SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

SOCDAALKA RIYAALE IYO SAHAMINTA SHACABKA SOMALILAND

WAXAA DIYAARIYEY MOHAMED ABDI HASSAN
diridhaba2001@hotmail.com | Jan 19, 2003

KARACHI, PAKISTAN.

Waxaa maalintii shallayto ahayd markii ugu horaysay ka soo ifbaxay guriga Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland weedhahii ugu horeeyey ee Dawladdu ka soo saarto safarkii shanta cisho qaatay ee Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminaya ku soo mareen dalalka Senegal, Mali, iyo ethiopia, Sida warsaxafadeedkaa ka soo baxay madaxtooyada uu dhigaayey waxaa lagu sheegay "in diplomasiyadii qunyarsocodka ahayd ee Somaliland ay dayr laba iyo toban sanno xidhna uun maanta ay soo dumisay" waxaa kale oo warbixintaasi intaa ku dartay "In la mahadin doono shacbiga reer Somaliland na ay maanta u bildhaantay naacaw aad u udgoon" balse akhristow tallow arrintu sidaasi ma noqon doonta waxaa badiba maalmahii la soo dhaafay ay shacbiga reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda dalka ee Hargeisa isweydiinayeen Tallow halkay ku danbaysay xikmadii uu Madaxweyne Riyaale kala soo laabtay quruumaha afka faransiiska ku hadla? Tallow maxaa haatan caalamku idiinku soo mariyey waxaad ku taami lahaydeen galbeedka afrika?
(qoraalka dhan
Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Xaqiiqdii markaad u duur gesho ee aad nafsi ahaan isweydiiso ayaa waxa uun kugu dhalanaysa waa run eh Maxaa haatan sababay in Madaxweyne Riyaale intuu ka dul boodo qoomiyadaha loo yaqaano (common wealth) barwaaqo sooranka, uu ugu booday siyaasad lagu falanqaynayo luuqada faransiiska? tallow taasi maxay horseedi karta in dhawaan Somaliland loogu bushaareeyo in ay ku biirto (french speaking countries), mise waaba yaab eh waxay ka dhigantahay in beesha caalamku ay u garawday dalkan yar ee ku go,doonsana cidhifka beri ee qaaradda afrika muddo laba iyo toban sanno ah? su,aalahaasi iyo qaar kale oo farabadani waa kuwo ku soo noqnoqon kara maskaxda dadyow siyaasadda u dhuundaloola,

Madaxweyne Riyaale wuxuu soo hooyay guulo la taaban karo oo lagu taami karo mudadii gaabnayd ee uu xilka hayey taasi oo run ahaantii ka muuqata saansaanta siyaasadeed ee uu haatan Somaliland ugu sargoynayo, Waxa uun ay ahayd markii loo dhaariyey xilka madaxnimo markii uu socdaal kadis ah oo lagu dhaliilay ku tegay Jamhuuriyadda Jibouti, wuxuu Mudane Riyaale soo afjaray khilaaf daba dheeraaday oo u dhexeeyey labada Jamhuuriyadood oo dhaqanka iyo dheeftu ka dhexayso, wuxuu ugu yaboohay shacabka Jibouti iyo hogaankiisaba inay ka waantoobaan kala dhantaalidda dadka isku isirka ah, taasi waxay dheeftay in xuduudahii mudada go,doonsana xadhiga dib looga jaro, isku socodkii ganacsiga ee labada dhinac oo aan kalaba maarmi jirina uu halkiisi ka sii hanaqado, taasi waxaa Madaxweyne Riyaale uga danbaysay safar kale oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey oo uu ku tegay xarunta Waddanka Ethiopia, ahna Caasimadda Midnimada afrika waa Addis ababa, waxaa Madaarka caalamiga ah ee BOOLI INTERNATIONAL AIRPORT, loo dhigay carpet cas oo ay dhinacyada ka yaallan ubax iskugu jira casaan cadaan, iyo akhtar oo ka turjumaya calanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,

