SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - WARAR

 Dunida oo ay Hareeyeen Banaanbaxyo lugu diidan yahay Dagaal lugu qaado dalka Ciraaq.

"Shir jaraa'id oo isna maanta u qabtay Seynisyahan Ciraaqi ah"

MUDAHARAADYADII LAGAGA SOO HORJEEDEY DAGAALKA CIRAAQ .. DAAWO CBC.

Tan iyo wixii ka danbeeyey weeraradii iyo mahadhadii ay geysteen 11 september ee xarumihii ganacisiga adddunka World Trade Center iyo wasaaraddii Gaashaandhiga dalka Mareykanka ee Pentogan-ka waxaa ay dunida gashay marxalad adag jawi colaaleed oo loo saanad aruusaday dagaal ay xukuumadda Washington sheegtay iney ku qaadeyso dalka Ciraaq oo kamid ah dalalka ay ugu yeerto "Garabyadda Sharta". Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Maanta (Jan 18) oo sabti ah waxaa meelo badan oo dunida ka mid ah ka dhacay dibad baxyo lagu diidan yahay in dalka Ciraaq lagu qaado dagaal. Dagaalkan oo ay cadeysay xukuumadda Bush in aan marnaba cafiney dalkaasi tan iyo inta Maamulka Saddaam Xuseen ku baa bi'nayo barnaamijkiisa Nukliyer-ka ee cabsida geliyey dunidda.

Magaaladda Tokyo ee dalka Japan ayaa maanta waxaa ka bilowday banaan bax loogaga soo horjeedo dagaalka lagu wado in lugu qaado dalka Ciraaaq.

Hadaba sidee looga qeyb qaatay guud ahaan dibadbaxyadii hareeyey maanta caalamka? Waxaana ku bilaabaneyaa warbixin arintaasi ku saabsan dunida Carabta iyo sidii looga qeyb qaatay arintaasi.

"Dunidda Carabta Oo Niyad Murugeysan Ku banaan baxay"

Dimishiq, Suuriya:bananbax

Dalka Suuriya waxaa maanta isugu soo banbaxay dad tiradoodu lugu qiyaasay 15 kun kuwaaso ay qeyb ka ahaa dibad baxyadii maanta caalamka meelo badan ka dhacay.

Dadkii isu soo baxay waxaa kamid ahaa dad falastiinyiin ah,waxaana dadkaasi wateen boorar ay ku qoran yihiin "Dooni meyno Dagaal" iyo eryo kale oo ay ku muujinayeen sida maanta dunida guud ahaanteed ay nabadu ugu tahay muhiim in lugu soo dabaalo.

Beyruut, Lubnaan:

Magaalo madaxda dalka Lubnaan ee Beyruut waxaa maanta isugu soo baxay dad tiradooda ay kor u dhaaftay 8 kun oo isugu jiray falastiiniyiin iyo lubnaaniyiin,waxaana dadkaasi aysiteen boorar ay ku qornaayeen erayo muujiya sida ay nabadu guud ahaan caalamka oo dhan ay dan u tahay iney ku noolaadaan gaar ahaan "Barigga Dhexe".

Dadkii banaan-baxayaasha ahaa ayaa markii danbe isugu yimaad xarunta Qaramadda Midoobey ee dalkaasi ku leedahay.

Waxaana banaanbaxii maanta Beyruut ee xarunta dalka Lubnaan ahaa kii ugu ballaarnaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo intii xukuumadda Bush sheegay in dalkiisa dagaal kuqaadayo dalka Ciraaq.

Qaahira, Masar:

Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa isna maanta ka dhacay banaanbax isna lugu taageerey dibadbaxyada kale ee maanta meelo badan oo caalamka kamid ah ka dhacay kuwaaso ah kuwo lagu diidan yahay dagaalka la sheegayo in dalka Ciraaq lagu qaadayo.

Goobta la yirhaado Sayida Zeynab ayaa waxaa isugu soo urruray dad lagu qiyaasay kun qof,waxaana dadkaasi ay ku dhaawaqeyeen ereyo ay ku dheehnaayeen naceyb iyo sida ay u diidan yihiin waxa ay ugu yeereen “Taageerraada Gardaraha ah” ee Dowlada Bush siiso dalka Is’raa’iil,ayna ka hiilisay dadka laga awooda badan yahay ee Falastiin. 

Dadkii banaanbaxayaasha ahaa ee isugu yimid bartamaha magaalada Khaahira waxaa ay ka codsadeen madaxadda dunida Carabta iney meel ugu soo jeestaan waxa ay ugu yeereen “Cadowga Carabta ee Israa’iil”.. Inkastoo goobtii banaanbuxu ka dhacayey uu ahaa mid aad loo adkeeyey hadana waxaa wararka halkaasi ka imanaya ay sheegeen in hal qof uu ku dhaawacmay rabshado dhexmartay banaabaxayaasha iyo ciidamadda booliska ee illaalinayey nabada geliyada.

Camaan,Jordan:

Magaalada Camaan ee caasimada dalka Jordan waxaa isugu soo banbaxay dad iyagan tiradooda ay kor u dhaaftay kumanaan, waxaana dibad baxaasi soo qaban qaabiyey urrur islaami ah oo ka jira dalkaasi.

Dadkii dibadbaxayaasha ahaa ayaa waxey halkaasi ku gubeen calamada Mareykanka iyo Israa’iil,iyagoo ku dhawaaqayey ereyo naceyb ah oo ay ku diidan yihiin jooginta ciidama dalka Mareykanka ee dalalka Carabeed.

Ribaad, Maroko:

Dalka Maroko waxaa isna caasimadiisa Ribaad isugu soo banbaxay dadweyne aad u tira badan oo muujinayey sida u diidan yihiin dagaal lagu qaado Ciraaq, waxaana ay dhambaal arintaasi ku saabsan u dhiibeen mas’uulinta safaaradda Mareykanka oo iyagoo ka codsaday in loo sii gudbiyo Madaxweyne Bush.

 

Dalalka Reer Galbeedka Oo Si weyn Looga Banaanbaxay! 

Gothenburg, Sweden 

Magaaladda Gotheburg ee dalka Sweden waxaa isugu yimid dad tiradoodu lugu qiyaasay shan kun ilaa lix kun oo qof,kuwaasoo iyagana geestoooda dunida inteeda kale kala qeyb qadanayey banaanbaxyada nabadeed ee lagu muujinayo sida caalamku maanta uga soo horjeedo dagaalka la sheegayo in dalka ciraaq lagu qaadayo.

Waxaana dadkaasi ku dhawaaqayeen erayo ay kamid yihiin “Ninkii aan Jecleyn Bush,Ku soo bood ku soob.

Dadkaasi ku dhaawaqyey ereyadaasi iyo ereyo kale ayaa waxey ahaayeen swedhish iyo dad asalkoodu kasoo jeedo barigga dhexe.

Meelo badan oo dalkan kamid ah ayaa ay ka dheceen banaanbaxyo lamid ah kuwii ka dhacay magaalada Gothenburg,kuwaasoo lugu diidan yahay dagaalka dalka Ciraaq la sheegay in lugu qaadayo.

 Paris,Faransiiska 

Magaalada paris ayaa waxaa dad tiradooda lugu sheegay 1000 qof isugu soo banaabaxeen bartamaha magaalada waxaana lasheegay in banabaxaasi ay qaban qaabiyeen 4o urrur,sidoo kale waxaa ka qeyb qaatay siyaasiin ka tirsan garabyada bidix ,ururuda haweenka iyo ardeyda dalkaasi.

Waxaana dadkaasi  banaabaxayaasha ahi codsadeen in dunida lagu soo dabaalo nabad,islamarkaasina xal diblomaasiyadeed lagu dhameeyo qilaafaadka siyasadeed ee dunida kajira gaar ahaan dalalka ciraaq iyo Mareykanka.

London, UK

Magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa isna banaanbax ka dhacay,banaanbaxaasoo ah mid isna lagu diidan yahay dagaalka dalka Ciraaq la sheegayo in lugu qaadayo.

Canada

 Qabowga maanta ka jirey magaalada Toronto kama hor istaagin in kumanaan qof isugu soo baxaan magaalada si ay uga qayb qaataan banaanbaxa laga soo horjeedo dagaal lagu qaado Ciraaq. 

Dalka Canada waxaa lagu soo waramay in ay bannaanbaxyo sawaxan dheer watey ay ka dhaceen magaalooyinka Montreal, Quebec, Windsor, Halifax, Ottawa iyo Toronto. 

 

Washington, USA

Waxaa lagu soo waraamay in bannaanbaxii maanta ee washington DC ay ka qayb qaateen 75,000 oo diidan in dagaal lagu qaado Ciraaq. Waxaana fagaare la isugu soo baxay ka hadlay Jesse Jackson oo yiri yeynaan weerarin ciraaq, aan maskaxda doorbidno halkii aan ka doorbidi lahayn gantaalada, aan wada xaajoodka doorbidno halkii aan ka doorbidilahayn iska hor imaadka. Dadka bannaan baxaas isugu yimid waxay ka kala yimaadeen daafaha Maraykanka aygoo basas kasoo raacay gobol fogfog. [DAAWO HALKAN].

Ruuska, Pakistaan iyo Turkiga

Dhanka kale magoolinka ay ka mid yihiin Mosko xarunta dalka Raashiya, iyo dalal Pakistaan iyo Turkiga waxaa ka dhacay banaanbaxyo lugu diidan yahay dagaalkaasi.

Qaaradda Laantiin Amerika iyo meelo kale oo kamid ah caalamka ayaa maanta ay hareeyeen banaanbaxyo guud ahaan lugu muujinayey sida looga soo horjeedo dagaalka ay xukuumada Washington u qalab aruusasatay.

 

CIRAAQ

Dhanka kale waxaa caawa fiidkii magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ku qabtay shir jaraa’id seynisyahan kamid ah seynisyahanada dalkaasi lugu booqday gurigiisa oo kuyaala magaalada.

Seynisyahan Falaax Xasan oo sheegay in raggii baarayaasha Qaramada Midoobey ay ahaayeen “tuugo ka tirsan tuugadda Mafia-da loo yaqaan,islamarkaasina aan aqoon u laheyn howsha ay qabanayaan kuna koobneyn shaqadooda kormeernimo”

Falaax oo da’diisu tahay 55 jir kana tirsan seynisyahanada dalka Ciraaq islamarkaasina madax ka ah warshad ay leeyihiin ciidama cirka ee dalkaasi ayaa isagoo u waramaya warfidiyeenada sheegay inaanu marnaba aqbaleyn in dalka isaga qoyskiisa ay ka dhoofaan.

Mr:Falaax waxaa uu intaasi kudaray in kormeeryaasha qaarkood ay doonayaan in dhibaato ka abuuraan baarayaasha Qaramadda Midoobey iyo dalka Ciraaq,marka ay qaarkood sheegeen iney iney ka tirsan yihiin seynisyahanada dalka Ciraaq,waxaa intaas dheer iyagoon codsi heysan ay gurigeyga dabada u mareen.

Waxaana uu iska fogeeyey in wax xirriir ah uu ka dhaxeeyo isaga iyo madaxyadii gantaalahii marnaa ee hubka lugu tuurro.

Hadaba beesha caalamka guud ahaan waxaa ay u muuqdaan kuwo ku guuldareystay iney xal u helaan dagaalka xagga afka ah ee u dhaxeeye Washington iyo Bakhdaad iyo Mareykanka oo durbada ciidamo u diray gacanka carabta si uu dagaal ugu qaado dalka Ciraaq.

Ayaa su’aashu waxaa ay tahay sidee ayey noqdaantaa nabadgalyada dunida hadii uu dhaco dagaalka Ciraaq lagu qaadayo,hadiise Sadaam Xuseen meesha ka baxo maxaa uu noqon doonaa mustaqbalka dalkaasi iyo guud ahaan nabadgalyada Barigga dhexe ee faraha kasii baxeysa??

Maxaase keenay in Mareykan uu sheego in ay suurtagal tahay in dalkiisa uu wada hadal lagalo Kuuriyada waqooyi oo iyada qiratay iney leedahay Sunta Nukliyeerka ah,diyaarna ay u tahay iney dib markale u dayactirrto warshadii sameynayey hubka Nukliyeer-ka,Halka Ciraaq oo aan sheegan iney heysato wax hub ah walow lugu tuhmayo hadana la shaqeyneysa baarayaasha Qaramadda Midoobey,dagaal loogu hub iyo saanad aruursaddo.

Miyaan la oran karrin sheekada reer Bush wadaan iyo guul darrada beesha caalamka arintaasi wax kaga qaban waayeen maah- maahdii Soomaaliyeed ee oraneysay “Barroorta Orgiga Kaweyn!”

Waxaa Qortay:
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: ikraam@journalist.com 

 Janaayo 18, 2003

.. DAAWO HALKAN CBC.

LATEST IRAQ NEWS

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD