SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 BAAQNABADEED IYO BAADI-GOOB XAL WAARA OO KA DHACA PUNTLAND:

Xiriirka guud ee Baaqa: shakiib2001@yahoo.co.uk | Faafin: Jan 9, 2003

Waa Baaq nabadeed oo kasoo Baxay Beesha Cali Ibraahim {Reer Biciidyahan}

. (Mowqifka iyo Baaqa BeeshaHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Bismillaahi Raxmani Raxiim

  • Annagoo matalayna Mawqifka islamrkaasna ku hadlayna magaca beesha REER BICIDYAHAN { Cali Ibraahim} gaar ahaanna jaaliyadaha Yurub, North America & Afrika, kaddib markaannu yeelannay xiriir badan iyo wada tashiyo kala duwan dalkii iyo dibeddaba oo dhex-maray bulshada isla beesha BICIDYAHAN ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba:

  • Annagoo aad uga damqanayna kana gubanayna colaaddii khasaaraha badani ka yimid ee ka dhacday geyiga ama Gobollada Soomaaliyeed ee la isku yiraahdo PUNTLAND iyo dhibkii kala gaarey dadka ehelkaa ee gobolladaas ku dhaqan oo lagu waayey naf iyo maalba, wax kaloo badanba;

  • Annagoo og in cawaaqibxumada colaaddan oo kale laga dhaxlaa, tii shalay iyo tan maantaba, ay yihiin kuwa tafiir-xumo inakaga tegi kare tan iyo jiilasha dambbe(magac ahaan iyo mansab ahaanba) haddii aan si taxaddar, indheergaradnimo, samir iyo isu-sarriigasho ku dheehantahay loo dhammayn iyadoo wixii dhaawaca oo horay u dhacayna la wada dhayanahayo;

  • Annagoo garowsan inaan nabddu qaybsamin NABADANA dantennuna ku wada jirto oo ninna nabad ku naalloon karin haddii ninka deriskaagaa oo dantiinnu isku xirantahay gurigiisa uu colaad ku abaado;

  • Annagoo aad u dareensan in mushkiladda weyn ee maanta gobollada Puntland lugta jiidday, gadaalna uga dhigtay halkii ay horey u gaartay ama ay haatan higsanaysay uu asalkeedu ahaa khilaaf siyaasdeed oo la xakamaynwaayey waqtigii ku habboonaa, iyadoo uu jiro dareen ah in arrintu sii eersatay oo ay sii cakireen gacmo ka baxsan dadka Gobolka oo danaynaya inay dhunto nabadda iyo horumarka degaankaas ujeeddadoodu waxay rabto ha ahaato dhankay rabaanna ha ka soo jeedeene;

  • Annagoo xusuusan oo aad u qaddarinayna qiimaha dhabtaa oo ay leedahay walaalnimada, nabad ku wada noolaanshaha iyo muhimadda is-garabsiga si looga gudbo dhibaatooyinka waaweyn sida ee degaanka ka jira iyo isku-kaalmaysiga horumarka dhinacyadiisa kala duwan ee bulshooyinka degaanka iyo dantuba ka dhexeeyaan guud ahaan iyo, gaar ahaan, kuwa xiriir hoose oo ehelnimo ka dhexeeyo sida bulshada reer Puntland;

  • Annagoo tixgelinayna guud ahaan xaaladda maanta ka jirta dunida iyo gaar ahaan tan geeska Afrika iyo Somaaliyaba oo shucuubtu ay ku taamayaan horumar dhab ah iyo tartan xaddaaro ku salaysan kaasoo ka bilowda unug-degaameedyada hoose (i.e. regional states) oo ay ka mid tahay Puntland, kaasoo khasbaya tixgalinta dhaqankii wanaagsanaa ee nabad-ku-wada-noolaanshaha ka sokow iskaashi aan loo kala maarmin laguna kala tegi karin marna;

WAXAANNU QAADANNAY MAWQIFKA SOO SOCDA OO KU SALAYSAN BAAQNABADEED IYO BAADI-GOOB XAL WAARA OO KA DHACA PUNTLAND:

1. Waxaannu soo jeedinaynaa BAAQ NABADEED oo ku waajahan dhammaan shacabka ku nool gobollada Puntland: Waxaan ku baaqaybnaa in si deg-deg ah oo waarta loo joojiyo fikir kasta oo colaadeed oo dambbe iyo fal kasta oo taas sabab u noqon kara dhankuu rabo ha ka yimaadee iyadoo si gaara looga fogaanayo tillabo kasta oo dhankaas noo dhaqaajin karta (provocation) dhinac kastaba ha ka timaaddee;

2. Waxaan ugu baaqaynaa kuna dhiirrigalinaynaa annagoo ku garabtaagan dhammaan Madaxda iyo masuuliyiinta siyaasadeed, Hoggaammada dhaqanka iyo Isimada, culumada diinta, saraakiisha ciidamada iyo cuqaasha, ganacsatada, aqoonyahanka iyo urrurrada bulshada rayidkaa, ururrada haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshada iyo inta ay ku weyntahay DANTA UMMADDA iyo NABAD KU WADA NOOLAANSHAHA in laga WADA SHAQEEYO iyadoo isu-hagar-bax dheeri ah iyo isla-shaqayn dhab ah laga wada yeelanayo, islamarkaasna fursad kasta oo la heli karo la siinayo sidii XAL KAMA DAMBAYSA OO WAARA UNA WADA QALMA SHACABKA PUNTLAND loogu soo dabbaali lahaa gobolka oo dadkiisu aad baahi ugu qabaan WAX KASTA oo aan ka ahyn COLAAD AAN DHAMMAAN, KHILAAF, IS-BUR-BURIN (self-destruction) iyo KALA IRDHOW;

3. Waxaannu ka codsanaynaa dhammaan qaybaha kor ku xusan in ay la yimaadaan xilkasnimo dheeri ah, dul-qaad dheeri ah, sabir dheeri ah, is-qaddarin, isu-sarriigasho iyo in laga hormariyo wax kasta DANTA DADKA iyadoo meel la iska dhigayo wax kasta oo QAB SIYAASDEED ah oo keeni kara in taas laga durko. Waxaan soo jeedinaynaa inay cid kastaa MASUULIYADDEEDA ka soo baxdo laguna tixgaliyo; Waxaa hubaal ah in cid kasta oo jiritaanka iyoxuquuqda shacabka reer Puntland ku xadgudubta taariikhdu ay qori doonto;

4. Waxaannu uga tacsiyeynaynaa dhammaan ummadda reer Puntland dhibkii iyo khasaarihii ka ay keentay colaaddii dhawaan ka dhacday isla geyigaas. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynaynaa ehelkii iyo qaraabadii intii halkaas ku nafweyday ama ku naafowday;

5. Ugu dambayn waxaan NABAD ugu baaqaynaa dhammaan shacabka soomaliyeed ee walaalahaa meel kasta oo uu joogo annaga oo rajeynayna in aakhirtu sannadkani noqdo kii Soomaaliya ay ka bixi lahayd bur-burka iyo meesha madow ee ay taariikhda adduunka waayadaan dambe ka gashay, heshana Dawlad u qalanta Umadda Soomaaliyeed oo caadila. 

Dadka liiska saxiixay BAAQA NABADDA Beesha Cali Ibraahim {Reer Biciidyahan}

  1. Suldaan Cabdiraxman Aden Dude
  2. Suldaan C/salaam Sheekh Maxamud X. Axmed Nur
  3. Suldaan Cabdi Xaashi Albaab
  4. Suldaan Shirwac Cabdille
  5. Samadoon Mohamed Dahir Haji Ali
  6. Samadoon Xaashi Cali Xoosh
  7. Samadoon Adan Cabbdulle Axmednur (Aden Gaalkacyo)
  8. Samadoon Maxamud Siciid Qiilmawaaye
  9. Col. Maxamed Darwiish
  10. Col. Cabdiqani Suldan Xasan Suldan X. Cali Baalle
  11. Col. Max ed weli Sheekh Max’ed Qaalli
  12. Col. Cabdi Xaaji Cali Baalle (Urufey)
  13. Col. C/laahi Xaaji Cigaal (Shaxam)
  14. Col. Max'ed Xaashi Aw Yuusuf
  15. Col. Yaxye Max’ed Farax (Dhaladheere)
  16. Dr. Cabdiraxman C/llahi Saylici
  17. Dr. C/qadir Maxamud Axmed-Nur (Jazira)
  18. Prof. Warfa Cabdi Max’ed
  19. Dr. C/rashid Max’ed Dahir
  20. Eng. C/llahi Cabdulqadir Cali (Faatoxo)
  21. Dr. Bashir Sh. Max'ed M. Xuseen
  22. C/Xakiim Axmed Guuleed
  23. Eng. Max’ed Yusuf Tahliil
  24. Nuradin Sheikh Max’ed Cali Madow
  25. Sheekh C/risaq Warsame Farax Yare
  26. Bashir Xaashi Waraabe
  27. C/Weli Caarif
  28. Burhan Muuse X. Cali Baalle
  29. C/qadir C/llahi Warfaa
  30. Dahir Ashkir Cali Seed
  31. Muxyadiin Jamac Cali Xoosh
  32. C/risaaq Cali Baalle
  33. Xuseen Dayl Jaamac Gadood
  34. C/laahi Guuleed Looyaan
  35. C/laahi Samatar Jaamac (Ganlibaax)
  36. C/laahi Max'ed Adan (Galayar fuje)
  37. Xuseen Cali Dude
  38. Cali Sheekh Nuur
  39. C/wali Faraah Huluul
  40. Saciid Muuse Cabdi (Gooshe)
  41. Faysal Ahmed Xayle
  42. Qaasim Sheikh Maxamed Macallin
  43. Xuseen C/laahi Fagare
  44. Cali Xirsi Salaad (Cali Ciro)
  45. Max'ud Max'ed Qaali (MMJ)
  46. C/nuur Max'ed Cali Bare (Kulcade)
  47. Adan Ismacil Qordher (Adan qaylo)
  48. Cismaan Sheekh Yuusuf
  49. Mahad Daahir Baalle
  50. C/salaan Muuse Shirwac
  51. Adan Xasan Cawl
  52. Xabiibo Yaasiin
  53. Nadiifo Cali Dude
  54. Carfi Daahir Cali
  55. Ruqiyo Daahir Baale
  56. Sahal Rashiid Sheekh Sahal
  57. Salwaax Gardafiil
  58. Xuseen Max’ed Farax (Sanweyne)
  59. C/nasiib Sheekh Xuseen
  60. Yusuf Jaamac Daqarre
  61. Cabdi Xuseen Cumar
  62. Farax Max’ed Cigaal
  63. Shabeelow Jaamac Jirac
  64. Cabdiqaadir Binow
  65. Eng. Max’ed Ismaaciil Warsame
  66. Liibaan Ibraahim Dable
  67. Eng. Max’ed Xasan Dooy
  68. Dr. Max’ed Cali Warsame Dhegey
  69. C/nur Max’ed Kullane (Jalawsade)
  70. Jibriil Aden Galool
  71. Cabdi Cabdillahi Warsame (Japan)
  72. Max’ed C/qadir Cadceed
  73. C/kariin Salaad Xirsi Dacaley
  74. Cali C/dulle Beedaani
  75. Jamac Dheere
  76. C/nasir C/qadir Cadceed
  77. C/llahi Maxamed Farax
  78. Ilyaas Aden Galool
  79. Xalwo Xirsi Tinle
  80. Xaliima Macallin Timadheere
  81. Faduma Max’ed Farax
  82. Naciima Sheekh C/qadir
  83. Amina Garre
  84. Nasro Max’ud Aw Yusuf
  85. Ruqiyo Sheekh Xuseen
  86. Faduma Indhagaduud
  87. Layla Xaaji Yaxye
  88. Haweeya Faarax Hiirad
  89. Deeqa C/llahi Jiisow
  90. Samsama Max’ed Cali Madow
  91. Maryan Xaaji Max’ed Yaxye
  92. Mullaaxo Xaraare Oogcadde
  93. Faduma Max’ed Cali Nuux
  94. Nasro Muse Xaji Cali
  95. Cayni C/llahi Salaaf
  96. Luul C/llahiJapan
  97. Malyun Aden Qawle
  98. Hinda C/llahi Japan
  99. Khadro Aden Nuur
  100. Maryan Xaaji Farax Koronto
  101. Foos C/lle Beedaani
  102. Sacdiya Aden Galool
  103. Hodan Aden Galool
  104. Faduma Max’ed warsame
  105. C/qani Cumar Warsame
  106. Aden Max’ed Guhad
  107. C/ladiif Axmed Caydid
  108. C/raxman Axmed caydiid
  109. C/weli Carif
  110. Sahra Carif
  111. Khadra Xasan Cadceed
  112. Rooda C/llahi
  113. Sahal Cali Xasan Bulxan
  114. Deeqa Max’ud Jariir
  115. Axmed C/qadir Cali
  116. Jaabir C/qadir Cali
  117. C/kariin C/llahi Cali
  118. Maxamed Ottor
  119. C/xamiid Khaliif (Kaaba ku dhalay)
  120. Safiyo Caarif
  121. C/rashid Maxamud Cabdille Geesaweyne
  122. C/risaaq Ibraahim Cigaal
  123. Liibaan Cabdi Xuseen (Dhegacade)
  124. Cabdi Colaad Ciise
  125. Maxamed C/qaadir Xaashi
  126. Maxamed Cabdi Xuseen (Dhegacade)
  127. Carfoon Warsame Axmed
  128. Xaawo Ashkir Cilmi Kooshin
  129. Luul Dhoodi Maxamed
  130. Layla Xasan Xirsi Carab
  131. Safiya Xasan Siciid
  132. Caasha Maxamed Siciid
  133. Saalax Yuusuf Diiriye
  134. Liibaan Diiriye Aadan
  135. Maxamed C/laahi Xuseen (Xalus)
  136. Deeq Salaad Aadan
  137. Casayr Colaad Ciise
  138. Nabadoon Axmed Cuuke
  139. Seynab Sheekh Cali-geelle
  140. Saaqa Xasan Cabdille-Ashkir
  141. Faadumo C/qaadir Xuseen (Xalus)
  142. Nuuro Cali Jaamac Dheere
  143. Carfi Yuusuf Jariir
  144. Ifraax Maxamed Guure
  145. Hani Maxamed Xaashi
  146. Rooda Cabdullaahi Asad
  147. Fartuun Cali Baydaani
  148. Xasan Xuseen Ciise
  149. Nabaddon Xuseen Ciise Maxamud
  150. C/casiis Max'ed Warsame Farax
  151. Aamino Geelle Qaniin
  152. C/rashiid C/laahi Daafeedoow (Jeeri)
  153. Cabdi Xuseen Dhoorre
  154. Raawe Xuseen Madoobe
  155. C/risaaq Cali Sanweyne
  156. Axmed Aden Galool
  157. Cabdi guuleed Warfaa
  158. Caydruus Max’ed Jaamac
  159. Ismaciil Dahir Guure
  160. Maxamed Dahir Guure
  161. Deeq Cismaan Suudi
  162. Fadumo Koronto
  163. Sacdiyo Dhalamuro
  164. Ruqiyo C/qadir Xuseen Xalus
  165. Maxamed Axmednur Carab
  166. Cabdullahi Warsame Farah
  167. Maxamed Cabdullahi Warsame
  168. Maxamed Cabdulle
  169. Xasan Farah Yaxye
  170. Cabdullahi Adan Karahaye
  171. Cabdullahu Hussein
  172. Ahmed Cabdi Tumay
  173. Ciise Cali Jaamac
  174. Cali Farah
  175. Cabdirashiid Daahir Cali
  176. Cabdi Maxamed Xirsi
  177. Mahad Adan Xassan
  178. Cali Axmed Yusuf
  179. Saciid Haji Maxamed
  180. Jamal Xaji Maxamed
  181. Maxamed Diiriye Shire
  182. Cabdi Daahir Xasan
  183. Mustaf Farah Cigaal
  184. Cabdisamed Farah Cigaal
  185. Saciid Farah Cigaal
  186. Cabdullahi Cabdi Jamac

 

I  I  D  H  E  H

Baaqa waxaa lagala xiriirayaa:

Xiriirka guud ee Baaqa: shakiib2001@yahoo.co.uk 
 attogoshe@yahoo.com  (Kenya) 
hayle5@hotmail.com  (USA)
 faatoxo@hotmail.com   (UK)
 dayax70@hotmail.com  (Denmark)
 warsame112@hotmail.com  (Holland)
 guledhakim@yahoo.com  (Sweden iyo Norway)

 

January 8, 2003 


Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qorayaasha ku saxiixan

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD