| 
         
     Waddanka Djibouti ayaa ku jiray 10 sano oo
    loogu magac daray " xilliga kala guurka" oo lagu xadidayey tirada
    axzaabta, ugu danbeynna lagu soo koobay affar oo kaliya, inkastoo shan xizbi
    aasaasmeen tan & markii lagu dhawaaqay in xilligi kala guur ah lagali
    doono. Djibouti ayaa tan iyo markii eey
    xornimadeeda ka dhifsatay France 1977 ilaa iyo 1992 ku nooleyd nidaamka
    halka xizbi, iyadoo sideeda xizbi ee kale ee la aqoonsadayna u bareereen
    ineey laba isbeheysi noqdaan. Isbeheysiga uu ka socdo Ismaaciil Cumar
    Gelle ayaa taageeray barnaamijka madaxweyne Gelle, oo ka soo jeeda Qabiilka
    Ciisaha, lana doortay 1999 ka gadaal markuu 22 sano ahaa waziirka koobaad,
    xilligii uu waddanka taladiisa hayey ' aabihii xornimada " Mr Xasan
    Guled Abtidon. Isbeheysiga Mucaaradka ee uu hormuudka ka
    yahay Axmed Diini oo ahaan jiray Ra'iisal wasaare hore oo fallaagoobay ayaa
    ololohooga siyaasadeed waxaa kamid ah in la dhimo awooda iyo fulinta ragga
    ku jira xizbiga talada haya. Mr Diini oo ah siyaasi dhashay 1932 ayaa
    doonaya inuu " si xoog leh " ugu soo laabto saaxada siyaasadeed,
    isla markaana waddankiisa " si barax tiran" ugu adeego, wuxuuna ka
    soo jeedaa Qabiilka Canfarta. Djibouti dadkeegu waa 600.000 oo kaliya,
    waxaana doorashooyinkan loo kala qeybiyey shan qeybood, iyadoo loo
    oggolaaday qof walibaayi inuu si xor ah meel walba ololihiisa siyaasadeed ka
    fushado, isla markaana warbaahinta ayaa si xor ah loogu oggolaaday inuu qof
    walbaayi borobagaandadiisa ka sii deysto. Waxaa soo Turjumay C/raxman Ceynte St Paul, MN ceyntejournalist@attbi.com ISHA:
 
http://www.aljazeera.net/news/arabic/2003/1/1-10-3.htm
     January 10, 2003  FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA
QOYSKADumarka oo ka soo taagan guurka
faraha badan! GUJI..
2/1/3
 
 
com
 
 |