SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
WARQAD FURAN SHACBIGA SOMALILAND: HAMABLYO IYO WAANO TALLO IYO TUSAALE ISRAACSAN
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) | KARACHI, PAKISTAN | diridhaba2001@hotmail.com | Dec 24, 2002

Inkasta oo dalkeenu uu haatan u baahanyahay isbedel siyaasadeed oo horleh ( political and leadership changement), inkasta oo dalku uu maraayo wakhti kala guur ah oo ay cakiranyahiin dhamaan ilahii (sources) dhaqaale(economical), siyaasadeed(political), bulsho(social), inkasta oo uu dalku haatan dul socdo wakhti ay rajadiisu ugu dhawdahay in bulshada caalamku indho naxariisleh ku soo eegaan, inkasta oo maamulka haatan ka jira dalku ku guuldaraystay mudadii 9 sanadood iyo badhka ahayd ee uu xilka hayey inuu maareeyo marxalado farabadan oo dalku ku jiray (critical situations), oo ay ka mid yahiin fidinta maamulka beri, galbeed, waqooyi iyo koonfur dalka oo dhan (spreading and enlarging the administration), inkasta oo bulshada Somaliland aan la odhan karin waa u bisladeen midhaha iyo baxnaaninta kobaca horumarineed ee dalkooga,oo laga fahmi karo natiijada dooroshooyinka dalka ka dhacday haatan waaba hadii ay si xaq ah u dhaceene inkasta oo nidaamka dimuqradiyadda ee aynu sadka u bilawnay haatan mid ku cusub dhamaanba bulshadeena Somaliland.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Waxaan halkan doonaya inaan ku soo bandhigo tallo iyo tusaalooyin iyo weliba kama reebana eh ileen waa dimuqradiyad eh Hambalyo iyo boogaadin aan u hayo kuwa ku guulaystay doorashadii deegaamada ee dalka ka dhacday ( winners of the elections). aan ku bilaabo qoraalkayga xasuusin iyo raad raac salka ku haysa mudadii dheerayd ee aynu soo baxnaaninaynay maandeeq, ilaa iyo maalinkan maanta ah oo aynu soo gaadhsiinay heer ay ka dhacaan dooroshooyin, waxaa aan u mahadcelinaya ILAAHAY subxanahu watacalaye ee suuro geliyey in uu maanta shacabkan Somaliland oo ayaan iyo nasiib usiiyo Gobonimo, iyo sinaan ayey kaga duwanadeen dadyow farabadan oo ku ceegagan mandaqadan geeska africa ee aynu ku noolahay, Waxaan jecelahay Mudanayaasha iyo Marwooyinka reer Somaliland meel wal oo ay joogaan inaan xasuusiyo in Maandeeq (Somaliland) ay maalin maraysay Hooyada, Aabaha, Walaalka, iyo Ooridu, maalin ay naf la caarid, balanbal iyo hagardaamooyin la daalo dhacayeen kuwaasi oo uu gaadhsiiyey Faashistihii Naxariista darra ee Afweyne barre, waxaan Mudanayaal/Marwooyin idin xasuusinaya in ay jirtay oo ay soo martay taariikhda Somaliland Maalin wajiyaal ay ka muuqdaan tiif, balanbal, silic, haraad, hagardaamo, xanuun, ay iskugu yimaadeen Magaalada Burco ee Gobolka togdheer, iyaga oo ilaahay ku ilhaamiyey inay xorriyaddii 40 sanadood lunsanayd markale dib ugu dhawaaqeen, Mudane iyo Marwooyinka sharafta mudan ee Somalilandow ha iloobin walaalayaal maalinka ninkii afkiisa laga hayey hadalada ay ka mid yahiin "MASAYRKU WUXUU KA GO,A SHACBI MEEL WADA DEGEN SHACBIGA MASAYRKOOGU WUXUU NOQDAY INAY XORRIYADOODA LA SOO NOQDAAN WAXAA FARXAD II AH IN SOMALILAND AANU MAANTA XORRIYADEEDI KU DHAWAAQAYNO" (CABDIRAXMAAN AXMED CALI TUUR), aan cidna maanta looga faaloonayn halkuu joogo, xasuusnaada Mudanayaasha iyo Marwooyinka Qiimaha badanlow in ay soo martay Somaliland maalin Maatida iyo caruurta ay magaalooyinka Hargeisa iyo Burco dibadda uga saartay rasaas ay iswaydaarsanayeen dad isku xigta ah oo isku Adeer iyo Abti ah isku Seedi iyo Dumaashi ah.

Walaalahayga Reer Somalilandow ugama gol lahi waxaaso gocosho, xasuusin iyo waano ah inaan dib u celiyo shacbi ay maskaxdoodu haatan nasatay, balse waxaan uun jeclaystay inaan guud mar idiinku sameeyo xorriyadda sidaynu ula soo marray. taasi waa taasi waxaa isweydiinleh oo shacbigiina maanta codeeyey la weydiinaya oo ay beesha caalamku weydiinaysa (international community) su,aalahan soo socda:-

1. Shacbiga Reer Somalilandow rajo intee le,eg ayaad ka qabtaan inuu dhaco isbedel ku yimaadda nidaamkan cusub ee aad doorateen iyo weliba xulashadan aad xulateen axsaabtan cusub?

2. Shacbiga Reer Somalilandow Kalsooni intee le,eg ayaad ka qabtaan in aad ka gaadhi doontaan axsaabtan aad doorateen in ay idin hanadsiiso halkaad u hantaagaysaan?

3. Shacbiga Somalilandow Maxaa damaanad idiin ah in Maandeeq aan dibin dibyo danbe lagu celinayn?

xaqiiqdii waxaan filaya su,aalahaa jawaabtoodu waxay imanayaan oo qudha maalinta ay u dhamaato xilka sida dimuqradiyadda ah aad ugu doorateen kolba cidaad haatan doorateen iyo weliba kuwa aad doorantoontaan.

Doorashadan tii ka horaysay waxaa laga haya ragga qaarkood "ALLAHAYOW TOLKAY AMA SIDOODA IGA DHIG AMA SIDAYDA KA YEEL" anigu maanta waxaan leeyahay "ALLAHAYOW DALKAYGA IYO DADKAYGA AMA SIDOODA IGA YEEL AMA SIDAAN RABAY NOQON WAYDAYE KA YEEL".

Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u diraya axsaabta ku magacaaban UCID, UDUB, KULMIYE, oo sida lagu dhawaaqay ku guulaystay dooroshooyinkii guud ee deeganada Somaliland waxaan leeyahay "WAAR WALAALAYAAL MASUULIYAD AYAA LA IDIN SAARAY MASUULIYADAASI OO BUURAHA CIRKA IYO DHULKABA DIIDEEN, WAXAAN ILAAHAY HORTIISA MAALINTA YAWMUL MACSHARKA IDIINKA MAGAN NAHAY INAAD DALKA ISBEDEL SIYAASADEED, DHAQAALE, IYO BULSHO KU SAMAYSAAN KOLBA KIINA GUULAYSTAA KANA MIDHA DHALISAAN BALLANTIINA.

I  I  D  H  E  H

WA BILAAHI TAWFIIQ WASALAMU CALAYKUM WARAXMATULAHI WA BARAKATU.

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com 

 Qoraaladii hore ee (DIRIDHABA)

December 24,  2002 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
DALSAN

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD