SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - BORLÄNGE
URURADA SOOMAALIDA BORLÄNGE GOORMAY MIDOOBEEN?!!

Mohamed-deeq Abdi-madar Haldhaa |  haldhaa35@hotmail.com

Agoosto 21, 2002 

Waxaan aad iyo aad ula yaabay markaan arkay maqaalka (Ururrada Soomaalida Borlänge oo midoobey 17/8. Iyadoo aysan jirin ururo soomaaliyeed oo Borlänge ku midoobay. Waxaase taas iigaba sii yaab badan in Abdixakiim Guled oo ah ninka maqaalka qoray uu xaalladda Borlänge aad ula socdo, sheegayna in ay ururo soomaaliyeed ku midoobeen Borlänge.

Haddaba waxaan Soomaalida oo dhan iyo ciddii xiisaysa arrimaha soo maaliyeed u sheegayaa inaysan jrin ururosoomaaliyeed oo ku midoobay Borlänge. Saaxiibkay Guuled oo ah dadka aannu isugu dhownahay marka dhan kastaa laga eego, isaga ayaa laga rabaa goorta ay ururada soomaaliyeed ku midoobeen Borlänge. Markaan sidaas leeyahay maahan inan diidanahay midoowga laakiin ma uusan jirin wax midoobay ama diiday in la midoobo. Haddii ay jiraan ururo Soomaaliyeed oo midoobayna, waa mid aan soo dhowaynayo.

Anigu waxaan ahaa xoghayaha guddi ay ururo soomaaliyeed sameeyeen, mana ogi meel lagu midoobay. Waxaase jirta in guddi loo sameeyay kulan dhex marayay Soomaalida Borlänge iyo xisbiga shaqaalaha (Socialdemokraterna) ee degmada Borlänge. Xisbigaas oo ah kan Waddanka Sweden iyo Borlänga-ba xukuma.

Ujeedada shirkuna waxay ahayd: Maaddaama oo ay soo dhowaatay doorashadii Sweden, haddii aannu codka idin siinno annaga oo soomaalida deggan Borlänge ah, maxaad na siinaysaan ama aad noo qabanaysaan markaad xukunka ku guulaysataan?. Guddiga la sameeyayna wuxuu ahaa mid ka kooban lix urur oo ay Soomaalidu leedahay. Ujeedada loo sameeyayna waxay hayd inay soo qaban qaabiyaan kulanka Soomaalida iyo xisbiga shaqaalaha Demoqraadiga Borlänge(Socialdemokraterna). Waxaana soo wada saarnay bayaan qoraal ah oo afka soomaaliga iyo Iswiidhishkaba ahaa. Mana jirin wax midoow la yiraahdo.


Ururrada Soomaalida Borlänge oo midoobey

Waxay in muddo ahba ku howlanaayeen bulshada Soomaaliyeed ee Degmada Borlänge sidii ay GUJI...  17/8 

Tan kale ee uu Guled ku sheegay in ay ururadu ahaayeen 8 oo markaas uu hal urur diiday midoowgii, iyaduna waa khalad. Sababtoo ah ururadu waa 7 urur oo qura, ururka naga harayna kama uusan harin midoow soomaaliyeed annaguna uma aanan soo bandhigin midoow soomaaliyed ee waxaannu u soo bandhignay inuu bayaanka nala soo saaro oo martiqaadka nalada qabanqaabiyo oo qura. Deedna waxay noogu jawaabeen inay iyagu si gaara u marti qaadii doonaan Xisbiga shaqaalaha, hadda ka horna ay martiqaadeen warqadana is weydaarsadeen. Taas uunbayna ahayd midda ay nooga hareen. Ee midoow iyo midoow la’aan mayasn jirin.

Dadka qaar ayaa u malyn doona inaan weerar ku qaaday saaxiibkaygii koowaad ee Borlänge. Laakiin anigu wax weerar ah kuma aanan qaadin shaqsiyaddiisa ee waxaan weerar ku qaaday maqaalkiisii. Waxaanan door mooday intii aan afka ku radin lahaan inaan saxaafadda ku raddiyo. Sababtoo ah maqaalkiisii caalamka oo dhan ayuu gaaray, haddii aan aniguna isaga oo qura kala hadlo maqaalakygu wuxuu ku ekaanayaa isaga oo qura iyo inta Borlänge joogta. Sidaas ayaan u doorbiday inay jawaabtaydu kula beratanto ama ka dabatagto qoraalkii Guled uu Somaliatalk.com ku baahiyay, caalmka oo dhanna laga akhristay.

Mohamed-Deeq Abdi-madar "Haldhaa" | haldhaa35@hotmail.com

Qoraa iyo saxafi soomaaliyeed

Borlänge, Sweden.

Agoosto 21, 2002

SIDAY U GEESO WEYNTAHAY UMA BADISO!!!
March 12, 2001
"Haldhaa" 

 

QORAALKA QORAAGANI U JAWAABAY:

 Ururrada Soomaalida Borlänge oo midoobey
Waxay in muddo ahba ku howlanaayeen bulshada Soomaaliyeed ee Degmada Borlänge sidii ay GUJI...  17/8 

 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD