SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Muuse Suudi Yalaxawga Hargeysa IYO Muusannawgiisa

Asad Cadaani Ibraahim
iyo
Maxmed AXMED Kaarshe
e-mail: asadlaska@hotmail.com  
Laascaanood

August 15, 2003

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Tan iyo ay dhamaadeen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay gobolada waqooyi waxay beelaha deegaanadaasi degaa ku guulaysteen in ay xoojiyaan nabdgelyada iyo wada noolaan shahooda waxaana taas suura gelisay bisay dhab ah oo ka yimi madaxdhaqamayd yada Bulshada .

Run ahaantii dadka waqooyiga Soomaaliya degaa waxa mar mar ka dhaca ismaandhaaf xaga qabiilka ah ,hasayeeshee waxaa xakameeya waxgaradka oo dhaqan iyo kartiba u leh xallinta shaqaaqooyinka.

Iyadoo lawada ogsoon yahay in hore loogu guulaystay dhibaatooyinka ka dhax aloosmay beelaha Waqooyiga Soomaaliya dega maantana ay kuwada noolyihiin nabad iyo xasilooni.

hadab waxaa jira baryahan danbe in ay jiraan ragg siyaasada jilaya oo doonaya in ay dib ugu celiyaan beelaha dega Waqooyiga Soomaaliya xilliyadii mugdiga iyo kala guurka waxaana raggaa ka mid ah siyaasiga Madhan ee Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisu u eg yagay Suudi Yalaxawga Muqdisho ,kaas oo baryahan ku hawlanaa siduu kalsooni kedis ah uga heli lahaa inta u jajaban gooni isu taaga.

Ka dib markii xisbigiisa UCID lagaga guulaystay doorashooyinkii loogu tartamayey cidii hogaamin lahayd Maamul Goboleedka Waqooyi Galbeed.

shirjaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa ayuu ku muujiyey figradiisa cunsuriyeysan ee xaggjirnnimada ah, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in dib loo abaabulo jabhadii S.N.M , tignikadana rasaas loo raadiyo si weerer loogu qaado beelaha kale ee reer Waqooyiga ah,isaga oo qaba in xoog loo adeegsado si maamulka loo gaadhsiiyo Deegaanka SOOL, SANAAG IYO CAYN.

Kadib markii uu ku dhaliilay maamulka Riyaale Kaahin Inuu ku guuldaraystay in uu jawaab deg dega ka bixiyo kacdoonkii ka dhacay Magaalada Laascaanood sagaal bilood ka hor.

waxaa kale oo uu sheegay Faysal Cali Waraabe (Muuse Suudi Yalaxaw) in la joojiyo ganacsiga u dhexeeya Puntland iyo Maamul Goboleedka Somaliland, isla markaana lala wareego hantida iyo gaadiidka sida ee ka yimaada magaalada Boosaaso.

Arimahan kor ku xusan oo dhami waxay marag u yihiin bisay la'aanta siyaasadeed ee uu xan baarsan yahay ina Cali Waraabe oo hore u galay dhagaro iyo danbiyo dagaal ,kuwaas oo ahaa in uu qaadhaan u ururin jiray dagaaladii solkeeye ee ka dhex qarxay Bariga iyo Galbeedka Hargeysa.

hadaba muxuu ahaan jiray Faysal Cali Waraabe BUR BURKII KAHOR?.

Faysal Cali Waraabe wuxuu ahaa nin ay dawladii Soomaaliyeed ee uu hogaanka u hayey alla ha u nnaxariistee MUdane Maxamed Siyaad Bare, ay waxbarashadiisa siweyn u soo kabtay,waxaana wax lagu soo baray hantidii qaran Soomaaliyeed, waxuuna noqday injineer ka tirsan Xooga qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ka qayb qaatay dagaaladii dhexmaray dawladii dalka iyo jabhadihii hubaysnaa ee mucaadka ee ay ka midka ahaayeen S.N.MTU.

Waxaana layaab leh in uu u doodo soo noolaynta S.N.M si uu ugu beerlaxawsado inta u heelan gooni isutaaga.

Waxa kale oo layaableh inuu ka daymoonyahay taariikhda beesha degta Sool, Sanaag iyo Hawd , oo iyagu ahaa boqortooyadii aduunka ugu xooga weynayd, lana dagaalamayey 25 sano, laga soo bilaabo 1896-1921kii, kuwaas oo ciidamadii ingiriiska baday jab iyo halaag,kuna ururiyey xeebta Berbera , markii danbena uu ingiriisku adeeg saday diyaaradaha dagaalka iyadoo ahayd markii ugu horaysay oo ay ingiriisku diyaarado u adeegsadaan dad afrikaan ah oo ka soo horjeestay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa haboon in aysan u hanqaltaagin, kuna kadsoomin dadka ku nool deegaanka Togdheer iyo Waqooyi Galbeed, afkaarta cunsuriyeysan ee muusannawga ah ee uu halqabsiga ka dhigatay Suudi Yalaxawga Hargeysa.

Waana in uu ogaado Faysal ganacsigu ka madaxbanaan yahay siyaasada loogana baahan yahay in uu ogaado in ganacsatada u dhalatay Waqooyi Galbeed EE soo aada Waqooyi Bari ay sababsanayaan siyaasada ganacsi ee guracan ee uu ku shaqeeyo Maamulka Hargeysa,taa ayaana haboon in wax laga qabto.

Guntii iyo gaba gabadii waxaanu kula talin lahayn in uu Faysal barto FIGLAYNTA WADAANTA (siyaasada)oo uu iska dhaafo Suudi Yalaxaynta.

waxaa soo diyaariyey

Asad Cadaani Ibraahim
iyo
Maxmed AXMED Kaarshe

e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2003

Qoraalkii hore ee Caddaani.... Guji...

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan.

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD