Ragii meesha fadhiyey ayaa badankood u muuqdeen kuwo ka carooday ninkan sheekada
ka qasay, balse aniga dhibkaasba ima hayn walow aan hoosta iska iri “tolow yaa
naga aamusiya ninkan waalan”.
Saacado kadib, markii aan gurigeyga ku laabtay goor habeen ah oo aan sariirta
tegey ayaa waxaa igu soo dhacay ereyadii uu ninka xanuunsani la qeylinayey.
Waxaan isku dayey inaan iloobo oo aan hurdo iska daydayo, balse waxaa
maskaxdeyda ka faaruqi waayey erayadaas.
Waxaan markiiba is weydiiyey 12 sano kadib burburkii taliskii Ina Siyaad iyo 8
sano kadib geeridiisii sababta keentay inuu ninkan xanuunsani la qeyliyo
erayadaas aan soo xusay.
Feker dheer kadib waxaa ii muuqday muhiimad aan is iri wey ka dambeysa qeylada
ninka waalan:
Guud ahaan bini aadamku wuxuu maraa marxalado kala duwan oo waxbarasho laga soo
bilaabo goorta ay hooyadu dhasho ilmaha. Macalinka ugu horeeya ee dhalaanku
yeeshana waa hooyada, marxaladaha xigana waa kuwo ardaygu yeesho macalimiin ilaa
heerka qaan gaarka, kadibna waxaa xiga marxalad aqoon sare ama xirfad shaqo.
Hadaba waxaa dhab ah in Siyaad Barre ahaa macalin Soomaaliyeed, soo tababaray
arday aad u fara badan, kuna guuleystay soo saarida xirfadlayaal badan caana ka
ah Soomaaliya.
Xirfadaha lagu bartay dugsiga Ina Siyaad waxaa kamid ah Musuqa, Dhaca, Boobka,
Dilka iyo ku Xad-gudubka Xuquuqda Aadmiga. Ragii ka qalin jebiyey dugsigaasna
waa kuwa burburiyey guud ahaan wadankeena, kala qeybiyey caasimadii Muqdisho
kana dhigay guri dagaal, waa kuwa aasaasay Somaliland, Puntland, Jubaland, iwm.
Ardaydii Ina Siyaad waa kuwa soo bara kiciyey boqolaal kun Soomaaliyeed,
badankoodna ku dacdareysan wadamada deriska la ah Soomaaliya.
Waa kuwa qarankii Soomaaliyeed u rogay guri qalalaase
Waa kuwa sunta laga keenay Yurub iyo Amerika ku aasay xeebaha Soomaaliya
Waa kuwa Madaxfurashada u haysta umada Soomaaliyeed una diidan xaqii ay u
lahaayeen nabad ku noolaasho
Waa kuwa ku shirsan magaalada ELDORET ee cariga Kenya
Waana kuwa ka mas’uulka ah xanuunka ninka la qeyliyey erayada aan cinwaanka uga
dhigay qormadan.
Dufcadii ugu horeysay ardaydii Ina Siyaad ayaa qalin jebiyey 1978-dii, dufcadii
xigtay ayaa qalin jebisey 1982-dii, dufcad kale ayaana qalin jebisay 1990kii,
halka dufcadii ugu dambeysayna ay shahaado qaateen burburkii taliskaas kadib.
Ardaydan qalin jebisay ayaa noqday macalimiinta cusub ee soomaalida maanta.
Qof walba oo fayow waxbaa maskaxdiisa ka guuxa taasoo noqon karta xili farxadeed
uu horay usoo maray, xili murugo, dhib loo geystay xili hore iwm. Hadaba hadalka
kasoo yeeray ninkan waalan ayaa u muuqda mid macno weyn xambaarsan ahna mirihii
mudo dheer oo uu la guuxayey dhib uu la kulmay kaasoo aan la garan Karin cidii u
geysatay, iyo goortii loo geystay. Ma Macalinkii weynaa xiligii uu majaraha
wadanka u hayey mise xiligii ay macalimiinta cusub majaraha inoo qabteen. Ninkan
oo aad moodo inuu la waashay dhibkaas soo gaaray ayaad dareemi kartaa inuu
dhamaan eedii dusha ka saaray Macalinkii weynaa.
Siyaad Barre dhimay balse dhibka ina haysta ayaa ah macalimiinta iyo dhaxalka uu
inooga tegey taasoo ka dhigan “Siyaad Barre Dadkiisii Waa Daba Socdaa, Weli Ma
Dhiman.”
Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com
QORAALADII HORE EE MAXAMUD Y. GARRE
January 7, 2003
SSDF
& SNM...
Afeef:
Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan.
ELDORET:
Taxanaha Wararka
com
|