SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNEAPOLIS

Hadal Abuuray Dood Kulul 

sawiradii shirka ardada 006.jpg (158773 bytes)"Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa..."  sidaas waxaa yiri Prof Cabdi I. Samatar oo ka jawaabaya su'aal la weydiiyey oo ahayd sababta uusan uga hadlin jaamicada Boosaaso, markaas oo uu ka hadlayey mowduuc ahaa dhismaha tacliinta dalkeenii hooyo ee Soomaaliya oo uu kasoo jeediyey shir aad loo soo agaasimey oo 16kii Agoosto ay soo qabanqaabiyeen Midowga Ardayda Soomaaliyeed  ee dhigta Jaamacada Minnesota. 

Halkan waxaan idiinku soo tebineynaa mid   warbixin uu SomaliTalk soo gaarsiiyey goobjooge shirkii Ardayda ee uu ka hadlay Profesor Cabdi Samatar, taas oo u qorayd sidan:

Shirkii Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota waxa ka hadlay aqoonyahanno badan oo  soo joodiyey mowduucyo muhiim u ahaa waxbarashada Soomaaliyeed ee dalkii hooyo. [Akhri warbixintii hore].

Waxaa isna halkaa ugu dambeeyey oo ka hadlay Prof Cabdi I. Samatar oo aan isagu goobjoog ka ahayn shirkii intiisii hore isagoo weliba ku qornaa barnaamijka ayey dad badani fiidkii is weydiinayeen waxa uu Prof cabdi uga maqan yahay shirka .

Abaarihii 9:30 fiidnimo ayuu soo galay qol-weynihii (hoolkii) shika, halkii uu fariisan lahaa miiskii loogu talo galay marti sharafta shirka habeenkaas ka hadlaysay oo intoodii kale oo dhan ay fadhiday ayuu salka dhigay kuraastii loogu talo galay ka qayb galayaasha shirka isagoo kaligii kursi yiilay safka hore fariistay.
NEWS IN ENGLISH
Ethiopia's khat dilemma
The chewing of khat leaves is common in the Horn of Africa, but in eastern Ethiopia it is both big business and a big worry for the authorities. Mo
re...
English F.A. outfits Somalia
A delegation from the Somali Football Federation, led by senior vice-president Mohiadin Hassan Ali, visited The F.A.'s headquarters in London
More...
Atlanta Somalis escape to Maine
accessatlanta
Sunday, August 18, 2002
FROM CLARKSTON TO LEWISTON: Concerns about crime, kids' future led to move
accessatlanta
Sunday, August 18, 2002
Inter-clan fighting kills 12 in Masaguway village of Galgudud, Somalia

August 18, 2002
Man credits his faith for survival in Somalia
SOMALIA: Puntland bans BBC correspondents from reporting
Latest News From Somalia

Waxyaabihii kale ee habeenkaa dadku la yaabay ayaa ahaa Prof Cabdi Samatar oo intii yarayd oo uu sugayey qaybtii uu shirka ku lahaa inta ay soo gaarayso uu buug isku madadaalinayey.

Markii la soo gaaray qaybtii uu shirka ku lahaa oo ahayd qeybta ay Soomalida dibadu ku yeelan karaan dhismaha tacliinta dalkeenii hooyo ee burburay, wuxuuna markiiba sheegay inuu ugu horeynba noo hayo filim taariikhi ah oo ka hadlaya waxbarashada Soomalida gaar ahaan woqooyi oo la duubay sanadihii lixdamaadkii, filimkan ayaa socday ku dhawaad 20 daqiiqadood, markii filimkii dhamaaday ayuu makarifoonka qaatay isagoo ka warbixiyey Jaamacadda Xamar oo uu aad u amaanay isagoo sheegay in waxbarashada lagu soo celin karo laba qodob:

  1. dhaqan wanaagsan
  2. iimaan sugan
iyadoon kuwaa lahelina eeyan wax barasho hagaageyn, Wuxuu yiri Jaamacadda Muqdisho waxaa iminka dhigta arday gaaraysa 968 arday . Wuxuu aad uga faalooday dhibaatooyinkii ay jaamicadaas soo martay dhaqaale iyo nabad galyo xumo agweedba.

Wuxuu Prof Cabdi sheegay in ardada ka baxda jaamacada Muqdihso ay qaarkood deeqo waxbarasho ka helaan dalalka Malaysia iyo Sudan.

Prosor Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay Jaamacaddaha Hargeysa & camuud, taas oo uu sheegay in labadan Jaamacadood ay tan Muqdisho kaga duwanyihiin ayagoo leh dhul ay iyagu leeyhiin halka Jaamacadda Muqdisho ay kujirto dhul kiro ah.

Isagoo Prof Cabdi ka jawaabaya su'aal la weydiiyey oo ahayd sababta uusan uga hadlin jaamicada Boosaaso isagoo xusay jaamicahada hargaysa, Camuud iyo Muqdisho oo qura kana tagay tan Boosaaso, wuxuu yiri. Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa... haa waa labilaabay jaamacadaas laakiin uma dhawa midda Camuud & midda Hargaysa iyo Muqdisho, ha yeeshee dhamaantood inaanu isku darno ileyn dhaqaale looma wada hayee ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisii gaabnaa. 

Hadalkaas Prof. Cabdi Samatar ayaa abuuray dood u dhexaysa aqoonyahanada Soomaaliyeed.

DOODFURAN: ARAGTIDA DADWEYNAHA: Toos udhiibo Ra'yigaaga 

ISHA: Goob-jooge shirka
proabdiSHIR LOOGA WADA HADLAY ARIMAHA MURUGSAN EE GEESKA AFRIKA OO KA DHACAY SWEDEN OO UU KA HADLAY PROF. CABDI SAMATAR - 11-12-May-02  

Minneapolis, MN

FAAFIN: August  20, 2002 | SOMALITALK.COM

 


Warbixin Shirkii Ardada Soomaalida Minnesota
Shir si caalami ah loo soo agaasimay oo eey soo qaban-qaabiyeen naadiga ardada soomaaliyeed ee Minnesota ayaa xalay lagu qabtay jaamacada Minnesota
GUJI...  17/8  
Prof. Samatar oo Kufashilay Diidmadii Galayr
Xaflad lagu qabtay  machadka Humphrey oo ah halka uu Dr galayr wax ka dhigi doono ayaa GUJI   Agosto 14
Prof. Samatar oo Diidan in Dr. Galaydh  Waxkadhigo Jaamacada Minnesota
Qoraal dheer oo ay maanta qortay jariidad kasoo baxda Minnesota ayaa Prof. Cabdi Samatar kusheegay in.. GUJI...

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

 
HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
sawiradii shirka ardada 015.jpg (143291 bytes)
sawiradii shirka ardada 011.jpg (198490 bytes)
sawiradii shirka ardada 014.jpg (116877 bytes)

MACLUUMAADKA INTERNETKA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD