Waxaa la yaab ah in maanta laga murmo lagana
biya diido jiritaanka qodobka
19aad ee
distuurka ku meel gaarka kaas oo sheegaya jiritaanka dastuuriga ah ee dawlad
goboleedyo iskood isu maamula qaybse ka ah dawlad wadaaga oo u dhalata ummada
Soomaaliyeed. Haddaba waxaa mudan in wax yar laga yiraahdo waxa keenay
jiritaanka Dawlad Goboleedyo iyo qiimaha ay u leedahay dhamaan ummada
Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa samaystay. Maxayse kuwa diidani ku diidan yihiin
jiritaanka iyo hawlgalka Dawlad Goboleedyo Soomaaliyeed oo qayb ka ah Dawlad
Soomaaliyeed oo wadaag ah, laakiinse leh awooda gaara oo ay ku maamushaan
dhulka iyagu ay ka taliyaan, iyadoo ammuuraha ugu muhiimsan Qaranka ay Dawlada
Dhexe gacan ku haynteeda iyo maaraynteeda leedahay ?
Waxaa mudan in la xassuusto in samaysanka
Dawlad Goboleedyada ay keentay natiijadii laga dhaxlay dagaalka sokeeye oo
sababay is-khilaaf, kala-shaki, iyo is-aamin la’aan hor-istaagtay in la hello
xukun guud oo la wadaagi karo. Ma jirin bilawgii dagaalka sokeeye aragti
oranaysa in la hello Dawlad Goboleedyo, waxayse lagama maarmaan noqotay ka dib
markii la waayey dawlad Soomaaliyeed oo lagu heshiin karo. Iyadoo markaas laga
duulayo sida ay lagama maarmaan u tahay in la hello maamul iyo kala dambayn
waxaa khasab noqotay in loo hawlgalo samaysanka Dawlad Goboleed u adeegta intii
markaas is-raaci karta. Waxaa xaqiiqa ah, in shalay maamulkii la isku deyey in
laga sameeyo magaalada Mogadisho, hadafkiisuna ahaa inuu gaaro dhulka
Soomaalida oo dhan uu dhaafiwaayey xaafadii lagu soo dejiyey madaxdeeda sababta
ugu weynina ay ahayd iyadoo inta qabiil oo degan Mogadisho aan qabiilna aamini
karayn qabiil kale.
Dhinaca kale, Dawlad Goboleedyada hadda jira
oo ay Puntland ka mid tahay, ahna meesha hadda shiishada lagu hayo waxaa ka
samaysmay maamul gaarsiisan dhamaan inta hoos timaada, kaas oo ilaa xad dhisay
nadaam shaqaynaya oo leh kala dambayn haba iska dhutiyee. Waa jirtaa in khilaaf
dastuuri ah, iyo muran ku salaysan sidatan ayaa sidaan dhaanta uu ka dhex
oognaa mudda gaaban, mase gaarin marna heerka dhibaatooyinka illaahay keliya
iyo cida ay haysataa tirin karaan oo ka aloosan Mogadisho halkaas oo weliba
dawlada badan oo Soomaaliya danaynayey geliyeen maal aad u badan oo loogu
talagalay in lagu xasiliyo laguna dhiso Dawlad Soomaaliyeed.
Puntland waxay soo jiidatay dad badan oo
Soomaaliyeed oo ka kala yimid dhamaan gobolada Soomaaliya kuwaas oo nolol ka
samaystay waxna uga taray dadkooda ku nool daafaha kale ee Soomaaliya, waxayna
ixtiraam kaga kasbatay caalamka daneeya Soomaaliya, waxaas oo dhamina wuxuu ku
yimid Dawlad Goboleedka la dhisay oo illaa xad macquulla shaqaynaysa, una
muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka soo raynaysa.
Qolyaha caqabada ku noqday shirkaa
nabad-raadinta Soomaaliyeed ayaa si gaara farta ugu fiiqa Madaxweynaha Dawlad
Goboleedka Puntland Cabdullahi Yusuf Ahmed, waxaase xaqiiqa ah marka laga
hadlayo meelaha ay hor-fadhiyaan kuwa qodobkan 19aad diidani inay awoodi
waayeen in hal habeen nabad lagaga seexdo dhulka ay joogaan dadkoodiina ay
aafaysay belaayo walba oo illaahay laga hoos galo. Cabdullaahi Yusuf ama xabad
ha adeegsado, ama xeelad ha adeegsado ama xabiibnimo ha adeegsadee wuxuu
dhistay maamul shaqayna maamulkaas ayuuna ku mina sheegayana shakhsiyana annigu
ma garan karo sabab ay kaga cararaan oo ay ku eedeeyaan, haddii aanay ahayn
baroortu orgiga ka weyn.
Soomaaliland oo iyagu mawqif cad ka qaadatay
arrinta nabad-raadinta Soomaalida ayaa ah meesha kale ee qabqablayaasha
Somalidu diirada saareen maanta, meeshaas oo iyadu in mudda ahba ku sii
talaabsanaysay horumar la taaban karo iyo xasilooni, sababtayna inay soo
jiidato shisheeye iyo sokeeye labadaba. Waxayna Somaliland maanta gaarsiisan
tahay in hay’ada badan oo caalami ah oo hadalkoodu qabad leeyahay ku doodaan in
Soomaaliland ka hoos baxdo Somalia iskeedna isu taagto maadaama Somaliyana aan
xal ka soo socon iyaguna muujiyeen dadaal iyo xasilooni la aqbali karo.
Su’aasha hadaba isweydiinta mudani waxa weeye
maxaa keenay kuwii fashilmay oo talada soo raadsan lahaa inay tala-keenayaal
noqdaan, kana dhigaan shardi si loo heshiiyo in la noqdo sidooda – dad aan hab
dawli ah ku shaqayn, aan kala dambayn, joogta isu laaya, , is dhaca, cidina
aanay amaan ku helli karin dhulka ay joogaan min cirooli ilaa cunug dhashay?
Waxaa shaki badani ku jirin in nimankaan
odaasha ahi aanay qaldanayn sababtoo ah, adduunka maanta waxaa ka jira mabda
ganacsiga laga soo minguuriyey oo oranaya dukaanka dharka fashionka lagu gado
waa inuu gadaa qof si fashion ah u lebisan, dukaanka alaabta isboortiga iibiyaa
waa in uu gadaa qof isboorti ah ama sidiisa u lebisan, goobaha ay ku
tamashlay-yaan dadka qaawani waxaa shardi ah dadka gelayaa inay qaawan yihiin,
sidaas darteed in qabqablayaasha Soomaaliyeed shuruud ka dhigaan ninkii nala
heshiinayaa marka hore sidayada ha noqdo xaq iyo toos bay u leeyihiin.
Waxaa xaqiiq, sax iyo toosba ahayd in kuwa
samaystay nadaam shaqaynaya iyagu yiraahdaan la hadli mayno cid aan nadaam
samaysan shardina kaga dhigaan ciday la hadlayaan inay ugu horrayn la timaado
nadaam la aqoonsan yahay si dadka ay is hor fadhiisanayaa isku miisaan iyo isku
aragti ay u ahaadaan. Haddii taas la waayo, waxaan shaki lahayn, in marka la
burburiyo nadaamyada hadda jiraa wixii ay samaysteen uu noqon doono
bartilmaameedka ay qabato shiishada mooryaantu, malaha, dibna loo weydiin doono
wixii ka hara nadaamyadaas magdhowgii wixii burbur iyo belaayo dhacday, meeshii
ay ka ahaan lahayd cagsigeeda.