SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

 18-Jir reer Minnesota ah oo Loo Xiray Weerarki Viruskii 'Blastar'


"teekid" : Jeffrey Lee Parson
Sawirka: WCCO TV

Waxaa shalay oo Jimce ah xabsiga loo taxaabay wiil 18 jir ah oo magaciisa internetka la yiraahdo "teekid" kaas oo qayb weyn ka qaatay weerarkii iyo faafintii Virsuka "Blaster" ee  labadii toddobaad ee tegey khasaaraha weyn u geystey kumanaal Computer oo yaala daafaha dunida. Waxaana mar dambe oo isla shalay ah wiilkaas xabsiga laga soo daayey ayadoo lagu xakumay inta dacwadu socto in uusan u dhowaan Internetka, isla markaasna uusan kasoo bixin guriga, waxa keliya oo uu guriga uga soo bixi karaa waa in uu aadayo dhakhtar.

Waxa kale oo wiilkaas loo sheegay in loo qaban doono qareen difaaca maadaama uu sheegay in uusan wax dakhli ah lahayn, islamarkaasna aysan jirin wax maal ah oo meel u yaal iyo in koontadiisa bangiga ay kujirto saddex doolar oo keliya ($3).

Wiilkaas oo reer Minnesota ah oo magaciisa rasmiga ah la yiraahdaa Jeffrey Lee Parson waxaa maxkamad ku taal Seattle lasoo taagi doonaa bisha September 17keeda. Seattle waa magaalada xarunta u ah shirkadda Microsoft oo uu wiilkani khasaraha weyn u geystey. Waxaa lagu qiyaasay in Virsukaasi uu shirkada Microsoft keliya u geystey khasaare lagu qiyaasay $5 million ilaa $10 million oo doolar.

Sida ay sheegeen FBI-da iyo qaybta sirdoonku, waxaa toddobaadkii hore la baaray guriga wiilkaas waxaana laga qabtay toddoba computer.  Waxana warku intaas ku daray in wiilkani uu qirtay in uu wax ka bedeley hab dhismeedka Virsuka 'Blaster" oo uu kaddib ku weeraray Internetka.

18-jirkan oo dherer kiisu yahay 6-foot-4, miisaankiisuna 320-pound waxa uu dhigtaa dugsi sare oo kuyaal Minnesota ee lagu magcaabo Hopkins High School.

Akhri weerarka Viruska "Blaster"

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Aug 30, 2003 

ISHA: KSTP TV, WCCO TV.

Sharci Cusub oo Lagu Soo Rogey Canada Passport
"Lama Ogola Dhoola Cadaynta", waase la ogol yahay Khimaarka.. Guji..

"Wiil Reer Ciraaq ah oo loo bixiyey George Bush Abdul Kader Faris"
Waa wiil ku dhashay Ciraaq oo aabihiis iyo hooyadiis ay ugu magac dareen Madaxweynaha Maraykanka ayagoo sheegay in.. Guji.. Aug 29


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD