Waad Nabad 
 Addoon Hal(Cabdul Waaxid) waxa uu caddeeyay in uu af 
 Carabiga iyo af Ingriisga si fiican u yaqaan , cid kula murantaana aanay jirin, 
 mar uu jawaab ka bixinayay erayga Qaamuus ee uu hal qabsaday qoraaga Caynte. 
 Waxa se uu muujiyayay Addoon Hal in uu ka qaawan yahay af Somaliga markii uu ku 
 macneeyay Maandeeq neef geela. 
 Erayga Maandeeq waa eray af Somali ah oo ka kooban laba 
 eray MAAN iyo DEEQ, Maan waxa uu ka dhigan yahay , miyirka, maskaxda , fikirka 
 iyo niyadda. Deeq waxa uu ka dhigan yahay , filaanshaha iyo siinta. 
 Waxa ay Somalidu magaca Maandeeq u bixisaa , waxa ay 
 oogu jecl yihiin , ha ahaato, hal, gabadha ay ku curtaan, baabuurkooga, 
 dukaankooga, shaqadooda, beertooda, sacooga, ridooda iyo Gobanimadooda ama 
 Madax banaanidooda. 
 Sababta ay Somalidu ugu bixiyaan magacan, Maandeeq, 
 waxa ay ugu jecelyihiin ayaa ah iyaga oo ku jiray dhibaato ama rafaad ayaa 
 nasiib wanaag ay dhacdaa in mar ay ka baxaan rafaadkii ama dhibaatadii , kadib 
 marka ay dhalaan gabadh, dukaan furtaan, hal u dhasho ama beertuba u baxdo ayaa 
 ay markaa u bixiyaan shaygaa ama waxaa ay heleen ee dhibaatada iyo rafaadkii ka 
 saaray, MAANDEEQ. 
 Maandeeq makaa macnaheegu waxa weeyi way na deeqday , 
 way na baahi tirtay, gumaysiguu baanu ka baxnay, gaajadii baanu ka baxnay, 
 rafaadkii baanu ka baxnay, lugayskii baanu ka raysanay , waanu madaxbanaanahay 
 iyo XOR baanu nahay,ee ma aha neef geela iyo dhultoona. 
 Markii aan anigu ku halqabasaday Maandeeq ma aan 
 raadinayn nin hashayda Maandeeq ii raaca iyo dhul aan u bixiyo Maandeeq. 
 Maandeeq anigu waxa aan ula jeeday ama ku maldahay xornimada iyo madaxbanaanida.
 
 Waxa jirtay in aan idhi ama ku qoray qoraal hore ," 
 Inta ay Maandeeq u dabran tahay saan madoobaha uga daray seetadii saan 
 caddaalaha waxba yaan loo dabaal degin". Taas oo aan ula jeeday gumaystihii 
 caddaa waxa badalay kalidii taliya saan maddow oo ka xun kii caddaa, ahna 
 madaxbaanidii ay wadamada Afrika ka heleen gumaystihii caddaa qiimo kuma 
 fadhido ee yaan loo dabaal dagin. Odhaahdaas oo uu Addoon Hal u macnaystay in 
 aan dhulkii Afrika ama Somalia kala magac dhigay Hal geela. Talabaad Somalidu 
 ma dabarto mana seetayso Hasha, waxa aan caddee lahaa in dabarku ka daran yahay 
 seetada. 
 Wadankasta oo addunkan jiraa waxa uu leeyahay shay ama 
 astaan u gaara oo qiimo wayn ugu fadhiya, sida wabiga, badda, roobka , dhirta 
 ama xoolaha , taas oo marka ay abwaanadoodu ka hadlyaan madaxbanaanidooda , ha 
 ahaato hees ama gabay ay ku hal qabsadaan astaantaas, sida ay Somalidu ugu hal 
 qabsato geela, roobka, meel barwaaqo ah iyo jacaylba marka ay gobanimadooda ka 
 hadlayaan. 
 Addon Hal, wadaaku waxa uu iloobay in Nabi Maxamad iyo 
 nabiyaddii kale ay ahaayeen xoola raacto, la mida geel jiraha uu Addoon Hal ka 
 dhigay in uu dadka kale ka liito, waxa kale oo uu baal maray in aabihii ama 
 awawyaashii ay lahaayeen ama dhaqan jireen. Waxa uu garan waayay in Somali 
 badan oo geel jire ahaan jirtay dhakhtaro yihiin maanta, iyo in aanu geel 
 jiruhu dooran inuu geela raaco ay se ku qasabtay dantu, badanaaba dhlinta geela 
 raacdaa ma ah kuwa geela leh , ee waxay ay u raacaan dadka leh geel , taas oo 
 laga yaabo in ninkii dhalinta ah walidkii dhintay ama ka tagay , naftuna ku 
 qasabtay in uu geel raaco. 
 Geelu waa hantida ugu qiimaha badan ee ay Somali lahaan 
 jirtay , imikana ay nolosha Somalidu badanaa ku xidhantahay xoolaha , sida 
 geela, looda iyo adhiga , lafdhabarna u dhaqaalaha Somalida , marka la dhoofiyo, 
 miyi iyo magaalaba. 
 Aniga shaqsi ahaan dhulka waxa igala qiima wayn 
 madaxbaanida, aan u madaxbanaan ahay ra'yigayga anoon cidna ama dawlad ka 
 baqayn, hadii uu Ilaahay iga abuuray dhulka meelwal oo joogana waa ii dhul ha 
 ahaato qurbe ama dalkaygiiba oo kolba meesha aan joogo unbaa la igu aasi marka 
 aan dhinto. Dhulka aan u dhashay haddii aanan madaxbanaani ama xornimo ku 
 haysan , ii ma ah meel Maankaykii Deeqday. 
 Kalidood taliyeyaasha adduunka ayaa marka ay laynayaan 
 dad xaqooda doonaya ayaa waxa ay sabab uga dhigaan dhulkeenii baa la goosanayaa 
 , qaranimaddii baa la baabi nayaa , si ay daka u layaan, dadka ama nolosha 
 dadka waxa ka la wayn dhulka. 
 Nabadeey
 mahamud samatar 
 samatarapt@yahoo.com