SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
Xawaalaadaha Soomaalida ee Minnesota oo Ku Heshiiyey in qiimaha xawaaladu uusan ka sara marin kana hoos marin 5%( ama boqolkiiba 5$)
CTML CD
 
CILMIGA INTERNETKA _ AfSomali

Agoosto 8, 2002 

Kadib markii ku dhawaad hal todobaad uu qasnaa suuqa & sicirka xawaalada ee gobolkan minnesota ayeey shalay galabtii (Agoosto 7) ku guuleysteen ineey kulan ku yeeshaan magaaladan minneapolis xawilaadlayaasha soomaalida.

heshiiskan cusub ayaa la isku afgartay in qiimaha xawaaladu uusan ka sara marin kana hoos marin 5% ama boqolkiiba 5$, falanqeyn dheer & wada hadal waqti dheer jiitamayey kadib ayeey xawilaadlayaashu qalinka ku duugeen go'aankan cusub, si kastaba ha ahaatee qaar ka mid ah xawilaadlayaasha ayaananba ka qeyb galin shirkii shalaytoole, waxaana ka mid ah shirkadda Towfiiq oo ii sheegay ineeyanba waxba kala socon shirka noocan ah.

dabayaaqadii todobaadkii tagay ayeey aheyd markii qaar ka mid ah shirkaduhu gaarsiiyeen sicirka xawilaada heerkii ugu hooseeyey ee abid soo mara minnesota oo ah 3% ama 3$ boqolkiiba, walow uu guud ahaan sicirku sabeynayey todobaadkii tagay oo dhan haddana xawilaadlayaashu weey ku kala duwanaayeen qiimaha xawilaada.

tan iyo markii irdaha loo laabay shirkadii barakat ayaa waxaa suuqyada gobolkan minnesota ku soo badanayey ilaha xawilaada, wuxuuna qiimaha u badnaa tan & waagaas 7% ama 7$ boqolkiiba, walow la dhimayey qiimaha xawilaada marka uu qofku xawilanayo lacag ka badan 500$.

gobolkan minnesota ayaa ah xarunta ugu muhiimsan ganacsiga xawilaada soomaalida dunida oo dhan, maxaa yeelay tirada soomaalida oo sii badanaysa & dhexdhexaad dadka gobolkan oo dira lacag gaareysa 300$ bishiiba.

Arrinta sheegida mudan ayaa ah in xawilaadlayaashu hore ugu heshiiyeen arrimo noocan oo kale ah, ha yeeshee eey ku fashilmeen ineey sicir isla saangooyaan, waxaase leys heybinayaa suura galnimada heshiiskan cusub eey shalay wada gaareen xawilaadlayaashu.

C/raxman Ceynte

MPLS, MN

Ceynteyare@hotmail.com 

 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

SOMALITALK.COM | Agoosto 9, 2002


BAAQ AY SOO SAAREEN URURKA DHALIN YARADA SOMALI GALBEED EE NORTH AMERICA
waxaa aad iyo aad tiiraanyo naxdin leh u ah in guud ahaan dadka somalida ahi gaar ahaan SOMALIDA GALBEED ay ku jiraan marxalad aad u qalafsan habka kali ah ee lagaga bixi karaana tahay isfaaham, midnimo iyo,is ku duubni isku tashi ummadda somali galbeed GUJI...
  Agoosto 6
BAYAAN KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA 2aad EE DADKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
Waxaa bishan Ogoosto 2-4dii 2002, lagu qabtay magaalada Dan Haag ee dalka Holland shirweynihii 2aad ee dadka Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socday Nord Amerika iyo Yurub iyo dadweyne lagu martiqaaday shirka ee deggan dalka Holland. Shirweynaha waxaa marti geliyay oo si aad iyo aad ah u soo dhaweeyey ergooyinka Jaalliyadda Reer-Waamo ee ku nool dalka Holland.
  GUJI... Agoosto 6
Baaqii somaali galbeed ooy qoreen dad aan xilkas ahiiyn.

waxaan dhamaan dad waynaha somaaliyeed ushee yeeynaan inuusan dadkii isku sheegay ineey yihiin somaali galbeed baaquna siwada jir ah loosaa saaray ineeyna waxba kajirin waayo dadka qoraalkan qoraaya waa masuuliintii somaali gabeed waxna kama ogin baaqaana waa baaq aan waxba kajirin
GUJI... Agoosto 6

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD