2002
Socdaalka aan ka hadlayno waa socdaalka uu qofku ku safro diyaarada , ayadoo
ay dhammaan isku xiran yihiin socdaal kasta iyo caafimaadka qofka . Guud ahaan
socdaalka maanta aad ayuu uga duwan yahay kuwii taariikhda bilawgeeda ahaa, ama
waayadii dhexe , marka laga fiiriyo xagga dhibaatooyinka safarka laga mudan
jirey waayadaas.
Qofka maanta waxa uu raacaa diyaarad soo dhaweysey dhulkii fogaa , waxa meel
kasta laga furay hotel iyo maqaayad hoos u dhigay dhibaatooyinkii uu qofka ka
qabey dhinacyada ammaanka, cuntada, iyo hoyga .
Hase yeeshee waxaa intaa barbar yaal dhibaatooyin caafimaad oo mararka
qaarkood qofka socotada ah ugu imaan kara si kadis ah , kuwaasoo ka imaan kara
gaadiidka dhaqaaqiisa ,isbedelka cimilada , samayska dhulka , iyo weliba cuntada
.
Marka uu qof socdaalayo ayaa waxaa dhacda in dadka qaarkiis uu dhibaato badan
kala kulmo dhaqaaqa gaadiidka uu saaran yahay , oo waxaa dhacda in qofku dareemo
in calooshu dhaqaaqday , lalabbo , dhidid qaboow oo jirka oo dhan ka soo baxa ,
matag ,iyo maqaarka wejiga oo dhada .
Asal ahaan arrimahaas oo dhan waxay ka soo jeedaan KAHSI (alargic) gaarey
xubinta isu dheelitirnaanta qofka ee dhegta gudeheeda ku jirta ( COCHLEA)
, markaasoo ay qaybtaasi gufaysanto dhaqdhaqaaqa kediska ku soo gaarey awgii ,
sida ;cufnaanta hawada haddii uu qofku diyaarad saaran yahay , ama haddii ay
dooni tahay dhaqdhaqaaqa hirka ama ruxashada baabuurka .
Xaaladaan kahsiga ayaa waxay u baahan tahay tabaabusho uu qofku ku sii tala
galo ka hortageeda , asagoo qaadanaya dawooyin lid ku ah xasaasiyada kalana
tashanaya dhakhtar , waxaa kaloo ayadana haboon in dadka isku og xasaasiyada
noocaan ah ee aan soo sheegnay waxyaabaha ay keento aysan wax ku akhrisan inta
ay saaran yihiin gaadiidka ama joojiyaan wax akhriska haddii ay dareemaan in la
soo hayo .
Waxaa kaloo ayadana jirta in qofku marka uu fuulo diyaaradda ay dhegaha
awdmaan ama ay xanuunaan , ama uu caburo , ama uu dibiro , arrimahaan ayaan loo
baahnayn in qofka ay geliyaan walaac weyn , waayo arrimahaan waxay asalkooda ka
imaanayaan cadaadiska hawada , taasoo is dhinta ( macnaha cadaadiskaas) marka ay
diyaaradu kor u sii kacdo ama ay dhulka ka sii fogaataba .
Sideedaba muddo ku dhoow nus-saac ayey diyaarada masaafo 10 k.m ah dhulka ka
fogaataa taasoo markaas cadaadiska hawada hoos u dhigta heer uu qof kastaa
dareemi karo , waxaase jirta in diyaaradaha casriga ah lagu qalabeeyey waxyaabo
cadaadiska hawada yareeya diyaarada gudeheeda waxayna taas suuragal ka dhigtay
in hawadu caadi noqoto marka ay diyaaraddu 2 ilaa iyo 3 K.M dhulka ka fogaato .
Dhanka kale , waxaa jirta in dadka qaba san-boorka ama xasaasiyadaha ay isku
bahda yihiin ay caburmaan, ama ay riiraxyoodaan oo qufac badan iyo hindhiso ka
timaado , oo dhegaha hawada ku xiranto shanqar badana sameeyaan , sidaas
aawadeed ayey dhaqaatiirtu ku talinayaan in qofka noocaas ah uu qaato haddii ay
jirtey daawo uu u qaadan jirey xasaasiyadaas waxyar ka hor intuusan diyaarada
fuulin ama uu dhaqtar u tago si daawo ka hor tag ah loo siiyo .
Arrin kale oo muhiim ah ayaa waxay tahay in marka ay diyaaradu degayso ay is
dhinto hawada ogsijiinta (oxygen) ah diyaarada gudeheeda heer ay weli dadku
xamili karaan yaraanteeda , waxayse arrintaani dhib ku tahay dadka ka buka
sanbabada ,ama qaba wadna xanuunka , ama ay dhiig yaraan hayso (ANAEMIA)
kuwaasoo ay tahay inay dhaqtar u tagaan inta aysan diyaarada ku safrin si loo
hubiyo awooda ay u leeyihiin inay diyaarad raacaan iyo in kale .
Marka loo soo noqdo haweenka uurka leh ayaa ayagana lama huraan ay tahay inay
la xiriiraan dhaqtarka inta ayan ku safrin wax diyaarad ah haddii ay isku
tuhmayaan dhiig la'aan , ama ay ilmaha horey uga dilman jireen , ama sidkeedu
dhamaad yahay.
Waxa ayadan raad iyo saamayn weyn oo muuqata ku leh caafimaadka qofka
socotada ah , marka uu qofkaasu gaaro meesha uu u socdey sidii uu isugu jaangoyn
lahaa watiga meesha uu tegey iyo kan naftiisa oo horey ugu jaan go'naa waqtiga
meesha uu ka yimid sida; waqtiga seexashada , toosida , iyo cuntaynta [Jet Lag], ayadoo
dhamaan waxyaabahaasi shaqooyin jirka ka socda yihiin ayaa hadana ay qasab tahay
in qofka isagoo aan culays weyn iska saarin uu la qabsado waqtiga , ama habeenka
iyo maalinta ka duwan kuwii uu ka yimi.
Walaaca dadka qaarkii marka ay tagaan meel ku cusub ayaa wuxuu keenaa inuu
qofku halmaamo ama ka mashquulo xilligii uu nasan lahaa , wax cuni lahaa , ama
musqul tegi lahaa , taasoo markaas keenta in qofka si dhib yar gaas ugu kaco ama
uu saxaroon waayo , ama uu mararka qaarkood muddo dheer qatooyo ku joogo oo
marka uu wax cuno ay calooshu dhaqaaqdo , sidaas daraadeed ayaa qofka looga
baahan yahay inuu ka digtoonaado inuu halmaamo naftiisa ilaa iyo heerkaas.
-DHAMMAAD-