SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL
Saddaam-yadii Soomaaliya oo madaxweynanimo loo sharraxay!

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

Ka warrama Soomaalaay haddii Saddaam isu soo sharraxo madaxtinimada Ciraaq ee soo socota? Suurtogal ma tahay? Jawaabtu waa iska caddahay oo waxaa loo qabaa wax aan Maraykan rabin inaysan soconayn!

Carabtu waxay tiraahdaa “laa yukhdamu rajulu fii baytihi” oo ah ninka guriisa jooga loogama khidmeeyo, maxaa yeelay waa gurigiisii. Isagaa la rabaa in uu dadka u khidmeeyo. Maxaa loo dhahaa Carabta iyo Soomaalida xiriir qotto dheer bay lahaayeen? Hadday taasi runtahay waxaa la rabay inay ku daraan “idaa kaanuu Soomaaliyiin” oo ah ninka gurigiisa waa looga khidmaynkaraa hadduu Soomaali yahay micnaha Soomaalidu arrimahooda ma maarayn karaan.

Waan ogahay in qolo kasta qab-qablaheedu u yahay nin aan khaldamin, intuu rabo qudha ha ka jaro, wuxuu rabo ha qarribo, xittaa diinta ha qadfo maaddaama uu qoladeena yahay. Laakiin meeye Ururka Islaamku, Jaamacadda Carabtu, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Ururka Midowga Afrika? Saddaam wiilashiisii barqo ayaa dhegta dhiiga loo daray iyadoo adduunkoo dhan u jeedo laakiin annaga kuweenii wax soo qarribay qasriyaal bay dhacdiidaan oo waxaa qarashka bixiya kuwii Saddaam qaxiyey oo wiilashasii qalay! “Qudiyal amru” qaraarka ay reer Galbeedku gaaraan waa in la qaatto. Qab-qalbe iyo Al-Qaacido waxaa ah kii aan warkooda qaadan ama Qiyaamaha ka baqa laakiin waxaad rabto waad walaaqan kartaa haddii aad Islaamka iyo muslimiinta qoonto.

Waxaa taa ka sii daran Saddaam oo hadduu soo galo inuu mar dambe isu soo sharraxo madaxweynanimo la yiraahdo adigu dooro baarlamaanka. Sidee ku dhacday in waddama sheegtay inay yihiin kuwo horay u maray oo doorashooyinka heer sare ka gaareen inay dhahaan dambiilayaal qof kasta yaqaan hasoo xulo xildhibaannada baarlamaanka. Waxay noqon doontaa khiyaamadii ugu weynayd ee waddan laga galo.

Marka haddii qab-qablayaasha midkood madaxweyne noqdo oo kuwa kalana nin walba soo doorto xildhibaannadiisa maxaad ka filaysaa golaha baarlamaanka? Waxaan shakki ku jirin in madaxweynaha intuu doortay maahee inta kale kasoo horjeesan doonaan ra’yi kasta oo uu soo jeediyo maxaa yeelay sidoodaba waxay yaqaanaan wax burburin. Marka qofku wuxuu yaqaano hadduu sameeyo waa loo garaabi karaa. Haddaan qaq-qablayaasha ka dhigno labo qaybood dheh SRRC iyo CRRS ilayn waxay ka koobanyihiin maaddooyin isku mid ah oo waxaa u kala duwan jihooyinka ay usocdaan waxaa lagu tilmaami karaa dab iyo baasiin (petrol). Kaad rabtid dab ka dhig kan kale wuxuu noqonayaa baasiin.

Xal

Marka hore Soomaalideenu kuma fiicnin dab-damin. Horta haddaad aragto guri gubanaya waa in damin lagu bilaabaa iyadoo isla markaas wixii nool ee ku jira la isku dayo in laga badbaadiyo. Jaamacadda Carabta,IGAD, America, EU, IWM waa in ay wataan dab-damisyo. Haddii dabka la damiyo baansiinka kaligiis wax ma gubi karo laakiin waa in laga ilaashaa in aan dab kale loo soo dhawayn. Markaan ka hadlayey sheekadii qiimaha dhulka waxaan xusay in Soomaaliya oo gubanaysa uu Zenawi soo qaatay booyad shidaal oo uu qab-qablaha ugu sheegay inay tahay dab-damis laakiin ay ku qorantahay calaamadda ah si fudud buu u gubtaa iyo waliba eraygaas English-ka ah (inflammable). Waxaan sheegay in Zenawi qabo suudka dabka la iska cesho oo uu gadaal istaagay dabadeedna qab-qablayaashii ku yiri tuubbada qaada oo baasiinka dabka ku damiya! Qaarkood ma yaqaanaan English, qaarna “flame” waa yaqaanaan laakiin waxaa dhici karta in ay “in”-ta ka horaysa “flammable” ay u qaatteen sida mida ku jirta “inflexible” oo ah “flexible” caksigeeda. Ilayn “flammable” lafteeda micnaha gubashada way samaynaysaa marka hadday micnaha garanayaan maxay uga yeeleen.

Hadda sidoo kale waxaa booyado shidaal la yimid iyagoo iska dhigaya inay dab-damisyo wattaan Italy iyo kuwo kale. Inkastoo erayga xal uu Af Carabi yahay xalku wuxuu leeyahay waddo loo qaado haddii erayga xal aad dib ka soo akhriso wuxuu noqonayaa lax (ido) marka qab-qablayaasha shirka fadhiyaa armeey sandareero doon yihiin oo aysan xalba raadinayn.

Akhristayaal haddii la rabo in lala dagaalo mukhaadaraadka (drugs) ciidanka loo saarayo iyo madaxdooda waa inaysan daroogada isticmaalin ama aysan ahayn kuwa ka ganacsada. Hadduu qofku isticmaali jiray ama ka ganacsanjiray oo iska daayey waa loo baahanyahay inuu la shaqeeyo maxaa yeelay khibrad buu u leeyahay cidda gadda iyo meelaha lagu gado laakiin dadkii oo isticmaala looma diro. Marka hadday dadku leeyihiin illaawa illaa waa in dowlad la helaa waa in meesha laga saaro qab-qablayaasha oo ayna iyagu dooran xildhibaannada. Waxaa fiican in la doorto qof iyo dad aan dhib lagu ogayn iyo ugu yaraan kuwo aan horay aqoon loo lahayn dhib iyo wanaag toona maxaa yeelay hadduu naddago wuxuu noqon mar naddage laakiin macquul ma ahan in qab-qable kun jeer naddago.

Haddii taladaas la diido waa Saddaam oo jooga maalin ka hor waqtiguu qabsaday Ciraaq iyo Ciraaq oo ay ku soo socoto xukunkiisii. Marka haddaan rabno inaan tagno 1978 ama 1991 bal madaxweyne nooga dhiga qab-qable.

Laakiin shacabka waxaa laga rabaa inaysan hadhow cabaad iyo cattoow la imaan. Sow hadda ma dabo ordayno mujrimiin, aan afkeena haysano.

“Waxaan Calaf ahayna lama cuno waxaan wad ahayna looma dhinto”

Sidaan la soconno Ansaar waxaa soo daashaday dagaal sokeeye oo socday 100 sano. Markii dadkoodii, duunyadoodii iyo maalkoodii ku dhammaaday ayaa waxay isku raaceen in ay boqor ka dhigtaan C/hi Binu Ubay Binu salool laakiin nasiib wanaag isagoon la caleemo saarin ayaa Nabiga Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee Ilaah usoo diray. Halkaas ayaa Ilaahay Ansaar nuukiisu soo gaaray Ansaar laakiin aabbihii munaafaqadda ma arkin kheyrkaas ee wuxuu bilaabay isku dir iyo nifaaq.

Ma maqal qof Alle aqood dheerad ah lagu yaqaan oo jagadaas isu sharraxay laakiin dadka jagada ubbuka ha ogaadeen tan Ilaah ayaa socota. Waan ognahay in rag badan ay diin caay iyo dagaalkeed ku helaan magac meelaha qaarkood laakiin waxaa dhici karta iyagoo is leh idinkaa u horreeya in uu Ilaahay qabto oo cid kale keeno. Ilaahayna dadka waa u kortaa oo markuu damco wuxuu qabtaa qabasho adag. Marka qofoowna si qaab daran wax haku raadin.

Munaafaqaas aan soo sheegnay isagoo Islaamka ka xun ayuu jimcayaasha inta masaajidka iska taago oran jiray diinta taageera, Nabiga (SCW) raaca, u gargaara, IWM. Marka qab-qablayaaloow idinkoon toobad keenin inaanan idinka yeelayn haddaad qaaddaan Soomaaliyeey toosoo ama aad is oohisaan ama aad nabad ka hadashaan. “seddex magac Allee xaajadaas la imma marinsiiyo”.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD