GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED
 
 G/W/S/026/03 London, 09/08/2003 
 Ujeedo: gefefka iyo meel ka dhacyada oo ay caado ka dhigteen 
 mas'uuliyiinta 
 Waxaa ayaandarro iyo la yaab ah in muwaadiniin Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi 
 ah oo ka kala la socday hay'ado samafal kana kala yimid boqortooyada Holland 
 dalka Kenya iyo Muqdisho, ujeedadooduna ahayd in ay gargaaraan shacbiga 
 Soomaaliyeed, gargaarkaas oo ahmiyad ballaaran u lahaa guud ahaan ummadda 
 Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada waqooyi 
 Galbeed jamhuuriyadda Soomaaliya. 
 Ma ahan markii ugu horreysay ee gef iyo meel ka dhac noocan ahi ay ku kacaan 
 mas'uuliyiinta gobollada waqooyi, falkan ay ku kaceen ayaa ah mid ka soo 
 horjeeda qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana wax loogu dhimay mu'waadiniin 
 iyo gargaarayaal caalami ah, kana soo horjeeda shuruucda caalamiga ah iyo kuwa 
 dowladeedba ( International Law ). 
 Sidaas darteed wuxuu Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa 
 falal dambiyeedkaas liddiga ku ah xuquuqda waxbarasho ee hablaha gobollada 
 Waqooyi galbeed ee Soomaaliya, xadgudubkaas oo aan la ogoleyn lana ogolaan 
 doonin waligeedba ayuu Golaha wadatashiga Soomaaliyeed idiin soo jeedinayaa 
 haddii aad tihiin madaxda gobollada waqooyi in aad raali galin ka bixisaan 
 falal dambiyeedkan. 
 Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna 
 Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed 
 C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
 xildhiban@hotmail.com