| 
    
     
    1-waa ta koobaade dalka ethiopia oo aysan
    wadaniga soomaaliyeed wax aqoona isu lahayn iyadoo qarnigii udanbeeyay
    colaad mooyee wanaag laysugu iman,oo ilmaha soomaaliyeed lagu anqariyo in
    xoolahana dhurwaaga laga soo hooyo caruurtana dhiigyacab axmaaraad. dhanka
    itoopiyana maahmaahda caruurta la xafidsiiyo tahay(YE SOMALEE TERET;IBAAB
    INAA AMAARAA BE MEJEMERAA AMAARAAW GIDHAL"YIBAALAAL KESAA BOHALAA IBAAB"):=SOMAALI
    WAXAY KU MAAHMAAHDAA MARKII AY KUU GUDBOONAADAAN MAS IYO AXMAAR MARKA HORE
    AXMAARKA DIL).taasoo ah akhriste arin itoopiya caan ka ah oo loogu
    baraarujinayo caruurta in aysan waligood soomaaliyi itoopiya naf u haynin.
     ayaa waxaa masuuliyiinta SNM hortaalay in
    ay itoopiya tusaan in waxa ay meesha u yimaadeen kadaacadyihiin,kana
    maydhanyihiin colaadd itoobiyaan,si ay taas umuujiyaanna waa inay dardar
    cusub layimaadaan oo (waxaan maqlijiray sheeka caruureed wax aan u maleeyay
    oo odhanaysa waxaa jirijiray soomaalida gobolo markuu ninku rabo inuu
    guursado ay ku waajib tahay inuu xiniinyo nin uu soodilay keeno ama sadex
    libaax madaxood)ay markaasi saraakiisha woqooyi dhiigbadan soomaali ka soo
    qulquliyaan,tusaanna inaanu dabka soogaadha xagooda kolaba danqaynin.   2-dhanka kale waxay ku kalsoonaayeen in ay
    taas xaqiijin karaan itoopiyana si fudud u qancin karaan iyagoo arkaya in
    shuruuda lagu xidhay ayba ahayd tay meesha u yimaadeen,balse waxaa ugu
    kululayd ugu muuqatayna ayaan daro lagama gudbaana,meesha lagayiri waxaad
    hoos i,amaysaan SSF.cudurkaas iyakaa isgaliyay runtii. dhibka SNM haystay wuxuu ahaa, waxaa ay
    istuseen in dadkooda ay ku habsatay ayaan daro kaga timid DAAROOD oo ay
    halkan uyimaadeen sidii ay uga samatabixin lahaayeen ayaan darada DAAROOD
    dadkooda baday, taasina waxaa ay ku noqotay kud ka guur oo qanjo uguur kadib
    markii kooxdan layiri waa inay damiin idinka noqdaan u,arkeen iyana DAAROOD,
    arintaas waxaa u yara fududeeyay markii lagabadalay magicii ssf oo la noqday
    SSDF ayaa iyakiina loosheegay talaabada ugu horaysa in si aad u dhiirataan
    noqonayso dhanka warfaafinta oo aad nalayeelan doontaan idaacda, waxaa laga
    badalay magicii idaacadda oo ahaa ""idaacadda wareegta ee codka
    jabhadda badbaadinta soomaaliyeed/RADIO KULMIS/waxaana lagu badalay "idaacada
    wareegta ee codka midaysan ee xoogagga mucaaradka soomaaliyeed ee//RADIO
    HALGAN//: si aysan isuwaydiin meeshii ay ka helilahayeen wariyayaal aan
    fadhiga ku qayilin oo wareegga ku qayila si ay ula wareegaalaysataan
    idaacaddan wareegaysa ee uu raggan ay u arkeen daaroodku layimid ayaa
    warbixin laga siiyay idaacadda "idaacaddu waxaa ay ku taallay magaalada
    ADDIS-ABEBA waxayna ahayd idaacad maamulkii shuuciga ahaa ee mengistu hailu
    mariam ka qaaday kooxdiinta kiristaanka faafinjirtay(THE GOSBEL
    MISSIONERIS):DABAQA KORE WAXAA UU XAFIIS U AHAA WASIIRKII NABAD SUGIDDA
    itoopiya, HOOSNNA WAXAA AY AHAYD IDAACADDA: niyadii way u degtay walise
    madmadawgii kama bixin. waxaase arintaas iskeed usoo afjartay kadib
    markii ay SSDF laf ahaanteedii madaxa islagashay, saraakiil badanna iskaxidh
    xidhay iyadoo qaarra xabsiyada ku dhinteen,waxaa ay ssdf ka nixisay itoopiya,
    SNM na iyaddoo fursadaas ka faaiidaysanaysa waxay xoojisay halgankeedii ahaa
    jabinta soomaalida iyo kasbashada itoopiya. mudddo kadib waxaa ay labadii
    jabhadood noqdeen labaquwadood oo xag walba u siman waxaa SNM taas u sii
    suurta galiyay qawmiyadda ISAAQA oo 80% aaminsanaa fikirka ku salaysan (daarood
    iska dulqaad) taasoo ay gacan buuxda ku siiyeen halgankasi. waxaa ay labadii
    xoog ee SSDF iyo SNM noqdeen kuwo u tartama xoogga iyo kasbashada soomaalida
    kale, waxaa kusoobiiray dagaalka qowmiyadaha soomaalida koonfur qaarkood
    sida beesha hawiye, oo raggii ugu horeeyay uu kamid ahaa C/salaan Cismaan
    Diini(GOR-GOR)IYO sheekh YAROOW. islamarkiiba SNM waxaa ay arintaasi u
    saartay gudi deg deg ah oo soo kasbada raggaasi,waxaa gudigaasi maamulkiisa
    sare ka mid ahaa abwaanka wayn ee soomaaliga ahaa Maxamed Ibraahim Warsame (HADRAAWI).  Waxaa cabdulaahi yuusuf (ssdf)amakaag ku
    noqotay in raggi uu woqooyi ku ogaa ayba koonfur fog shir ku qabanayaan ay
    doonayaan in ay beelo ku kasbadaan. shirkaasi waxaa uu ka dhacay magaala yar
    oo layiraa SUUFTU ee dhanka ethiopia oo ku aadan deegaanka buulo xaawo,
    waxaa lasheegay in ay markaas raggii soogalay iyo SNM isku AFGARTEEN in ay
    yihiin gaashaanbuur lagu magacaabo (IRIR) iskuna cadaw yihiin. maadaama SSDF
    iyo SNM labadaba soomaalida kale u arkaysay in ay midina ka socoto
    MAJEERTEEN midina ISAAQ ay u xayd xayteen in ay siyaasadoodaasi qaawan dhar
    u galiyaan kasbadaanna beelo kabaxsan kuwooda. Waxaa taas ku guulaystay SNM
    markii hore,waxaa ay dhowrsano ku kasbadeen in ay isu keenaan ciidamo
    gaadhaya illaa kun nin oo GAAHSSNBUURTII IRIR, waxaa madaxweyne ku xigeenka
    SNM laga dhigay CALI WARDHIIGLAY,nasiib xumo waxaa ay taasi soo afjarantay
    kadib markii ay madaxa isku dhufteen gudoomiyihii SNM mudane SIILAANYO iyo
    ku xigeenkiisii WARDHIIGLAY, waxaa uu wardhiiglay ku eedeeyay in dhaqaalaha
    jabhadda isaaq kali ahi isku koobo iyadoo dhaawaca hawiye aan wax daryeel ah
    loofidin, meesh dhaawaca isaaq dibadda laga geeyo, mr siilaanyo ayaa waxaa
    laga wariyay in uu cali wardhiiglay u sheegay in tolkiis dhaqaale halganka
    ku soodaro, cali wardhiiglay(alle hawnaxariisto) isagoo taas ka jawaabaya
    awaxaa uu ku soowareegay dalalka carabta,yurub iyo ameerika.arin xiisa leh
    waxaa noqotay in kadib markii uu yimid uun uu u sheegay siilaanyo in aanu
    hantida uu soohelay ku wareejinaynin qasnada dhexe ee uu hawiye gaar u
    leeyahay,markaas iyada ah waxaa uu siilaanyo u siijeeday dalka ingiriiska oo
    jawaab kamuu bixinin.dhowr todobaad kadib waxaa magaalada diri dhabo lagu
    qabtay kalfadhigii guud ee golaha dhexe ee SNM, waxaa waji gabax ku dhalisay
    mudane CALI WARDHIIGLAY markii uu shirka albaabka kasoogalay ee ay
    indhihiisu qabteen MUDANE IBRAAHIN MAYGAAG SAMATAR oo shirka gudoominaaya,
    af-labadiis ayuu dhawaaqay isgoo leh meesha uu gudoomiye siilaanyo ka
    maqanyahay sharciyan anaa ka diiq ah, wuxuuna ugu daray inuu raqabada
    shaadhka sooqabto mr maygaag oo uu feedh kaladaalo, islamaalintaas ayaa lagu
    kalayaacay SNM. SSDF ayaa u xusullo duubatay sidii ay SNM
    ta tusbaxa go,ay noqotay uga biliiiliqaysanlahayd siyaasiyiinta iyo
    ciidamada ka sooburqaday, markaasi waxaa ay ku beegnayd xadhiigii ay
    itoopiya xidhay COL:CABDULAAHI YUUSUF,waxaana madaxwayne ka ahaa SSDF DR
    xassan cali mire. mr SIILAANYO gudoomiyihii SNM wuxuu si deg deg ah u soo
    afjaray socdaalkiisii dalka INGIRIISKA kuna soo labtay addis-abeba. waxaa
    idaacadda iigu yimid wasiirkii warfaafinta ee SSDF mudane MAXAMED ISMAACIIL
    (BARI-BARI) oo igu amray inaan idaacadda kasii daayo in ay jabhadda SSDF ku
    soobiireen sagaal siyaasi oo kasoo goostay SNM ayna kala hogaaminaayaan CALI
    COSOBLE WARDHIIGLAY iyo CABDISALAAN CUSMAAN DIINI GOR GOR uuna kamidyahay
    taliyihii ciidamada koonfur SHEEKH YAROOW,kadib markii aan duubay warkaasi
    intii aanu hawada kabixin waxaa iigu yimid studioga wakiilka idaacada dhanka
    SNM CABDIRASHIID GADHWEYNE oo ii sheegay in aanan siidaynkarin
    warkaasi,waanse ku gacansaydhay,balse waxaa saacad kadib soo galay
    idaacaadda mudane AXMAD SIILAANYO,halkaasoo la iigu gacan qaaday dhowr
    feedhnna la i cantuugsiiyay, markii woxogaa la iyarehe jilciyay ayaan
    ciidamadii amaanka itoobiyaanka usheegay in xubno katirsan idaacada banaanka
    looga saaro, hayeeshee mr AXMAD SIILAANYO wuxuu lakulmay wasiirkii
    nabadsugida itoopiyaanka oo isagu qaabilsanaa dhamaan jabhadaha dalka jooga,
    waxaana la,igu soo amray inaanan siidaynin warkaasi, kadib markii ay isku
    afgarteen madaxdii SSDF,SNM iyo tii ETHIOPIA. markaas siilaanyo wuxuu ku
    doodaayay hadii idaacadda laga sheego waa marka koobaade dhamaan ciidamada
    jiidda hore ee raggan soo goostay taageersanaa ayaa la goosanaya hubkii ay
    lahayd SNM ulana galaya SSDF.waa tan labaad ee ugu darane waxaa qaawismaya
    siyaasadaydii oo isugu soo biyo dhuranaysa inaan reer meel taagan noqonaayo. waxaa kala jabkii gaashaanbuurtii IRIR sii
    xoojiyay dilkii loo gaystay ninkii ku wareejiyay jagada madaxweyne nimada
    ururka SNM mudane AXMAD SIILAANYO oo ahaa COL:CABDULQAADIR KOOSAAR,waxaa uu
    kornaylku markaasi meelkamida gobolada koonfureed aagga dooloow kula
    shiraayay odayaal kasoo jeeda beelaha hawiye oo uu doonaayay inuu ku qanciyo
    inaan bahweynta lakala fur furin maadamaamo guushii albaabka
    taagantahay.waxaa dilka masuulkaasi sare ay ilaa haatan SNM u aanaysaa CALI
    WARDHIIGLAY iyo MAXAMED FAARAX oo ahaa wasiir sare. dilkaasi kadib waxaa uu
    siilaanyo qabanqaabiyay in laga mamnuuco caliwardhiiglay iyo masuuliyiintii
    lasocotayba in aysan dalka dibadda uga bixin. hayeeshee waxaa taas beeniyay
    gudoomiyihii SSDF Dr xassan Cali Mire, cali wardhiiglay iyo NIN soomaaliya
    mar wasiirka warfaafinta uga ahaanjiray siyaaad bare ka hor marna ahaa
    dibutaati oo layiraa CALI HAGARREEY ayaa isla sadex todobaad kadib dilkii
    koosaar dalka dibada uga baxay. iyadoo ay arintaas usuurta galisay SSDF. arini waxaa ay aan ku jiido iyo ijiid
    ahaataba qowmiyaddii hawiye waxaa ay dalbadeen in uu yimaaddo general
    MAXAMED FAARAX CAYDIID(alle hawnaxariisto) halkaasoo ay ku dhisteen xoog
    kamadaxbanaan SSDF IYO SNM. akhriste haatan wali waxaad mooddaa in
    aysan kadhamaanin biyihii ay hoosteeda iska soo haraatiyeen labadan xisbi oo
    haatan dawlado isu noqday taasoo laga yaabo hadii ay isku dhacaan ama ay
    fool ka fool dagaal isugu qaadaan aad loogu hoobto, maadaama labaduba
    leeyihiin haatan awood dawliya oo waxyeelo tankale u gaysankarta. waxaase kali ah oo lagudboon maadaamo
    labadooda shacbi ee ay hogaaminayaan labadaba ay soo galiyeen dagaallo
    sanada dheer socday ay haatan cagta u dhigaan dajiyaanna xaaladda oo aysan
    lamid noqonin kooxahan haatan dagaalku u cusubyahay walaaleeyaana
    shucuubtooda mar hadii ay natiijadii halgankooda labaduba gaadheen.   xagar91@hotmail.com  January 7, 2003  Qaybtii
1aad ee Qormadan --- GUJI:  
 XAGAR
YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio
kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka
Jarmalka.  ELDORET:
Taxanaha Wararka    
 
com
 
 |