waxaa Madaxweynaha goobtaasi kusoo dhaweeyey wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia Doctor zium masvin iyo saraakiil ka tirsan dawladda Ethiopia, waxay madaxweynaha kulan qaatay saacado yeeshen Prime minister Zenawi oo lagu gorfeeyey xaaladaha kala gedisan ee mandaqadda beriga iyo geeska africa, khaasatan xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada bulsho waa Somaliland iyo Ethiopia eh, waxaa taasi sabab u noqotay in madaxweyne Riyaale fursad u helo inuu balaadhiyo xidhiidhka Somaliland la leedahay afrikada madow, waxa uun ay ahayd inyar ka hor dooroshooyinkii guud ee deeganada markii Madaxweynaha dalka Senegal Mudane Abdoulaye Wadde uu u gacan haadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uguna yaboohay inay isku arkaan xarunta waddankiisa ee Dhaka, waa xaruntii looga tallin jiray dhamaan quruumaha madow ee ku hadla luuqadda faransiiska, waa dal muddo dheer ku jiray halgan uu kaga xoroobi lahaa maxmiyadii faransiiska badiba dadku waa bulsho u badan muslimiin %94, waxay haystaan madaahiibta loo yaqaan suufiyada, waa dal ku caan ah kubadda cagta oo sida la wada xasuusanyahay wacdaro ka dhigay sannaddii la soo dhaafay koobkii addunka ee lagu qabtay waddamada Japan iyo koonfur korea, akhristow waxba yaanan idinku daalin taariikhda ay senegal ku leedahay beelweynta caalamka eh, wuxuu madaxweyne Riyaale u martiyey Madaxweyne Abdoulaye muddo afar iyo labaatan sacadood ah, waxay gorfeeyen cilaaqad haatan uun indhahu u jeexmeen, wuxuu Mudane Wadde tilmaamay Madaxweyne Riyaale dariiqyo dahsoona oo bildhaantoodu muddo ka qarsoonayd siyaasadda sahayda yar ee Somaliland, waxaa uu Madaxweynahu si deg deg ah uga soo kicitimay wadanka Senegal isaga oo wadanka Mali ku soo laabtay oo la filaayo inuu Madaxweynaha Senegal farta ugu fiiqay Riyaale iyo wefdigiisa, wuxuu madaxweynahu halkaasna ku qaatay wada hadalo gaaban inkasta oo aanay saxaafaddu ka daahfurin cidday madaxwynaha halkaasi ku kulmeen, wuxuu madaxweyne Riyaale iyo wafdigiisu soo jibaaxeen safar aad u dheer oo ay soo dul mareen xeebaha north atlentic oceans ka ilaa ay afka la soo galeen xarunta beriga africa oo ay markii horaba ka soo kicitimeen, waxay halkaasna ku qaateen wada hadallo aad u gun dheera oo ay la yeesheen, safiiro iyo diplomasiyiin reer galbeed ah oo ay ka ballansanayeen qaddiyadda Somaliland.

I  I  D  H  E  H

 Akhristow si kastaba arrintu ha ahaatee Waxaa guriga Madaxtooyada ee Somaliland shallay uun sidaan horaba usoo tibaaxay daaha ka qaadeen inay sii dayn doonan war saxafadeed ama si kalaba aan u idhaahde war murtiyeed todobaadle ah oo ay ku shaacin doonan dhamaan saxaafadda Somaliland kuwaasi oo bay yidhaahdeen u noqon doona GUUL aan weli nooceeda oo kale hore loo arag, waxay intaa ku dareen in la Mahadin doono. waxaynu sugnaaba waa nuqulada war murtiyeedka Riyaale iyo tafatirka afhayeenkiisa Doctor Cabdi Idiris ducaale. iyo todobaadada fooda inagu soo haya.

Waxaa isku duba riday oo soo diyaariyey MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

January 19, 2003 

FAALLO: Safarkii Riyaale iyo Saadaasha Dhaw 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD