Koleey
Waarimeyside Wadnahaagu Yuu Nixin
Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com
USA.
Taariikhdu waa wax weyn oo qaaliya waxeyse waxtartaa cidii wax ku qaadaneysa
waayoaragnimadii la soo maray. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan dagaalkii uu la
galay gumeysiga Ingriiska ayaa dhaliyey gobonimadii gobolada waqooyi,
nasiibdarro qabaa'ilada waqooyi Bari iyo waqooyi galbeed mid walba waa ka
hiiliyey geesigaas u dagaalamay gobonimada ay maanta heystaan.
Gobanimadoonkii leegada ee SYL oo dad badan oo
Soomaaliya ay dhiigooda u daadiyeen waxaa dagaalka uga soo horjeedey qabiilo
Soomaaliyeed oo aan weligood doonayn dowladnimo Soomaaliyeed oo xalaala. Dadka
qabiiladaas Soomaaliyeed hogaaminayey madaxbanaanida dalkooda waxaa kala qiimo
badnaatay xaaraanta ay ku haysteen shisheeyaha ay dalkooda u milkinayeen.
Xoriyadii ka dib dadkii dalkooda dembiyada ka
galay iyo dadkii gobonimadoonka ahaa labaduba waxey ka heleen xuquuq siman
jamhuuriyadii dhalatay, waxeyna wada noqdeen madax siman iyo mudanayaal ka
wakiila dadka iyo dalka. Inkasto xuquuqda wadanka loo wada siman yahay, haddana
munaasab ma aysan ahayn dadkii taariikhda madooba iney dalka wax ka hogaamiyaan.
Niyadsami ay qabeen iyo qiiradii gobonimada ayaa keentay in odayaashi dhaliyey
gobonimada oo siyaasadu aysan ku lahayn miisaan culus iney u arkeen dadkii
gumeysiga shisheeyaha watey inaan ummadda inteeda kale laga takoorin ama aan
lagu sumadin taariikhdoodii madoobeyd. Arrinkaasna wuxuu ahaa khalad weyn oo la
kowsadey siyaasadii Soomaaliyeed.
Dal walba wuxuu leeyahay dad xun oo taariikhda
dalkaas ay takoorto iyo dad wanaagsan oo ay huwiso maamuus iyo sharaf. Xiligii
dalka Mareykanka uu hogaaminayey Madaxweynihii Abraham Lincoln wuxuu dalkaas
geliyey dagaal sokeeye qiyaasta 1886. Qiyaasta dagaalkaas waxaa ku dhintay 640
kun oo Mareykan ah. Guushii uu madaxweynahaas kaga adkaadey dadkii diidanaa
midnimada dalkaas waxey isaga iyo intii raacdeyba huwisey xurmad, kuwii
dalkooda la dagaalameyna waxey ku reebtay taariikh xumo diiwaanka dalka u
gashay, taas oo sababtay jiil ka jiil dadka ka soo jeeda dadkaas xun ineysan
haweysan hogaanka dalka iyo wakiilada golayaasha ummadda.
Maanta dalkii Soomaaliyeed waxaa siyaasadiisa
meel kasta xusul duub ugu jira dadkii ka soo tacliin qaatay odayaashii
danaysigu mariin habaabiyey, kuwaas oo siyaasada u heysta qiyaamo iyo laba
wajileyn ama axdi beena oo wacad lagu galo.
Dalka Mareykanka ayaa wuxuu leeyahay caado
siyaasadeed oo ah in dalka uusan jecleyn maamulka ka jira in uusan la gelin
heshiis gaarsiisan heerka magaca dowlada, laakiin wuxuu u gacan baneeyaa
dalkaas CIAda oo leh dhaqaale badan oo loo adeegsan karo si aan waafaqsaneyn
xurmada nidaamka dowlada, arrintaas waxaa tusaale cad u ahaa fadeexadii la
magac baxday Irangate ee Korneyl North lagu soo oogey maxkamad xiligii
Madaxweyne Reagan uu ka talinayey dalka Mareykanka. Maalgelintaas heyadaha
sirdoonka ujeedadoodu waa iney abuuraan siyaasiyiin qiyaama dalkooda una adeega
danaha ay ka leeyihiin dalkaas.
Dalkanaga waxaa tusaale u ah Janaraal Maxamed Abshir Hamaan oo gobonimada ka
dib wakhti dheer la lahaa xiriir iskaashi dhinaca sirdoonka dalka Mareykanka
ilaa iyo waqtigii dagaalkii Soomaalida iyo Mareykanka ee 1993. Janankaas oo ah
maanta nin da'diisu weyn tahay, una soo jeestey islaannimadiisa, kana hor yimid
fikrada Ethiopia ay ku baabineyso dalka Soomaalida ayaa warbixinada Korneyl
Cabdulaahi Yusuf iyo Ethiopia ay ka soo direen waxey ka dhigtay waxba kama
jiraan xiriirkii 40 sanno uu la lahaa dhinaca Mareykanka. Janankaas waxaa
dhawaan dalka Mareykanka looga diidey isaga iyo wiil jiran oo uu wadey in
taakuleyn bani'aadaminimo la siiyo. Siyaasada Mareykanka oo isbedeshey awgeed
waxaa isaga maanta loo arkaa cadowga Mareykanka maadaama jananku uu hadda u
jeestey dhinaca diinta.
Inkasto saaxiibadiis dowlada kmg ay ku dheceen
dabin ay wakhti badan ka warwareegteen, waxbadana aysan uga dambeyneyn jidka ay
mariyeen saaxiibkood, haddana Madaxweynaha Dowlada kmg Dr. Qaasim wuxuu qaatay
go'aan ku habooneyd inuu mar hore la yimaado si uu dalka uga difaaco
siyaasiyiinta cadowga dalka u ah buundada uu ugu soo gudbi dalka Soomaaliyeed.
Waxaan qabaa in go'aankaas uu qaatay uu yahay mid xaqa oo taariikhda
Soomaaliyeed ay xurmeyn doonto. Siyaasada dalkaagii inaad marti uga noqotid
talo shisheeye ay soo qorsheeyeen, Haddana aad ka noqoto marqaati u sacabatuma
waa dacayeyn aan qarsooneyn. Masuul dan Soomaaliyeed ka wakiila marna kama
suurtowdo inuu heeryadaas qaato oo indhaha kebed saarto. Waxaan shaki lahayn in
dalka Soomaaliya uu gelayo wejigii ugu dambeeyey ee dagaalka sokeeye, kaas oo
ah kii lagu kala bixi lahaa, dhiiga ugu badana uu ku daadan lahaa.
Mar haddii ay dhamaatay siyaasadii naxariista
lahayd oo ay dhacday kala dhimasho, kolley waarimeyside wadnahaagu yuu nixin.
Sida Abraham Lincoln waa iney kuu cadaato inuu kuu furan yahay oo keliya hal
wado oo wax la isaga celiyo dhamaadkeeduna uu yahay guul laakiin mariinkeedu uu
qaraar yahay. Waxaad heli doontaa dad badan oo xaqa aad wadankaaga ku
difaaceysid kugu garab istaaga iyo ilaahay oo kaaga gargaara qiyaamada ay
maleegeen kuwa qaba wacadka oo u go'ay hirgelinta danaha shisheeye. Waxaa
hubaala iney taariikhdu xusi doonto dadka isku sheegaya siyaasiyiinta oo
shisheeyuhu ku gaaraan danta ay ka rabaan, nasiibdarrase ay ku dhambeeyaan
inaan dhinacna abaal looga heyn sida haddaba heysata Janaraal M. A. Haamaan.
Ciidan shisheeye oo loo adeegsado in
hubka looga dhigo dadka aan taageersaneyn qorshaha lagu ilaalinayo danaha
shisheeyaha waa mid si gaara u xambaarsan ujeedooyin ka duwan mid nabad
ilaalineed. Hadda ka hor wuxuu ciidankii nabad ilaalinta uu burburiyey hubkii
yaaley Xamar, waxaana xigey dagaal iyo in qabiilada qaar la hubeeyo. Ma dhicin
xataa in gobolada si siman hubka looga wada qaado, taasna waxey dunida dhaqso
ugu muujisay ujeedooyinkii gaar ahaaneed ee ciidanka loo keensaday Soomaaliya.
Tijaabadan labaad ee lagu doonayo in
Soomaliya lagu keeno ciidan shisheeye ma aha mid ku yimid kalgacaltooyo ee waa
mid wata dareen qarsoon inuu dhaqan geliyo. Cunaqabateynta lagu soo rogey
Soomaaliya wuxuu ahaa dabin loo qorsheeyey Soomaalida ineysan dibeda ka helin
iskaashi ciidan oo aan ahayn kan Ethiopia ay ku majaxaabineyso midnimada dalka
Soomaaliyeed. Ujeedada federaalkuna wuxuu daba socdaa qorshaha qarsoon ee ah in
ciidan milateri oo xoogan uusan dib dambe Soomaaliya uga dhismin iyo odaayasha
dhaqanka oo laga saxiixdo in dadkoodu ay ku ekaadaan degaanka qabiilkooda iyo
arrimaha la xiriira maamul u sameyntooda. Ethiopia waxey ugu deeqeysaa codsiga
madaxweynaha loo sameynayo Soomaaliya ciidan dhan 80 kun oo xoojiya ciidamada
maleeshiyooyinka oo loo diyaarinayo qaab ilaalo habqana. Korneyl Cabdulaahi
Yusuf iyo Xuseen Caydiid waxey saxiixeen qoraalo qarsoodiya oo aysan Soomaalidu
ogeyn waxa laga saxiixday iyo waxa lagu abaalmarinayo oo ay bedel ahaan ku
doorsadeen. Waxaad moodaa qeybo qorshahaas ka mida iney damaanad qaadayaan in
hogaamiyeyaasha jabhaduhu aan lagu soo taageyn dembiyadooda maxkamad caalamiya,
waana tilmaantaas mida muujineysa in hogaamiyeyaasha kooxaha qaarkood ay hal
mar u indho taagaan hindisayaasha qarsoon oo Ethiopia ay ka tahay garwadeen.
Waxaan arrintaas ka marneyn in Xuseen caydiid uu gudoonsiiyey Ethiopia sirtii
uu aabihis keyd ahaan u hayey iyo dukumentiyadii ay ku cadaayeen dadkii ay kala
dhexeysey wada shaqeynta. Si kastaba ha ahaate waxa aysan wax badan ka muuqan
heshiisyada qarsoodiga ee laga saxiixday nimankaas qowleysatadaa.
Waxaa haboon guddiyo isku dhafa oo ka
kooban aqoonyahano, ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin dhaba ineey
si wada tashi leh ay u soo xulaan wakiilada dadweynaha iyagoo masuuliyad iska
saaraya danta guud ee Soomaaliyeed. Waxaan inaba meesha ku jirin in hadda laga
hadlo nidaam federaala, maxaa yeelay marka hore waa in la sameeyo dowlad
dibuhesiineeyd, laguna socdo qaabkii dowladnimadeed ee ka jirey Jamhuuriyada
Soomaalida. Iyadoo aan hal shey lagu heshiis ahayn in waxyaabo badan oo la
abaabulayo la is dhexgeliyo oo la ishoosgeliyo waa wax ujeedo gaara leh.
Soomaaliya maanta uma baahna nidaam loo sameeyo ee waxey u baahan tahay isku
keenid iyo iney iyagu ka tashadaan barlamaan iyo dowlad kooban oo awood leh,
taas oo aan ahayn mid xoolo looga doonayo si loogu qanciyo dowladaha shisheeye
sida Ethiopia, Carabta iyo reer galbeedka. Intuba ma wadaan danaha Soomaalida
ee waxgaradka Soomaaliyeed yeysan isaga dhumin wakhti siyaasada beenta oo ay
wadamadaas la wadaaan. Saddexduba waxey talada kama dambeystaa u doontaan dalka
Mareykanka oo aan Soomaaliya ka lahyn wakhti dhow muraad iyo dan midna. Haddii
dalka Soomaaliyeed ilaahey ka badbaadiyey marmarsiyihii Mareykanku uu ku
maagsanaa inuu bambaanooyin la dhaco Soomaalida ayaa ah garasho weyn, iskaba
daa kalcaltooyo iyo iskaashi deeqeed oo dalkaas laga helo.
Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com
USA.
QORAALADII HORE EE DR. SACIID
-dhammad-
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003
Afeef: Sawirada madaxweynayaasha waa sawiro
hore.
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|