu uu geeyey xaruntii golaha wakiilada Puntland si aysan ugudan waajibadkooda shaqo."

Waxa kale oo bayaan soo saaray shacab ku sugan magaalada Garoowe.

Arrimahaas ayaa ka dambeeyey kaddib markii 32 xubnood oo ka mid ah baarlamaanka Puntland ay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii golaha wakiilada Puntland, Cismaan Dalmar Yuusuf, isgauna uu sheegay in uusan arrintaas u hoggaansamayn.

Arrimahan ayaa dhacay xilli uu dalka dibadda kaga maqanaa madaxweynaha DGPL, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor.

Dhacdooyinkaasi waxa ay salka ku hayaan nin-tooxsi iyo musuq-maasuq baahey oo ka jira Puntland, lacagta dowlada soo gasho sannadkii oo dhan $35 million oo doolar taas oo aan baarlamaanku kula xisaabtamin meesha ay ku baxdo lacagtasi, waxaana intaas dheer shirkad sheegtay in ay Puntland shidaal ka baareyso oo la sheegey in laga qaatay lacag dhan $3 million lacagtaas oo la sheegay in aysan ku dhicin khasnadda dowlada. Sannadkii 2005 ayey ahayd markii uu Puntland yimid nin (Terry) sheegay in uu halkaas u yimid xanaanada carruurta, markii dambena u xuubsiibtey shirkadda "Consort ltd" oo sheegtay in ay baareyso macdanta/shidaalka, taas oo lagu soo asaasay jasiirada Maldives. Arrimaha shirkadaas la xiriira oo aan ilaa hadda barlamaanka Puntland ansixin ayaa keentan in ay Puntland ka dhex abuurto muran xagga sharciga iyo siyaadda ah.

Dhammaan wareegtooyinka iyo bayaanada ka soo baxay Puntland hoos ka akhri:

DAWL AD G. PUNTLAND
EE SOOMAALIYA
Golaha Wakiillada

PUNTLAND STATE
OF SOMALIA
Representative Council

Xafiiska Guddoonka Golaha Wakiillada DGPL.

Ref: 002/GGW/2006 Date: 22-June-06

Ku : Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha DGPL Garowe

Og: Garyaqaanka Guud ee DGPL Garowe

Ujeedo: Tixraac Xeer madaxweyne Lr. 118, 22/06/2006.


Akhri Dastuurka Puntland

(dastuurka oo ku qoran PDF)

Mudane Madaxweyne,

Ka dib Markaan la tashanay aqlabiyadda Golaha Wakiiladda.

Markii aan eegay qodobada:-

42-aad ee dastuurka ee kala qeexaya qaybaha dawladda ‘G/wakiillada, fulinta & Garsoorka’,

46.10-aad oo tilmaamaya go’aanada golaha wakiiladda & Sida ay ku ansaxaan.

48.1-aad oo tibaaxaya xilliyada ay furmaan kalfadhiyada caadiga ee golaha, "Juun & October".

54-aad oo qeexaya awoodaha & xilalalka Madaxweynaha.

67-aad oo cadaynaya Qaabdhismeedka Maxkamadda sare & Shaqadeeda.

74/75-aad oo ka hadlaya Dhismaha Maxkamadda Datuuriga ah & Awoodeeda.

Waxaan u aragnaa xeerka madaxeyne ee aan kor ku soo xusnay mid aan waafaqsanayn qodobadda dastuurka ee aan soo sheegnay.

Sidaa datreed waxaan kula socodsiinaynaa in goluhu shaqadiisii u wadan doono, sidii caadiga ahayd, maalinta sabtida ee bisha june tahay 24-ta, waxaanna rajaynaynaa in aanay dhicin wax xanibaad ah oo shaqada hakad geliya maadaama aysan cidna maslaxadi ugu jirin. 

K/simaha Gudoomiyaha G. Wakiiladda | Gudoomiye K/X 2aad Ee G Wakiillada.

Salaad Xareed Cali |  Xuseen Maxed Cigaal

Bayaan ka soo Baxay Shacabka Puntland

Bayaan ka soo baxay shacab aad u badan ayaanu ka soo xigayn qoraalkoodii qaar ka mid ah bayaankuna waxa uu ku wajanahan yahay xukuumada DGPL gaar ahaana madaxwayne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac iyaga oo uga digaya xayndaabka siyaasadeed ee uu dalka ku wado iyo in uu si dhakhso ah u furo  kalfadhiga baarlamanka ee uu mudada 10 casho ah xiray islamarkaana uu ciidamo ka amarqaata madaxtooyada soo dhoobay xaruntii golaha wakiilada dawalad GPL, bayaanka oo ay soo saareen shacab badan oo ka biyo diidan siyaasada Xasan Daahir uu wado ayaa u qornaa sidan.

 

Akhri Dastuurka Puntland

(dastuurka oo ku qoran PDF)
ku: mudane madaxweyene kuxigeen
ogaysiin: shacabwaynaha Puntland
ogaysiin: Golaha wakiilada shacabka Puntland
 
Ujeedo: soo bandhigid.
 
Mudane madaxweyne-ku-xigeen waxaan la soconaa faragalinta aad ku hayso shaqadii golaha wakiilada Puntland shacabkuna uu ku eegayo indha gaar ah.
Waxaan la soconaa inaad ciidan gaysay  si ay u gudan waajibaadkooda .
Hadaba waxaan kaaga digaynaa in aad ka waan toowdo shaqa joojintaas aan waafaqsanayan sharciga oo aad ku tumanayso dastuurka dawlad gobaleedka Puntland.
 
Haddii aad ka waan toobi waydid wixii ka yimaada arrintaas adiga ayaa masuuliyadeeda qaadi doona.
 
Bayaankaan oo ay ku saxiixnaanyeen in ka badan 80 qof, ayna soo saareen shacab badan oo aan magacyadooda la soo koobi karin, ayna ka soo saareen magaalada Garowe ee xarunta maamul gabaleedka Puntland iyaga oo ka biyo diidan hawlaha ka soconaya xarunta baarlamanka Puntland ee Garowe, halkaasii oo ay gabi ahaanba la wareegeen ciisamo ka amar qaata madaxtooyada Puntland, waxayna shacabkani aad u taageersan yihiin hawlihii ay ku dhaqaaqeen golaha wakiilada DGPL iyaga oo ku ammaanay waxqabadkooda, waxayna ugu danbayntii  u soo jeediyeen shacabkani golaha wakiilada in ay meel uga soo wada jeensadaan arimaha la xiriira musuq-maasuqa ka jira Puntland iyo in shacabka ay la kaashadaan wax walba oo ku adkaada kaasi oo xal laga gaari karo markiiba hadii la isla kaashado, shacabkani waxay aad ugu booriyeen hawsha ay ka qabteen baarlamaanka laga soo bilaabo xilkaqaadistii ay ku sameeyeen guddoomiyihii golaha wakiilada PL, waxayna ku tilmaameen talaabo aad muhiim u ah loona baahanaa in mar horeba la qaado maadaama uu gudoomiyaha baarlamaanku yahay kan wada musuqmaasuqa iyo kala qoqobnaanta baarlamaanka.
 
Waxaa warkan soo tebiyey:: C/rizak koronto | Garowe puntland | koronto_65@hotmail.com

Xisbiga Ramaas oo Bayaan kasoo saaray Xiritaankii Baarlamaanka Puntland

 
Dhanka kalena waxaa maanta (June 23, 2006) bayaan soo saaray xisbiga kaliya ee mucaaradka ah ee ka jira Puntland oo lagumagacaabo Ramaas political party oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (RPP) bayankiina waxa uu u qornaa sidan: 

Puntland Somaalia  
Ramaas political party (RPP)

RPP/21/06    Date: 23/06/006

 
Ku: madaxwayne ku xigeenka puntland fadhigiisa
Ku: saxaafada madaxabanaan soomalida
Ogaysiin shacab waynaha puntland
Ogaysiin golaha wakiilada DGPL
 
Ujeedo lasocodsiin:

Mudane madaxwayne waxaan kula socodsiinaynaa in aan la socono hawsha balaaran ee golaha wakiilada shacabka kalfadhigooda hadda socda oo aad ku hayso faragalinta si aysan u gudan waajibaadkooda.

Waxaan la soconaa ciidan ka amarqaata madaxtooyada in aad gaysay xaruntii golaha wakiilada Puntland si aysan ugudan waajibadkooda shaqo.

Haddaba mudane madaxwayne haddii aadan ka waantoobin shaqa curyaamintaas aan waafaqsanayn sharciga DGPL iyo tastuurka u dagasan puntland iyo xeer hoosaadka golaha wakiilada oo dhamaantood qeexaya badaxbanaanida golaha wakiilada.
 
Waxaan kuu soo jeedinaynaa in aad ka noqotid warqadii aad qortay abolgizena aad ka bixiso khaladaadkaas sharci darrada ah ee aad gashay haddii kale xisbigu wuxuu qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga isaga oo la kaashanaya shacab waynaha puntland wixii ka yimaada halkaas waxaa masuuliyadeeda qaadi doona laftigaaga madaxwayne ahaan. 
 
afhayeenka xisibiga ramaas
Daahir ciiro
Email:
daahirciiro@hotmail.com

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Kusimaha Madaxweynaha Puntland

DOWLADDA PUTLAND EE SOOMAALIYA
XAFIISKA
K/S MADAXWEYNAHA
PUNTLAND STATE OF SOMALIA
OFFICE
OF THE ACTING PRESIDENT

Xeer Madaxweyne Lr. 118 ee June 22, 2006,
Kuna saabsan Khilaafka Golaha Wakiilada.

K/S Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Guddoomiyaha, guddoomiye/xigeenada iyo xoghayaha Golaha Wakiilada.

Markuu arkay: in Golaha Wakiiladu uu labo kooxood u kala qaybsamay oo ay labo Guddoomiye iska garab sameeyeen.

Markuu tixgeliyey: Talada Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda

Markuu Garowsaday: in xaaladda Golaha Wakiilada ka aloosantay ay khatar ku tahay nabadgelyada guud ee Puntland.

Markuu Arkay: in Golaha Xukuumaddu, shirkoodii 22 Juun ee 2006, aqbalay soo jeedinta xeer ilaaliyaha guud ee ku aadan Arrinta Golaha Wakiiladda.

Wuxuu Xeeriyey:
1- In muddo 10 (toban) maalmood ah oo laga bilaabo 22 Juun 2006 si ku meel gaar ah loo joojiyey hawlihii Golaha Wakiilada.

2- In Maxkamada Sare iyadoo matalaysa Maxkamad Dastuuri ah ay muddada ku xusan qodobka 1aad Go'aan Sharci ah kaga gaarto khilaafka ka taagan Golaha Wakiilada, si markaa ka dib uu Goluhu dib ugu noqdo hawlihiisii.

3- Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu K/S Madaxweynuhu saxiixo

Xasan Daahir Maxamuud
K/S Madaxweynaha ahna
Madaxweyne/xigeenka Puntland



Cismaan Dalmar Yuusuf
 

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo Xilkii Laga Qaaday....

 
 

Garoowe: June 21, 2006 - Kulankii Golaha Wakiilada Puntland ee lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa maanta (Arbaca June 21) xilkii looga qaaday guddomihii golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland, Cismaan Dalmar Yuusuf, kaddib markii cod bixin loo qaaday.

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxay magaalada Garoowe ayaa tibaaxay in xubnihii maanta soo xaadiray baarlamaanka ay 32 xildhibaan u codeeyeen in guddoomiha xilka laga qaado, warka oo dhan... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2006


Xisbiga Ramaas oo Garoowe ka soo saaray Bayaan ku wajahan DGPL...
  • "Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee Xilkii Laga Qaaday oo lagu Maslaxay 100,000,000 sh.so ($80,000 ) iyo Gaarigii...."

Bayaan ka ka soo baxay xisbiga  mucaaradka ah ee puntland ayaa waxaa si wayn loogu dhaliilay siyaasadaha dawlada puntland, bayaankan uu  soosaaray xisbiga siyaasiga ah ee Ramaas political party oo marka magiciisa la soo gaabiyo looyaqaano (RPP) ayaa waxa uu xusay sida aan cidn aula xisaabtamin DGPL, waxana uu si gaar ah u xusay in "gudoomiyihii baarlamaanka (Puntland) oo xil gudasha waa awgeed xilkii looga qaaday bishan 21 kedii  in lagu abaal mariyo ama lagu maslaxo 100,000,000 sh.so. iyo gaarigii uu umada u adegayay halkii lagu wareejin  lahaa kan cusub ee xilka loo dhiibo.", Qoraalkii Ramaas waxa uu u qornaa sidan.

 

Puntland somalia
Ramaas Political Party (RPP)
RPP/21/06                                                Date: 30/06/006
 
Ku: saxaafada madaxa banaan ee somalia
Ku: shacab waynaha puntland
 
Ujeedo: Horta yaa la xisaabtamay.........?
 
Xisbiga siyaasiga ah ee Ramaas wuxuu shacab waynihiisa u soo gudbinayaa qormadaan u jeedadeedu kor ku qoran tahay.
 
Bahda saxaafadana waxaan ka codsanaynaa in ay u gudbiyaan qormadaan qiimaha badan shacab waynaha puntland iyo guud ahaan somaliyaba.
 
Waxaa nasiib daro ah  in mas'uuliyada qarnigaan dadku ku loolamo ama isu sharaxo ama dagaal dhiig ku daato ku raadiyo ama martiqaad iyo hadiyado ku bixiyo siduu u helilahaa.
Xiligii cumar binu khidaab allaha ka raali noqdee mar uu la dar daarmayay barasaabyadii goboladii islaamka loo kala dirayay wuxuu ku yiri " iska jira hadiyada maxaa yeelay waa laaluush qarsoon."
 
Markaynu milicsano maamuladeena puntland madaxdiisa kala duwan habka ay ku yimaadeen xilalka ay hayaan waa sidan.
 
1 mid dagaal sokeeye qaarad fog ka soo aaday dhiigbadana ku daadshay, baarlamaankuna xal mooday  in ay doortaan.
2 kuwo marti qaadyo ku helay
3 kuwo beelahoodu u geeyeen waxbaa la boobaaye hala boobeen.
4 kuwo loo geeyay dabka ha ku shiteen oo aan loo geyn umad wax ha u qabteen.
 
Hadaba waxaa is  waydiin leh maxaa loogu ordayaa xilalka?
1) ma qalinka ku aarsaa?
2) ma umada u shaqeebaa?
3) mise  afka buuxsaa?
 
Jawaabtu waa ka shaqayso ee u shaqee maahan.
 
Hadaba si looga gudbo mashaqadaas waxaa lagama marmaan ah in lala xisaabtamo masuuliyiinta kala duwan kuwa fulinta kuwa wakiilada dawlada dhexe iyo kuwa wakiilada golayaasha deegaanka  ka hor in la hubiyo  hantida ay lahaayeeen inta aan xilka loo dhiibin si loo ogaado hanitooda ama loola socdo.
 
Maanta waxaa  inoo muuqda madax badan  oo kuwa fulinta ah iyo kuwa wakiilada ka mid ah oo guryo dhistay gaadiid aysan lahaan jirina wata, taasina waxay muujinaysaa hantidii umada oo ah amaanadii loo dhiibay ama loo wakiishay oo  ay ku tagri faleen.
 
Waxaad arkaysaa wasiiro marka xilka laga qaado la dhaqaaqaya gaadiidkii  ay umadu lahayd oo ay ugu adeegayeen  oo aan cidi uga daba tagayn.
 
Halka ay shaqaalaha iyo ciidankuba ay la' yihiin musha' harkoodii waxaa la yaab leh gudoomiyihii baarlamaanka oo xil gudasha waa awgeed xilkii looga qaaday bishan 21 kedii  in lagu abaal mariyo ama lagu maslaxo 100,000,000 sh.so. iyo gaarigii uu umada u adegayay halkii lagu wareejin  lahaa kan cusub ee xilka loo dhiibo.
 
Hadaba shacab waynow xisbigu wuxuu idiin soo bandhigayaa yaa ka mas'uul ah mashaqooyinkaas.?
 
Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Ramaas
Dahirciiro          mobile:747090 email: daahirciiro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD