SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA MUQDISHO 
Mogadishu Weekly Reporter A. D | weekly@somalitalk.com
  • Dagaalo Mar Kale Dib Uga Soo Cusboonaaday degmada Madiina
  • Caruurta Muqdisho Oo La Ildaran Cudurka Shubanka
  • Sooyaalkii Taariikheed Ee Avv. Maxamed Raajis Maxamed
  • Dawladda KMG Oo Dhaleecayn Dusha Uga Tuurtay Hay’adda FAO
  • Qanyare oo Dhaliilay Doorka IGAD

Guddoomiyaha Ururka USC, Md. Qanyare oo Dhaliilay doorka Guddiga Farsamada IGAD ee Shirka Eldoret

Mukhaadaraadka Lagu Beero Dhul-Beeraadka Soomaaliya --- GUJI warbintii.SomaliTalk.ee.August 13, 2001 

Iyadoo u weli socdo shirka dibu heshiisiinta koxaha Somalida ee Eldoret ayaa waxaa sii kordhaya is-afgaran waaga u dhaxeeya kooxaha Soomalida dhexdood iyo weliba Gudigga Farsamada, waxaa jirta in Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid madaxda Kooxaha Muqdisho uu dhaliil usoo jeediyay gudiga farsamda isgoo ku andacooday in ay soo wareejiyaan 2 ka xubnood oo ay ka reebteen Ergada loo qoondooyay kooxaha ka qaybgalaya shirka, wuxuuna sheegay in ay soomaalidu ay yihiin kuwa xaqa u leh inay qaybsadaan ergadaas iyo isagoo weliba ku edeeyay inay waxwalba ku qasbaan waxa ay somaalida doonayn iyagana taladaa ka go’odo.

Waxa la rajaynayaa in maalmaha soo socda shirku u furmi doono iiyado weliba ay jiraan qaar ka mid ah ay weli diidan yihiin inay ku soo laabteen shirka waxayna gudigga Farsamadda ay u sheegeen inay cidii diidaan aan mar danbe loo xayirnaan doonin, waxaa weli socda in ay soo dhamaystiraan qaybihii ay ka heleen Ergada ka qayb galaysa wejiga labaad ee shirka, waxaa ilaa hada soo dhamaystiray beelaha bay iyo bakool, Beesha direed iyo kuwa kale .

Dawladda KMG Oo Dhaleecayn Dusha Uga Tuurtay Hay’adda FAO

F.A.O waxay  sannadkii 1967 ku qiyaastay xoolaha Soomaaliya in ay ahaayeen 10.6 million. Kuwaas oo ka koobnaa:- 
  • 2,800,000 Neef - Lo'
  • 2,500,000 Neef - Geel
  • 2,100,000 Neef - Ido
  • 3,300,000 Neef - Riyo

AKHRI HALKAN...... 

Afhayeen u hadlay DKMG ee soomaaliya oo lagu magaabo Xasan Xaaji Dusoos ayaa edayn dusha uga tuuray haydda Q.M. u qaabilsan untada iyo Beeraha inay warbixin aan jirin ay ka soo saareen Xoolaha Soomalida ay qabaan Cudurka Dabakarubka, iyadoo ay arrintaasi culays sii saari karto xayiradii hore u saarnayd Dhoofinta Xoolaha Somalida ee dalalka Khaliijka, iyadoo dhinaca kale ay soo baxayaan in Yemen ay qaaday xayiraadii dhoofka xoolaha iyagoo war laga helay Ganacsato soomaaliyeed ay tibaaxayan arrintaas, inkastoo aysan jirin warar madaxbanaan oo xaqiijinaya inay jiraan in la qaaday xayirada dhoofka xoolaha Soomaalida ee dalkaasi Yemen.

<><><>

Sooyaalkii Taariikheed Ee Avv. Maxamed Raajis Maxamed

Marxuum Maxamed Raajis Maxamed, Allah ha u naxariistee, wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho 4tii Maarso 1928-kii, wuxuuna ku barbaaray Muqdisho oo uu Quraanka ku bartay isagoo waxbarashadiisa ku qaatay Muqdisho, kadibna wuxuu waxbarasho aqoonta Sharciga u tagay Dalkaasi Talyaaniga isagoo wax ku bartay Jaamacadda Roma "Universita di Roma" 1963-kii, isagoo la soo shaqeeyay sanadihiii hore ee noloshiisa xukunkii Dowladii Talyaaniga ee Soomaaliya, kii Ingiriiska isagoo noqday Garsoore Maxkamada Meleteriga, waxa kale mar noqday Madaxa Sirdoonka Ciidamada Qalabka Sida isagoo derejada Ciidamada ka gaaray "Gaashaanle" waxa kale oo uu noqday Taliyaha Ciidamada Gaashaaman isagoo ka ruqsaystay, isagoo dhaqdhaqaasii siyaasadeed sii xoojiyay ayuu noqday Guddoomiyihii Xisbiga SANU ( Somali National Union), isagoo laga soo doortay Muqdisho oo xubin Baarlamaan noqday markii uu Kacaanku dhashay Xabsiga ayaa la dhigay Avv.Raajis wuxuuna xirnaa  6 sanadood.

Avv.Maxamed Raajis Maxamed waxa uu xubin ka ahaa Ururka Sharci yaqaanada Afrika, isagoo mar noqday Sharci yaqaan iskiis u shaqaysta waxa u ka mid ahaa Saxiixayaashii Manifesto 1990-kii isagoo ka qaybagalay dhammaan Shirarkii Dib u Heshiisiinta ee la qabtay sanadihii la soo dhaafay, markaas oo uu matalayay ururkii "SANU".

Avv. Raajis wuxuu sanadkii 2000 ka mid noqday Xubnihii Baarlamaanka DKMG ee Tuulada Carta lagu soo dhisay wuxuuna u geeriyooday Cudurka Neefta oo muddo hayay maalinti Jimcaha 22/11/002 "Moi Hospital" ee carigaasi Kenya isagoo ka qayb galaya Shirka Dib u Heshiisiinta Kooxaha Soomaalida uga socda magaaladda Eldoret ee Kenya wuxuuna Marxuumku ifka ugu tagay 8 Caruur ah iyo 4 kale oo u awoowe u yahay.

Marxuum Avv. Maxamed Raajis Maxamed wuxuu ahaa ruug cadaa siyaasadeed oo Taariikh weyn ku leh Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, waxaa ilaahay ugu baryaynaa inuu Jannadddii Fardowsa ahayd ka waraabiyo Qoyskii Caruurtii, Eheledii Iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baryaynaa inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamin Aamiin!!!. Inaa lilaahi Wa inaa ilayhi raajicuun.

<><><>

Caruurta Muqdisho Oo La Ildaran Cudurka Shubanka

I    I    D    H    E    H


Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga:  
km-5 Mogadishu

Iyadoo lagu jiro xilli roobaad ayaa waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka ka dhasha nadaafad xumada caasimada Muqdisho kolkaa oo ay sii badanayaan Cuduraddda Faafa oo ku dhacaya dadka gaar ahaan Caruurta oo badanaaba u nugul qaadista cudurkaas kaasoo ka dhasha biyaha daadadka Ceelasha oo aan lagu shubin maadada Chlorine-ta .

Mar aan xaaladaas ka waraystay Dr. Maxamed Keynaan Cumar oo ku takhasusay Cudurada Caruurta isagoo ku sugan Xuruntiisa oo lagu magacaabo Keynan Child Clinic, isagoo weliba ka howlgala Isbitaalka SOS, wuxuu ii sheegay in badanaaba la fisho cudurkaasi shubanka iyo weliba cuduradda Infection-ka xilliyadda kulaylaha iyo roobabka intaba, waxaa uuna intaas ku daray in calaamadaha uu arkay ay muujinayaan inuu jiro cudurkaasi balse aan la xaqiijin inuu yahay Cudurka Cholera-ha ayna xaqiijintaas ay u baahan tahay in loo qaado Nairobi Kenya oo laga heli karo shaybaar casri oo arrintaas xaqiijinaya.

Dhakhtarku wuxuu ku nuux-nuuxsaday in carruurta loo keeno tiro u dhaxaysa 60%-70% ay qabaan cudurkaasi shubanka, waxa aanu usamaynaa ayuu yiri dhakhtarku fuuq celin iyo inay siiyaan falleebooyin marka ay xaaladooda ay bilow tahay, marka uu xaruntiisa ku sugan yahay uu u diro isbitaalada waaweyn oo ay bulshadu ka heli karaan daryeel Caafimaad ku filan.

Mar aan waydiiyay sida looga hortegi karo dhibaatadaas aafaysay Caruurta Soomaaliyeed waxa uu Dr.Keynaan ii sheegay inuu kula talinayo in la dhowro nadaafada guud ee bulshada iyadoo (biyaha) layska karkarinayo ama lagu daro maadada Chlorine-ta iyo weliba iyadoo uu sheegay in Ceelasha lagu shubo Maadadaas, wuxuu kaloo dhakhtarku ku waaninayaa Hooyoyinka Soomaliyeed inay ilalaaliyaan nadaafada Carruurtooda iyo tan guryahooda, wuxuuna ku wacyi galiyay inay gacmahooda ku nadiifiyaan Saabuun marka ay cunto diyaarinayaan iyo kadib marka ay caruurtooda saxarada ka mayraan intaba., Waxa uu tilmaamay in nadaafada aasaasiga ah oo la dhowraa ay baajin karto in cudurkaasi dhasho ama faafo.

Mar aan weydiiyay inay helaan kaalmo hay’adeed wuxuu ii shegay inaysan badnayn si loo hakiyo cudurkaasi balse ay dhinaca wacyi gelinta ka qayb qaatan, iyagoo barnaamijyo kor u qaadaya wacyiga bulshada ee cudurkaasi la xiriirta ay ka sii dayaan Raadiyaha, wargeysyadana ay ku qoraan isagoo xusay in hay’ada UNICEF ay siiso xaruntiisa Talaal ay Todobaadkiiba mar bixiyaan.

<><><>

Dagaalo Mar Kale Dib Uga Soo Cusboonaaday degmada Madiina

Dagaal ayaa si kedis shalay ugu dhex qarxay laba maleeshiyo oo kala taageera hogaamiyayaasha kooxaha ee kala ah Muuse Suudi iyo Cumar Finish oo ka wada taliya degmada Madiina ee K/Galbeed ee Muqdisho iyadoo ay ku dhinteen laba qofood tiro kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan dadweyne rayid ah, dagaalkaasi oo shalay galab qaboobay ayaa waxa uu ka mid yahay dagaalada soo noqnoqda oo mar walba dhex mara kooxaha iska soo horjeeda ee ku sugan magaalada Muqdisho, inkastoo ay xabad joojin ay ku saxiixeen Shirka Dib u heshiisiinta ee Eldoret ee carigasi Kenya..

I  I  D  H  E  H

 SOMALITALK.COM

Mogadishu Weekly Reporter A. D

weekly@somalitalk.com

Nov 25, 2002

KAYDKA WARARKA MUQDISHO WEEKLY  

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiilka Yar caloosha ayaa bannaanka taal -  taageero ayuu u baahanayahay -- GUJI 


Warbixin MacHadka Beder
Bosaso & Galkacyo: Waa MacHad lagu barto koorsooyinka ay kamid yihiin... GUJI 


HORYAAL TECHNOLOGY - MUQDISHO


MacHadka Asal: Km-5 Mogadishu  
 


I I D H E H 

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

 

Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...
Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 
Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...
Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 
BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 

DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA
DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 
DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 
DADAALKA SOOMAALIDA INDIA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD