SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - K/AFRICA
SHIR LAGU TAAGEERAYO ONLF OO KA DHACAY KOONFUR AFRIKA
CTML CD
 
CILMIGA INTERNETKA _ AfSomali

Jaaliyadda Absame ee Koonfur Afrika 

qamuuda@webmail.co.za 

Agoosto 9, 2002 

Habeenimadii ay bisha July ahayd 28 sannadkan 2002 ayaa kulan balaadhan oo ay kasoo qayb galeen xubno aad u badan oo ka tirsan beesha Absame lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Ujeedada kulankan oo ahayd sidii loo taageri lahaa halganka xornimo doonka ah  ee ay ku jirto Jabhadda waddaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO/ONLF) kaddib markii uu dhinaca jabhadda codsi ka yimid.

Waxaa shirka furay Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaanni) oo ah odayga beesha ee waddanka K/Afrika. Kaddib waxaa halkaasi ka hadlay xubno kale oo ka mid ah odayaasha beesha Absame kuwaas oo si wanaagsan u faahfaahiyey oo sawir buuxa ka bixiyey halganka ay jabhaddu ku jirto iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay una mudantahay jabhaddu in si aan kala hadh lahayn loogu taageero hawlaheeda, intaas kaddib waxaa warbixin dheer ka jeediyey shirka Daahir Maxamed Cali (Baasto) oo ka tirsan masuuliyiinta jabhadda, isla markkasna ah wakiilka jabhadda ee waddanka K/Afrika, Warbixintaasuna waxay ka hadleysay halganka shacabka Ogadeniya marxaladihii uu soo maray, sidii uu ku billowday, guulihii uu gaadhay, duruufaha jira ee saameynta ku haya iyo sidii looga gudbi lahaa iyo kaalinta mar walba shacabka kaga aaddan guul gaadhista halganka. Sidoo kale waxay warbixintu ka hadashay guud ahaan xaaladda geeska afrika iyo gaar ahaan aragtida Itoobiya ee ku aaddan dib u heshiisiinta Somaliya iyo qaran Somaliyeed oo lugihiisa mar kale isku taaga taas oo ay mar waliba la hor taagantahay carqalad joogto ah iyo dibindaabyo.

Dhanka kale waxaa kulanka laga akhriyey go’annadii lagu gaadhay kala fadhigii uu bishan horaanteedii galaha dhexe ee jabhaddu ku yeeshay xaruntiisa kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen dhinacyada abaabulka shacabka iyo ka dhisiddiisa xagga fikirka iyo aqoonta, dhameystirka dhismaha ururrada bulshada, xoojinta qaabka howlgalka jaaliyadaha dibadda, kordhinta iyo kor u qaadista tirada iyo tayada ciidan ee jabhadda, adkeynta xidhiidhka iyo wax wada qabsiga qowmiyadaha kala duwan ee ay Itoobiya gumeysato iyo u bandhigidda bulshada caalamaka ee nabadda iyo xasiloonida jecel xadgudubyada ka baxsan xuquuqda aadanaha ee ay Itoobiya ku hayso shacabka Ogadeniya iyo shucuubta kale ee ay Itoobiya gumeysato.

Waxaa kale oo khudbadda lagu sheegay go’aannadii kasoo baxay kalafadhigii 8aad ee jaaliyadda Ogadeniya ee ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norwey  badhtamihii bishii July ee hadda dhammaatay kaas oo ay warbixintu sheegtay in uu guul ku dhammaaday.

Guntii iyo gabagabdii waxay khudbaddii Daahir-Baasto ku dhammaatay baaq la xidhiidha  in xoogagga kala duwan ee Ogadeniya ay u midoobaan meel marinta danaha iyo maslaxada shacabka, meelna ugasoo wada jeedsadaan ilaalinta iyo difaaca guulihii la gaadhay, Sidoo kale waxay ugu baaqday shacabka aan walaahaha nahay ee Soomaaliyeed in ay dagaalka sokeeye joojiyaan, iskana ilaaliyaan shirqoollada ay maleegeyso Itoobiya oo ah cadowga taariikhiga ah ee guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Markii haddaba ay dhammaatay Khudbaddii iyo warbixintii masuulka ONLF Daahir Maxamed cali (Baasto) taas oo aad u dheereyd meelo badanna taabaneysay waxaa masuulka la weydiiyey su’aalo ay ugu muhiimsanaayeen:

Maxay bulshada Ogadeniya uga wada qayb gali la’dahay halganka loogu jiro iska qaadista heeryada gumeysiga?, Wuxuu masuulku su’aashaas jawaabteeda kusoo koobay saddexdan arrimood; Tan hore oo ah aqoon iyo wacyi darrada shacabka, Tan labaad oo ah kaalinta gumeysiga iyo daba dhilifyadiisa oo mar walba abuura kala qaybin iyo qabyaalad. Iyo tan ugu danbeyasa oo uu Dahir-Baasto ku sheegay tabar yaraanta Jabhadda oo wali u baahan wakhti dheer oo ay ku qabato waxyaabo badan.

Su’aasha labaad waxaa la weydiiyey kaalinta jabhadda kaga aaddan isbaddalka kusoo fool leh Itoobiya?. Wuxuu masuulku sheegay in uu jiro qorshe jabhadda u yaalla oo ku aaddan haddii uu isbaddal ka dhaco Itoobiya, waxayna qorshaheeda jabhaddu la kaashan doontaa ayuu yidhi Daahiir-Baasto ururrada kale ee kasoo horjeeda siyaasadda Itoobiya ee wakhtigan.

Waxaa iyana shirka laga akhriyey salaan uu shirka usoo diray Xogahaya guud ee Jabhadda waddaniga Xoreynta Ogadeniya Halgame Maxamed Ismaaciil taas oo uu fakis kusoo diray maalin uun ka hor markii uu shirku dhacay.

Shirka oo socday 4 saacadood waxa uu kusoo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan oo ay dhammaan ka qayb galayaashu isku si wax u arkayeen, isla markaasna waxaa shirka soo gaadhayey telefoonno aad u badan oo ka imaanayey meelo kala duwan oo dalka ka mid ah oo ay ku noolyihiin dad taageero u haya jabhadda kuwaas oo dhammaan muujinayey in ay aad uga xunyihiin in ay u suuro gali weyday in ay ka qayb qaataan shirkaas, isla markaasna waxay dadka soo hadlaya intaas ku darayeen in ay taageersanyihiin wax alla wixii kasoo baxa shirkaas ee lagu taageerayo halganka Jabhadda waddaniga xoreynta Ogadeniya ku jirto, sidoo kalana ay taageersanyihiin cid kasta oo la dagaallameysa gumeysiga Itoobiya. Dhammaan dadkii ka qayb galay shirkaasna waxay muujiyeen oo ay ballan qaadeen in ay taakuleynayaan ONLF iyo jabhadaha kale ee dagaalka kula jira gumeysiga waxshiga ah ee Itoobiya si loo xoreeyo Ogadeniya.

Shirkii waxaa xidhay madaxa Jaaliyadda absame ee Koonfur Afrika Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaanni)

Jaaliyadda Absame ee Koonfur Afrika qamuuda@webmail.co.za 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

SOMALITALK.COM | Agoosto 9, 2002


BAAQ AY SOO SAAREEN URURKA DHALIN YARADA SOMALI GALBEED EE NORTH AMERICA
waxaa aad iyo aad tiiraanyo naxdin leh u ah in guud ahaan dadka somalida ahi gaar ahaan SOMALIDA GALBEED ay ku jiraan marxalad aad u qalafsan habka kali ah ee lagaga bixi karaana tahay isfaaham, midnimo iyo,is ku duubni isku tashi ummadda somali galbeed GUJI...
  Agoosto 6
BAYAAN KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA 2aad EE DADKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
Waxaa bishan Ogoosto 2-4dii 2002, lagu qabtay magaalada Dan Haag ee dalka Holland shirweynihii 2aad ee dadka Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socday Nord Amerika iyo Yurub iyo dadweyne lagu martiqaaday shirka ee deggan dalka Holland. Shirweynaha waxaa marti geliyay oo si aad iyo aad ah u soo dhaweeyey ergooyinka Jaalliyadda Reer-Waamo ee ku nool dalka Holland.
  GUJI... Agoosto 6
Baaqii somaali galbeed ooy qoreen dad aan xilkas ahiiyn.

waxaan dhamaan dad waynaha somaaliyeed ushee yeeynaan inuusan dadkii isku sheegay ineey yihiin somaali galbeed baaquna siwada jir ah loosaa saaray ineeyna waxba kajirin waayo dadka qoraalkan qoraaya waa masuuliintii somaali gabeed waxna kama ogin baaqaana waa baaq aan waxba kajirin
GUJI... Agoosto 6

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD