SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
 Dowlada Britain oo soo saartay sharci ay ku xadideyso xuquuqda Qaxootiga soo gala Wadankeeda

Mohamud Yusuf Garre  
yusuf22@lycos.com 
London, UK

Dowlada Ingiriiska ayaa usbuucan soo saartay sharci cusub oo xadidaya xuquuqda ay dadka magangelyo doonka ahi ku leeyihiin wadankan.

Sharcigan oo dhaqan galay 8dii bishan January ayaa qoraya in dadka magangelyo doonka ah ee ku guuldareysta iney iska dhiibaan halka ey kasoo galeen wadanka sida garoomada diyaaradaha, dekedaha ama xuduuda uu wadanku la leeyahay dowladaha Yurub ineysan xaq u yeelan doonin kaalmooyin ay dowladu siin jirtay dadka magangelyo doonka ah.

  (qoraalka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Dowlada ayaa horay u siin jirtay dadka magangelyo doonka ah meeshey doonaan ha iska dhiibeene kaalmo isugu jirta degaan iyo cuno. Sidoo kale dadka iska dhiiba garoomada diyaaradaha iwm balse inta lagu tuhmo iney been sheegayaan ayaa iyaguna waayi doona kaalmada dowlada.

Dadka iska dhiiba goobaha ay kasoo galeen wadanka ayey dowladu cadeysan iney sidii caadiga aheydba heli doonaan degaan iyo cuno inta go'aan laga gaarayo codsigooda. Iyadoo sharcigan uu sidoo kale dhigayo in dadka ku guuldareysta codsigooda isla markaana transit ku soo noqday wadan sadexaad dib loogu celin doono wadankaas uu transitka ku soo noqday.

Kooxaha u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa cambaareeyey sharcigan cusub kuna tilmaamay mid waali ah isla markaana walaac abuuraya.

ururo isu tegey una dooda daryeelka dadka soo hijrooday (The Joint Council for the Welfare of Immigrants) ayaa muujiyey iney dacwad u gudbin doonaan maxkamada ugu sareysa wadanka iyagoo sheegay in sharcigan xadgudub ku yahay xuquuqda aadmiga.

Dad badan oo u ololeeya xuquuqda qaxootiga ayaa maalintii ay bishan January aheyd 8 oo uu sharcigan dhaqan galayey mudaaharaadyo ka dhigay xarunta wasaarada arimaha gudaha ee wadankan iyagoo halkaa ku kariyey maraq digaag si ay u muujinayeen gaajada uu sharcigan cusub ku keeni doono dadka.

Wasiirka arimaha gudaha ee wadankan marwada lagu magacaabo Beverley Hughes ayaa sheegtay in sharcigan cusub yahay isbedel muhiim ah oo lagu sameeyey xeerka magangelyo doonka.

"Sharcigan waa mid sahal ah cadaalad ku dhisan, siinayana kaalmo dadka u baahan xaqana u leh. Marna ma siineyno kaalmo kuwa sharci darada ku jooga wadankan kuna shaqeysta sharci darada xaqna aan u laheyn joogitaanka wadankan" sidaa waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha ee wadankan marwada lagu magacaabo Beverley Hughes.

Sharcigan cusub ayaa ah talaabo ay dowladu dooneyso iney ku yareyso dadka sida sharci darada ku soo gala wadankan. Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray doodo ku saabsan qaabka ay dowladu ula dhaqanto dadka magangelyo doonka ah kaasoo ay mudanayaal badan oo ku jira aqalka Baarlamaanka ku tilmaameen inuu yahay mid aad u jilicsan soona jiidanaya qaxooti fara badan. Waxaana fikradaas ayiday ninka ugu sareeya hay'ada qaxootiga ee qaramada midoobay (UNHCR) kaasoo bilowgii usbuucan idaacada BBC-da u sheegay in wadankan Britain uu qaatay tiro qaxooti ah oo ka badan intii uu xaqa u lahaa, isagoo intaa raaciyey in dowladaha kale ee dhaqaalaha leh ay qeyb ka qaataan qaxootigan ku soo qulqulaya wadankan Britain.

Baaritaan ay soo saarteen hay'adaha qaxootiga ayaa muujiyey in qaxootigii ugu badnaa ee sanadkii 2002 ay soo galeen wadankan Britain, halka ay ku soo xigeen wadamada Jarmalka iyo Mareykanka.

Dadka magangelyada weydiista wadankan ayaa sanadba sanadka ka dambeeya sii kordheysay laga soo bilaabo sanadkii 1982-dii.

Waa kuwan tobankii Jinsiyadood ee ugu tirada badnaa dadkii soo galay labaankii sano ee lasoo dhaafay:

1982

Poland 494
Ghana 407
Iraq 271
Ethiopia 90
Uganda 66
Pakistan 63
Czechoslovakia 55
Libya 48
Hungry 44
Turkey 38

1992

FR Yuguslavia 5635
Sri Lanka 2085
Turkey 1865
Pakistan 1700
Ghana 1600
Somalia 1575
India 1450
Ethiopia 880
Zaire 880
Iraq 700


2002

Iraq 4300
Zimbabwe 2105
Somalia 2095
Afghanistan 1555
China 955
Iran 725
Turkey 700
FR Yugoslavia 635
Czech Rep. 620
Sri Lanka 615

Waxaad shaxdan ka arkeysaa in Tobankii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaalidu ku jireen tobanka jinsiyadood ee ugu sareeya dadkii soo galay wadankan.

Mohamud Yusuf Garre  
yusuf22@lycos.com 
London, UK

I  I  D  H  E  H

January 13, 2003 

MAQAAL: SIYAAD BARRE DADKIISII WAA DABA SOCDAA, WELI MA DHIMAN!!! [WQ. Mohamud Yusuf Garre] 7/1/3

 QORAALADII HORE EE MAXAMUUD Y. GARRE:
  AKHRI HALKAN iyo HALKAN

 

FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA QOYSKA
Dumarka oo ka soo taagan guurka faraha badan! GUJI.. 2/1/3


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD