SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
  Sanad Guuradii 7aad Xasuuqii ay Melez iyo Masale Ka geysteen Gobolka Gedo

Mohamud Yusuf Garre


yusuf22@lycos.com 

Todoba sano ayaa kasoo wareegatay maalintii madoobayd ee ay ciidamada dowlada Xabashida iyo ciidaankii ururka SNF gumaadeen dhalinyaro xaq u dirir ah.

Waxey aheyd 9 August 1996 markey ciidamo ka amar qaata gudoomiyaha ururka SNF Gen.Cumar Xaaji Masale iyo Ra'iisul Wasaaraha Xabashida Melez Zenawi weeraro kusoo qaadeen degmooyinka Luuq, Beled Xaawo iyo Doolow oo dhamaanba ka tirsan gobolka Gedo.

Ciidamadan weerarka soo qaaday oo ku  hubeysnaa gawaarida gaashaaman iyo diyaaradaha qumaatiga u duula (Helicopters) ayaa weerar si wanaagsan loosoo abaabulay mar qura ku qaaday degmooyinkaas, halkaasoo xarun u aheyd urur diineedka Al-Itixaad Al-Islaami.

Ciidamadii weerarka ahaa waxaa hor istaagay dhalinyaro hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Itixaad kana amar qaadanayey gudoomiyaha ururka Al-Itixaad ee gobolka Gedo Maxamed Xaaji Yuusuf iyo Ku-Xigeenkiisii Macalin Maxamuud. 

Ciidamada ururka Al-Itixaad oo tiradoodu dhameyd 300 askari ayaa gebi ahaanba ahaa dhalinyaro aad u da'yar kuna hubeysan qoryaha fud fudud kuwooda loo yaqaan AK 47, halka ciidanka Xabashidu tiradoodu gaareysay 12000 askari kuna hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkii dhex maray labada ciidan ayaa qaatay mudo ka yar 6 saacadood waxeyna dhamaanba sadexda degmo ee Luuq, Doolow, iyo Beled Xaawo gacanta u galeen ciidankii duulaanka ahaa ee xabashida.

Dagaalkaas isaga ah waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 200 ka tirsan dhalinyaradii ururka Al-Itixaad. Ciidanka Xabashida ayaa qafaashay shacab fara badan oo aan waxba galabsan, sidoo kalena ciidanka Xabashidu waxey degmooyinkaas ku kufsadeen dumar aad u fara badan.

Weerarkii Melez iyo Masale  kahor degmooyinka Luuq, Beled Xaawo iyo Doolow waxey ahaayeen goobaha ugu amaanka badan wadanka, waxaana amaanka degmooyinkaas gacanta ku hayey ururka Al-Itixaad.

7 sano kadib weerarkaas, xaalada amaan ee gobolka gedo ayaa ah mid aad u liidata, iyadoo ay gobolka ka taliyaan hogaamiye-kooxeedyo ka amar qaata maamulka Melez Zenawi ee Xabashida.

Cumar Xaaji Masale wuxuu falay khalad la galo kii ugu weynaa waayo wuxuu dab qabadsiiyay gurigiisii, wuxuu  gumaaday shacabkiisii, wuxuu iibsaday dadkiisii, dhulkiisii, damiirkiisii iyo dadnimadiisii. Khaladkaas uu galayna waa kan maanta ka saaray saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya kana dhigay qaxooti ka fekera nolol maalmeedkiisa oo qura.

Dhanka kale hogaankii ururka Al-Itixaad gaar ahaan Maxamed Xaaji Yuusuf iyo Xassan Daahir Aweys ayey taariikhdu xusi doontaa dhagrtii ay u geysteen ciidamadii daacada u ahaa, kadib markey ciidan aan hubeysneyn, aan qaadan tababar ciidan, aad u da'yar, tiradiisuna gaareyso 300 hor dhigeen ciidankii xabshida oo aad u hubeysnaa tiradiisuna kor u dhaafeysay 12000 askari.

Cid walboo ilowda maalintaas madow, waxaan marna ilaawi doonin hooyooyinkii iyo aabayaashii wiilashooda la gumaaday, xaasaskii ragooda la laayey, iyo caruurtii aabayaashood ku waayey!!!

Mohamud Yusuf Garre
yusuf22@lycos.com 
 

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD