Jimmy
Carter oo noqday madaxweynihii seddexaad oo Mareykan ah ee la siiyo Billada
Nobel.
Sat, 12 Oct 2002
Guddiga Bilada nabada Nobel ee
Norway ayaa shalay 11:00 barqanimo shaaca ka qaadey in Madaxweynihii hore ee
Mareykanka Jimmy Carter uu ku guulaystey Billada Nabada ee loo yaqaan Nobel
Peace Prize. Dadka la soo sharaxay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha ku
meel-gaarka ee Afgaanistaan Xamid Krazia.
Carter ayaa biladan ku
mutaystey shaqadii la yaabka lahayd ee uu ka qabtey hawlaha nabadeynta, dib-u-heshiisiinta,
horumarinta dimoqoraadiyada, xaquuqda aadanaha iyo horumarinta dhaqan dhaqaale
ee caalamka sanadihii ugu dambeeyey, waa sida uu hadlka u dhigay guddoomiyaha
guddiga Nobel-ka Gunnar Berge.
Heshiiskii nabadeynta Masar
iyo Israel ee sanadii 1978 iyo macadkiisa Carter Center ee xaquuqda aadanaha ee
uu aasaasy sanadkii 1982 ayaa kuba filnayd tusaale fiicana u noqon karta helida
uu Jimmy Carter helay biladaan ayuu yiri Gunnar.
Jimmy Carter oo 78 jir ayaa
aad ugu farxay soona dhaweeyey helida uu helay bilada Nabada ee Nobel, mar uu
ka hadlayey dareenkiisa ku wajahan Billada Nobel ayuu Cartey yiri ”shaki kuma
jiro in billadan ay dadka ku dhiiri galinayso ka shaqeynta Nabada iyo xaquuqda
Aadanaha” maruu taleefishinka CNN uu la hadlayey shalay.
Carter ayaa noqday
madaxweynihii seddexaad Mareykan ah ee hela Billadan Nabada, waxaana hortiis la
siiyey Theodore Roosevelt 1906 halka sanadii 1919-kiina la siiyey Woodrow.
Helida Bilada Carter ee
sanadaan ayaa u muuqan karta dhaliil toos loogu soo jeediyey Maamulka
madaxweyne Bush iyo weerarada ay qorsheynayaan ee ka dhanka ah wadanka Ciraaq,
mar wax laga weydiiyey arintaan guddoomiyaha guddiga Nobel Gunnar Berge ayaa
yiri way iska cadahay inay tahay dhaliil aan u soo jeedinayno maamulka wadanka
Mareykanka iyo halka uu iska taagey arinta Ciraaq.
Carter ayaa cadeeyey inay
tahay musiibo iyo khalad weyn in Mareykanka kalidii uu dagaal ku qaado Ciraaq
iyadoo qiimo qaali ahna uu ku noqon doono Marekanka. Carter ayaa noqdey
madaxweynihii ugu horeeyey ee Mareykan ah ee soo booqda Kuuba tan iyo sanadii
1928-dii.
Dhanka kale madax badan oo
aduunka kamid ah ayaa soo dhaweeysay magacaabista Carter oo ay ka mid yihiin
wasiirka koowaad ee dalkan Sweden Görran Persson iyo wasiiradiisa Arimaha
dibadda Anna Lindh.
Guled, Abdulhakim Ahmed
Stockholm, Sweden
guledhakim@yahoo.com
Isha SVT_text
..........
FADLIGA BISHA SHACBAAN
Asalamu aleykum Yaa Muslimiin!
In maalmo badan laga soomo bisha
SHACBAAN.
Caa'isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay soonkii Rasuulka SCW ayey waxay
tiri: "Ma aanan arkin Rasuulku SCW bil uu ka soon badnaa bisha
Shacbaan."
Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa
nafteyda iyo tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa'ideysano, oo aan
soonka badino inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira
soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha
Ramadaan. Yacni adigoo soonka la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso,
saas daraadeed aan ka faa'ideysano fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq.
W/C/W/W.-
Osmanbilad osmanbilad@hotmail.com
Columbus, OH, USA: "Waxaan
Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun
iyo Aakhiro!"
Dheelmidii Nebiga Sallallahu Calayhi Wasalam GUJI
»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo
dhow GUJI
»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo
MN Booqday! GUJI
»» Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey
Jawaab Xaqiiqtusida GUJI
Oct 14, 2002
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|