SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - USA

 Qaadka oo Kusoo Qulqulaya Ameerika

Soomaalida UK oo ku Baaqay in La Mamnuuco Qaadka GUJI....  

" qaadka (Jaad) oo ah caleenta eey calaliyaan mooryaanta soomaliyeed ee ku jiray filinkii (Black Hawk Down) ayaa mar mar soo gaaraya magaalada chicago" sidan waxaa qortay jariidada Suntimes ee ka soo baxda magaalada chicago.

caleentan cagaaran ee misana jilicsan ayaa ah mid si sharci ah looga daaqo wadamada bariga africa, carabaha qaarkood & yurub, laakin mareykanka wexeey ula mid tahay daroogooyinka waaweyn ee Heroin-ka & Marijuana-ha.

gacan-ku dhigista eey baleysku qabanayaan ayaa sii badanaya marka la eego sanadkii 1996 oo la qabtay 17 Metric-Tons, halka sanadkii ina dhaafay ee 2001 la qabtay wax u dhigma 37 Tons !

Magaalda chicago kaliya -oo ah meesha ugu horeysa ee laga soo dajiyo qaadka- ayaa 49 goor la qabtay Qaad laga soo dajinayo Airport-ka caalamiga ah ee O'Hare tan & bishii ocotober ee ina dhaaftay, halkaas oo miisaanka ugu yar ee la qabtay uu gaarayey ilaa 26 Pound kan ugu badana ahaa 253 pound.

qaad-walaayaasha oo suuqooda ugu weyni yahay gobolkan Minnesota ayaa aad u isticmaala gegida mashquulka ah ee O'Hare, iyagoo dabadeedna gawaari uga soo qaada magaaladas, ama misana diyuurad kale ka soo saara isla chicago oo ka soo dajiya gegida Minneapolis, Qaad-ka intiisii ugu badneyd ee lagu qabtay chicago ayaa ka yimaada Magaalada London ee wadan Ingiriiska oo qaadku sharci ka yahay, isla markaana si aan kala go'olaheyn uga soo gaaraa iyana wadanka Kenya intiisa badan.

Police-ka magaalada chicago & shirkadaha alaabaha qaada oo bilaabay isla shaqeyn ku saabsan baarista qaadka ayaa howl-galkoodii ugu danbeeyey ahaa arbacadii ina dhaaftay oo eey qabteen laba baakadood oo qaad la ceegaago oo laga soo diray magaalada Lodon, kuna socda cinwaan xaafad eey qoxootiga geeska africada bari & carabtu ku badan yihiin oo ku taala chicago oo qaxootigu ku sugaan caleemaha cagaaran.

labadan baakadood ayaa waxuu miisaankoodu ahaa 168 Pound, laguna soo laalaabay caleenta mooska, waxaana lagu qiimeeyey 7,400$ taas oo macneheedu yahay in halkii garaam ee qaad ah la iibiyo 0.35 cents $ halka mirijuanada halkeeda garaam la iibiyo 6$ !

Police-ka aya aaminsan inaan qaadka lagu iibin wadooyinka sida daroogooyinka kale - balse anigu waan ku khilaafsanahay oo waxaan ku arkay iyadoo lagu iibinayo suuqyada & makhaayadaha soomaalida irdohooda ee ku yaal koonforta minneapolis- wexeeyna aamin sanyihiin in dadka cunaa eey u badan yihiin soomali, Itoobiyaan, Kenyati & Yemen !

qaadka ayaa soomalida ku nool soomaliya cunaan xilliga duhurada oo eey barya-qaadaan tan & inta eey jiif-tagaan, ha yeeshee kuwa ku nool galbeedka ayaa iyana ku kala duwan, tusaale ahaan magaalada London ayaa laga cunaa qaadka 24-ka saac maalintii, mana kala lahan maalin fasax ah & maalin aan fasax aheyn, ileeyn dadka cunaa intooda badani taageerada dowlada ee ceyrta loo yaqaan ayaa fasax abadi ah siisaye, laakiin magaaladan Minneapolis ayaa iyada inta badan la daaqaa caleemahan dhamaadka todobaadka shaqada oo ah sabtida ama axadda.

dhex-dhexaad marduufka qaadka ah sida uu ii sheegay qaad wale aan caawa taleefonka ku wareeystay wuxuu joogaa 40-50 $ marka uu si nabad ah ku soo gaaro magalaada, ha yeeshee mar mar dhowr kartoon oo kaliya soo fakadaan ayuu qiimaha qaadku isku shareeraa ilaa 100$ kiiladiiba !

Black Hawk Down  

dhaqaatiirta mareykanka ah ayaa aaminsan in qaadku leeyahay unugyo maandooriye ah oo wax yar ka tabar yar marijuana-da, ha yeeshee dadka cunaa intooda badan ayaa taa ka soo horjeeda, si kastaba ha ahaatee dhowr dhalinyaro ah oo aan arrintan weydiiyey -qaadkana cuna- ayaa ii sheegay in Qaadku maandooriye yahay oo qofka cunaa "Qushuucayo" waa sida eey warka u dhigeene, waxaaba intaas sii dheer ereyga loo isticmaalo qaad-cunka oo ah " Marqaamid" ayaa ka turjumaya qof aan ku jirin xaaladiisa caadiga ah !

Nasiib xumo dumarka soomaaliyeed ayaa la sheegay ineey ku soo badanayaan qaad-cunidda, gaar ahaan wadamada galbeedka, iyadoo eey saas tahay ayaa bilowgii sanadkan dhowr soomali ah loogu soo galay guri lagu iibiyo laguna cuno qaadka oo ku yaal Minneapolis, isla markaana xabsiga loo taxaabay wixii meesha ku jiray, iyadoo sida uu ii sheegay mid ka mid ah qoladii la xiray -oo aan ii oggolaan inaan magiciisa faafiyo- magacyadooda lagu dhajiyey ineey marqaamayaal waaweyn yihiin sidaas owgeedna shaqooyin badan ku seegeen, waxaase iiga sii yaab badneyd markii uu ii sheegay ineey gabdho soomaaliyeed kula jireen marqaanka !

Arrinta sheegida mudan ayaa ah in dhowr million oo doolar eey sanadkiiba ku bixiyaan soomalida ku nool somaliya soo iibsashada qaadka oo ah lacag aanan faa'iido danbe laga sugeyn oo aan soo noqosho laheyn, iyadoo qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyaduna tashiilaad u sameeyaan oo airport-kooda ka soo dajiyaan ama eeyba leeyihiin shirkdaha & dayuuradaha keena qaadka soomalia.

C/raxman Ceynte

MPLS, MN

ceynteyare@hotmail.com  

FAAFIN: SOMALITALK.COM | Agoosto 27, 2002


WARARKII HORE EE QAADKA IYO QURBAHA

Soomaalida UK oo ku Baaqay in la mamanuuco Qaadka GUJI.... 

Soomaaliyeey Qaadku Waa Daroogo Halkan - Ameerika
Inyar in kabadan kun (1,000) rag ah oo kamida sagaalka kun (9,000) ee Soomaalida ah ee kunool Atlanta waxay cunaan qaadka, sidaas waxaa shalay (Nov 28) qoray wargeyska accessatlanta. Warkan.oo.dhan [November 29, 2001]


Qaadka iyo U.K.: Warbixintii Ibraahim Saalax
Dalka England ma ahan sida dalalka Iskandineefiyanka iyo dalka Jarmalka oo kale oo iyagu ka mamnuuc ah qaadka, waxaa dalka England si joogto u yimaada qaadka ka yimaada dalka Kenya. Waxaa dhacda iyadoo uu qofka shaqeenaya oo xagga hoose ku sito laamo qaad ah. Tusaale ahaan mar aan booqday daarta Bush House ee ku taalla idaacadda BBC-da laanta qabyta af soomaaliga ayaa waxaan ku arkay qaar ka mid ah shaqaalihii BBC-da ee soomaalida oo laamo qaad ah ku cunayay xafiiska. Waxaan is iri, warku maba sheegaan haddaan la ruugin bahalkaas laayay kumanaan kun oo soomaaliyeed. Warkan.oo.dhan [August 4, 2001]

Keenee Khatar Badan??? - AK & Qaad
Magaceygu waa qaad, Geed qaraar ayaan ahay, Qasaaro iyo dhib baan ahay, Ruux kastaa i qaatee, Qoryaheyga feentaa, Hurdadaan ka qadaa Gabayga.oo.dhan [October 18, 2000]

Socdaalkii Dheeraa ee Shiike - Jabuuti
waxaan magalada ka dareemay inay tahay Magaalo habaynkii oo idil laga soojeedo, waxaa jira maqaayado iska furan oo Cabitaan, waxa jira goobo ay dad ku qayilayaan. Warka.oo.dhan [April 26, 2001]

Nin Soomaali ah oo Lagu Xiray Maraykanka isagoo Wata Jaad (Khat)
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Qoramadii: record-eagle.com
"Booliska magaalada Traverse City oo ay lajiraan FBI ayaa garoonka "Cherry Capital Airport" kasoo xiran nin soomaali ah maalintii Jimcada isagoo wata wax loo malaynayo 150 rodol oo Jaad ah (khat)" sidaas waxaan kasoo xiganey wargeyska lagu magcaabo record-eagle.com oo kasoo baxa magaalada "Traverse City, MI" [Hoos Akhri] Warkan.oo.Dhan [2001-9-19]

Nin Lagusoo eedeeyey in uu Laaluush Siinayey Qof Katirsdan Laanta Cashuurqaadida Maraykanka si uu Qaad usoogeliyo
Tarjumadii SomaliTalk.com | July 18, 2001
Minneapolis, Minnesota - War aan kasoo xiganey wargeyska StarTribune oo kasoobaxa magaalada Minneapolis waxa uu sheegayaa in shalay (Talaada July 17) sharciga lagusoo oogey Abdulkadir H. Osman oo 38 jir ah deggana magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota. Warkan.oo.dhan

Toronto oo lagu qabtay Khat

SU'AALO CILMIYEED: GUJI... 


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo .
IQRA.. 26/8

MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16


Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD