SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
Professor Samatar-ka Jaamacada Minnesota oo diidan Professornimada Dr Galayr in uu waxkadhigo Jaamacadda!
  • Laakiin Prof. Samatar sida wararku sheegeen wuu ku fashilay diidmadii Galaydh
  • Galaydh wuxuu waxkadhigi doonaa Jaamacada Minnesota, wuxuuna sannadkii ka qaadandoonaa mushahar dhan USD90,000

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna qabtay hoolka Hubert ee machadka Humphrey oo ah halka uu Dr galayr wax ka dhigi doono ayaa lagu qabtay galabta (Agosto 13) saacadu markeey ahayd 5 tii galabnimo Jaamacada minnesota waxaana ka soo qeyb galay dad aan ka yareeyn 200 oo qof oo isugu jira soomaali & dad aan soomaali aheynba.

Xubin kasocdey ka socday somali Advocaty Center ayaa ahaa xiriiriyaha & mid ka mid ah soo qaban-qaabiyayaashii xafladan, waxaana isla markiiba la furay xafladii iyadoo fursad la siiyey qaar ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed.

John Brandl oo ah madixii hore ee machadka Humphrey ayaa isna ka hadlay xafladaas, wuxuuna aad u ammaanay Dr Galayr oo u ku sifeeyey inuu leeyahay " Aqoon aan caadi aheyn & maskax dheeraad ah" Mr Brandl ayaa shaaca ka qaaday in Dr Galayr waxyaabaha uu dhigi doono eey ka mid tahay " qaab dhismeedka dowlad cusub " oo uu sheegay in Dr galayr oo u leeyahay khibrad dheeraad ah oo isugu jirta mid aqooneed & mid uu gacanta kula jirayba!

Samatalis 

sidoo kale " naadiga ardada soomaaliyeed ee minnesota " ayaa nasiib u yeeshay ineey xafladaas ka hadlaan, madax naadiga Mr Samatalis oo la sheegay in uu horey isaga badalay magiciisii hore oo " maxamed" ahaa ayaa isna soo dhaweeyey Dr galayr & ku soo biirida professorada jaamacada Minnesota, Mr samatalis wuxuu ku dheeraaday jaaliyadaha soomaalida oo uu sheegay ineey u baahan yihiin ineey dadaal dheeraad ah & aqoonba ku soo ziyaadiyaan xafiisyadooda, samatalis wuxuu aad uga qosliyey dhamaan ka soo qeybgalayaashii xaflada soomaali & ajnabiba.

Mid ka mid ah ka soo qeyb galayaashii oo la yiraahdo (maxa'ed Alla-bari) ayaa isna fursad loo siiyey inuu ka hadlo xafladda, wuxuuna ka sheekeeyey aqoonta uu u leeyahay Dr Galayr oo uu sheegay inuu garanayey tan & sanadku markuu ahaa 1974-tii markaas oo 10 arday ah oo kaalimaha koobaad ee dugsiyadii sare ee farsamada xamar ka galay oo uu Alla-bari ku jiro Dr galayr deeq waxbarasho ugu diray wadanka Cupa waa sida uu sheegay Alla-bari-ye, halkaas oo eey ku soo dhameysteen 4 sano oo heer jaamacadeed ah, deedna markii eey wadanka ku soo laabteen haddana Alla-bari uu markale u tagay Dr Galayr oo markaan danbe madax ka ahaa Warshadii Mareerey, halkaasna lagu shaqaaleysiiyey Mr Alla-bari oo ku tilmaamay Dr Galayr inuu yahay " nin aan qabyaalad aqoon" !

intaas kadib waxaa Microphone-ka lagu wareejiyey Drs Sandra Archibald oo ah madaxa ku meel gaarka ah ee machadka Humphrey ayaa sheegtay ineey aad ugu faraxsan tahay taageerada loo fidiyey Dr Galayr wexeeyna ku dartay " ineey guul u soo hoyatay jaamacada Minnesota " wexeeyna Dr galayr kula kaftantay " inuu noqon doono mashquul dheeraad ah" maxaa yeelay beey tiri wuxuu dhigi doonaa maadooyin fara badan, wexeeyna sidoo kale amaantay Dr Galayr & waxqabadkiisa, Dr Sandra wexeey ku soo gabagabeysay " waxaan fileynaa inaan arday badan oo soomaali ah soo jiidanno" wexeeyna raacisay " soo qaata foomamka jaamacada ee buuxiya" !

 
galayr1 Dr. Galaydh
Dr galayr ayaa ahaa qofkii ugu danbeeyey ee lagu soo dhaweeyey inuu hadalkiisa dhiibto, ugu horeynba wuxuu u mahad-celiyey dhamaan ka soo qeyb galayaasha, si gaar ah soo qabanqaabiyayaasha xaflada, Dr Galayr oo wajigiisa eey farxadi ka muuqatay ayaa sheegay inuu Gobolka minnesota waligiiba niyadda ku hayey tan & waagii uu yimid mareykanka lixdameeyadii, xilligaas oo buu yiri Senetorka loogu magac daray machadka (Huber Humphrey) uu ahaa nin xuquuqda aadanaha aad ugu dooda, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri " ha la dulqaato... waxaa dhici karta in mar-mar weerar gaadmo ah (ambush) leysku soo qaado..." taas oo leysku hayo wuxuu ula jeeday, dadkii ka soo qeyb galay qaarkood ayaa ii sheegay in laga yaabo inuu ka wado hadalkii dhawaan ka soo yeeray Prof Samatar, qaar kalena macnayaal kale ayeey u yeeleen. si kastaba h ahaatee mar uu ka hadlayey arrimaha soomaalida ee gobolkan ayuu sheegay " inuusan wax xal ah u aheyn dhibaatada soomalida heysata" walow uu ku celceliyey in fursad weyn la heysto. Dr Galayr wuxuu mahad gaar ah u jeediyey dumarka soomaaliyeed oo uu sheegay ineey dhib badan soo mareen, wuxuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in loo baahan yahay in la helo xal aan aheyn mi dhaqaale " waxaan maqlay in hadda dukaamo cusub laga furayo halkan... weey wanaagsan tahay, laakiin waxaan uga sii baahi badan nahay isu-tagyo siyaasadeed oo xal siyaasadeed keena" ayuu ku khatimay.

Sida lawada ogsoon yahayna Prof Samatar-ka jaamacada minnesota ayaa horey warqad ugu diray madaxa machadka Humphrey uu kaga codsanayo inuu ka fiirsado shaqaaleysiinta Dr Galayr, ha yeeshee Prof Samatar wuu ku fashilmay taas. 

Wardheere oo ka hadlay arrintii Prof. Samatar & Dr Galayr !

Arrinta sheegidda mudan ayaa ah in Dr Galayr uu noqon doono Prof-ka seddexaad oo soomali ah oo wax ka dhiga jaamacadaha gobolkan, ka gadaal Pro Abdi Ismacil Samatar oo isla jaamacadda Minnesota Juquraafiga ka dhiga & walaalkiis Ahmed Ismacil Samatar oo ah madaxa qeybta daraasaad caalamiga ah ee Machadka Mcalester ee St Paul, wuxuuna Dr Galayr qaadan doonaa mushaar gaaraya 90.000$ sanadkiiba.

C/raxman Ceynte

MPLS,MN

Ceynteyare@hotmail.com 

Faafin: Agoosto 14, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Prof. Samatar oo Diidan in Dr. Galaydh  Waxkadhigo Jaamacada Minnesota
Qoraal dheer oo ay maanta qortay jariidad kasoo baxda Minnesota ayaa Prof. Cabdi Samatar kusheegay in.. GUJI...
DOODFURAN: Pro. Samatar vs Dr. Galaydh  

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD