SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - GEDO

 Warsaxaafadeed Madax Dhaqameedyada Beelaha Marexaan ee G/Gedo

Beled xaawa  13ka ogost,2002

warsaxaafadeedkaan waxaa soo saaray, ugaasyada, nabadoonada & odayaasha beelaha reer xassan, howraarsame iyo habar yaaqub oo ka mid ah beesha marreexaan ee gobolka gedo.

shir ay ku yeesheen degmada b/xaawa ee gobolka gedo dhammaan madax dhaqameedyada saddaxda beelood ee kor ku xussan 10-12kii august, 2002 waxay ka wada hadleen laba arrimood oo kala ah xaaladda gobolka gedo iyo shirarka nabadeeynta beelaha marreexaan iyo xaaladda guud ee somalia dadaaladii ugu danbeeyay ee dib u heshiisiinta gaar ahaan qaban qaabada shirweynaha nairobi lugu qaban doono bisha september ee soo socota.

ugu danbeyntii waxaa laga soo saaray baaq ka kooban qodobbada soo socda:

1. XAALADDA GOBOLKA GEDO

a)waxaan ugu baaqaynaa dhammaan beelaha marreexaan ee deggan gobolka gedo in ay dhammeeyaan qalaafaadka dhexdooda ka jira ayagoo raacaya xeerarka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee beesha sade/marrexan

War Murtiyeedkii Waxgaradka Beesha Mareexaan ee W/Ameerika ee April 7, 2002

DIB U SIXID WARMURTIYEEDKII April 7, 2002 

b)in la qabto shirweyne marreexaan oo ay isku raacsan yihiin dhammaan beelaha marreexaan kaas oo looga wada hadlayo nabadeeyn kaliya,marka lagu heshiyo shirkaasna in la abaabulo shir kale oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda gobolka,iyo mideynta garabyada SNF ee hadda jira ayadoo shirkan ay ka soo qayb galayaan dhammaan siyaasiyinta beesha,
aqoonyahaniinta, dhallinyarada, dumarka, madax dhaqameedyada, culim- aaudinka iwm.

c)waxaan uga digaynaa cabdiraxmaan jaamac barre oo doonayo in uu af-afduubo shirweynaha nabadeynta belaha marreexaan ee reer gado ayna soo qaban qaabiyeen odayaasha marrexan, ujeedadisuna ahayd nabadeyn haddana loo rogay meel cabdiraxmaan lugu doorto si uu siyaasadda somalia dib ugu soo laabto asagoo isticmaalaya hantidii uu ka dhacay qaranka somaliyeed taas oo loogu yeeray shirka nabadeynta baardhere.
haddaba waxaan ummadda somaliyeed iyo beesha caalamkaba u sheegaynaa in uusan ahayn shirkaas mid uu marreexaan u dhan yahay.mowqifka aan ka qabno shirkaas waa mid cad,kama qayb galayno mana aqoonsanin wax kasta oo shirkaas ka soo baxo.


d)in saddaxda beelood ay sii wadaan taageerada ay siiyaan ururka SNF/SRRC oo ay horay ugu midoobeen saddaxda beelood iyo qaar ka mid ah beelaha kale ee marreexaan.

e)waxaan mahad celin iyo ammaanba u soo jeedinaynaa, guddomiyaha ururka SNF/SRRC mudane maxamud sayid aadan iyo la taliyayashiisa dadaalkii ay sameeyeen kaas oo lugu dhammeeyay qalaafkii u dhaxeeyay beesha reer axmed iyo ururka SNF/SRRC taas oo hadda lugu dhex jiro fulintii qodobbadi lugu heshiiyay.

2. XAALADDA GUUD EE SOOMAALIYA


Degaalo lagu Jabiyey Ciidanka Gumeysiga
iyo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Saadkoodkii ka Raadsanaya Shacbiga Ogaadeenya
XORIYO Agost 14

a)waxaan uga mahad celinaynaa madax weynaha dalka kenya iyo shacabka reer kenya marti galinta dadka somaliyeed ee qaxootiga ah muddadii 11 sano ee la soo dhaafay,iyo dadaallada xagga nabadda ah ee ay had iyo jeer ka dhax wadaan ummadda somaliyeed.

b) waxaan dowladaha ethiopia,kenya & djibouti oo uu ururka igad u xil- saaray qaban qaabada shirka dib u heshiisinta somalia ugu baaqayna in ay hubiyaan qaabka ka soo qayb galidda shirka,cidda matalayso gobolada dalka somalia oo la og yahay qaarkood in ay xoog ku hays- taan dad ka yimid gobollo kale,halka dadkii u dhashay goboladaas aan loo oggoleen xuquuqdooda. 

c) waxaan u sheegaynaa dowladaha igad iyo beesha caalamka guud ahaan in beelaha gobolka gedo aanay ka qayb galin shirkii carta marka l laga reebo dad yar,waxaana boob ku qaatay xuquuqdii reer gedo dad ka yimid galguduud,haddaba si aanay taas mar labaad u dhicin waa in si weyn looga fiirsadaa lana hubiyaa reer gedo in si caddaalad ah wax loogu qaybiyaa.

MAGACYADA UGAASYADA IYO NABADOONNADA

  Qoraalkaan oo ay ku saxiixnaayeen 15 Ugaas iyo Nabadoon waxaa magacyadooda laga xiriirikaraa ahmed A. mahamud ahmedgmw@hotmail.com oo qoraalkaan soogaarsiiyey SomaliTalk.com.

Beled xaawa  13ka ogost,2002

Faafin: Agoosto 14, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD