|
Yaa u maqan Deegaanka K. Mudug, Yaase
laga sugayaa iney wax u qabtaan!!!
Abdullahi S Ali
Email ashire@sympatico.ca
|
I I D H
E H
|
|
BismiLaahi Al-raxmaani Al-raxiimi Ilaahey(sw)
ayaa mahad iska leh, dabadeena Nabigeena suuban(csw)Ayaa salaam iyo naxiisba
dushiisa ahaatey.
Baraarujin & Talo soo jeedin ku socota Bahda Beesha Konfur Mudug oo idil:
Walaalayaal, waxaan wada ogsoonahay markii aan taariikhda dib ugu laabano in
Deegaanka ay bahdu ku abtirsato oo ah Konfur Mudug ay waligoodba iska
dulumsanaayeen laga soo bilaabo tan iyo Isticmaarkii qarbiga ahaa wax loo
qabtey haba yaraatee ma jirto, markii xuriyada la heley oo leyslahaa kheyrkii
ayaa bilowday waxaa qabsaday xukunkii dawladii Civil ka aheyd oo qabiilka ku
dhisnayd ayaduna deegaanka konfur mudug iney sii baab’iso mooyee waxba uma
qabanin balse wax alah waxii ku xirna nolosha aadamaha oo dhan waxaa laga
dhisay dhanka waqooyiga Galkacyo ha noqoto xaga wax- barashada, xaga
caafimaadka, xaga amniga, iyo xaafiisyaha dowlada oo dhan, xataa afar kursi oo
ay lahayd magaalada Galkacyo ayaa inta labo kursi laga gooyey baa tuulada
Jariiban la geystay si xuquuqda dadka konfur Galkacyo loo duudsiiyo cid wax ka
qabatayna arinkaas ma jirto ayadoo ay bahdu leedahay jariiban magaaloyin ka
waaweyn oo kana dad badan oo wax kuraas ah la hayn.
Intaasi ka dib waxaa xukunkii la wareegey dawladii ciidamada aheyd ayadoo
leyslahaa waxbaa isbadali doona ayey waxey noqotay Kud ka guur oo Qanje u guur
oo marxalad tii hore mid ka sii xun ayey la kulmeen dadkii iyo deegaankiiba,
arintu waa iska sii socotey oo taariikhdu hadba meel ayey binu-aadanka ku
fureysaa taas ka dib ayaa waxaa bilowday kacdoonkii lagu tuurayay xukuumadii
milatariga ahayd iyo dulumkeedii, markii laga takhalusay milatarigii oo
shacabkasta uu gacanta ku dhigay deegaankii uu xaqa u lahaa ayaa qofkasta waxaa
ku soo dhacday maankiisa maantay ayaan xor ahaye aan deegaankeyga wax-u qabto
oo dulmigii iyo dulgii aan ka baxo.
Intaas ka dib 13 kii sano ee dawlad la’aantu jirtey dagaalka sokeeyena socdey
bal wax loo qabto iskaba daaye marxaladihii hore meel ka sii xun ayey istaagtey
oo waaba la iloobey dhulkii oo deegaan kele oo aanan shaqo ku laheyn ayaa
xoogeenii iyo dadkeenii iyo duunyadeeneeba galiney deegaankeeniina waxaan ka
dhigney Jasiirad aan cidnaba laheyn, taasina waxey na tustay in dadkii aan
dariska aheyn deegaankoodii iyo dadkoodiiba ay horumar lixaad leh gaarsiiyaan
kuwa kalena(konfur Galkacyo) ay noqdaan meel sunta iyo qashinka lagu shubo
waxaana u sabab ah xalku inuu sidaas noqdo dadkii deegaanka konfur mudug u
dhashay dibada iyo gudahaba ha ku noolaadeen.
Intaas burburku socday dadka deegaanka konfur mudug u dhashay wax ay u qabteen
deegaankoodii iyo dadkoodiiba majirto ilaa dad yar oo wadaado ah mooyee oo
ayagu intii ay bahdu dagaalkii sokeeye u jidbeysaneyd ayey waxey aruuriyeen
agoontii iyo haweeneydii carmalka aheyd iyo dhaciifkii oo dhan ayay waxey u
sameeyeen xarumo xanaano iyo kuwo wax-barashaba wax muuqdana waa qabteen
kooxdaasi Ilaaheyna ajar iyo xasanaad ha ka siiyo camalkaas ay qabteen.
Waxaa kale oo wada ognahay labada maamul oo maantay Somalia ka jira oo kala ah
Somaliland & Puntland iney sameeyeen dadkii u kala dhashay labadaas deegaan oo
dibad iyo gudaba iskaashadey kuna kal shiray labada magaalo oo kala ah Boorame
& Garoowe miraha ka soo baxeyna waad u jeedaan, marka waxaa is weydiin leh;
dadkii deegaanka K. Mudug u dhashay xagee ka baxeen??, miyasan dhiig iyo damiir
lahayn oo u jeedin dhibka haysta dadkooda??, maxeyse walaalah kale oo wax
qabsaday ugu dayan la’yihiin oo wax-u- qaban la’yihiin??, mase waxey sugayaan
Malaa’ig xag Alle ka timid intey u soo dagto iney wax –u-qabato?? Taasina waa
habeenkii xalay tagay ee hurdada ka kaca.
Intaas markii aan hordhicii taariikhda ka dhigo ayaa waxaan walaalahey u soo
gudbin lahaa talooyinkaan soo socda in bal waxii laga qaadankaro laga qaato:
In marka hore dhamaanteen aan Ilaahey xagiisa u laabano, Kitaabkiisa iyo
Sunnadda Nabigiisa(csw) aan nooleyno Shareecadana aan ka dhigano manhaj iyo
distuur anagoo aanan cid kale ku raaligalineynin Alle mooyee.
In aan dib-u-soo nooleyno midnimada beesha ayna minimadu noqoto shey muqadas ah
si loo horumariyo Deegaanka iyo dadkaba.
In dadka dibada ku nool Beesha ee waxgaradka ah & kuwa aqoonta leh ay ku
laabtaan Deegaankii si ay ummadooda wax ugu qabtaan.
In dadka dibada dagan ee Beesha oo dhaqaalaha haysta lagu dhiirigaliyo in ay
deegaankooda maalgashadaan intey dhul kale aysan lahayn gashan lahaayeen.
In qofkii mutadawacnimo u aadaya dhulkii si uu wax ugu soo qabto Walaalihiis
lagu dhiirigaliyo gacana lagu siiyo.
In la helo Jamaacooyin isbaheysta oo dibada ku nool oo si wadajir ah Deegaan
uga sameysta Deegaanka K. Mudug arinkaasna waa in laysku goobaabiyaa.
In aan Dawlad imaandoonta & hay’ad shisheeye midnaba wax lagu sugine aan anagu
u istaagno sidii aan wax ugu qaban lahayn deegaanka burburey waana awoodnaa
arinkaas in aan fulino hadii aan dacadnahay.
In la sameeyo Majlis sare ee Shuuro ah oo dibad iyo gudaba leh oo xaliya wax
allah waxii khilaaf ah oo soo dhexgala Beesha arimaheeda oo dhan, majliskaas oo
leh Odoyaal, Culumaa’udiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, iyo wixii la mid ah.
In kor loo qaado wacyiga dadka deegaanka ku nool oo dhan ; xaga siyaasada, xaga
caafimaadka , xaga wax barashada, xaga wax qabadka, iyo xaga nolosha aadamaha
oo dhan, seminaro joogta ahna la siiyo oo dad dibada looga keeno.
In lagu dhiiri galiyo walaalaha gudaha mudug ku nool iney ka madax banaanaadaan
dadka dibadooda ku nool oo huuhaa mooye aan wax kale ugu oolin waxii ay
qabsanayaana ay iskood u qabsadaan ayagoo xor ah.
In maamulka hada ka jira K. Mudug la dhiiri galiyo lana xoojiyo waxii qaladaad
ahna laga saxo oo uu noqdo mid ka madax banana loolanka siyaasadeed ee hada ka
jira Bahda dhexdeeda si ay wax ula qaybsadaan maamulka kale ee puntland.
In hadii la rabo bash bash iyo barwaaqo la gaarsiiyo Deegaanka aan anaga
dhexdeena isku tanaasulno, isku sabarno,iscafino, isku dulqaadano,isna
xaqdhowrno, xadgudubkana aan isk ilaalino, iyo waxii la mid ah.
Dhamaanteen xaqa Alaha natuso.
Wa bilaahi Al-tawfiiq.
Waxaa diyaariyay; Abdullahi S Ali
Email ashire@sympatico.ca ama
soh114@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|