SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

FAALLO: SAFARKA RIYAALE IYO SAADASHA DHAW

BYE MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
diridhaba2001@hotmail.com

ISLAMABAD, PAKISTAN.

Waxaa uun laga soo wareegay muddo kooban dooroshooyinkii guud ee deegaanada Somaliland taasi oo run ahaantii sababay in beesha caalamku indho naxariisleh ku soo jaleecan dalkan yar ee ku yaalla cidhifka beri ee qaaradda africa, ka dib halgan dheer oo bulshada reer Somaliland usoo geshay xornimada ay ku dheehantahay haybadda iyo sharafta ee ka daahirka ah qoqobnida iyo kala daadsanaanta, ayaa waxaa u suuro geshay shacabka Somaliland in ay usoo hoydaan libin salkeeda la taaban karo oo ay maanta midhaheeda hoos guranayaan, waxa uun laga soo wareegay 12 iyo toban sanno ka dib markii xorriyadda dalkani yar (SOMALILAND) sad loogu adkeeyey, caasimadda labaad ee Somaliland waa magaalada kala dhantaasha beriga iyo galbeedka dalka eh "BURCO" taasi oo waxgaradka iyo aqoonyahanka dalku ku goaansheen inay hantaan galladan cusub ee geyiga Somaliland usoo hoyotay, (qoraalka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

hadaba waxaa in la is xasuusiyo haboon intee in le,eg ayey gaadhsiisnayd ka dib sad u dhigii qaranka yar diplomasiyadda qabow ee qunyar socodka ah (cold and pacific diplomatic), ee qarankan yar, runtii sida ku cad taariikhda gaaban ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaa badiba soo maray Seddex madaxweyne oo kala danbeeyey, oo kii ugu danbeeyey haatan dul heehaabayo xaalad kala guur ah (transitional duration), waxay ahayd uun 1997 ka dib alla ha u naxariistee markii Madaxweynahii Geeriyooday ee Somaliland uu xidhiidh sal adag u sargooyey Jamhuuriyadda Somaliland ee Madaxweynaha uu u ahaa iyo dariska ugu dhaw ee Eithopia oo lagu tilmaamo quwadda geeska iyo beriga africa (power of east and horn of africa), Wuxuu alla ha u naxariiste Madaxweyne Cigaal ku tegay Ethiopa dhawr safar oo kala danbeeyey kuwaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey xarunta Ethiopia ee Addis ababa, uuna kal kulmay weedho diiran oo aanu ka filaynin, waxaa dhex maray Madaxweyne Cigaal iyo Prime minister zenawi, wada hadallo iyo heshiisyo wax ku ool ah oo saamaynayey dhinacyada dhaqalaha (economy), siyaasadda (political) isku socodka xuduudaha (boarder transportation), iyo weliba iskaashiga xagga amaaanka (security cooperation), taasi oo run ahaantii ka midho dhashay, waxaa hirgelintii ugu horaysay ee labada dhinac ka bilaabantay ka dib markii dawladda Somaliland u fasaxday dawladda Ethiopia oo xagga bedda ka xidhan inay isticmaasho marsada weyn ee BERBERA, kalana soo degto wixii agab ah, taasi oo deeqahii ugu horeeyey ee ay qaramada midoobay soo gaadhsiisay Ethiopia ay si toos ah u gaadhayeen ilaa iyo magaalooyinka Diridawa ilaa shiniile.

akhristow waxba yaan hadal indinku daaline, waxaa iyaduna ka danbaysay in xidhiidh aad u heersareeya dhex maro dawladda Somaliland iyo Dalka koonfur afrika (south africa) oo lagu tilmaamo inuu yahay dal u ah dhex dhexaad dhamaan dalalka ka rogma saxaraha galbeed ilaa iyo badhtamaha europe iyo gebiba afrikada madow, waxaa maskax kasta oo reer Somaliland ahi aanay iloobaynin sidii quruxda iyo xilkasnimada lahayd ee ay dawladda koonfur africa u qabishay Madaxweynaheeni geeriyooday ee Somaliland oo sannadkii la soo dhaafay ku geeriyooday xarunta koonfur africa ee (PRETORIA), waxaa dhawaan ay dawladda koonfur africa usoo dirtay somaliland wefdi heer qaran ah oo ka socda Madaxtooyada koonfur africa oo ay wada xajood yeesheen Madaxweyne Riyaale iyo dawladiisa, oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka Somaliland iyo weliba oomanaanta shacabka Somaliland ee ay u haraadanyahiin in ay beesha caalamka oo ay ugu horayso koonfur africa u aqoonsato Somaliland dal madax banaan oo ku biira beesha caalamka. 

Hadaba akhristow iyada oo aad odhan karto intii uu Madaxweynahan da,da yar waa Madaxweyne Riyaale eh xilka la wareegay waxaa bildhaamayey naacow aad u udgoon oo ka soo burqanaysa beesha caalamka ayaa waxaa uun dhawaan dhegaha reer Somaliland ee horumarka dalkooga u hantaaga ku soo dhacaysay in Dalka Senegal oo lagu tilmaamo inuu usoo maray saansaanta xorriyadeed tab aan ka dhicin tan haatan ay Somaliland dul heehaahabayso u gacan taageen madaxweyne Riyaale, wuxuu madaxweynaha Senegal Abdoulaye Wadde, marti qaad u fidiyey madaxweyne Riyaale isaga oo ku casuumay wadankiisa hooyo, waxaa hadaba la isweydiin kara maxaa haatan sababay in beesha caalamka u hantaagto Somaliland ka dib laba iyo toban sanno oo aanay ka helin wax gacan ah, taasi waxaa daliil marag ma doonta u noqonaysa ka dib dooroshooyinkii dalka ka dhacay ee u dhacay sida xilkasnimada leh ee ay uga dabaasheen shacabka dahabka ah ee reer somaliland, iyo weliba isku tiirsanaanta shacabka ee ay mar walba uga soo jeedaan meel walba, waxaa hadaba meesha iman karta muxuu tallow kala soo laaban kara Madaxweyne Riyaale Madaxweyne Wadde oo lagu tilmaamo inuu yahay Odayaasha africa, runtii waxa uun laga faaloon kara marka uu madaxweyne riyaale faaqidaad ka bixiyo bal waxa ay beesha caalamku usoo marisay Senegal Somaliland.

waxaanse jecelahay inaan ku soo gebgebaayo qoraalkayga "ICTIRAAFKA SOMALILAND WUXUU GACANTA HAATAN USAARANYAHAY SHACABKA SOMALILAND WAANA WAXAY KA YEELAN" "CIDINA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA"

I  I  D  H  E  H

Waxaa diyaariyey MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

ISLAMABAD, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com  

 

January 10, 2003 

FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA QOYSKA
Dumarka oo ka soo taagan guurka faraha badan! GUJI.. 2/1/3


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD