SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - XALKA ISLAAMKA

Dhibaatooyinka Bulshada Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Xalka Islaamka (1)

Qaybta 1aad:

Sh. Xasan Jaamici J.D, USA


xasanjaamici@yahoo.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Intaan dhibaatooyinka na heysta iyo xalkooda aanan u gelin waxaa haboon inaan si yara kooban aan uga hadlo laba tiir oon aaminsanahay inay asal u yihiin xalalka aan soo hor dhigi doono bulshada. Labada tiir waxay kala yihiin:

1)Fahamka Mabaadi'da Guud ee Islaamka iyo

2)Fahamka waaqaca aad ku nooshahay.

1.Fahamka Mabaadi'da Guud ee Islaamka

Qofka muslimka hadduu rabo inuu xal u raadiyo dhib kasta ee na heysta muslimiin ahaan, waxaa hor imaanayo su'aal ah xaggee buu u laabanayaa ee uu ka raadinayaa xalka dhibaatooyinka heysta shakhsi ahaan ama bulshada guud ahaanteeda. Haddii si kale aan u dhigo waa inuu jiraa ilo (sources) uu qofka kala soo bixi kara ee iftiimin kara xalka dhib kasta ee jira.

Aayadda 59aad ee suuradda Al-nisaa waxaa tilmaameysaa in Quraanka, Sunada Nabiga (NNK) iyo Culumada fasiraya ay yihiin ilaha laga heli kara xalka dhib kasta ee soo waajiha muslimiinta meel weliba ha joogeen. Haddaba naxriis Ilaahey xagiisa ka timid darteed ayaa qofka muslimka waxaa loo soo dejiyey kitaab (Quran) iyo tafsiirkiisa (Sunada) Nabiga (NNK) kaa soo noqonayo mabaadi'da guud ee uu ku salayn lahaa noloshiisa guud ahaan. Looma baahna dad muslimiin ah amaba culumo kale inay fariistaan oo ay alifaan nidaam cusub oo haga noloshooda, laakiin waxaa loo baahan yahay oo kaliya culumo fahmaysa mabaadi'daasi Ilaahey soo dejiyey, isla markaana yaqaan qaabka waaqaca ay ku nool yihiin u waafajin lahaayeen siduu Ilaahey rabo. Aayaddaa 38aad ee suuradda Al-ancaam ayaa Ilaahey ku tilmaamay in wax weliba jawaabtooda Quraanka laga helayo si toos ah ama si dadban (waa haddii macaanida Quraanka iy Sunnada la dhuuxo, lana lafa guro ujeedooyinka Quraanka iyo Sunada loo soo dejiyey).

Taasi waxay tilmaamaysaa in qofka muslimka marnaba u banaaneyn inuu xal ka raadiyo ilo aan Islaam aheyn marka laga hadlayo xalinta arimaha adduunyada iyo aadamiga la xiriira. Taasi micnaheed ma ahan inaan la kaashan karayn cilmiga sayniska hadduusan ka hor imaaneynin mabaadi'da guud ee islaamka(sida ugxanta haweenta oo laga iibinayo haween ma dhalays waa xaaraan). Waayo aayadda 7aad ee suuradda Al-anbiyaa, ayaa waxay tilmaameysaa in la aado ilaha cilmiga oo dhan si loo ogaado gunta waxa la baarayo,! jawaabna loogu helo su'aalaha dahsoon. Haddaba su'aashu waxaa tahay kumaad tahay Mabaadi'da Islaamka? xaggeese lagaa helaa? yaa kaala soo bixi kara jawaabaha ay ummaddu uu baahan tahay? waddadeese laguu maraa?

Akhri Qaybta 2aad... Guji

Qore: Sheekh Xasan Jaamici
(HASSAN Ali Mohamud)


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2003

GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA
http://somalitalk.com/usa/immgrnt.html 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD